Xadiis

Af-Carabi ahaan erayga xadiis (الحديث) waa wax cusub. Macnihiisa labaad waa war (الخبر). Dhanka eraybixinta, xadiisku waa war la xidhiidha hadalkii, falkii, tilmaantii, iyo dhacdooyinkii Nebiga- sallal Laahu calayhi wasallam-. Xadiiska Nebiga- sallal Laahu calayhi wasallam- waxaa kale oo lagu tilmaamaa sunnah (السنة).

Qur’aanka kaddib, xadiisku waa asalka labaad ee diinta Islaamka. Nebigana- sallal Laahu calayhi wasallam- waxaa laga soo weriyey in uu yidhi:

تركت فيكم ما إن تمسكتم به فلن تضلوا بعدي كتاب الله وسنتي

“Waxa aan idiin ka tagey wax haddii aad qabsataan aydan gadaashay lumaynin: kitaabka Alle iyo sunnadayda.”

Markii uu tilmaamayey cidda salaadda dadka tujinaysa waxaa uu Suubbanuhu- sallal Laahu calayhi wasallam- yidhi:

يؤم القوم أقرؤهم لكتاب الله فإن كانوا في القراءة سواء فأعلمهم بالسنة

“Dadka waxaa tujinaya qofka Qur’aanka ugu badiya, haddii ay taa ka sinnaadaanna waxaa tujinaya ka ugu aqoonta badan sunnada.”

Alle- sarreeye- waxa uu leeyahay:

وما آتاكم الرسول فخذوه وما نهاكم عنه فانتهوا

“Wixii uu Rasuulku idiin la yimid qaata, wixii uu idin ka reebayna ka fogaada.”

al-Xadiid: 7

 

Xadiisku waxa uu faahfaahin iyo fasiraad u yahay Qur’aanka, oo tusaale ahaan, qaabka salaadda, iyo sakadaba waxaa innoo faahfaahiyey xadiisyo, ee Qur’aanku si duuduub ah ayaa uu uga hadlay. Waa na daliil sidiisa u taagan oo laga qaadanayo axkaamta shareecada.

Xadiisyo aad u tiro badan oo qaarkood ay sugan yihiin, qaar kalena aysan sugnayn ayaa la soo weriyey. Culumadii Islaamku dedaal aad u badan ayaa ay ku bixiyeen kala saaridda xadiiska sugan iyo midka aan sugnayn ee ayba dhici karto in la iska alliftay. Waxa ay unkeen laan ka mid ah laamaha cilmiga sharciga ah oo loo yaqaanno Cilmul Xadiis, taas oo lagu darso wararka laga soo tebinayo Nebiga- sallal Laahu calayhi wasallam-. Xadiiska sugan waa in laga helo shan shardi:

  1. Waa in kalsooni lagu qabaa qofka soo werinaya.
  2. Waa in xifdigiisu aad u sarreeyo.
  3. Waa in jidka (isnaadka) uu innagu soo gaadhaya xidhiidhsan yahay, qof kastaana qofkii uu ka soo weriyey la yaqaanno oo mid walbaa shardiyadan buuxiyo.
  4. Waa in uusan lahayn wax cillad ah.
  5. Waa na in uusan ahayn war keli-socod ah oo wixii dadka kale sheegeen wada garabmarsan (shaad).

Warka laga helo shantaas shardi oo buuxa ayaa la aqbalaa waxaana loo yaqaannaa Saxiix (الصحيح).

Aan sii faahfaahinno shantan shardi ee lagu garto warka sugan ee la qaadanayo.

Qof kalsooni lagu qabo: waxaa looga jeedaa qof joogteeya Alle ka cabsiga (taqwo leh), cadli ah, oo ay ka muuqdaan anshax wanaagsan iyo hufnaan.

taqwa (التقوى): samaynta wanaagga iyo ka fogaanta xumaanta. cadli (عدل): waa eray macne weyn u taagan. Marka fiqhiga la joogo waxa uu noqdaa qof markhaati-gal ah oo lagu kalsoonaan karo. muruu’ah (المروؤة):  qofka oo ay ka muuqdaan anshax wanaagsan iyo hufnaan.

Xifdi dhammaystiran: xifdigu waxa uu u qaybsamaa mid qofku wixii uu maqlay uu ku xifdiyo/qaybo qalbigiisa oo markii uu u baahdo uu sidiisii ugu soo celin karo isaga oo aan meelna ka akhrinaynin. Xifdiga noociisa kale waa in qofku uu warkii meel ku qoro oo uu qoraalkaas dhawro/ilaaliyo ilaa uu warkaa ka gudbinayo. Waxaana loo baahan yahay in xifdigu uu ahaado mid dhammaystiran oo gef iyo hilmaan toona aysan ku jirin.

Jid xidhiidhsan: jidka uu warku innagu soo gaadho waa silsiladda dadka kala werinaya, waxaana loo yaqaannaa isnaad ama sanad. Waxaana loo baahan yahay in jidkaasi uu xidhiidhsan yahay oo uusan kala go’nayn. Waa in weriye kastaa uu weriyaha ka horreeya warka uga qaatay oo uga soo tebiyey hab ka mid ah hababka xadiiska loo kala qaato/ tebiyo.

Cilladu waa sabab qarsoon oo waxyeellaynaysa sugnaanta warka. Si kale haddii loo dhigo, waa bukaan iyo dhaleeco warkaasi leeyahay laakiin aan dadka intooda badan u muuqannin. Haddaba warka la aqbalayaa waa in uusan lahayn cillad ama bukaan dhaawac iyo in la duro u keeni kara.

Warku waxa uu keli-socod noqdaa marka qof caadi ahaan warkiisa lagu kalsoon yahay, uu tebinta warkaas ku khilaafo cid kale oo lagaga sii kalsooni badan yahay. Tusaale ahaan, haddii mid muxaddiisiintii qiimaha badnaa ka mid ahi uu war u soo tebiyo si khilaafsan werinta dhawr isaga la darajo ah ama ka darajo sarreeya, waxaa la dhahaa warkiisu waa keli-socod (shaad, الشاذ).

Xadiiska shuruuddaas laga helo, laakiin xifdiga weriyeyaashiisu uusan aad u heer sarraynin waxaa lagu magacaabaa Xasan (الحسن). Waxaa jirta in mararka qaarkood xadiis xasan ah lagu weriyo jidad badan oo is taageeraya isna xoojinaya. Arrintani awood dheeraad ah oo uu kaga soo kabto hoos u dhacii ku yimid xifdiga weriyeyaashiisa ayaa ay siinaysaa xadiiskii xasanka ahaa, waxa ayna u suuragelinaysaa in uu darajo kor u kaco oo uu ku dhowaado xadiiska saxiixa ah. Xadiiska noocan ah waxaa lagu magacaabaa Saxiix-Li-Qayrihii (صحيح لغيره).

Warkii shuruuddaas qaar ka mid ah laga waayo ee weriyihiisi aan lagu kalsoonayn, xifdigiisu uu liito, uu khilaafayo cid ka derajo sarraysa, cillad laga helo, jidkii uu innagu soo gaadhayna uu kala go’an yahay, waxa uu noqonayaa mid aan la ogolaanaynin oo aan la aqbalaynin, waxaana lagu magacaabaa Daciif (الضعيف).

Shanta shardi ee warka lagu ogolaado waxa ay u qaybsamaan labo: qayb la xidhiidha weriyaha iyo qayb la xidhiidha jidka uu warku innagu soo gaadhay. Sidaas awgeed, warka laba sababood ayaa lagu diidaa:

  1. Jidka uu innagu soo gaadhay oo kala go’an, iyo
  2. Durid ama ceebayn ku timaadda weriyeyaasha qaarkood.

Qoraal gaar ah ayaan kaga hadli doonnaa jidka (isnaadka) warku innagu soo gaadho, haddii Alle idmo.

Qofka ku xeeldheer aqoonta xadiiska Nebiga- sallal Laahu calayhi wasallam- waxaa loo yaqaannaa Muxaddis (محدث) (wadar: muxaddisiin), ama xadiis-yaqaan.

Xigasho

Is-afgaradka Culumada Xadiiska, Taxanaha Gundhig, Muxammad Yuusuf (weli ma soo bixin).

Print Friendly

Comments

comments

Check Also

Hubinta Sugnaanta Xadiiska

Waxyiga Ilaahay noo soo dhiibay waa quraanka iyo xadiiska oo ah hadalkii iyo dhaqankii Rasuulka …

Diinta iyo Sayniska

Alle- kor ahaaye– markii uu uunkan sameeyey waxa ku dhex abuuray noole aynu ka mid nahay. …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *