Home / Abwaan (page 2)

Abwaan

Raage (Saturn)

Waa meeraha labaad ee ugu weyn bah-qorraxeedka. Waxaa gudihiisa geli kara ilaa 763 dhul! In kasta oo uu aad u weyn yahay, cuf badan ma laha oo dhulkaa 8 jeer ka cuf weyn. Biyahaa ka cuf weyn, sidaas awgeedna waxaa la yidhaahdaa haddii la sameeyo baaf biyo oo meerahan qaadi ...

Read More »

Faarax Maxamed Jaamac Cawl

Faarax Maxamed Jaamac “Cawl” waa qoraa Soomaaliyeed oo caan ah, kuna dhashay degmada Laasqoray ee gobolka Sanaag, taariikhdu markii ay ahayd 1937 kii. Waxbarashada dugsiyada hoose waxa uu kusoo qaatay magaalada Cadan ee dalka Yaman. Sannadkii 1952 kii ayaa uu Hargeysa ku soo noqday, halkaas oo uu ka galay dugsiga ...

Read More »

Gud-Yicib

“Adaa karis iyo kulayl ku cunee Kalmoon Yicib kayd ma leeyahay?” Magacyada Af soomaali: Yicib. dad Jicib u qorayana waan arkay. Af ingiriisi: Yeheb. Saynis: Cordeauxia edulis. Yicibku geed ma aha ee waa miro.  Geedka ay mirahaasi ka baxaan waxa la yidhaahdaa “Gud”. Waa geed xor ah (wild) oo cid ...

Read More »

Surud Cad/ Surad Cad

Waa buurta ugu dheer Soomaaliya, waxa ayna ka tirsan tahay buuraha Calmadow. Waxa ay badda ka korraysaa ilaa 2,408 mitir. Waa dhul qaboow oo roob badan. Surud Cad waxay u dhowdahay magaalada Ceerigaabo, Sanaag. Xaaji Aadan Af-qallooc ayaa gabaygiisi Ceerigaabo waxa uu ku yidhi: Mandartiyo25 kamaalkaad26 Lubnaan ugu malaysaaye Manaakh27 iyo hawaba ...

Read More »

Cirjiidh (Jupiter)

Waa meeraha shanaad, uguna weyn bah qorraxeedka. Toddobada meere ee kale oo la isku daray ayaa uu 2.5 jeer ka cuf weyn yahay. Toddobada kaleba gudihiisa ayaa ay geli karaan. Dhulka haddii la barbardhigo, waxa uu qaadi karaa 1300 oo dhul! Dayaxa iyo Waxaraxir (Venus) marka laga reebo, waa jirka ...

Read More »

Bayooloji: Nolol-Aqoon (Biology)

Waa laanta sayniska dabiiciga ah ee la xidhiidha barashada noolaha iyo hababkooda nololeed. Eraygu waxa uu kasoo jeedaa laba eray oo af-Giriig ah oo la israaciyey; bios “nolol”, iyo, ,-logos “barashada”. Maanta laamaha saynisku aad baa ay isugu darsameen, soohdimihii u dhaxayn jireyna waa ay sii baaba’ayaan. Sidaas awgeed, laan ...

Read More »

Fuulay/ Jiiq

Fuulay ama Jiiq (Acacia Zanzibarica) waa geed qodaxle yar, ilaa 9m kor u baxa, lehna qodax toosan, marmar na salka ka buuran, jirriddu marka uu geedku curdun yahay waxa ay leedahay midab cagaar caddaan xigeen ah, marka uu weynaadana isu roga midabka qorfaha, ubaxiisuna waa basali dhalaal ah. Noocyada geedkaan ...

Read More »

Midowga Yurub (European Union, EU)

Midowga Yurub waa isutag dhaqaale iyo siyaasadeed oo ay xubno ka yihiin 28 dal oo ku yaal qaaradda Yurub. Dagaalkii labaad ee dunida kadib, reer yurub waxay go’aansadeen in ay ka heshiiyaan sidii ay nabad ugu wada noolaan lahaayeen, dhaqaalahana isaga kaashan lahaayeen, halkii ay dagaal joogto ah isku burburin ...

Read More »

Cabdillaahi Suldaan Timacadde

Cabdillaahi Suldaan Maxamed, Timacadde, waxaa uu 1920 ku dhashay Galoolay, Gebiley. Keligii ayaa hooyadii dhashay, oo curradna waa uu u ahaa Aabbihii. Isla degmadaa uu ku dhashay oo ay beer ku lahaayeen ayaa uu dugsi Qur’aan ka bilaabay. Maaddaama aanu ciyaaraha ka maqnaan jirin magacan Timacadde waa ka u baxay. ...

Read More »

Beder (بدر الكبرى)

Dagaalkii Beder waxa uu dhacay 17 kii Ramadaan, sannadkii labaad ee hijrada. Waxa uu dhex maray Muslimiintii oo uu hoggaaminayey Nebigu- sallal Laahu calayhi wasallam- iyo mushrikiintii Quraysheed oo uu hoggaaminayey Abuu Jahal. Waa dagaalkii ugu horreeyey ee ay si toos ah Muslimiintu u la galeen gaalada. Goobta dagaalku ka ...

Read More »