Xaaladda Seyn hamaynkaa way ka sii dartay. Dhiiggii badnaa ee ay uur-ku-jirteeda ka soo butaacay iyo muddadii dheerayd ee ay suuxsanayd ayaa wax weyn u dhimay. Awooddii iyo xooggii yaraa ee jidhkeeda ku harsanaa ayay labadaas xaaladoodi dhidibtireen. Si xooggan ayay u tabardarraysay.
Iyada oo xaalkeedu sidaa yahay ayay soo jeedintii Amiirka ka dib wax iska beddeleen. Si weyn ayay ugu faraxday in uu sii deynayo Amiirku Mamuu; dhibaatadii iyo tabardarradii haysayna farxaddaa ayaa ka xoraysay. Iyada oo is dhibaysa ayay istaagtay. In ay booqashada jacaylkeeda, Mamuu, is ku diyaariso ayay bilowday. Isqurxin, is-hagaajin iyo isdhaashdhaash ayay u dhaqaaqday. Faras si gaar ah loogu diyaariyay ayay dusha uga baxday. Dadkii uu Amiirku ku amray in ay Mamuu xabsiga ka soo saaraan oo sugayay ayay ku biirtay, dabadeedna way wada dhaqaaqeen. Jihadii uu xabsigu ka xigay ayay beegsadeen. Walaasheed Sitti ayaa meesha maraysay. Qayb ka mid ah qaraabadeed, koox adeegayaashii qasriga ka tirsan iyo gabdhihii quruxda lagu xulay ee qasriga wax ka joogay ayay dadkan ay la socotaayi ka kooban yihiin. Waa saqbadhkii. Carrada oo dhami waa gudcur, qof kastana shumac ayuu sitaa uu kaligii ifsanayo.
Muddo aan badnayn ka dib, xabsigii ayay soo gaareen. Albaabkiisa haddii ay tubteen ba, waardihii ayaa ka ballaqay. Markii uu xabsigu u soo muuqday ayay Seyn dadkii kale ka hartay. Waxa ay ka baqaysay Mamuu oo ku naxa aragtideeda uu bari hore ka quustay. Dadkii kale qof qof iyo laba laba ayay dalluuntii yarayd ee Mamuu ku xirnaa isugu shubeen. Way naxsan yihiin oo waxa ay la kulmi doonaan ayay is weyddiinayaan. Godkii ayaa maalinweyn isu rogay iftiinkii shumacyada dartii. Laba qof oo isla hadlayaa ma jiraan. Carradu waa juuq la’ laga cabsoonayo. Waxa kali ah ee sharqamayaayi waa isku dhaca saanta dadka iyo sagxadda xabsiga. Meeshu waa hog dhago la’ oo ay mowjadaha cidladu dhinacyadiisa oo dhan sabbaynayaan.
Qooladdii ayay isha ku meegaariyeen. Mamuu meel dhinac ah ayuu gogol dhammaatay oo duluf ah kor bilqan yahay. Waa gogol uu marna ku tukado oo sujuuddiisii xoqday, mar kalena uu ku seexdo oo dhinacyadiisii daliigtay. Mamuu qof nool oo dareemayaashiisu shaqaynayaan uma eka. Lafuhu ha ba ugu darnaadeena jirkiisii wuu turqay. Run ahaantii, astaamihii muuqaalkiisa durba lagu aqoonsan karayay oo dhan way ka baabe’een. Qalfoof harag shiilmay lagu dahaaray ayaa ka soo hadhay quruxdiisii iyo murqihiisii.
Miyir la’aantiisa ayay ka wada argagaxeen. Ninkii waardiyaha ahaa ayay u yeereen oo wayddiiyeen waxa ku dhacay. In uu illaa waaberigii xaaladda caynkaa ah ku jiray ayuu isaguna u sheegay. Illaa intii uu quraacda u keenay in uu baraad la’aa ayuu u raaciyay. Wax ku dhacay in uusan garanayn, dadka ku jira godka ku xiga haddii uu wayddiiyayna ay garan waayeen ayuu haddana warkii ka daba keenay. In dadka qooladahaa ku xiran ay waabbarigii godkiisa iftiin ka hillaacayay arkeen ayuu warbixintii ku soo af meeray. Arrintaa dadka xirani ka dhawaajiyeen ayay kooxdii oo dhami arrin la yaab leh ku tilmaameen.
Farsamo kasta oo qof miyirbeelay lagu dabiibo ayay adeegsadeen dadkii Amiirka ka socday, way se ku guuldarraysteen in ay Mamuu dunida miyirqabka ku soo dabbaalaan. In uu suuxsan yahay in uu xoonkii geeridu mar hore u yimid ayay ku murmeen. Seyn ayaa warkii la gaarsiiyay. Godkii ayay u soo dhaadhacday. In ay la hadasho ayay damacsanayd markii ay soo galaysay bal in uu soo miyirsado, balse iyada qudheedii ayaa la haleelay. Markii ay muuqaalkiisa sidaa u jalleecday ayay is-hayn kari wayday. Farteeda dhexe ayay qoomammo darteeda la qaniintay. Si tabardarro badani ka muuqato ayay u barraahsatay. Iyada oo ilmaynaysa ayay madaxiisa kor u soo qaadday. Dhabteeda ayay saartay. Magaciisa ayay si dhiillo ka muuqato ugu qaylisay oo oohintii sii kordhisay. Illin kulul oo indheheeda ka soo kudday ayaa wajigiisa ku daadatay.
Amarka Ilaahay, Mamuu ayaa soo naaxay. Indho meel fog ka soo jeeda ayuu si nuxuus ah baalasha uga fayday. Dadkii korkiisa tubnaa ayuu si gaabisa aragga ugu wareejiyay. Run ahaantii, indhihiisu sida ay u shaqaynayaan waxa ay marag u tahay in uu xaalkiisu xumaaday oo heer wax laga qaban karo uu mar hore ka gudbay. Dadkii tubnaa ayaa amakaag iyo argagax la kala jeestay. Xaaladdiisu heer laga argagaxo ayay maraysaa oo ankee la ma daawan karayo, sababtii uu dhabta Seyn ugu soo naaxay iyana yaab iyo isweyddiin ba leh. Tabar yaroo uu ku fariisto ayuu cabbaar idil gudihiisa iyo xubnaha jirkiisa ka baadi goobayay. Hal qofna lama uu hadal. Seyn iyadu kolkii uu soo naaxay ayay shib gashay. Salka ayuu silic badan ka dib u fariistay. Dhankii qibladu ka xigtay ayuu u jihaystay, deetana sujuud ayuu la dhacay. Waa la sii yaabay. Qof nuuxnuuxsada ayaa dadkii laga waayay. Carradii oo dhan ayaa sidii loogu yimid ku noqotay; juuqla.
Sidii la filayey, sujuuddii kuma uu raagin. Xoogaa yar ka dib wuu ka soo fariistay. Wajigiisa in uu yaabban yahay ayaa toos uga muuqata. Dhankii ay Seyn ka fadhiday ayuu isku babcay. Markan dadka wajiyadooda farxad ayaa buuxisay. Rejo ayaa ka soo gashay nolosha Mamuu oo ay quus ka joogeen.
Labadiisii indhood ee godka ka soo jeeday oo ilmaynaya ayuu ku qaabbilay jacaylkiisii; Seyn. Cod hoose oo liita ayuu Seyn kula hadlay.
- Hage wanaagsan ayaad ii ahayd. Mamuu ayaa yiri.
- Dhabtii wadeey daacad ah ayaad [adiguna] ii ahayd.
- Dariiq wanaagsan oo aan raalli galinta Alle ku helo ayaad ii tahay.
- Naftayda ileyskeedii ifka badnaa ayaad tahay. Seyn ayaa ugu hal celisay.
- Kaahii laabtayda [u baxayay] ayaad tahay.
- Labadayda indhood adiga ayaa iska leh.
- Naftaydaba adiga ayaa maamula.
- Qiblada ay naftaydu u jihaysato waa adiga.
Hadalkii talantaalliga ahaa ayaa dhanka Mamuu ka go’ay. Dadkii meesha joogay ayaa ku wada baraarugay Mamuu in uu maahsan yahay. Maskaxdiisii ayaa dawaaftay oo sheekadii ay wadday iyo dadkii ay la joogtay bilaa macasalaamayn ka tagtay. Indhaha ayuu isku qabsaday. Sitti ayaa dadkii ka soo dhex baxday. Way u soo dhawaatay. Agtiisa ayay aayar kadalloobsatay. Hadal ayay u bilowday.
“Mamuu, waxa aan kuugu nimid in aan kaa badbaadinno dhibtan ku haysata. Ma aha in aad waallida iyo dhoosanaanta ku haysa ku sii adkaysato. Amiirkii [hadda ka hor] kuu caroorday xilligan naxariis iyo turriinsho badan ayuu kuu hayaa. Isaga ayaa noo soo diray in aan meeshan kaa saarno, dabadeedna himiladaadii kuu xaqiijinno. Seyntii aad darteed u khafiiftay ee aad dhibkan u mudatay waa taa oo lugaheeda ayay kuugu timid. Waa tan oo waa iyada ku hor fadhida. Sidii aad jeclayd ayaa kuu suuragashay. Hankaagii godka dheer ku shalwaday ee dhallinyaranimadaadii jilay waa kan oo dib ayuu uga soo baxay godkii. Maanta [hankaagu] wuu ku soo qaabbilay ee soo dhawee. Dhammaan dadkan meesha taagani ilbiriqsigaan adiga dartaa ayay u faraxsan yihiin. Waxa ay sugayaan marka aad xabsiga ka baxayso ee iyaguna ay hanbalyo ku oranayaan.
Istaag… Mamuu istaag. Leelalowga ku haya ku haya yuusan waalli isu rogin. Mowjadaha cishqiga yaanay miyirka kaa qaadin. Muddada cimrigaaga ka hartay suuraafnimo ha ku idlayn, iyada oo waliba ay guushaadu kaabiga ku soo saartay [iyada oo iskeed u socota]. Naftaada si bilaash ah haku lumin ee qiimee. Garashadaadii muddada dheer casilnayd dib u soo magacow oo u howl gali, maskaxdaada ka jaf boorka waallida u eg ee ku baahay.
Istaag oo aynu u wada tagno amiirkii. Maanta waxa aad arki doontaa in uu yahay deeqsi wax bixin badan. Waxa uu kuu diyaariyay wax kasta oo uu filayay in aad farxad iyo rayrayn ku dareemi doonto. Saaxiibbadaa iyo gacalkaagii oo dhan ayuu kuu aruuriyay oo ku sugaya. Adeegayaal uu darbay ayaa qasrigiisa kuugu fidiyay gogol. Waa gogol uu ugu talagalay Amiirku in uu kugu soo dhaweeyo, dabadeedna kuugu bishaareeyo in uu arooska adiga iyo Seyn habeenno badan xaflad u tumi doono.”
Labada indhood ayuu baalasha ka qaaday. In garashadu u soo noqotay ayay dadkii oo dhami ku farxeen. Madaxa ayuu labada dhinac u riixriixay sidii uu soo jeedintii Sitti diiddan yahay. Hadal ayuu bilaabay.
“Maya. Anigu uma tagayo qof amiirnimo sheegta oo dhan. Madaxweyne iyo qof wasiir ah midkoodna albaabkiisa ma istaagi doono. Qof isagu ba addoon ah oo dunida [liidata] u xiran anigu addoon iyo maxbuus toona u noqon mahayo. Muxuu tari karaa amiir aan nolishiisa gacanta ku hayn; amiir aan iska xijaabi karin geerida; amiir aan dammaanad qaadi karin jiritaanka boqortooyadiisa? Anigu qof xeeladaha liita lagu dagi karo ma ahi ama ay qafaalan karaan biriqa dunida ee dhammaanaya.
Annagu (Mamuu iyo Seyn) waxa aan u kicitinnay albaabka Allaha is ka leh maamulka madaxda iyo shacabka. Fagaarihii maamulaha maamulayaasha iyo amiirrada ayaa na la ku soo dhaweeyay. Waa maamule aan caddaaladdiisu soo kala dhawaysan mid faqiir ah iyo mid hodan ah; mid madax ah iyo mid shacab ah. [Alle] waa mid u arxama qalbiyada dhaawacan; waa mid u hiilliya naftii murugaysan. Dhimrintiisa ayuu inagu galladay oo noogu turay. Wuu isku kaaya nikaaxshay oo bankii qiyaamaha ayuu ka oogay xafladdii arooskayaga.
Arrinkaa dartii, Alle ayaan ka magan galnay in aan dib ugu soo noqonno buulkii dunida aan lagu waarayn ama in aan wajigayga u jeediyo xaggaa iyo addoommada madaxda isu haysta. Alle ayaan ka magan galnay in uu arooskaygu ka dhaco meel aan ahayn cashriga weyn ee ina sugaya. Xaasha! Oo horta miyay inaga suurowdaa in aan isu dhiibno cid aan ka ahayn Allaha na uumay ee nafahayaga maamula.
Waa kaas uu dartayo u qurxiyay jannadiisa uu galiyo cidda uu raalli ka yahay kali ah. Jannadiisa dhexdeeda ayuu ina gu la kulmiyay xuurulceyn iyo adeegayaal. Dhammaan dhinacyadeeda waxa uu inoo dhigay oo ka buuxa wax kasta oo farxad leh oo saafi lagu noqon karayo. Martiqaad ayuu [Alle] mar hore inoo soo diray. Maanta waxaa la sugayaa in aan martiqaadkaa aqbalno oo aan kulanno [labadeennu] oo aan farxad wada qaybsanno. Ballankii weynaa [ee la inoo qabtay] ayaan oofintiisa u soconnaa. Caddaaladdiisa owgeed, Alle waxa uu halkaa ina gu waraabin doonaa sharaabkii farxadda. Naxariistiisa innaga oo harsanaynna ayaan macaansan doonnaa sharaabka jacaylka. Labadayada oo wada joogna ayaan Alle wajigiisa arki doonnaa, markaas ayaan illoobi doonnaa xanuunkii, danqashadii, jirradii, dhibtii, rafaadkii, silicii, qaxarkii iyo hoog kasta oo aannu dunida korkeeda soo mutaysannay. Afartayada indhood iyo wajiyadeenna waxaa ka tirmi doona muragii iyo jactadkii ay illinta murugadu ku reebtay. Laf kasta oo dunida inagu jabtay ayuu inoo kabi doonaa, hooggii iyo haantoygii aan soo mudannayna isaga ayaa inaga bogsiin doona.”
Muddo gaaban ayuu hadalkii jaray. Mar kale ayuu ku noqday isaga oo kor u dallacaya.
“Alla maxaan hilow dareemayaayeey! Yaa Allaah, u hiloobay maalinkii ballanta.”
Wuu aammusay. Sidii hore oo kale ayuu baalasha indhihiisa isa saaray. Naftii ayaa ka haadday sidii shinbir meel lagu xabbisay oo fursad ku heshay meel ay ka dusi karto. Qolfoof ayay ka haadday ay lafo kali ah uga tagtay. Run ahaantii muddo dheer ayay ku dhex caddibnayd qalfooftaa. Xagga sare ayay naftii u duushay illaa ay samada ku shalwatay. Sidii ay u baxday dhakhso badnaydee!
Godkii yaraa waxa uu isu beddelay ilbiriqsiyo gudahood goob tacsiyeed. Oohin iyo qaylo ayaa willaday. Baroordiiq ayaa samadaa loola qayliyay. Seyn ayaa tabarbeeshay oo fadhigii ka dillaantay. Daqiiqado gudahood ayuu warkii baahay oo guri walba iyo qof kasta oo jasiiradda joogay gaaray. Warfidiyeenkii qasriga ayaa meel walba warkii geerida ka tuuray. Jasiiraddii oo dhan ayaa tiiraanyo la wada hogatay. Hamayn bay ahayde, waa la soo wada toosay. Taajuddiin dadkii uu horay warku ka gaaray ayuu ku jiray. Cirka iyo dhulka meel u dhaxaysa isaga oo maraya xawaare dartii ayuu soo baxay. Qofka oo aan war u hayn halka uu u ordayo iyo sababta uu sidaas ugu oradayo labadoodaba dadka waalwaalan ayuu ku dari lahaa. Xabsigii uu maydku yaallay ayuu soo abbaaray.
Qasriga agtiisa isaga oo sii xiimaya ayay ishiisu qabatay Bakar oo dad meel tuban dhex taagan. Xaggiisa ayuu isku soo jaray. Sidii leebkii isaga oo u kankoonsan ayuu shafka kaga dhacay. Kulleetigiisa ayuu si xoog leh u camajuujiyay. Qaylo iyo ceejin ayuu isu raaciyay. Waji caro leh iyo indho danbaaburo ka duulayso ayuu ku gubay isaga oo qaylinaya.
“Ibliis yahaw dharka aadanaha loo galiyayi; mas yahaw aanay dhuuntiisu tufin dabka fitnada iyo burbirinta mooyee, waxa aad iska dhigtay darbiga ugu adag ee kala dhex galay labada is caashaqay –labada maskiin ee aan danbiga lahayn. Waxa aad u noolayd in aad tahay dabkii ugu kululaa ee lagu gubayay labadaan mucaashaq dhaawacyadoodii oo dhiig ka gobo’ leeyahay. Waxa aad qalbigooda ka noogisay farxaddii ay adduunka ku lahaayeen. Aniga waxa aad I dhaafisay qofkii ugu qaalisanaa noloshayda; qofkii ay indhahaygu ku qaboobi jireen ayaad dhimashadiisa sabab u ahayd.
Eey yahaw fayla-goyska ah, ma waxaad ka rejo qabtaa in aad dunida sii joogtid bacdamaa aad wadeygaygii ku ogaatay dhulka hoostiisa?”
Kulleetigii inta uu u sii daayay ayuu labadiisa gacmood hoosta ka soo galiyay. Isagii oo dhan ayuu kor u dallacay illaa uu madaxiisa wax dhaafiyay. Dabadeedna awood badan isaga oo adeegsanaya ayuu dhulka madax-madax ugu soo daayay. Meel dibir ah ayuu la helay. Bakar maskaxdii ayaa caano noqotay. Dhulka ayay sidii biyo dareertay. Dhaawac fuqii kore ee madaxiisa si xun u dillaaciyay ayaa gaaray. Dunidii uu fitnada la joogay ayuu marxaladdaa foosha xun ku macasalaameeyay.
Taajuddiin maydkii Bakar oo halkii gorofsan ayuu ka dhaqaaqay. Xiinkiisii ayuu sii watay. Durbadiiba xabsigii ayuu gaaray. Dadkii xabsiga hareerihiisa illaa halkii uu maydka yaallay tubnaa ayuu sidii mowjad biya ah oo caraysan u jiidhay. Hal dhinac na ma uu eegayn, hal qofna ma uu raalli galinayn. Maydkii Mamuu ayuu gaaray. Go’ lagu asturay ayuu ka dalfiyay. Korkiisa ayuu yaxoobsaday. Sidii ilmo yar oo hooyadiisoo go’day dhabteeda ku ooyaya ayuu korkiisa uga Muusanaabay. Intii ay dhuuntiisu awoodday ayuu hiinraagay oo cabaaday. Intii uu tabar u hayay ayuu ooyay oo balanbalay. Maydkii ayuu ka soo kor kacay markii uu noogay oo daalay. Xididdiisii oo dhan ayaa oogadiisa ka soo muuqday. Labadiisii indhood ayaa dhibic dhiig ah isu rogay. Qofkii eegaba wuu baqay oo jiriricooday. Wax kasta ama cid walba oo u muuqata waxa uu ku eegayay indho aargoosi doon ah. Shucaac ayaa hor imaanayey ah in ay lug ku lahaayeen geerida Mamuu . Albaabka xabsiga xaggiisa ayuu u dhaqaaqay. Waardiyeyaashii oo kadin ka tuban ayaa u muuqday. Socodkiisa oo awalba luga jiid ahaa ayuu joojiyay. Indhihii gudguduudnaa ee danbaaburooyinka ka duulduulayeen ayuu ku eegay isaga oo qaylinaya.
“Cawaan yahay [ugu danbayn] waad disheen soo ma aha? Idinka ayaa dilay soo ma aha? Waan idin ka aargudan doonaa. Dad yahow sida aad u dhan tihiin waan idin ka aargudan doonaa?”
Wuu yara aammusay, haddana hadalkii ayuu ku noqday.
“Maanta xabsigan ayaan burburin doonaa. Tiirarkiisa ayaan jajabin doonaa. Qabrigii lagu aasi lahaa amiirkii awalba dhisay ayaan ka dhigi doonaa. Amiir yahow ku mee? Ku mee fulay yahow I wanjalay ee khaarijiyay wadaaygaygii. Kaalay aan kaa aarsadee. Maya, iska joog. Aniga ayaa kuu soo socda oo qasrigaaga dhexdiisa ku wari doonee.”
Erayadaa kolkii ay ka soo baxeen afka Taajuddiin ayaa la cowdubillaystay. Dadkii ayuu ruux waalan ula ekaaday. Tuhun weyn ayaa miyirqabkiisa la galiyay. Waxaa laga baqay in uu cid kasta oo ka hor timaadda halakeeyo, isaga oo u qaba in ay geerida Mamuu ka danbaysay ciddaasi. Amiirkii ayaa warkiisa la gaarsiiyay. In la xiro ayuu amar ku bixiyay, illaa laga gaarayo subaxnimada. Jasiiraddii Buudaan, iyada oo argagaxsan, tiiraanyaysan, oo wada barooranaysa ayuu hamaynkii intii u dhimmanayd ku dul idlaaday. Taajuddiin isaga oo maxbuus ah oo maydkii saaxiibkii ag jooga ayuu waaga soo-jeed ku sugay. Heerkii ugu sarreeyay ee loo argagaxo iyo oohin qarracan leh ayuu wakhtigii subaxda ka dhimmanaa ku qaatay.
Seyn, iyadu halkii ay ku dhacday markii la wada wayraxay ayaa mar danbe laga soo jiiday. Walaasheed Siti ayaa soo kaxaysay. Sidii iyada oo u tabar daran oo u barooranaysa ayuu hamaynkii u dhammaaday. Dhammaan xigtadeedu waa ay la soo jeedeen oo u tacsiyaynayeen oo samirsiinayeen oo qalbiga u qaboojinayeen.
Waa moogga xiga iyo “Dhammaadkii” iyo “Gunaanad” oo wada socda.