Home / Abwaan / Caasha Jaamac Diiriye

Caasha Jaamac Diiriye

Caasha Jaamac Diiriye- Alle ha u naxatiisto e-, waxa ay laba gabay ku lahayd silsiladdii Siinley. Jabuuti ayaa ay ka soo tirisay. Waxa ay u soo dirtay qolyihii Lafoole iyo Muqdisho ku sugnaa. Waxa ay ahayd inanta qudha ragga silsilad maanseeddaas ku tarraxaysey. Caasha waxa ay ku dhalatay 1940 kii magaalada Ceel-afweyn oo ay illaa sagaal jirkeedii ku noolayd.

Magaalooyinka Burco, Berbera iyo Hargeysa ayaa ay u dhaxaysey xilliyadii hanaqaadkeeda. Waxa ay ka mid ahayd kooxdii Walaalaha Hargeysa. Dabayaaqadii 1950aadkii ayaa ay u wareegtey dhanka Jabuuti. Waxa ay ku guursatey siyaasigii caanka ahaa Cali Caarif Burhaan. Sannadkii 2004 ta ayaa ay Caashi ku geeriyootey isla Jabuuti- Alle ha u naxatiisto-. Tani waa maansadeedii koowaad ee Siinleyda.

Sa’da gabay Samaalow inaadeer maqal su’aashayda
Sannadaba waraan qarinayaan kuu sarsarayaaye
Sida sagalka ruuxaad u tahay oo kugu sureeraaya
Seedaha midaad kaga jirtuu siray jacaylkaagu

Sambabadiyo feedhaa midaad saakin ku ahaatay
Oo weliba sirtay qarin lahayd sababta sheegaysa
Oo adiga kuu soomman oo samirtay oo joogta

Subxaankaannu kugu dhaarinniyo Saatirka Ilaahe
Adaan sirin sokeeyow runtii sud iyo caad toonna
Sabaale iyo adigaan ka deyin been ku samirsiisa
Sidaad odhan lahayd ii caddee run adiga oon seegin.

Anoo hadalka saameelayoo saad u tidhi dhaadey
Ma sokeeyo dumarkuye anoo kula sifaynaaya
Waxaan ahay Samow taad rabtiyo Saxarla’daadiiye

Soo soco sinaba haw maqnaan waan ku sugayaaye
Soo soco jacayl way sitaa imana sii dayne
Nin i siray nin ii seeto dhigay nin i sabaaleeyey
Soo soco aan kuu kala sugee, sida i soo gaadhey.

Seygeygi dhoofow intaa waan ku sugayaaye
Subaxdaad dhaqaaqdaa rugtii layska saanyadaye
Sidkihii waxaa lagu lisaa dhulaan u soorrayne
Wax sidkaday nimaan kugu simayn igana soorayne
Sebigii yaraa wuu ka qaday saaka say tahaye
Soo soco sinaba haw maqnaan waan ku sugayaaye.

Sahankii la ii diray markuu sooba noqon waayey
Uu sooba degi waayey ee bad u sullaacaayo
Aan saadiyey ee dhawrayee waayo badan soomay
Maruun bay siyaabaha dhacaa ii samaan noqone
Saacadaha Eebbaa hayoo waan ka sugayaaye
Aniguna Ilaah aan ka sugo suu ka dhigi doono.

Haddiise si xun sheeg sixir ka darane hadallo soo saydhay
Saxarlaa warkaas tidhi hadday subax ku soo gaadhey
Sinaba haw maqline waxaad ogaan sacabbo saarkeenna
Iyo wacadkaynu seeranniyo saynu leennahaye.

Print Friendly

Comments

comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *