Home / Abwaan / Fiqh

Fiqh

Af-Carabi ahaan erayga fiqh (الفِقه) waa fahmid, garasho iyo aqoon wanaagsan u yeelasho. Waa na sida Qur’aanku u adeegsado erayga fiqh.

يَفْقَهُوا قَوْلِي

Ha fahmaan hadalkayga e.

Daahaa: 28

قَالُوا يَا شُعَيْبُ مَا نَفْقَهُ كَثِيرًا مِّمَّا تَقُولُ

Waxa ay yidhaahdeen Shucayboow waxa aad sheegayso wax badan ka fahmi mayno.

Huud: 91

لا يَكَادُونَ يَفْقَهُونَ قَوْلا

Aan fahmaynin hadalka

Al-Kahf: 93

Dhanka eraybixinta, fiqhigu waa laan ka mid ah aqoonta diinta (العلوم الشرعية), oo ku saabsan garashada iyo dhiraandhirinta xeerarka ama axkaamta shareecada, ee ay qaadanayaan falalka aadanaha xeerku qabto (qofka waalan ama ilmuhu kuma jiraan), iyada oo la cuskanayo caddaymo (daliillo) faahfaahsan.

Haddii aan sii faahfaahinno, fiqhigu kuma saabsana dadku waxa ay aaminsan yihiin (caqiido), ee waxa uu ku saabsan yahay falalkooda (acmaal). Sidaas awgeed, inta badan kutubta fiqhiga ku arki maysid masalooyin caqiido ku saabsan.

Xukunka uu falku qaadanayaa waa in uu ku salaysan yahay caddayn shareecada ka timid, sida aayad Qur’aan ah, xadiis sugan, ijmaac culumo (go’aan culumadu ku midoobeen), ama qiyaas (fal aan caddayn toos ah loo haynin laakiin fal kale oo u eg looga qiyaas qaato).

Tusaalaha xukun Qur’aanka ku sugan: in salaaddu waajib tahay.

Tusaalaha xukun xadiis ku sugan: in salaadda duhur afar rakcadood tahay.

Tusaalaha xukun ijmaac ku sugan: in dhiigga badan ee soconayaa nijaaso yahay.

Tusaalaha xukun qiyaas u sugan: Qur’aanku waxa uu sheegay in khamrigu xaaraan yahay. Sida xadiisku caddeeyeyna sababta loo xaaraameeyey waa in uu qofka maankiisa dooriyo. Haddaba, markii aynu aragno wax cusub oo maanka dooriya waxa aynu leennahay waa xaaraan, innaga oo uga qiyaas qaadanayna khamriga.

Axkaamta fiqhiga waxaa loo kala qaybin karaa labo: takliifi iyo wadci. Xukunka takliifiga ahi waxa uu ku dhacaa fal la iska rabo ama la is amrayo. Halka xukunka wadciga ahi uu faallo ka bixinayo falkii iyo sida uu u dhacay. Tusaale ahaan, salaaddu waa fal la iska rabo oo waajib ah (xukun takliifi ah), laakiin tukashada ka hor waxaa shardi ah weyso (xukun wadci). Salaaddii weyso la’aan lagu tukadaa ansixi mayso (xukun wadci).

Xukunka takliifiga ahi waxa uu noqon karaa shan middood:

  1. Waajib (farad/ faral): fal la iska rabo samayntiisa, sida shanta salaadood.
  2. Xaraam (xaaraan): fal la iska rabo ka fogaantiisa, sida cabbidda khamriga.
  3. Mubaax (xalaal): fal iska bannaan, sida cunidda, cabbidda, ganacsiga, iwm.
  4. Manduub (mustaxab/ sunne): fal samayntiisu wanaagsan tahay, sida salaadda sunnada ah.
  5. Makruuh: fal samayntiisa laga wanaagsan yahay, sida ku qaadashada ama ku bixinta gacanta bidix.

Xukunka wadciga ahi isaguna waxa uu noqon karaa shan middood:

  1. Sabab: waxa uu astaan iyo sabab u yahay fal, sida dhalashada bisha Ramadaan oo sabab u ah soonka.
  2. Shardi: la’aantiis falku gudi maayo, sida weysada oo shardi u ah ansixidda salaadda.
  3. Maanic: waxa uu diidayaa in xukunkii fulo, sida xukunka waajibnimada salaadda oo aan ku fulaynin haweenayda caadada qabta.
  4. Saxiix (ansaxaya /gudaya/ fulaya): waxa uu tilmaamayaa fal sababtiisii la helay, shardiyadiina buuxsaday, wax maanic ah oo diidayaana uusan jirin.
  5. Faasid (baadil, ansiximaayo/ gudimaayo/fulimaayo): waxa uu tilmaamayaa fal aan saxiix ahayn oo aan saddexda hore buuxsanin. Sidaas awgeedna aan gudaynin haddii uu cibaado yahay, haddii uu mucaamalo (sida meher) yahayna aan fuleynin.

Kutubta fiqhigu, sida badan, waxa ay u qaybsan yihiin labo: fiqhi cibaadooyin oo ku saabsan axkaamta salaadda, soonka, sakada, iyo wixii la mid ah, iyo fiqhi mucaamalaat oo ku saabsan axkaamta wada noolaanshaha iyo wada dhaqanka dadka dhexdooda ah, iyo ka u dhexeeya dadka iyo noolaha kale. Mucaamalaadka waxaa ka mid ah guurka, ganacsiga, iyo xadgudubyada dadka dhex mara.

Qofka ku xeeldheer fiqhiga garashadiisa waxaa loo yaqaannaa Faqiih (wadar: fuqahaa’).

Dadku isku garaad iyo isku garasho toona ma aha. Taasna waxaa ka dhasha kala duwanaansho aragtiyeed oo ay in badan adag tahay in la isu keeno. Ku kala duwanaanshaha aqoonta iyo fahanka daliilka xukunka laga soo dhiraandhirinayo ayaa dhaliyey in meelaha qaar culumadii isku khilaafaan xukunka ama qaabka falku qaadanayo. Waa na arrinta keentay in mad’habyo (madaahib) kala duwani samaysmaan.

Print Friendly

Comments

comments

Check Also

Hubinta Sugnaanta Xadiiska

Waxyiga Ilaahay noo soo dhiibay waa quraanka iyo xadiiska oo ah hadalkii iyo dhaqankii Rasuulka ...

Xadiis

Af-Carabi ahaan erayga xadiis (الحديث) waa wax cusub. Macnihiisa labaad waa war (الخبر). Dhanka eraybixinta, xadiisku ...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *