Mamuu iyo Seyn 16: Shallayto iyo Dardaaran

Qaybtii Hore

Shallayto

Waaberigii ayaa Amiirka ka dul dhashay isaga oo weli talo wax-ku-ool ah maaminaya. Kaahii oo aan si fiican u soo wada caddaan ayuu taladii soo gunaanaday. Qayb ka mid ah soo jeedintii Bakar ayuu ku qancay, fulinteedana go’aansaday. Talo dhaanta ayuu waayey, dabadeedna isaga oo isku qancinaya ‘waad ka beddelan karaysaa haddii sida aad filayso wax u dhici waayaan’ ayuu guntaday. Isla judhiiba fulinteedii ayuu ku dhaqaaqay.

Xafiiskii uu halka cisho dhex yuururay ayuu ka baxay. Halkii uu qolka Seyn qasriga kaga yaallay ayuu beegsaday. Muddo dheer qolkaa agagaarkiisa kama uu wareegin.

Albaabkii qolka oo xirnaa ayuu soo hor istaagay. Wuu hakaday. Waxa uu dareemay in uu fudayd la dareemi karo ku jiro. Deggenaan ayuu si khasab ah isaga baar-baaray. Cabbaar ka dib ayuu si tartiib ah u furay, u riixay oo u galay albaabkii.

Hadda qolka ayuu ku dhex jiraa. Laba tallaabo ayuu albaabkii soo dhaafay. Qolku mugdisanaa oo xasilloonaa oo sharqan yaraa! Wuu la yaabay. Dariishad iyo foommalayr midkoodna uma daloolaan, ama waa la gufeeyay ayuu iska dhacsiiyay. Dhinacyada qolka ayuu mid ba mar dhugtay. Si degdeg badani ka muuqdo ayuu Seyn u raad-raadiyay. Si kadis ah ayay indhihiisu humaag u heleen. Waa gabadh is dhibaysa si ay u istaagto, gommodeheeduna ay ku guuldarraysteen in ay culayskeeda celiyaan. Seyn ayuu arkay.

Xaggeeda ayuu u soo dhaqaaqay. Inyar markii uu u soo jiray ayuu istaagay. Tin illaa cirib, dhowr daqiiqo ayuu muuqaalkeeda oo dhan daawaday. Way dhammaatay run ahaantii. Dhibaatooyinka jidhkeeda iyo foolkeeda ka muuqda waa kuwo beerjileec iyo naxariis ku beeraya il kasta oo daawata. Seyn iyada oo itaaldarro la taagnaan la’ ayay walaalkeeda indhiisa ku dhaygagtay.

Amiir Seyn Al-diin, waxa aad mooddaa in uu uurka su’aalo dhamac ah iska wayddiinayo. Muuqaalka Seyn sida uu isu dhalan rogay ayaa si weyn u saameeyay. Foolkiisa ayaa amakaag la jactaday. Ugu yaraan hoosta waxa uu iska wayddiinayaa in qoftan hortaagani walaashii Seyn oo uu caafimaad iyo awood ku yaqaannay tahay iyo in ay qof kale tahay; in inantii uu quruxda yaabka leh ku ogaa tahay iyo in ay qof kale tahay. Halkii uu ku maqnaa goortii ay sidan u qurux iyo tabar beelaysay ayuu ka fekeray.

Si deggan oo xishood ku dheehan yahay ayuu u fariistay. Weli wuu aammusan yahay. dhab ahaan hadal ayaa ka soo  bixi la’ ba. Murugo iyo shallayto is wata ayuu dareemay. Xaaladda ay walaashii ku sugan tahay iyo qolka ay u hoyato ayuu la qarracmay. In aan qolkeeda hal agab ahina dhex oollin ayaa sii beer qaadday. Gogoshii ay marna ku seexan jirtay, marna sharaabka ku dul cabbi jirtay ayay indhihiisu qaban waayeen. Daahyadii iyo fadhiyadii hareeraha qolka tubnaan jiray xagga loo qaaday ayuu garan waayay. Weelkii ay wax ku cuni jirtay, khamrada ku kakabban jirtay, iyo wax kasta oo kale oo uu qolkeeda ku ogaa ayuu waayay. Waa afar gidaar oo cad oo madow meeshan ay Seyn ku dhex jirto. Qoomammo iyo kurbo  xaaladda uu arkayaayi ku rideen ayuu la danqaday.

Tiiraanyadii ayaa inta la fogaatay kululaysay. Mar qura ayuu dareemay Seyn oo madaxa hoos u rogatay. Illaa iyo markii uu u soo galay, way yaabban tahay oo aammusan tahay. Gacantiisa midig ayuu si naxariis leh garkeeda ugu qabtay, si qunqunyar ah ayuu madaxeedii kor ugu soo qaaday. Fallaaraha biriq iyo qaayabeelka ee wajigeeda ka soo baxaya ayuu u fiirsaday. Caatada koodadkeeda bannaanka u soo saartay ayuu daawaday oo ka naxay oo nacladay.

Labadiisii indhood iyo kuweedii ayaa kulmay oo meel dhexe foodda isku daray. Gulucda daymadeedu waxa ay ka tibaax bixinaysaa dhammaan duruufaha ku gedaaman iyo xaaladeheeda. Sida qalbigeedu u jabay ee u silcay ayay ka markhaati kacaysaa. Sida illintu xirribaha indheheeda u dildillaacisay, dhabannadeedana haaraha ugu yeeshay ayay bannaanka keenaysaa. Labadeeda indhood ee illin soo haysa la wirqaya waxa aad moodda in ay Amiirka baryayaan. Ugu yaraan waxa ay ku leeyihiin baa la qiyaasi karayaa:

“Aniga oo walaashaa aad isku dhiig tihiin ah, sidee ayay kuugu fududaatay in aad illaa xadkaas igu kakanaato oo ii ciqaabto. Sidee ayay naftaadu kuugu oggolaatay in aad afkayga ka fogayso koobkii farxaddayda iyo raynraynteeda [aan ka cabbi lahaa], ee aad inta dhulka ku tuurtay jajabisay?

Aniga oo ah walaashaadii ku farxi jirtay wax kasta oo aad ku faraxdo, sidee ayay kuugu cuntantay in aad dhallinyaranimadaydii ku gubtid holaca guuldarrada iyo hoogga? Sidee ayay naaftaadu ugu raalli noqotay in ay iiga dhex tagto qolkan aniga oo taahaya oo aan haysan cid ii naxariisata; aniga oo qaylinaya oo aan haysan cid codkayga ka jawaabta?!

Walaalle, maxaan gaystay oo aan ku mutay in aad sidaa ii ciqaabto?!

Alle ayaan ku dhaartay e, jaceylka kama aanan dhadhamin wax aan ka ahayn xinjiro dhiig ah; Alle ayaan ku dhaartay e, hal maalinna kuma aan khiyaamin, si muuqata iyo si qarsoon toonna; Alle ayaan ku dhaartay e, waxa xun ee la iiga kaa sheegay hal marna ma aysan wasakhayn naftayda [iyo sharaftayda].”

Cabbaar ayay wiilasha indhiisa iyo kuweedu foodda isku la jireen. Xaaladeheeda ruuxiga ah ayuu halkaa ka akhristay. Run ahaantii, erayada iyo fikradaha dhabta ah ee laabteeda isgedgeddinaya ma uu arkin, sidaa oo ay tahay waxba kama ay qarsoona. In ay naxariis u baahan tahay oo weliba dalbanayso ayuu si weyn u garwaaqsaday. Qalbigiisa ayaa giriiray. Naxariis iyo turriinsho ayaa feerihiisa dhexdooda ka buuxsamay. Heer bay gaareen ay burburiyaan qolofyadii ad-adaygga iyo carada ka samaysnaa ee uurkiisa kambadhuudhay. Layr qabow oo dhimrin la magac baxday ayaa jidhkiisa qaboojisay. Wuu isku yaxyaxay. Dhammaan falalkiisii maskiintan ka dhanka ahaa ayuu ka qoomameeyay oo ka shallaayay. Xarriiqo dhuudhuuban oo illin ah baa dhabannadiisa kor yaacay. Hadal ayuu bishimaha u kala fogeeyay.

“Abbaayo, Alle ayaan ku dhaartay e, waan ku dulmiyay. Wallaahi waa dhab oo waxa aan kuula dhaqmay si kakan oo aan u malaynayo in aan qoomammo iyo toobad midkoodna la iigu dhaafi doonin.

Seyneey, maxaa igu habsaday? Waa aniga waxaan oo dhan kugu sameeyay e, xaggee ayay qalbigaygii iyo beerkaygii ku lumeen?

Wajigaagan baaba’san, caatada iyo tabar darrida jirkaaga ka muuqata, ma natiijooyin ad-adayggayga ka dhashay baa? Walaalkaaga guuldarreystay ee ba’ay, kakanaantiisii miyaa? Dabkii qoomammada ayaa qalbigayga cunaya Seyneey! Xanuunkii shallaytada ayaa beerkayga dil-dillaacinaya!!

Kaalay abbaayo; kaalay oo ii sheeg in aan maanta awoodo in aan gafkayga ka toobad keeno iyo in kale. Miyaanan awoodin in aan [kakanaantii iyo caradii] dib u[ga] soo noqdo oo aan soo celiyo farxaddaadii, quruxdaadii iyo dhallinyaranimadaadii? Miyaanan sahli karayn in aan wakhtiga ka daba tago?”

Seyn, muddo dheer oo cimrigeeda qaybihii ugu danbeeyay ka mid ah ayay xanuun iyo rafaad la noolayd. Erayadii afka Amiirka ka soo yeeray ayaa lurkii xanuunka iyo rafaadkii ku soo nooleeyay. Dabayl jaan oo wixii umal iyo jacayl uurkeeda fadhiyay gilgishay ayaa martay Awoodda difaaca qalbigeeda oo markii horeba hoosaysay ayaa seero u daadegtay. Jileec badan ayay durba ruuxdeeda iyo jidhkeedaba ka dareentay. In ay istiisho ayay kari wayday. Hal mar ayay mowjad dhiig ahi beerkeeda ka soo furantay, dhuunteeda ayay soo jiidhay, ugu danbaynna horteeda ayay sidii jidhaan u galaclaysay. Way tabar darraysay. Dhinac ayay dillaantay. Way miyirbeeshay; mid ay muddo dheer ku maqnaan doonto ayay suuxday.

Amiirkii markii uu arkay inkaarta hortiisa ka dhacday ayuu cabsi darteed isku dardarmay. Shallayto iyo turriimo wakhtigeedii dhammaadeen ayaa qalbigiisa iyo mindhicirradiisa halakeeyay. Miisaankii garashadiisa ayaa bilaa halbeeg soo baxay dhowr daqiiqo gudahood. Sidii islaan geerida wiilkeeda loo soo sheegay ayuu u qayliyay oo wajiga dhirbaaxo isla dhacay. Gabadhii oo dhiiggii dhex bilqan ayuu kor yaxoobsaday. [Isla doonashada ilaahay] daqiiqaddaas ay Seyn xis la’ dahay walaalkeedna ka dul ooyayo ayay walaashood  barraad li’i qasriga u soo socotaa.

Sitti waxa ay ka soo wardoontay xaaladda walaasheed, siiba caafimaadkeeda in ay wax ka ogaato ayay u soo kallahday saaka. Qasriga ayay soo gashay. Iyada oo aan dhinac kale jalleecin ayay qolkii ay walaasheed ku ogayd soo abbaartay. Illinka markii ay soo joogsatay iyo markii ay naxday isku ilbiriqsi ayay ahaayeen. Muuqaal ay ka argagaxday ayaa hor yimid. Seyn way suuxsan tahay oo meel dhiig leh ayay qanboobtaa, Amiir Seyn Al-diinna korkeeda ayuu ku ooyayaa. Naxdin ayaa loo dhammeeyay. Way qamandhacootay. Istaagga ayay xajisan wayday.

Waxa ay u qaadatay in uu Amiirku ku fogaaday caradii uu u qabay Seyn, ugu danbaynna gacantiisa ku dilay inantii. Hadal qaylo ah ayay bilowday.

“Daalim yahaw maxaa kugu dhacay? Mu waadan ku caafimaadin wixii dhibaato iyo cadaab ahaa ee aad marisay miskiintaan? Ayadaaba iskeed u dhiman lahayd e, maxaa gacantaada u geeyay ee aad u dishay?”

Amiirkii oo kurbadu aad u ceejisay ayaa hadalkaa ku baraarugay. Xaggeeda ayuu soo eegay.

“Abbaayo iga daa. Dabka I gubaya mid kale ha iigu darin. Anigu ma dilin. Way suuxday!”

Amiir Seyn al-Diin iyo Sitti, labadii Seyn la dhashay, iyaga oo anfariirsan oo amakaagsan ayay dhinacyada ka fariisteen walaashood. Waxa ay isku dayeen in ay soo miyiriyaan, balse kuma ay guulaysan.

Saacado badan ayaa gudbay Seyn oo dunida miyirqabka ka maqan. Wixii ehelkeeda iyo qaraabadeeda ahaa ayaa isa soo dul tubay. In ay xiskeeda foofay dib u soo xereeyaan ayay ku dedaaleen, balse, sidii Amiirka iyo Sitti, way ku guuldarraysteen.

Dardaarankii

Maalin weyntii ayaa dhammaatay, qorraxdiina godkeedii ayay ku libidhay. Seyn weli waa sideedii. Way miyir la’ dahay, qolkeedii ayayna dhex biliqsan tahay. Wacyi iyo dareen midkoodna ma ay lahan. Amiirkii ayaa madaxeeda bowdadiisa u barkiyay. Tan iyo saakay sidii ayuu u ooyayaa. Dhammaan ehelladii iyo qaraabadii soke ee Seyn ayaa, iyaguna, weli jihawareersan. Qof qof la hadlayaa ma uu jiro. Midkoodna garan uu mahayo miyirbeelkan wakhtigiisu dheeraaday in uu geeridii Seyn soo wado iyo in kale. Halbowlayaasheeda iyo wadnaheeda ayay taataabanayaan. Marar badan way ku hungoobayaan oo garaac iyo giriir toona ka waayayaan. Waxa ay u malaynayaan in ay xilli hore ka takarisay [naftii]. Marar kale oo ay farxayaan ayaa jira. Xoogeey dhaqdhaqaaq ah oo is bedbeddelaya ayay wadnaheeda ka dareemayaan. Rejo ayaa dhammaantood ku abuurmaysa kolkan. In naxariista Alle dhawaan adeegi doonto oo Amiiraddu xiskeeda soo ceshan doonto ayay naawilayaan.

Xaaladdaas iyada oo lagu jiro ayay koox adeegayaashii qasriga ka mid ah kadinka qolka isa soo dhoobeen. Waxa ay farriin u sidaan Amiirka.

“Waardiyeyaashii xabsiga mid ka mid ah ayaa halkan yimid. Waxa uu doonayaa in uu Amiirka ku wargaliyo in Mamuu u eg yahay qof sii dhimanaya. Maxaan falnaa [Amiirow] ayay [dabcan] leeyihiin waardiyeyaashu.”

Mamuu… markii uu magacaasi ka yeeray madashii ay Seyn ku suuxsanayd ayay heshay neecow udgoon oo awooddeedii iyo garashadeedii dib ugu soo celisay. Hurdo dheer oo ay kaga hayaantay dunida runta ah ayay si tartiib-tartiib ah uga toostay. Indhaha ayay si debacsan u kala qaadday. Qamandhaco ayaa oogadeeda oo dhan leeftay. Adduunkii ku gedaamnaa iyo dadkii joogay ayay eegmo ku bilowday.

Horteeda oo ay jidhaan dhiig ahi buuxisay ayay aragtay. Qolkeedii yaraa oo dadkii qaraabadeeda ahaa la ciirciirayay ayay indhaha ku soo wareejisay. Dhammaan dadka meesha tuuran illin ka qubatay iyo tiiraanyo ayaa ka muuqata. Amiirkii, ninkii ay walaalaha ahaayeen, oo fadhiya meel madaxeeda ku aaddan oo ilmo yar u ekaaday ayay isha ku xadday. Way fariisatay. Way xajin kari wayday. Misana way dangiigsatay. Suxullada ayay mudatay. Dabadeedna xaggiisa ayay u jeesatay. Waji beddelan iyo daymo amakaagsan ayay ku fiirisay. Hadal ayay u bilowday.

“Amiir yahaw, ma maalintii farxaddayda iyo arooskayga ayaad ooyaysaa?

Ma xilligan farxaddayda iyo guushayda aad sababta u noqotay ayaan aniguna oohintaada iyo muragadaada sabab u noqday?

Sayidkayoow, saaka laga soo bilaabo ruuxdaydu waxa ay beegsatay halkii ay guusha naftaydu taallay; halkii uu hilowgeedu u dhibay. Haa, waa meesha aad maanta oggolaanshaha ii siisay, waliba adiga oo raalli iga ah, in aan u aado. Waad ii turtay.

Maanta waxa aan socod dheer ku soo idleeyay badweyn ay hirar badani ku dagaallamayeen. Hirarkaas socod-barjoogsiyadoodu dhinacyada oogadayda iyo xubnaha jidhkayga oo idil way angajinayeen. Marista badweyntan waxa aan kala soo kulmay dhibaato I legdi gaadhay.

Hadda ayaa xeebtii badweyntaa soo gaaray. Waa in aan cabbaar halkan ku hakadaa oo ku layrsadaa. Nasiino ayaan u baahanay ka hor inta aanan aadin halkii lagu waarayay oo aan ku sii jeedo. Adinka [qaraabadayda ah] waa in aan idin sagootinayaa oo cafis baan  idin waydiisan.”

Xaggii Amiirku ka fadhiyay oo ay isha ka dadabtay intii ay hadalka wadday ayay dib u jeedaalisay. Hadalkii ayay sii wadatay.

“Sayidii, waa in aan dardaarankayga [ugu danbeeya] idiin sheegaa.”

Bulshadii qaraabada ahayd ayuu xaalkoodii sii adkaaday. Murugadii iyo tiiraanyadii ayaa ku sii kordhay. Waxan ay Seyn ka sheekaynayso badankood ma ay fahmin, sida muuqata. Qof butuli yiraahda ayaa laga waayay. Goradda ayay wada laalaadsheen, sidii in geeri naxdin leh loo soo tabiyay. Seyn barkin dhabarkeeda taallay ayay darbiga isku la tiirisay. Run ahaan, dhaqannadeeda iyo hadalladeeduba waa sidii qof riyoonaya oo kale. Walaalkeed, Amiirkii, ayay hadal si gaar ah ugu bilowday.

“Naftayda iyo qalbigayga kii la dhashayoow, ha quusan!

Boqol hablood oo walaalahaa ah oo Seyn la mid ah, ha laguu gu furtee; dartay ha u ooyin.

Sayidii, ha quusan. Markii aan Mamuu u dooranayay in uu naftayda la rafiiqo ayaan ku sii tashaday in ay I haleeli doonaan murugadan iyo tiiraanyadan I kala goostay. Xilligaas ayaan oggolaaday isaga iyo jacaylkiisa dartood in ay waayuhu iigu hooriyaan daruuro murugo iyo musiibooyin ka samaysan. Hoogga iyo rafaadka aan ku noolahay waa kuwo waddadii uu qalbigaygu raacay darteed iigu dhacay. Nasiibkayga ayaa sidaa noqday, balse haddii ay farxad, awood iyo guul lagu faano dunida ka jiraan waa qaybta uu Alle dunida kaa siiyay.

Amiirkaygoow, maanta ha iga carqaladayn nasiibkayga; sidan aan qorshaynayo waa qaybtaydii oo aan raalli iyo dheeraad ku ahay. Sayidii, orad oo kursigaagii boqortooyada ku fariiso. Taajkaagii quruxda badnaa orad oo madaxa saaro. Tag oo hareeraha qasriga ka oog kulammadii damaashaadka lahaa ee sida yaabka leh loo agaasimi jiray. Farxaddii iyo isweheshigii kulammadaa laga heli jiray [adiga iyo asxaabtaadu] qaybsada. Madaxda iyo addoomada kuu adeegaba ku sarkhaami sharaabkii macaanaa ee agtaada laga heli jiray. Ciyaarihii dhallaanimada la dheeli jiray odayada ha la xasuusiyo, goobtaasina meel ay duqowdu ku kifaaxdo ha noqoto. Roogagga madasha lagu cawaynayo goglan korkooda waxa aad ku diyaarisaa cuntooyin iyo cabbitaanno macmacaan. Bartaas kulanku ka dhacayo wax kasta oo lagu farxi karayo ama saafi lagu noqon karayo la ogow. Wax kasta oo la isku udgiyo ama la isku carfiyo kulanka iyo dadkiisa ku dhex sayri. Bulshada inta qiimo agtaada ka leh ama kuu adeegta madasha ku casuum. Quruxda oo midabyadeedu u dhan yihiin bulshadaa dhexdeeda ha boodbooddo. Hareeraha qasriga, laamaha iyo ubaxyada geedaha ha ku layrsadaan.

Maanta waxaa dheellitirmay oo si walba dhammays u noqday labadayada ruuxood. Halaagga iyo bar baabba’a ay aadanaha iyo xayawaanku ku xukmanaayeen ayaa labadayada ruuxood ka haray. Daahyadii labadayada ruuxood kala qarinayay ayaa faydmay. Haa, [waxaan uga jeedaa] cimri aan fogayn ayaa labadayada qolfoofood ciidda laga hoos marin doonaa, balse labadayada ruuxood in ay barwaaqada iyo xiriirka [dib ugu bilowday] ku sii negaadaan wax u diidaya ma ay jiraan. Amiirkaygiiyoow, ha illaawin in aad farxaddayada sida ugu qaayaha badan u soortid. Xaflad weyn in aad noo gingintid ayaan ku wayddiisanayaa. In kasta oo aniga iyo Mamuu uu rafaadkii waayuhu ina ruux siibeen, haddana weli farxadda iyo barwaaqada waan dareennaa. Wax kasta oo wanaag iyo qaayo leh waan xiisaynnaa.

Ma xusuusataa arooskii quruxda badnaa ee aad walaashay iyo seygeeda u dhigtay? Sidii ay jasiiradda oo dhammi qurux, wehel iyo iftiin u wada noqotay soo garan maysid? In aad arooskayaga sidaas oo kale u maamuustid ayaan kaa filayaa. Magaalada oo dhan, wixii awooda, waxa aad amar ku siisaa in ay fardahooda raaxada iyo ciyaarta bannaanka ugu baxaan. Waxa aad abuurtaa jawi farxadda iyo rayraynta jiraayi dadka maskaxyadooda qafaashaan. Dhammaan jidadka iyo suuqyada [Buudaan] quruxdu ha cammirto.

Walaalkayoow, waqtigu waa ciriiri e. Gallad ii gal. Degdeg u soo aruuriya agabyadii galbinta iyo qabanqaabada. Si aad wakhtiga uga yar u fulisaan [howshaa] immika diyaarinta bilaaba.

Ma xusuusataa qasrigii Sitti loo galbiyay ee ifayay ee quruxda badnaa?

Waxaan u baahanahay qasri sidiisa oo kale u qurux badan oo u ifaya. Waxaan rabaa qasri laga sameeyay nooca ugu quruxda badan dheemmanta, laguna xardhay. Daahyada qasriga lagu hadoodilay waa in ay sidiisa oo kale u qurux iyo qaayo badnaadaan. Kuwo lagu xardhay noocyada dahabka iyo fiddada waa in ay ahaataa. Muuqaallada iftiinka iyo quruxdu waa in ay hareeraha qasriga isku gedaamaan.

Abboowe, waxa aan si xoog leh kaaga baryayaa codsiyadaa aan kuu soo jeediyay in aad sidooda iigu fulisid. Maalinka farxaddayda ha I liidin oo dadka yaysan aroosxumo igu xaman. Ha ka shaqayn in goorta aan dhinto ka dib dad qabrigayda soo booqday ku sheekaystaan: ‘si weyn ayuu nasiibku u qurxiyay arooskii Sitti, balse xiddigga Seyn waligiis mid madow oo foolxun ayuu ahaa.’

Howlahaa kolka laga faraxasho, walaashay Sitti u oggolow in ay I diyaariso oo I qurxiso. In ay I mayrto oo illaa xafladda arooskayga ila joogto, qofka ugu danbeeya ee I sagootiyana ay noqoto u idan. Mamuu, isagana saaxiibkii, ninka oofinta saaxiibtimada yaqaanna, Taajuddiin, u oggolow in uu sida uu jecel yahay ugu qubeeyo, sidaana qabriga ku bud dhigo.”

Qaddar yar ayay aammustay. In ay hadalka ku daashay oo u yara nasanayso ayay u muuqataa. Waaba sidaas. Hadalkii ayay cabbaar yar ka dib ku noqotay.

“Intaas kolka aad ii yeesho, [wax kale ayaan ku wayddiisanayaaye] samafalka isu kay raaci. Hal sano oo dhammaystiran dhammaan dadka inta gaajaysan dharji, inta tabaalaysan arradtir. Masaakiinta, foqorada iyo inta aan tabarta dhaqaale lahayn dhinacyadaada iyo agagaarkaaga ku soo aruuri, adiga oo u ixsaan falaya. Dadka nolosha ku guuldarraystay iyo kuwa murugaysan, iyana, soo aruuri si aad uga farxisid oo u samirsiisid. Abboowe gacmahaaga sacabbadooda dadka quustay illinta uga tir. Kuwa kurbaysan samafalkaaga ugu gargaar oo xanuunka uga fuji. Kuwa xabsiyada ku jira iska sii daa oo cafi. Kuwa dulman kadeed lagu hayo gacantaada uga xoree. Inyar oo nimcadaada ballaaran ka tirsan waxa aad nal uga dhigtaa laalaabyada qalbiyada dadka mugdiga dhex gudaya. Lubbiyada murugaysan samahaagu fikrado lagu farxo ha ku beero. Niyadaha jabay dhimrintaadu ha kabto oo dib ha u hagaajiso. Dadka dhibaataysan, naxsan ee ay tiiraanyadu haraysay u dhawoow oo u wehel yeel, kulammada farxadeed ee aad agaasintana ka soo ag dhawee. Xilliyada habeenimada ah waxa aad baadi goobtaa dadka habowsan iyo kuwa ooyaya gudcurrada dhexdooda, xilliyada dharaaraha ah na kuwa meelaha bahgooyada ah meehaabaya raadraadi; dhammaantood waxa ay ka tabanayaan ka haqabtir, cudurradooda dawee, kuwooda dhaawaca qabana u booga dhay. Wax kasta oo aad awooddid oo wax u taraya dadka caynkaa ah ha kala masuugin.

Sayidii, ha illoobin wanaagyadaa oo dhan kolka aad samayso in aad ii soo niyooto. Ii soo hadyee walaalkayoow. Xisaabta galbintayda iyo maamuusidda arooskayga qandaraaskaa wanaagga iyo naxariista ah ku dar. Dhammaan wixii aan kuu soo sheegay dhab iyo dheel ha uga kala shakin; waa wada dhab.

Sayidii, waxa aan ku wayddiisanayaa in aad dardaarkayga ugu danbeeya isna ii fulisid. Aniga iyo Mamuu hal meel ah noo hooy oo teed iyo wax na dhex gala naga dhowr. Inoo oggolow in aan dhinacyada isa saarno; hal qabri in aan wada galno oo geerida farxad iyo rayrayn ku wada qaadanno inoo oggolow. Jidhkayaga uu hoogga iyo balanbalka ku gamaaray ee hilowgu shiilay in uu istaabto inoo fasax markaas.

Sayidii, warka waan kugu badiyay, balse waxaa aan ka cududaaranayaa dariiqa aan u socdo ayaa dheer [oo dardaaran badan u baahan]. Waxaa kale oo aan ku marmarsiyoonayaa in godka hoyga ii noqon doonaayi aad kaaga fogaanayo iyo in maalinkii kalataggeennu uu soo dhawaaday.”

Halkaas ayay warkii dheeraa ku joojisay. Way aammustay. Dhammaan dadkii goobta joogay ayaa wada argagaxay. Oohin qaylo wadata ayaa goobtii ka bulaantay. Hal qof oo aan ilmaynayn goobta ma uu joogo. Amiirkii ayaa darbigii ay Seyn ku tiirsanayd xaggiisa u soo hinqaday. Sida dadka kale ayay ilmadu ka gobo’ leedahay. Seyn ayuu laabta gashaday. Madaxa inta uu ka dhunkaday ayuu war u bilaabay.

“Walaashayda aan isku aabbaha iyo hooyada nahayeey, waxa aan ahay walaalkaagii kuu arxami waayay ee qallayfka kuu muujiyay. Haa, sidaas ayuu xaal ahaa [hadda ka hor], maanta ayaan se diyaar u ahay dambigii aan kaa galay oo dhan in aan ka toobad keeno, wax kasta oo aan awoodana dartaa ayaan u samaynayaa. Naftayda [qaaliga ah] ayaan diyaar ula ahay in aan u huro sidii aan isugu kiin keeni lahaa si aad u faraxdaan. Alle ayaan ku dhaartay e, wax dambe oo idin kala geeya kama shaqayn doono, adduun iyo aakharaba.”

Halkii markii uu warka marinayay ayay xasuustiisu wareegtay. Mamuu ayaa ku soo dhacay. Waa tii warka dhiillada leh looga keenay. Illintii dhabannadiisa qulqulaysay ayuu iska hiigay. Dadkii hareerihiisa tubnaa ayuu kor u eegay. Amar ayuu siiyay.

“Hadda baxa oo degdeg xabsiga ku gaar. Xaalka Mamuu soo eega iyo sida uu yahay. Seyn way idin raacaysaa. In uusan sakaraadkii ahayn ayaa u malaynayaa oo u badinayaa, balse xanuun ama miyirbeel ka tan badiyay ayaa haleelay. Wuu miyirsan doonaa oo bogsan doonaa kolka aad si tartiib-tartiib ah oo aan naxdin iyo fajiciso ku abuurayn ugu bishaaraysaan in aad xabsiga ka saari doontaan.”


Waa inoo Moogga xiga iyo “Kulankii ugu Dambeeyay”.

Print Friendly

Comments

comments

Check Also

Mamuu iyo Seyn 14: Naf Saafi ah iyo Quus

Qaybtii Hore  Naf saafi ah Dhacdooyinka falagga iyo koonku waa kuwo horreeyay oo asal ah. …

Mamuu iyo Seyn 13: Laba-kacleyntii Fitnada

Qaybtii Hore Laba-kacleyntii Fitnada Awoodda xoogga badan ee jaceylku waligeed ma ay noqon mid carshi …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *