Home / Buug / Mamuu iyo Seyn 15: Kacdoon iyo Dhagar

Mamuu iyo Seyn 15: Kacdoon iyo Dhagar

Qaybtii Hore

Kacdoon

Hal sano oo dhammaystiran ayuu immika xabsiga ku jiraa Mamuu. Saaxiibaddiisii guuldarrada, Amiirad Seyn, iyana kurbo, jirro iyo oohin nafsaddeedii iyo hilibkeediiba idleeyay ayay ku dhammaysatay sannadkaa. Dhammaan labadaa mucaashaq saaxiibbadood, gaar ahaan Taajuddiin iyo Sitti, iyaguna murugo iyo tiiraanyo ayay sannadkaa dhammaaday la noolaayeen. Taajuddiin saacad qura maskaxdiisa kama ay baxdo in uu Mamuu god cidlo ah ku xiran yahay, halkaana ku dhibaataysan yahay. Mar qura ma illoobo in booraantaa uu Amiirka jasiiraddu saaxiibkii ku xabbisay, ay ka xayirtay farxad iyo caashaq uu ku noolaan lahaa. Sitti, xaaska Taajuddiin, qudheeda meel ayaa balbalaysa. Welwel badan ayay ka qabtaa xaaladdii walaasheed sida ay ku danbaysay; walaasheeda ka yar ee caafimaadkeedu uu liito, kadeedka jacaylkuna uu legday. Sitti waxaa u cuntami wayday oo ka hor timid dhammaan barwaaqadii ay haysatay, hoogga iyo musiibada ay walaasheed ku dhex jirto darteed.

Dareennadaa iyo duruufahaa kala duwan ayaa sannadkaa dhammaaday is garab socday. Iskudday kasta oo isbeddel wanaagsan xaaladdaa loogu raadinayay ayaa fashilmayay. Olole kasta oo ay asxaabta labada mucaashaq qaadeen, si ay xaaladdooda wax uga taraan, wuu guuldarraysanayay. Dhammaan ololeyaashaa sir iyo qarsoodi ayay ahaayeen, qof ama koox si toos ah Amiirka ugu bandhigtay dareenkooda na ma ay jirin.

Caawa waa habeen deggen oo xasilloon. Asxaabtii labada mucaashaq, intoodii ugu dhow-dhowaa, ayaa qasriga Taajuddiin oo laga dareemayo in uu beri la soo dhaafay qurux lahaan jiray isugu yimid. Waxa ay isugu yimaadeen in ay ka tashadaan sidii ay xal ugu heli lahaayeen mushkiladda Mamuu la fogaatay. Way wada qiiraysan yihiin oo foolkooda kurbo ayaa ka muuqata. Dhammaantood in ay dulqaadkii dhigeen oo ay dhawaan ama quusan doonaan ama xaydaabka cabsida jabin doonaan oo Amiirka toos u abbaari doonaan ayaa laga dareemayaa.

Waa ay tashanayaan. Ragga qaarkii ayaa talo soo jeediyay. In Amiirka berri lagu kallaho ayay ugu horraysiiyeen. In ay noqon doonto maalinkii ugu danbeeyay ee loo tago Amiirka ayay ku beerlaxowsadeen ragga qaarkii oo ay diidmo ka filayeen. In Amiirka turriinsho laga dalbado oo naxariis la wayddiisto oo si qoto-dheer oo furfuran arrinka looga la hadlo ayay ku taliyeen. Waxa ay raaciyeen in ay laba mid uun noqon doonto. Amiirka oo taladooda yeela oo sidii ay rabeen uu xaal noqdo, ama Amiirka oo taladooda diida. Markan danbe in ay go’aan adag qaadan doonaan ayay ku soo gabagabeeyeen kooxdani.

Caarif ayaa taladaa kooxdaa ganafka ku dhuftay. Isaga oo xanaaq badani ka muuqdo ayuu martidii hadal u bilaabay.

“Waa liidnimo in aan dib ugu noqonno tubtii aan hore ugu hungownay. In aan isla waddadii qaadno, innaga oo waliba og wixii isliidid iyo isbihin-bihin ahaa ee aynnu Amiirka ula tagnay in ay waxba tari waayeen, waa ragannimo-xumo. 

Mamuu xabsiga uu ku raagey kaga soo bixi maayo hadallo qasriga madaxtooyada ama meelo kale ba laga yir-yiraahdo. Tabta kali ah ee maanta [ninkaa] xabsiga ka soo saari karaysaa waa adeegsiga awoodaha dhudhummadeenna ku jirta. Maanta aynnu awoodeheenna u oggolaanno in ay hadlaan oo ay codsigeenna fuliyaan. Waa in aysan isla markaa ay awoodeheennu codsigeenna fulinayaan ka dhex sheekayn madaxtooyada dhexdeeda ee waa in ay goobaha dagaalka iyo bannaanka magaalada ka muuqdaan.

Haddii aynnu doonayno in uu Mamuu ka soo baxo xabsiga uu ku raagey, waa in aan subaxa berri ah xirannaa dharkeennii dagaalka, seefaheennana qaadannaa. Mid kasta oo inaga mid ahi waa in uu faraskiisii dagaalka soo heensaystaa. Si walba innaga oo dagaal diyaar ugu ah ayaan Amiirka u tagaynnaa oo ka dalbanaynnaa in uu Mamuu sii daayo oo u naxariisto. Haddii uu yeelo oo dalabkeenna aqbalo waa hagaag, haddii se uu diido dagaal ayaynu ku wargelinaynaa. Dagaal waliba culus oo isaga, adeegayaashiisa iyo cid kasta oo diyaar u ah in ay hooyadeed gablanto ka dhan ah. Si gaar ah ayaan beegsanaynnaa eyga xumaanta badan ee u adeega.

[Xilligaas] warmaha wax dilaayi xargaha ha goostaan. Kur badan oo nool jirkiisa ha ka dhalfiyaan. Jasiiradda Buudaani ha noqoto garoon ay geeridu biyodhigato, dadka inta badbaaddaayina ha ku raaxeystaan laxanka ay seefaha iyo gaashaammadu samaynayaan. Halkaa markii uu xaal dagaalku gaaro, laba natiijo midkood ayaan dhaxli doonnaa. In aan gaarno godka uu Mamuu ku jiro, dabadeena aynnu gacmaheenna ku soo furanno, ama maahee in aan wada geeriyoonno oo isaga iyo annaguba guuldarrada iyo geerida ku danbaynno.”

Taladaa ayaa la isla qaatay, si fiican ayaa loo ballamay, dabadeedna waa la kala hoyday.

Subaxdii la ballansanaa ayaa soo caddaatay. Dadkii jasiiradda ku noolaa ayaa ku waabberiistay xaalad aysan filanayn. Waa col ay hoggaaminayaan saddexdii walaalaha ahaa ee geesiyaashana ahaa oo darban. Intii ay Mamuu saaxiibada dhow ahaayeen oo wada hubaysan ayaa colka ku dhan. Jasiiradda ayay dhex guulguulayaan oo hadba qofkii ay garanayaan oo ehelladooda ama asxaabtooda ah la istaagayaan. In ay dagaal u socdaan, cafisna wayddiisanayaan ayay u sheegayaan, dabadeedna way sogootinayaan.

Colkii oo fardoolay iyo lug ba isugu jira ayaa beegsaday halkii uu qasriga Amiirku jasiiradda kaga yaallay. Markii ay u soo dhawaayeen ayuu Taajuddiin talo keenay. In ay ergo iska sii hormariyaan ayuu soo jeediyay. Waa laga aqbalay. Ninkii colka ugu odaysanaa ayuu doortay oo farriin Amiirkii ugu dhiibay. Waxa uu kula ballamay in uu Amiirka ku yiraahdo:

“Amiirkiiyoow; walaalaha afarta ah: Mamuu, Taajuddiin, Caarif iyo Jooko, waad og tahay in midkoodna uusan ka gaabin gudashada waajibka aad saartay iyo u-adeegitaankaaga, hal maalinna ha ahaatee. Mid iyaga ka mid ah oo waligii addeeciddaada iyo jaceylka uu kuu qabo ka tanaasulay ma uu jiro. Sababta ay ku dhacday ee waliba xaqa iyo caddaaladda ka dhigtay in walaalahaa midkood uu sannad dhan kuugu xirnaado god madow oo aan wehel iyo cid xaaladdiisa ka warqabta midkoodna lahayn, maxay tahay? 

Saddexda debadda joogta waxa aad badday in xaasidkoodu ku farxo iyo in iyaga iyo asxaabtooda jeceliba murugo iyo welwel la noolaadaan. Hal mid na in aad ka aqbasho wixii codsi iyo naxariis-dalbasho ahaa ee ay kuu soo qaddimeena waad diidday.

Mamuu muxuu galabsaday?!

Dambiga aad [Mamuu] waxaas oo ciqaab ah u badday ma wax aan ahayn in uu caashaq ku habsaday baa? Muxuu fali karayay [si uu caashaqaa uga gaashaanto]?.. waad ogtahay awoodda cishqigu in ay ka weyn tahay awooddaada maamul.. haddii aad awood iyo xiniinyo badan isku og tahay maad ka aargudatid Suldaanka kaa amar diiday ee Mamuu addoonsaday [ee cishqiga ku riday], halka aad ka ciqaabayso miskiinkaan aan danbiga gelin ee aan itaalka u lahayn in uu ka hortago xoogga [jacayl ee] ku soo duulay.

Amiiryahaw cid aan ogayni ma jirto in afartaani yihiin tiirarka maamulkaaga iyo farxaddaada. Maanta ayay kaa doonayaan in aad oofin iyo caddaalad ku soortid. Hal shey oo qura ayay kaa dalbanayaan. In aad u soo daysid walaalkooda aad xabsiga ku illowday ayay kaa doonayaan. Haddii aad sidaas yeeli waydo, waxa aad ogaataa mid iyaga ka mid ahi in aysan noloshu u dhadhamayn Mamuu oo xiran, sabab ay geeri uga baaqdaanna ma jiri doonto.”

Farriintaa dheer ayuu odaygii Taajuddiin ka dhagaystay. Dabadeedna wuu isa sii daayay. Qasrigii Amiirka ayuu isku shubay. Waardiyihii ayuu u sheegay in uu Amiirka doonayo, ergo loo soo dirayna yahay. Amiirkii ayaa mar danbe oggolaaday in loo soo daayo. Bakar, dhagarwadihii inkaarta qabay, qasriga ayuu wax ka joogaa. Subaxnimadii hore ee saaka wixii jasiiradda lagu warhayay iyo ujeeddada uu odaygu u socdo, labadaba wuu ka dheregsan yahay. Farriintii Taajuddiin oo sideedii ah ayuu odaygii dhagaha ugu shubay Amiirkii. In uu jawaabta sugo ayuu Amiirkiina faray. Si deggen oo taxaddar badani ka muuqdo ayuu arrinkii u guda galay Amiirku. Kaligii ayuu tashaday oo dhulkajeexjeexday. Go’aan aysan cid kale ku talo darsan ayuu gaaray. Odaygii oo hortiisa taagan ayuu hadal u bilaabay.

“Oday, nimankaas ku soo diray ku laabo. Waxa aad wayddiisaa malaha xun ee aan habboonayn meesha ay ka keeneen. Sababta ugu wacan kacdoonkan, iyana, wayddii. Wax kasta oo ay rabaan waan samaynaynnaa. Suurtogal ma aha in aan saaxiibbadayo [Taajuddiin, Caarif iyo jooko] kala tagno, sidaana ay qaddarinta iyo jacaylka na dhexyaallaayi ku buraan. Shaqooyin aynaan illoobi karin ayay noo soo qabteen. Arrinka Mamuu haddii aan u soo noqdo, ugu horrayn sababta aan sidaas u yeelay [ee xabsiga ugu riday] waxa ay iga ahayd edbin iyo basrin uun. Balse maanta ayaan sooddayntiisa hadyad uga dhigayaa Taajuddiin iyo Sitti. Intaa kali ah ma ahee isaga iyo Seyn ayaan isu guurinayaa. Ha is dajiyo colka darbani. Waa iga dhab in aad colka oo dhan hibo u siin doono Mamuu, aniga oo gudanaya xaqa daacadnimada iyo gacaltooyada [ay noo hayaan.]”

Farxad ayaa wajigii odayga buuxisay. Laalaabyadii dhabannadiisa ayaa iftiimay oo si fiican u muuqday. Wuu is hayn kari waayay. Dhabarka inta uu goday ayuu Amiirkii u mahad celiyay. Intaa dabadeedna wuu baxay. Colkii soo ergaystay oo sugaya ayuu ku noqday. Jawaabtii Amiirka ayuu wada maqashiiyay. Dhammaantood farxad ayaa hareeraysay. Kurbadii iyo xanaaqii foolkooda saarnaa ayaa ilbiriqsiyo ku baaba’ay. Kacdoonkii ku jiray ayaa, isaguna, ilbiriqsiyo gudahood ku damay oo ku danbabasay. Iyaga oo wada dhoollacadaynaya ayay kala dareereen, midkood kastana xaafaddiisii ayuu beegsaday. War ay timaaddada ka hayaan ayaase male ku kooban. Waxa ay rajaynayaan in ay dhawaan maqlaan Mamuu oo la soo daayay, dabadeedna gabadhii uu jeclaa, Amiirad Seyn, loo guuriyay [isaga oo faraxsan].

Dhagartii

Amiir Seyn Al-diin, odaygii ergada ugu yimid oo aan wali ka dhammaan qasriga gudihiisa ayuu si dhab ah u wejahay xaaladdii soo cusboonaatay. Wajigiisii ayaa qayirmay. Indhihiisii ayaa xanaaq la casaaday. Si weyn ayaa foolkiisa looga akhrisanayay xaaladda uu Amiirku isla cagiddiiba galay. Qaabkii uu u dhagri lahaa nimankan kacdoonka sameeyay ayuu ka fekeray oo maskaxda la gilgilay.

Dhammaan jawaabtii uu siiyay odaygii ergada ahaa afka baarkiisa ayay ka ahayd. Hal eray oo ka dhab ahi kuma uu jirin. Hal ujeeddo ayuu ka lahaa beentaa uu odayga ku qulaamiyay. In uu kacdoonka holcayaayi damo oo bakhtiyo ayuu rabay, wuuna ku guulaystay. In ay dhallinyarada dagaalka u soo tafaxaydatayi kala dareeraan ayuu jeclaa, wayna dhacday. Amiirku waxa uu si dhab ah u garwaaqsanaa in aan dani ugu jirin kacdoon ay Taajuddiin iyo walaalihii hor boodayaan. Waxa uu ogaa in ay nimankaa walaalaha ahi leeyihiin dad badan oo raacsan oo daacad u wada ah, dhammaan daafaha jasiiraddana ay dadkaasi ku filiqsan yihiin. Xaqiiqadaas ayaa Amiirka ku khasabtay in uu ballantaa beenta ah sheego. Dhammaan qorsheyaashii uu ka damacsanaa ballanqaadkaas beenta ahi in uu u fududeeyo way u fuleen.  Waxa uu doonayay wakhti ku filan oo uu ku soo saaro xeelad soo afjarta kacdoonka taagan, mid walba oo kale oo isaga la mid noqon karana ka hor tagta.

Fekerkii ayaa ku dheeraaday Amiirka. Go’aan caaqibo leh oo uu arrinka ka qaato ayaa ku soo dhici waayay. Isaga oo wali isku maqan ayuu waardiyihii xumaa, Bakar, xafiiska ugu soo galay. Bakar si fiican ayuu u dhagaysanayay farriintii uu odaygu waday iyo jawaabtii uu Amiirku siiyay, labadaba. Wax ka qarsoon ma ay jirin. Waxa uu fahmay in uusan Amiirku ka run sheegayn jawaabtii uu odayga siinayay. In uu maaweellinayay isaga iyo colkii uu ka socday ayuu xaqiiqsaday. Daqiiqaddan waxa uu Amiirku la beddelan yahay in ay tahay raadinta talo ku habboon oo uu uga lug baxo kacdoonkan soo-boodka ah ayuu, iyana, garwaaqdasay.

Qaybo ka mid ah xafiiska uu Amiirku fadhiyo in uu hagaajinayo ayuu iska dhigay. Jaanis ayuu cabbaar eegeegtay uu Amiirka hadal ugu furo. Wuu helay.

“Alle ayaan ku dhaartay e, muddo dheer ayaan ka baqayay kuwani in ay ka faa’ideystaan fursad ay mar qura helaan, si ay khalkhal iyo xasilloonidarro u abuuraan. Waligay waan ogaa [qorshohooda]. Ujeeddada ugu weyn ee ay leeyihiini waa in ay kooda ugu weyn, uguna madaxa taagan ee Taajuddiin la yiraahdo u rumeeyaan riyo dhalanteed ah oo madaxiisa ku qufulan oo ah in uu noqdo amiirka Buudaan.”

Amiirka xaggiisa ayuu soo eegay. Warkii ayuu sii waday.

“Ma jirto sabab uu Amiirku uga murugoodaa arrinkan, ma na ahan mid u qalma in uu ahmiyad badan siiyo. Waayo, Amiirku waxa uu awoodaa in uu Taajuddiin iyo walaalihiis ba si dhib yar uga takhalluso.

Mamuu, isaga ayaa ba ugu fudud cid dilkeeda la doono. Waxaa ku filan Amiirka in uu Seyn isaga dhigo sidii uu ka qoomameeyay muragada uu iyada iyo Mamuu baday. Dabadeedna in uu labadooda isu guurin doono ayuu u sheegayaa [oo been ah]. Markuu arrinkaasi u fulana iyada ayuu u dirayaa in ay godkii uu ku xirnaa Mamuu ugu tagto oo ka soo saarto. Waxa aan ogahay in uu si xad dhaaf ah u jecel yahay Seyn. Sida aan ku mala weynahay, kolka uu [Mamuu] sidaa u arko Seyn, waliba isaga oo muddo dheer aragtideeda moogganaa oo aadna ugu hilowsanaa, dhulka ayuu ku dhacayaa oo wuu dhimanayaa.

Taajuddiin iyo walaalihiis qudhooda sida loo dili karo way fududdahay. Haddii uu Amiirku ii oggolaado xilli ay xafladi jirto ayaan dhammaantood sun ugu darayaa sharaabka.”

In kasta oo Amiirku uu iska dhigayay mid aan u soo jeedin warka Bakar dhurayo, haddana eray ka mid ahi ma uu dhaafin. Si kal iyo laab ah ayuu dhagaha ugu raaricinayay oo u dhuuxayay. Amiirku in uu wakhti yar gudihii ku helo tab uu kaga saayidcaleeyo kacdoonka Taajuddiin iyo walaalihii wadaan ayuu doonayaa, si uusan ugu khasbanaan in uu fuliyo ballanta uu u qaaday.

Intii uu Bakar warka daldalayay oo dhan Amiirku wuu fooraray, markii uu dhammeeyay na butuli uma uu furin. Taladii uu soo jeediyay ayuu se ka fekeray. Dhab ahaan wuu ka helay, waxa uu se sii saadaaliyay cawaaqabka ay dhali doonto haddii uu taladan qaato. In uu degdego oo dabadeedna khatalmo ayuu iska ilaaliyay. Dhowr jeer oo kale ayuu maamiyay talo middaas ka duwan oo dhaanta oo uu qaato.

Bakar, talooyinka isdabajoogga ah ee uu siiyo Amiirka ma ay dammaanad qaadin in uusan Amiirku karaahaysan oo ka didin dhaqanka qaabka daran ee uu leeyahay. Bakar waxa uu intaa faraha kula jiraa arrimo aan si dhow iyo si dheer toona ula xiriirin. Mar kasta oo uu Amiirku eego Bakar, waxaa uga muuqanayay qurunka iyo dhaqanka xun ee ku beeran. Waa qurunka kiciyay asalka fitnadan uu Amiirku la fekerayo ee duntiisa ku abuuran. Oraah kasta oo uu arrimaha taagan ku darsaday, daacad ha ka ahaado ama dibandaabyo uu u maleegayo dad aan danbi lahayn ha ka ahaatee, waxa ay u qalantaa in uu Amiirku ku karaahaysto oo ku naco, dabadeedna hadalkiisa wada qodaxda ah dhagaha ka laabto. Marar badan dhaqannada Bakar waxa ay ahaayeen kuwo Amiirka ku dirqinayay in uu qasrigiisa ka eryo, balse waxaa muuqatay in uu Amiirku u baahnaa dhagarta iyo dibandaabyada uu ninkani afuufayo. Haa, si walba ninkan Amiirku wuu uga maarmay oo wuu cayrin lahaa, balse Taajuddiin in tuhun xumi galo ayuu ka baqayay. In Taajuddiin u maleeyo dhammaan wixii dhacay in uu Bakar ka danbeeyay, dhagartiisa darteedna qasriga looga eryay ayuu diidanaa. Sidaa oo kale, Amiirku waxa uu diiddanaa in qudhiisa laga shakiyo oo la moodo in uu ninkaa [Bakar la yiraahdo] talooyinka ka qaato, dabadeedna xarigga laga furto oo dadku wada caasiyaan. Cabsidaa ayaa ka hor taagnayd Amiirka in uu Bakar qasriga ka cayriyo.

Amiirku hal eray kama uu daba oran Bakar oo wali dhagta u soo taagayay. Waxa uu ku amray in uu bannaanka uga baxo xafiiskiisa, albaabkana u xiro. Waxa uu intaa ugu daray in uusan qof na u soo deynin.

Intii maalinkaa ka hadhsanayd iyo hamaynkii xigay ba Amiirku kaligii ayuu xafiiskii ku ahaa. Intaa wuu fekerayay oo faqayay. Wakhtigii oo dhan islahadal ayuu ku dhammeeyay.

Fikrado badan oo taladii Bakar ee maankiisa gadday salsallaaba ayaa madaxiisa ku soo dhacay. Hal fikrad ayaan se mar na ku soo dhicin. In uu Mamuu u guuriyo walaashii Seyn ha inoo joogtee in uu cafiyo maskiinkaa hal marna kuma uu fekerin. Aad ayuu arrinkaasi ugu adkaa, sababo is biirsaday ayaana ka dhigayay arrin aan ka suuroobi karin. Sababahaasi waxa ay soo bilowdeen markii ugu horraysay ee adeegaha xumi, Bakar, Amiirka u sheegay in Taajuddiin damacsan yahay in uu Mamuu u guuriyo Seyn, isaga oo aan waliba Amiirka ogaysiin. Hadalkaasi waxa uu ahaa kii ugu darnaa ee uu Amiirku maqlo, shaki xoog lehna wuu ku beeray. Sababta labaad ee Amiirka aanay uga suuragalayn in uu Mamuu cafiyo, dabadeedna u guuriyo Seyn waxa ay ahayd warkii shaaca baxay ee ku saabsanaa xiriirka jacayl ee Mamuu iyo Seyn u dhexeeya. Bakar ayaa sheekadaa u sii dacareeyay ka dib markii uu u sheegay in ay labada mucaashaq dhaqanxumo sameeyeen. Kacdoonkii ay saaka ku kaceen Taajuddiin iyo xulufadiisu, iyana, waa sabab kale oo sii fogaynaysa rejo laga qabi lahaa naxariista ka timaadda Amiirka xaggiisa oo Mamuu ku wajahan. Sidii ay isugu dayeen cafis xoog iyo gooddi ku yimaada in uu Amiirku ku siidaayo Mamuu ayaa ka dagi wayday oo madax martay.

Amiirku in uu qaato talada Bakar waxaa ka hortaagnayd xisaab weyn oo la xiriirta dheefta taladan ka dhalanaysa iyo dhibkeeda. Xalka xisaabtaa ayaa ku adkaaday, balse si walba wuu ugu qanacsanaa talada Bakar. Amiirka agtiisa wax fudud kama ay ahayn in uu si dhib yar Taajuddiin iyo walaalihii u sumeeyo, waayo waxa uu ogaa dad badan oo jecel walaalahaa in ay jiraan. Dadkaasi waxa ay is weyddiin doonaan sirta ka danbaysa geerida Taajuddiin iyo walaalihii, dabadeedna baaritaan dheer ayay gali doonaan, illaa ay xaqiiqada hubsadaanna ma fariisan doonaan.

Arrimahaa oo dhan isaga oo og, Amiirku waxaa kale oo u raacda in uu og yahay in ay taladani tahay xeelad tayo xun oo aan Amiir isaga oo kale ah ku habboonayn. Waa xeelad dhagar badane oo kali ah ku dhaqaaqi karo ayuu qabay Amiirku. Haddii uu taladan ku dhaqaaqo waxa kali ah ee ay tilmaamayso waa fulaynimada Amiirka iyo in uu ka baqay dagaal fool-ka-fool ah. Sababaha ugu waaweyn ee uu ugu dhici la’ yahay qaadashada talada Bakar waa in loo moodin amiir fulay ah oo tabar daran.

Talada inteeda daarran in Mamuu dunidan la dhaafiyo wuu ku qanacsan yahay. Diyaar ayuu u yahay in uu Seyn u diro, haddiiba uu aragtideeda oo qura nafta ku waayayo. Run ahaantii, dhimashada Mamuu fadqalaladan soo korodhay ayay daminaysaa, taladan Bakar na waa mid taabbogal ah ayuu isku la sheekaystay Amiirku.

Amiirku hamaynkaa laba indhood is ku ma uu keenin. Illaa iyo mushkiladdan ka xalliyo sidaas in uu ahaado ayuu go’aansaday.


Waa inoo moogga xiga iyo “Shallayto” iyo “Dardaaran” oo wada socda.

Print Friendly

Comments

comments

Check Also

Mamuu iyo Seyn 14: Naf Saafi ah iyo Quus

Qaybtii Hore  Naf saafi ah Dhacdooyinka falagga iyo koonku waa kuwo horreeyay oo asal ah. ...

Mamuu iyo Seyn 13: Laba-kacleyntii Fitnada

Qaybtii Hore Laba-kacleyntii Fitnada Awoodda xoogga badan ee jaceylku waligeed ma ay noqon mid carshi ...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *