Maxaa Cusub?

[Cutubka Warka Hal Qof]

Qof baa igu yidhi: Ii tilmaan waxa ugu yar ee ay xujadu ugu oogmayso ahlul cilmiga si warku taabbagal ugu noqdo. Waxaan idhi: Waa warka hal qof ka soo tebiyo hal qof oo kale ilaa sidaa lagu gaadhayo Nebiga ama ciddii kale ee uu warku ku arooro.

Read More »

Lafagurka Suugaanta

Hordhac Weligaa beer ma carrageddisay, ma qodday, ma baaqbaaqday, ma abuurtay, ma fashay, ma limadday, ma jebisay, ma goysay, ma sukushay, ma haadisay, ma cabbaysay, ma rasaysay oo ma suuqgaysay? Hab iyo hannaan aan midkan ka dhicin bay suugaantu martaa. Ugu horrayn, fikradda ay suugaantu xanbaarsan tahay baa la falkiyaa, …

Read More »

Silsiladdii Xaydha: 6 (Dhammaad)

Sidii aan qormadii koowaad kusoo xusay, far Soomaalida iyo af Soomaaliga oo in badan kala da’ weyn aawadeed, waxa hallaabay ama marar badan madmadow isku gedaamaa suugaan badan oo haddii qoraal lagu sugi lahaa, afkeenna dhumuc iyo dhadhanba ku biirin lahayd. Yeelkeede, wax aynu dugsanno ama wax ku dul dhisi …

Read More »