Imaam Axmad Ibnu Xanbal (164H-241H, Baqdaad, 88 jir): Abuu Cabdallah, Axmad ibnu Muxammad ibnu Xanbal. Waa imaamkii aasaasay mad-habka fiqiga ee Xanaabilada oo xilligeennan ku badan Sucuudiga. Waxa uu ku dhashay magaalada Baqdaad sannadkii 164H, aabbihiina waxa uu geeriyooday isaga oo saddex jir ah, waxaana korisay hooyadii.
Barashada xadiiska waxa uu ku bilaabay 15 jir, xilligaas oo ku beegnaa sannadkii uu geeriyooday Imaam Maalik– Alle ha u naxariisto e- (179H). Culumada uu wax ka bartay waxaa ka mid ahaa maqaawiirtii Sufyaan ibnu Cuyaynah, Qaadii Abuu Yuusuf (ardaygii imaam Abuu Xaniifah), Imaam Shaafici, Cabdurrasaaq as-Sancaanii, Qutaybah ibnu Saciid, Cali ibn al-Madiinii, Cabduraxmaan ibnu Mahdii, Abuu Bakar ibnu Abii Shaybah iyo kuwo kale oo aad u tiro badan.
Imaamku waxa uu ahaa muxaddis/ث aad iyo aad ugu xeeldheer aqoonta xadiiska. Waxaa xadiiska ka weriya Bukhaarii, Muslim, Abuu Daawuud, sheekhiisi Cabdurrasaaq as-Sancaanii, Imaam Shaafici, Cali ibn al-Madiinii, Yaxyaa ibnu Maciin, Abuu Surcah/ز, Abuu Xaatim, iyo muxaddisiin kale oo aad u heer sarreeya. Imaam Axmad waxa uu lahaa darajo aad u sarraysa, isaga oo madax ku ahaa aqoonta xadiiska iyo fiqhiga, iyo cibaadadaba. Ficiisa, ardaydiisa iyo sheekhyadiisuba aad ayaa ay uga wada heybaysan jireen una qaddarin jireen.
Waxa uu caan ku ahaa dhawrsanaan, suhdi (xalaal-miirad), afgaabnaan, dulqaad, kibir la’aan iyo gacan furnaan. Afarta imaam ee madaahibta isaga ayaa ugu geeri dambeeyey, xilligiisiina waxaa batay bidcooyinka oo uu aad ula diriri jirey, ilaa sheekhiisii Qutaybah yidhi: “Axmad la’aantiis bidco badan ayaa ay diinta ku dari lahaayeen. Axmad waa imaamka adduunka.” Imaam Shaaficina sidan ayaa uu u tilmaamay: “Baqdaad markii aan ka soo baxay kagama soo tegin nin ka fadli badan, ka aqoon badan, ka fiqhi [fahan] badan, kana Alle-cabsi badan Axmad ibnu Xanbal.”
Waxa uu ahaa nin dheer oo midabkiisu maarriin yahay, oo aan kaalmo dhaqaaleed cidna ka qaadanin, waxa uuna quudan jirey waxa uu xooggiisa iyo caqligiiga kula soo baxo oo keli ah.
Xilligii khaliifkii Al-Ma’muun ayey bilaabatay mixnadii loo yaqaannay Fitnadii Abuurka Qur’aanka, taas oo imaamka iyo culumo kale oo badanba lagu ciqaabay oo aad loo jidh-dilay. 28 bilood ayaa uu xidhnaa oo shaabuugeyn iyo ciqaab kaleba lagu wadey. Markii ay kari waayeen ayaa ay iska sii daayeen. Dhacdadani waxa ay sababtay in imaam Axmad lagu naanayso Imaamkii Ahl as-Sunnah. Imaamku ma qorin kitaab fiqhi ah, ee ardaydiisii ayaa uruuriyey hadalladiisii. Dhaxalkii uu ka tagey waxaa ka mid ah diiwaannada xadiiska ka ugu weyn, Musnad Imaam Axmad oo ay ku qoran yihiin ilaa 40 000 oo xadiis, iyo kitaabbo kale oo mawduucyo kala duwan ku saabsan.
Sannadkii 241H ayaa uu geeriyooday Imaam Axmad isaga oo uu u bilowday sannadkii 88aad. Alle ha u naxariisto imaamka, wanaaggii uu umadda u sameeyeyna ha ka abaalmariyo. Aamiin.
Xigasho
11/177-358 سير أعلام النبلاء
البداية والنهاية 11/160-189