Home / Abwaan (page 3)

Abwaan

Dabshid

Dabshidku waa habeenka ugu horreeya ee bilawga sannad dhaqmeedka Soomaalida. Sidaas oo kale waxaa loo yaqaannaa NAYRUUSKA; ama KALA GUURKA, isaga oo mar walba dhaca mid kamid ah afarta habeen ee ugu horraysa bisha Ogoosto. Taariikhyahanno badan oo isugu jira Soomaali iyo ajanabi intaba, waxa ay rumaysanyihiiin suuragalnimada in taariikhda ...

Read More »

Farraarre (Mars)

Farraarre waa meeraha afraad ee bah-qorraxeedka, waana meeraha dhulka ugu dhow, baaxad ahaanna waxa uu le’eg yahay qiyaastii dhulka badhkii, oo dhexroorka Dhulku waa 12,756 km, ka Farraarrena waa 6,787 km. Oogadiisu waxay leedahay midab casuus ah sida dhulka hawdka ah, waxaana lagu naanaysaa Meeraha Cas. Gibilka hawo ee ku hareeraysani ...

Read More »

Xadiis

Af-Carabi ahaan erayga xadiis (الحديث) waa wax cusub. Macnihiisa labaad waa war (الخبر). Dhanka eraybixinta, xadiisku waa war la xidhiidha hadalkii, falkii, tilmaantii, iyo dhacdooyinkii Nebiga- sallal Laahu calayhi wasallam-. Xadiiska Nebiga- sallal Laahu calayhi wasallam- waxaa kale oo lagu tilmaamaa sunnah (السنة). Qur’aanka kaddib, xadiisku waa asalka labaad ee diinta ...

Read More »

Waxaraxir/ Xiddig Waaberi/ Maqala Xidhxidh/ Sahra (Venus)

Waa meeraha labaad ee bah-qorraxeedka marka dhanka qorraxda laga soo tiriyo. Meerahani waxa uu muuqdaa qorraxdu marka ay dhacdo ama sii dhacayso, waana walaxda ugu iftiinka badan ee cirka ka muuqata. Meerahani waxaa kale oo la arkaa marka waagu dillaaco, oo waxa aynu u naqaannaa xiddigta waaberi. Meerahan iyo dhulku ...

Read More »

Suugaan

Hidde ahaan, “suugaan” waa erey tilmaamaya mucda ama bilicda wax aayo leh. Sida ay beeralaydu ereygan u adeegsato, marka la sikilo badarka, budada dhuuxa ah ayaa la yiraahdaa “suugaan.” Isla ereygan sida ay raacatadu u adeegsato, dhul roob ku hooray, oo dhirtii ku beernayd ay qurux iyo qaayo la magooshay, ...

Read More »

Dusaa/ Cudaarid (Mercury)

Waa meeraha ugu dhow qorraxda, uguna yar siddeedda meere ee bah-qorraxeedka. Xilliga la arki karaa waa uu kooban yahay oo badanaa qorraxdhaca wax yar kaddib ayaa uu isaguna dhacaa. Waxyar ayaa uu ka weyn yahay dayaxeenna, laakiin oogada waa ay isaga egyihiin. Dusaa ma laha gibil hawo (atmosphere) oo ku ...

Read More »

Fiqh

Af-Carabi ahaan erayga fiqh (الفِقه) waa fahmid, garasho iyo aqoon wanaagsan u yeelasho. Waa na sida Qur’aanku u adeegsado erayga fiqh. يَفْقَهُوا قَوْلِي Ha fahmaan hadalkayga e. Daahaa: 28 قَالُوا يَا شُعَيْبُ مَا نَفْقَهُ كَثِيرًا مِّمَّا تَقُولُ Waxa ay yidhaahdeen Shucayboow waxa aad sheegayso wax badan ka fahmi mayno. Huud: 91 لا يَكَادُونَ ...

Read More »

Madoobaad

Dayuxu wuxuu ku meeraa dhulka, isaga oo halkii wareegba qaadanaya ilaa 29 maalmood. Halkii wareeg wuxuu ka dhigan yahay hal bil. 27-28 habeen ayuu dayuxu muuqdaa, habeen kastana meel gaar ah ayuu joogaa. Soomaalidu meelahan waxay u yaqaanaan midkiiba GOD (wadar: GODAD. 28 ka god magacyadooda hoos ka akhriso). Marka ...

Read More »

Caashuuraa’

Caashuuraa waa maalinta tobnaad ee bisha Muxarram, waana maalin aad u fadli badan. Markii uu Nebigu- sallal Laahu calayhi wasallama- tagey Madiina ayaa wuxuu arkay Yuhuuddii oo soomaysa maalinkaas. Markii uu waraystayna waxay u sheegeen inuu yahay maalintii Alle uu Nebi Muuse- calayhis salaam- iyo dadkiisii ka badbaadiyey Fircoon. Nebigu- ...

Read More »

Taariikhda Calanka Soomaaliya

Dhammaadkii Luulyo 1954 tii ayaa Danjire Maxamad Kamaaludiin Saalax oo ka mid ahaa saddex danjire (Masar, Koolombiya, Filibbiin) oo ay Qaramada Midoobay (UN) u soo dirtay Soomaliya 1949 kii si ay Talyaaniga u la ogaadaan sida Tobankaa sano loogu diyaarinayo koofurta Soomaaliya si ay u hanato dawladnimadooda. Danjire Kamaaludiin wuxuu ...

Read More »