Home / Abwaan / Jaamacadda Camuud
© http://amouduniversity.org

Jaamacadda Camuud

Dooxada Camuud (Amoud Valley) ee dhacda bariga magaalada Boorame waxa ay noqotay meeshii ugu horreysay ee laga dhisay dugsi sare gobolkii uu Ingiriisku gumaysan jiray ee dhulka Soomaalida. Si middaas la mid ah, isla dooxadaasi waxa ay noqotay meeshii ugu horreysay ee jaamacad laga hirgaliyay kaddib burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya 1991dii. Waa dooxo magaalada ka baxsan oo cagaar ah oo buuro ku dhextaalla.

© http://amouduniversity.org
© http://amouduniversity.org

Sannadkii 1952dii ayay ahayd markii dooxadaas oo magaalada afar kiiloomitir iyo bar (4.5km) uga baxsan dhanka bari laga dhisay dugsi sare oo iyada loogu magac daray. Laga soo bilaabo xilligaa waxa uu dugsigaasi ahaa goob ay si isdaba joog ah uga soo baxaan arday ka kala timid deegaanno kala geddisan oo Soomaalilaan [oo markaa Ingiriisku ka talinayay] gudaheeda iyo bannaankeeda ba ah. Dad badan oo dugsigaa ka soo qalinjabiyay ayaa xornimadii kaddib dalka ka noqday madax ama shaqaale kale oo caan ah. Dadkaa waxaa ka mid ah Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” [madaxweynaha Soomaalilaand ee hadda], Daahir Riyaale [madaxweynihii hore ee Soomaalilaand], Saleebaan Maxamuud Aadan [guddoomiyaha Golaha Guurtida ee Soomaalilaan], Axmed Xasan “Cawke” AUN [weriye caan ahaa] iyo Sulaymaan Axmed Guuleed oo ah madaxa jaamacadda Camuud ee hadda iqk.

Burburkii Soomaaliya waxa uu dhacay dugsiga sare ee Camuud oo ay wali sidii lagu ogaa uga soo baxaan arday. Sidii ay gebi ahaanba goobihii waxbarashada ee dalka ka jiray u danbaseen ayaa uu isaguna u bakhtiyay. Qaybo dhismaha dugsiga ka mid ahi waxa ay noqdeen xaafado ay u ku nool yihiin dad danyar ah oo ku hanti iyo hooy beelay dagaalladii socday.

Saddex sanno oo uu marxalad ‘xero lagu guuray’ ah ku sugnaa dhismaha ay maanta jaamacadda Camuudi deggen tahay kaddib ayaa markii ugu horreysay la isla soo qaaday in boorka laga jafo oo sidii hore uu u ahaa lagu soo celiyo goob waxbarasho, balse markan ah goob waxbarashada sare ah –jaamacad. Waa 1994tii. Afar qof oo ahaa dhallinyaro ganacsato ah oo Khaliijka joogtay ayaa fikradda dib-u-soo noolaynta lahaa, sida uu xusay gaddoomiyaha jaamacadda oo waraysi gaar ah bixinayay xilli uu oo safar ku marayay dalka Maraykanka.

© http://amouduniversity.org
© http://amouduniversity.org

Yagleelidda jaamacadda Camuudi waxa ay ku beegan tahay xilli dhan kasta oo laga eego adkaa, dhalanteedna loo qaadan karayay in lagu fakaro in jaamacad la furo. Waxa ay ahayd lix sanno ka gadaal markii ay afka dhigatay qarinnimadii Soomaaliya iyo isla sannadkii ay soo afjarmeen dagaalladii qabaliga ahaa ee Soomaalilaand burburka ka gadaal ka curtay. Burburka bulsheed iyo qaska nidaameed ee jiray ayaa heersare marayay xilligan ay jaamacaddu albaabada furanayso. Dagaalladii dhammaadkii siddeetameeyadii gobollada waqooyi sida xowliga ah uga bilowday ee gadaalkiina koonfurta ku fiday waxa ay saamaynta ugu wayn ku yeesheen waxbarashada iyo intii ku hawllanayd oo dhallinyaro u badnayd. Xarumihii ugu horreeyay ee albaabbada loo laabay iyo kuwii sida axmaqnimada ah agabkii yaallay loo bililiqaystay ayaa ay goobaha waxbarashadu kaalinta hore kaga jireen. Sidaa iyada oo ay tahay ayaa ay haddana jaamacaduhu ka sii xagjireen goobaha kale ee waxbarshada. Waayo Soomaaliya oo dhan waxaa jaamacad ka dhacday jaamacaddii ummadda Soomaaliyeed ee Lafoole la oran jiray, iyaduna waxa ay ku jirtay meelihii ugu horreeyay ee ay diiratadu cagta marisay. Haddii la soo koobo, marxaladdii ay jaamacaddani ka dhex toostay oo si walba u kakanayd marka la xasuusto waxaa ammaan badan guranaya aqoonyahankii Soomaaliyeed iyo shisheeyihii dhabarka u ritay culayskii ay howshaasi lahayd.

Bishii Sibtember sannadkii 1997dii ayaa jaamacadda Camuud laga bilaabay in la imtixaano arday soo codsatay, waxaana ku guulaystay tijaabadii oo jaamacaddu qaadatay lix iyo lixdan (66) ka mid ah. Ardaydaa waxaa la galiyay sagaal bilood oo afka Ingiriisiga looga dhisayay ka hor intii aanay fasallada jaamacadda bilaabin. Afartii Noofeembar 1998dii ayaa si rasmi ah loo furay fasalkii ugu horreeyay ee “Freshman Class” ah oo ay jaamacadda Camuudi leedahay. Farxad iyo hanbalyayn ayaa lagu soo dhaweeyay markii lagu dhawaaqay in la furay, waa sida uu guddoomiyaha jaamacaddu sheegaye. Kulliyadihii ugu horreeyay ee jaamacadda laga hirgaliyay waxa ay ahaayeen kulliyada maaraynta ganacsiga iyo midda waxbarashada oo macallimiintooda la heli karayay baahidooduna si wayn u jirtay. Dhaqaalaha xilligaa lagu hirgalinayay qorshaha iyo dhismaha jaamacadda waxaa bixinayay bulshada Soomaaliyeed oo kuwa qurbaha jooga u badnayd.

Wixii intaa ka danbaysay jaamacaddu si tartiib-tartiib ah ayaa ay u kobcaysay oo lugaheeda isugu soo taagaysay. Waxaa isaguna sare u sii kacayay oo sannadba ka xiga sii badanayay xaddiga ardada ah ee jaamacadda iska soo diiwaan galinayay. Koboc horumareed oo dhan walba ah ayaa ay jaamacaddu ku tallaabsatay dhowrkii sanno ee jiritaankeeda ugu horreeyay. Sannadkii 2001dii waxaa jaamacadda lagu soo kordhiyay qaybta barashada caafimaadka oo ah qaybta ugu muhiimsan ee jaamacadda. Waxaa la oran karaa qaybtan oo qaybo dhowr ah ka koobani waa tan ugu koboca iyo tayada wanaagsan qaybaha badan ee ay jaamacaddu bixiso. Maanta oo labaatan gu’ laga joogo markii la saldhigay jaamacadda Camuud waxaa muuqata in ay ka mid tahay goobaha waxbarashada sare bixiya kuwooda loogu tixgalinta badan yahay Soomaalida dhexdeeda, arrintanna waxaa laga garan karaa tirada badan ee ardayda ah ee sannadihii u danbeeyay iska qorayay jaamacadda. Sannadkan 2016-2017 ardada la diiwaan galiyay waxa ay ku dhow yihiin kun iyo shan boqol (1500) oo arday.

© Carte
© Carte
© Carte
© Carte
© Carte
© Carte

Jaamacaddu imminka waxa ay ka kooban tahay shan iyo toban (15) kulliyadood. Lix ka mid ah kulliyadahaa ayaa hoos taga barashada caafimaadka (School of Medicine). Daafaha adduunka oo dhan iyo gaar ahaan Geeska Afrika ayaa looga yimaaddaa waxbarashada Jaamacadda Camuud, arrintanina waxa ay kor u qaadday sumcadda ay jaamacaddu ku dhex leedahay bulshada Soomaaliyeed. Ardayda dhigata, sida ay xogtii ugu danbaysay ee ay Jaamacadda bixisay dhigayso, waxa ay tiro ahaan dhan yihiin 4303 oo arday. Kolka boqollayda loo dhigo hablaha Jaamacadda wax ka dhigtaayi waxa ay noqonayaan boqolkiiba soddon iyo labo (32%) oo ah heerkii ugu sarreeyay ee ay gaareen habluhu tiro ahaan tan iyo goortii Jaamacadda la furay.

Goobaha ay ardaydu xiisadaha ku qaataan ee Jaamacaddu adeegsato waxaa ka jira waxoogaa ciriiri ah oo ardada ma wada qaadaan. Waxaa goobahaa ugu waaweyn dhismaha guud ee Jaamacadda oo magaalada bannaankeeda ah, basasna lagu gaaro iyo qaybta dugsiga caafimaadka oo magaalada gudaheeda ku taalla.

Dadka dhaliila Jaamacadda Camuudi waxa ay badankood ku eedeeyaan in Jaamacaddu intaa awood iyo baaxad ay leedahay aanay tixgalintii uu mudnaa siinnin afka Soomaaliga. Middaasna waxbaa ka jira oo Jaamacaddu qayb af Soomaaliga lagu barto ma leh, itaalkana marmarsiinyo uma noqon karayso in ay macallimiin iyo arday u waydaye waa gaabis xaggooda ka yimid ayaa la oran karaa. kolka laga yimaaddo hawshaas oo mid weyn ah, waxaa muuqata in aanay Jaamacaddu ahmiyad wayn iska saarin dhigaalka farta Soomaaliga oo way ku bahdishay meelaha fara-ku-tiriska ah ee ay u adeegsatay. Meelahaa waxaa ka mid ah magaca Jaamacadda marka ay Jaamacaddu far Soomaali ku qorayso oo ay si jaban u dhigto sida ka muuqata basaska ardada u shaqeeya iyo meelo kale. Afka Soomaaliga iyo fartiisu waa hanti ummadeed iyo jiritaankeed ay khasab tahay in la horumariyo oo dhirifka loo diido, balse Jaamacadda Camuudi arrinkaa kuma baraarugsana.

Wixii dhaliil ah ee jiraba ha lagu eedeeyee, Jaamacadda Camuudi waxa ay qaaraan lama illaawaan ah ku darsatay xarriiq kasta oo hormarineed oo ay ummada Soomaaliyeed waddo ka dhigato oo ay baraare ku gaarto. Waxaa la oran karaa waa hooyada jaamacadaha Soomaalida ee maanta jira iyo tusaalaha horumarka iyo nabadda gobolka Awdal, Soomaalilaan iyo guud ahaan dhulka Soomaalida.

Xigasho

  1. Amoud University… Wikipedia: https://en.wikipedia.org/wiki/Amoud_University
  2. Amoud University Background: http://amouduniversity.org/about/history-and-background
  3. Waraysi baresare Sulaymaan Axmed Guuleed: https://www.youtube.com/watch?v=fvL6nMigr48&t=542s
Print Friendly

Comments

comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *