Farraarre waa meeraha afraad ee bah-qorraxeedka, waana meeraha dhulka ugu dhow, baaxad ahaanna waxa uu le’eg yahay qiyaastii dhulka badhkii, oo dhexroorka Dhulku waa 12,756 km, ka Farraarrena waa 6,787 km. Oogadiisu waxay leedahay midab casuus ah sida dhulka hawdka ah, waxaana lagu naanaysaa Meeraha Cas.
Gibilka hawo ee ku hareeraysani waa mid khafiif ah oo u badan kaarboon laba-oksaaydh (95%) iyo naaytrojiin (3%), cadaadiskiisuna ilaa 100 jeer ayaa uu ka hooseeyaa cadaadiska hawada dhulka. Sidaas awgeed waa ay adag tahay in lagu neefsado. Heerkulka meerahani waa uu hooseeyaa waxa uuna u dhexeeyaa -153oC ilaa 20 oC. Cadaadiska hawo ee hooseeya iyo heerkulkaas qaboowi waxa ay sababaan in aysan oogadiisu lahaanin biyo hoor ah. Biyuhu markiiba way berfayaan ama uumibaxayaan.
Wareeggiisu aad ayaa uu ugu dhow yahay wareegga dhulka oo maalintiisu waa 24.6 saacad dhuleed, laakiin sannadkiisu waa uu dheeryahay oo waa 1.88 sannad dhuleed.
Fagaagbuldiyaha Curiosity oo ku sugan oogada Farraarre.