Home / Abwaan / Dusaa/ Cudaarid (Mercury)

Dusaa/ Cudaarid (Mercury)

Waa meeraha ugu dhow qorraxda, uguna yar siddeedda meere ee bah-qorraxeedka. Xilliga la arki karaa waa uu kooban yahay oo badanaa qorraxdhaca wax yar kaddib ayaa uu isaguna dhacaa. Waxyar ayaa uu ka weyn yahay dayaxeenna, laakiin oogada waa ay isaga egyihiin.

dayax_vs_dusaa
Bidix: Dayaxa. Midig: Dusaa.

Dusaa ma laha gibil hawo (atmosphere) oo ku hareeraysan. Taasi waxa ay sababtaa isbeddel aad u ballaadhan oo ku dhaca heerkulkiisa. Heerkulka dhanka qorraxda xigaa (maalin) waxa uu gaadhaa 430oC, halka dhanka qorraxda ka sii jeeda (habeen) heerkulkiisu uu gaadhi karo -170oC. Waa isbeddel ilaa 600oC ah.

Meerahan wareeggiisu uma dhakso badna sida dhulka, oo waxa uu dhidibkiisa ku wareegaa hal mar muddo u dhiganta 58.9 maalmaha dhulka. Sidaas awgeed, halkiisa maalin waxa ay u dhigantaa 58.9 maalin dhuleed. 88 kii maalin dhulba hal mar ayaa uu qorraxda ku wareegaa. Sidaas awgeed, sannadkiisu waa uu ka yaryahay labadiisa maalmood. Sannadka dhulku waa 365 maalin dhuleed.

Sannadkii 1973 ayaa NASA waxa ay dirtay fagaag buldiye (space probe) la odhan jirey MARINER 10.

mariner10_NASA
Mariner 10

Sannadkii 2004 tiina waxa ay direen mid kale oo la odhan jirey MESSENGER. Messenger waxa uu qaaday ilaa 100, 000 oo sawir, isaga oo dhow jeer ku wareegay meeraha idilkii. 30 kii Abriil 2015 ayaa uu ku dhacay oogada meeraha kaddib markii shiidaalkii ka dhammaaday. Messenger waxa uu ku xambaarnaa qalab badan oo xog kala duwan ka ururiyey meerahaas oo aqoonta aynu u leennahay ay ka yar tahay ta kuwa kale.

Halkan ka daawo warbixin ku saabsan Messenger iyo waxyaalihii uu qabtay.

 

 

 

Print Friendly

Comments

comments

Check Also

Farraarre (Mars)

Farraarre waa meeraha afraad ee bah-qorraxeedka, waana meeraha dhulka ugu dhow, baaxad ahaanna waxa uu ...

Waxaraxir/ Xiddig Waaberi/ Maqala Xidhxidh/ Sahra (Venus)

Waa meeraha labaad ee bah-qorraxeedka marka dhanka qorraxda laga soo tiriyo. Meerahani waxa uu muuqdaa ...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *