Dayuxu wuxuu ku meeraa dhulka, isaga oo halkii wareegba qaadanaya ilaa 29 maalmood. Halkii wareeg wuxuu ka dhigan yahay hal bil. 27-28 habeen ayuu dayuxu muuqdaa, habeen kastana meel gaar ah ayuu joogaa. Soomaalidu meelahan waxay u yaqaanaan midkiiba GOD (wadar: GODAD. 28 ka god magacyadooda hoos ka akhriso).
Marka bishu dhalato (godka ugu horreeya) waxaa isku toosan cadceedda, dayaxa iyo dhulka, oo dayaxa ayaa u dhexeeya cadceedda iyo dhulka. Haddii ay si qumman isugu toosaan oo ay xarriiq toosan ku wada beegmaan, dayaxa hadhkiisa ayaa dhulka ku dhaca waxaana ka dhalasha qorrax madoobaad. Qorrax madoobaadka buuxa waxaa laga arkaa meesha hadhka dayuxu ugu madoow yahay (ambara), halka inta kale laga arko qorrax badhmadoobaad (benambara).
Dayuxu marka uu buuxsamo habeenka 14 aad, wuxuu socday xagal 180 darajo ah, wuxuuna dhulka ka maraa dhanka kale. Sidaa awgeed, dhulku wuxuu u dhexeeyaa cadceedda iyo dayaxa. Haddii ay si qumman isugu beegmaan, hadhka dhulka ayaa ku dhaca dayaxa oo waxaa ka dhasha dayax madoobaad.
Sannadkii waxaa dhaca ugu yaraan laba qorrax madoobaad iyo laba dayax madoobaad, laakiin inta badan ma aha kuwo buuxa ee waa badhmadoobaadyo.
Maadaama si fiican loo yaqaanno wareegga dayaxa iyo hadba meesha uu joogo, way fududdahay in la ogaado marka ay isku beegmayaan, waxaana lagu keeni karaa xisaab cid kastaa baran karto. Ma aha cilmul qayb iyo wax la mid ah toona. Dadka iska xamaasadaysan ee diinta ku been abuuranayaa Alle ha ka cabsadaan. Ilaa iyo xilli aad u fog ayaa la sii saadaalin jirey waana wax sugan.
Ibnu Taymiyah -Alle ha u naxariisto’e- ayaa la weydiiyey arrintan. Wuxuuna ku jawaabay:
“Dayax madoobaadka iyo qorrax madoobaadku waxay leeyihiin xilliyo u go’an, sida dhalashada bishu ay u leedahay xilli u go’an… Sida aysan bishu uga badan karin soddon ayaa Alle caadada uga dhigay in qorraxdu madoobaato xilliga uu qarsoon yahay dayuxu (marka bisha cusubi dhalanayso), dayuxuna uu madoobaado marka uu buuxsamo.” Sheekhu isaga oo jawaabtiisii sii wada waxa uu yidhi: “dayax madoobaadka iyo qorrax madoobaadka waxaa ogaan kara qofkii yaqaanna xisaabta meeritaankooda (dayaxa iyo qorraxda), kan xisaabinayaa waxa uu sheegayaana ka ma mid ah cilmul qaybka…” Isla fatwadaa qayb kale oo ka mid ah wuxuu ku yidhi: “Waxyaalaha xisaabta lagu ogaan karo waxaa ka mid ah garashada wakhtiga xilliyada, sida: bilowga gu’ga, xagaaga, dayrta iyo jiilaalka, maxaa yeelay cadceeddu (? armay dayaxa tahay) waxay barbar taallaa xiddigaha… Fuqahada kuwa yidhaahda qorraxdu waxay madoobaan kartaa xilli aan ahayn marka dayuxu qarsoon yahay wuu khaldamay wuxuuna ka hadlay waxa uusan aqoon u lahayn…Haddii dadka xisaabta yaqaannaa ay isku raacaan in uu dhacayo ku ma gefaan.”
Fatwadaa oo dhammaystiran halkan ka akhri
Haddii aynu intaa isla ogaannay, sannadkan 2016 goorma ayaa la saadaalinayaa in qorrax madoobaad iyo dayax madoobaad dhacaan? Hoos ka eeg taariikhaha la filayo:
Saadaasha Madoobaadyada 2016:
9 Maarso 2016: Qorrax madoobaad dhammaystiran (meelaha qaar)
23 Maarso 2016: Dayax badhmadoobaad
1 Sibtambar 2016: Qorrax madoobaad
16 Simbtambar 2016: Dayax badhmadoobaad
Godadka Dayaxa
- Godan (Faraaci)
- Listan
- Urur (Laxo/ Lixo)
- Cadaad (Lax-mar/ Galgaal)
- Agaalli-Waranley (Agaalli-Cas)
- Agaalli-Caanood
- Afaggaal
- Naaf-Cadde
- Naaf-Madoobe
- Tar
- Majin
- Kuxdin Awr
- Kuxdin-Naaso-Gaal
- Dirir
- Garbo
- Bayaxow
- Gudban
- Lib-Cas
- Xoorrey
- Mareego-Dheer
- Madhan
- Faruur-Cirir
- Jed Kabarre
- Jed Dhirigle
- Jed Gacanle
- Jed-Durruqle
- Duuganti
- Farangaag (Meecaad)
Fiiro gaar ah: gobollada qaarkood way ku kala duwan yihiin magacyadan qaarkood iyo sida ay u kala horreeyaan.
Aad iyo Aad ayaad u mahadsan Mudane Waxaad si wayn Noo Dareen Siisay waxa uu yahay Dayax madobaad ama Qorax Madobaad.
Dadmeenuna Badanaa Waxay Wax Kashegaan Wax Aanay Aqoon Ulahay Ayagoo Iska dhagatiraya Aayaada Alle ee Ogadigaya In Ay Dadku Kahadlaan Wax Aysan Aqoon Ulahayn,
Waad Mahad santahay Marlabaad.
Alle ha ku sharfo, walaal. Mahadsanid.