Dabshidku waa habeenka ugu horreeya ee bilawga sannad dhaqmeedka Soomaalida. Sidaas oo kale waxaa loo yaqaannaa NAYRUUSKA; ama KALA GUURKA, isaga oo mar walba dhaca mid kamid ah afarta habeen ee ugu horraysa bisha Ogoosto. Taariikhyahanno badan oo isugu jira Soomaali iyo ajanabi intaba, waxa ay rumaysanyihiiin suuragalnimada in taariikhda dab-shidku ku suntantahay qabsashadii faarisiyiinta ee magaalada Saylac, afartii Ogoosto, kun sano ka hor.
Dabshidku waa dhacdada labaad ee ugu muhiimsan cilmiga xiddigiska, marka laga yimaaddo TA’WIIL ka oo isagu ku jira kaalinta koowaad, iyaga ayaana laga soo dheegtaa saadaalaha xiddigiska. Ma aha oo kaliya in Dab-shidka ama Nayruusku yahay sanadka cusub ee Soomaalidu tirsato, laakin sidoo kale waxa uu saldhig u yahay tirsiimooyinka iyo talagallada sanadka oo dhan (Sida; la socoshada taariikhda, xili-roobeedyada, isbaddallada goobaha qorraxdu marto, dayaxa iyo dabaylaha iyo sidaas oo kale xilliyada xooluhu dhalaan, dhammaan waxaa laga tirsadaa Dabshidka).
Habeenka Dabshidku waa mid kamid ah saddexda tilmaamood ee ugu waawayn saadaal dhaqameedka cimilada ee Soomaalida. Mar haddii qofka dhaqanyaqaanka ahi uu si buuxda u saadaalin karo, waxa uu ku saleeyaa talagalladiisa sannadka oo dhan. Saddexdu waxa ay kala yihiin sidan:
- Dabshidka, oo isagu mar walba dhaca dhammaadka kalka loo yaqaanno SAMALOHO (Eray-bixinta Burco ilaa Jigjiga laga adeegsado), oo ah xilli-roobaadka XAGAAYO ee roobabka waawayni ka da’aan Banaadir iyo dhul xeebeedka Waamo ee u dhaw deegaanka Kismaayo, waana xilli-roobaadka KARAN-ta marka la joogo deegaanada u dhaw Jigjiga, ama xilliga daruuraha badan asee qallalan ee CADAR oo ah xagaaga deegaannada Burco, Qardho, Qabridaharre, Baydhabo iyo Wajeer.
- Dambasamo, oo had iyo jeer ku beegma habeenka 15d ee bisha, kaas oo dhaca bartamaha dayrta (xilli-roobaadka dambe). Mararka qaar waxa uu dhacaa 14d ka, laakiin markaa waxa uu saadaalinayaa sannad xun, Godwaa’ (dayaxa oo aan godkiisi ku beegmin).
- Toddob, oo dhaca habeenka 200d dabshidka kaddib. Waxa uu la kulmaa marka dayaxu ku beegmo Urur oo ah koox xiddigo isku urursan ah. Habeenka toddobku waxa uu had iyo jeer dhacaa bisha xilliga kaliisha.
Intaa waxa raaca, dhammaan saadaalaha xiddigiska ee sannadka oo dhan waxaa laga soo dheegtaa xaaladda cimilada ee habeenka Dabshidka, iyo labada habeen ee ka horreeya ama ka dambeeya. Saddex wax ayaa habeenka Dab-shidka la fiiriyaa:
- In roobabbaw jiraan iyo in kale.
- Haddii aanu roob jirin, in cirku rimman yahay (daruuro leeyahay) iyo in kale.
- Haddii aanay daruuro jirin, in dabaylo jiraan iyo in kale, haddii ay jiraanna, awoodda dabaylaha ayaa la qiimaynayaa.
Saadaasha ugu wanaagsani waa marka aanu roob jirin habeenka dabshidka iyo habeennada ku dhaw. Roobka da’a habeenka dabshidka waxa uu saadaal u yahay colaad, baaxaddeedana waxa saadaal u ah xoogganaanta roobka. Waxa la dhahaa, mar kasta oo roobku waynaado, waa markasta oo colaaddu mid xun oo dhiig daadasho badan ay noqoto. Taa waxa caddayn u ah murtidan soo socda:
Kalaguur habeenkii, wansiixaa gob way tidhi leh
***
Nayruus onkodey waa lixdanjir ooyey.
Lixdan jirna wax jidhkiisa ku dhacay kama ooyo e col iyo abaar baa ka oohiya.
***
Sidaa si ka geddisan, dadka koonfurta Soomaaliya dega, siiba deegaanka Afgooye, waxa ay saadaaliyaan, saadaal gabi ahaanba ka gaddisan middaa hore. Habeenkaa Nayruuska ee roobka leh waxa ay u arkaan in uu saadaalinayo sannad barwaaqo ah, waxaana loogu dabbaaldegaa caado dhaqameedka ISTUN-ka oo raggu ay isla dhacaan ulo.
Haddii habeenkaasi roob yeelan waayo, waxaa la fiiriyaa in cirku daruuro leeyahay. Woqooyiga, waa in cirku daruuro yeesho taas oo saadaal u ah in cirku joogto daruuro u lahaado sanadka oo dhan, daruuraha Sinha ayaana ah kuwa roobka sida, tani waxa ay saadaalinaysaa sannad wanaagsan. Caad ama waa Xab ama waa Mandheer (Daruuruhu waxay saadaal u yihiin roob ama hadda ha da’o ama mar dambe ha da’o e).
Marka roob iyo daruuro labadaba la waayo, maxaa xiga ee la filan karaa? Ma in ay dabaylo jiraanbaa? Haa, waxa xiga ee loo kuurgalayaa waa in ay dabaylo jiraan iyo in kale, mar kasta oo dabayl xoog badani jirto waa mar kasta oo ay ka sii wanaagsantahay. Inkasta oo ay kululyihiin isla markaana ay daranyihiin dabaylaha koonfur-galbeed ee maansuunka bisha Ogoosto, waxaa loo haystaa in ay ka wanaagsan yihiin dabaylaha qabaw, qallalan isla markaana hargabka dhaliya ee jiilaalka.
Waxaa xusid mudan in dhaqanyaqaannada cimilada ee gobolka Mudug, ay yaaqaannaan laba jaad oo abaarta ah. Mid kamid ah ayaa la sheegaa in uu la socdo dabshidka. Jaadka kale ee abaarta ayaa la sheegaa in ay tahay dhacdo Alle keen ah. Dhacdada jaadkaa ah, waxa ay ka dhalataa khalkhal ku dhaca marinnada dayaxa marka loo eego xiddigo cayiman ee xilli sar go’an, ama xaalad guud oo loo yaqaan Godwaa oo ah marka dayuxu ka leexdo marinnadiisii caadiga ahaa ama la filayey.
Siyaabo xoogaa kala duwan ayaa dabshidka looga dabbaaldegaa deegaannada kala duwan ee Soomaalidu degto. Dabbaaldegga ugu caansan dhulka Soomaalida ayaa waxa uu yahay hurinta dab weyn. Sidan waxaa mararka qaar lagu sameeyaa ardaaga aqallada la dagganyahay, mararka qaarna duleedka. Deegaannada, madaxa reerka ayaa gacantiisa biyaha ku rusheeya aqallada. Qofkaa oo noqon kara rag ama dumar, ayaa waxa uu akhriyayaa duco Soomaaliyeed oo ah «Shuushaw bax» oo macneheedu yahay «sharaw naga bax». Sidaas oo kale laamo dhuudhuuban ayaa laga soo laalaadshaa saqafka sare ee buulka. Carruurta ayaa iyaguna loo ogolaadaa in ay cayaaraan, iyaga oo jilaya dadka waaweyn, iyaga oo dabka ka dul boodaya, isla markaana marsanaya isla ducadii «Shuushow bax».
Si kastaba ha ahaato e, waxaa jira Soomaali ka dhigata dabbaaldegga dabshidka munaasabad muqaddas ah, waxaana ay u wacaan wadaad si uu cashar/ tahliil ugu rusheeyo dadka, xoolaha iyo dhammaan aqalka. Casharku waa aayado Qur’aan ah oo khadkii madoobaa ee ay ku qornaayeen la dhaqay kaddibna biyo lagu qasay. Sidaas oo kale, casharka waxaa lagu tilmaamaa biyo lagu akhriyey Qur’aan.
Maxaa aad ku dari lahayd?
Xigasho
Stars, Seasons and Weather in Somali Pastoral Tranditions, Muuse Galaal. Bogagga 18-21. Dibuhabaynta Garanuug, 2016.
Sawirka ninka dabka ka boodaya: Istanbuul, Turkey, CC BY 2.5, Wikipedia Commons.