Home / Abwaan / Waxaraxir/ Xiddig Waaberi/ Maqala Xidhxidh/ Sahra (Venus)

Waxaraxir/ Xiddig Waaberi/ Maqala Xidhxidh/ Sahra (Venus)

Waa meeraha labaad ee bah-qorraxeedka marka dhanka qorraxda laga soo tiriyo. Meerahani waxa uu muuqdaa qorraxdu marka ay dhacdo ama sii dhacayso, waana walaxda ugu iftiinka badan ee cirka ka muuqata. Meerahani waxaa kale oo la arkaa marka waagu dillaaco, oo waxa aynu u naqaannaa xiddigta waaberi.
venus-the-morning-star
Meerahan iyo dhulku aad baa ay isugu dhow yihiin baaxad ahaan. Waxaraxir dhexroorkiisu waa 12,104 km, ka dhulkuna waa 12,756 km. Sida dhulka, waxa uu leeyahay gibil hawo oo aad u qaro weyn ahna kaarboon laba-oksaaydh 96%, taas oo keenta in cadaadiska hawadiisu ay ka badnaato 90 jibbaar tan dhulka. Waxa aan marna laga waayin daruuro culus oo ka samaysan sulfuyuurik asiidh. Sidaas awgeed, meerahan oogadiisa isha laguma arki karo oo waxaa qarinaya daruurahaas. Raadaar iyo wax la mid ah uun baa lagu arki karaa. Gibilkaas hawo ee aadka u cufani waxaa uu dabraa oo uu kaydiyaa kulayl badan, taas oo sababtay in uu meerahani lahaado oogada ugu kulul bah-qorraxeedka (460oC).
isbarbardhigga dhulka iyo waxaraxir
Isbarbardhigga Dhulka iyo Waxaraxir
Waxa uu qaataa 224.7 maalin dhul in uu hal mar qorraxda ku wareego (sannad). In uu hal mar dhidibkiisa ku wareego waxa ay qaadataa 243 maalin dhul. Sidaas awgeedna maalintiisa ayaa ka dheer sannadkiisa. Meerayaasha intooda badani marka ay qorraxda ku wareegayaan waxa ay u socdaan midig-bidix ama galbeed-bari (sida Kacbada loogu dawaafo). Waxaraxir waxa uu u socdaa bidix-midig sida saacadda, qorraxduna waxa ay uga soo baxdaa galbeedka waxa ayna u dhacdaa bariga.
mariner02-nasa
MARINER 2
venera_7_capsule
VENERA 7
Sannadkii 1962 ayaa NASA waxa ay meerahan u dirtay fagaagbuldiye (space probe) la odhan jirey MARINER 2. Midowgii Soofiyeedka ayaa 1970 kii diray fagaagbuldiyihii ugu horreeyey uguna dambeeyey ee ku dega oogada Waxaraxir. Waxaa la odhan jirey VENERA 7. Wax yar kaddib waa uu hawl gabay sidaas ayaana lagu waayey. Daqiiqadihii uu shaqaynayey xogtii uu soo diray waxaa ka mid ahaa heerkul gaadhaya 475oC, 92 bar (1300 psi. Shaagga/taayirka gaadhiga cadaadiska hawadiisu ma gaadho 40 psi).
1989 kii ayaa ay NASA mar kale dirtay fagaagbuldiye la odhan jirey MAGELLAN oo afar sano ku wareegayey meeraha, isaga oo sawirro ku qaadayey mawjadaha raadaarka, isaga oo muddadaas sawiray 98% oogada meeraha. Wakaaladda Cirbixinta ee Yurub iyaduna 2005 tii ayaa ay dirtay VENUS EXPRESS oo siddeed sano ku wareegey Waxaraxir ilaa shiidaalkii ka dhammaaday oo uu burburay. Fagaagbuldiyeyaal badan ayaa Waxaraxir booqday, welina qaar baa ku wareegaya si ay xog uga helaan gibilka hawo ee ku hareeraysan.
magellan_oodaga waxaraxir
Sawirradii uu raadaarka ku qaaday MEGALLEN.
magellan_oogada waxaraxir 2
Sawirradii uu raadaarka ku qaaday MEGALLEN.
Print Friendly

Comments

comments

Check Also

Farraarre (Mars)

Farraarre waa meeraha afraad ee bah-qorraxeedka, waana meeraha dhulka ugu dhow, baaxad ahaanna waxa uu ...

Dusaa/ Cudaarid (Mercury)

Waa meeraha ugu dhow qorraxda, uguna yar siddeedda meere ee bah-qorraxeedka. Xilliga la arki karaa ...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *