Imaam Shaafici (150H-204H, Qassah/زّ-Qaahira, 54 jir): Abuu Cabdallaah, Muxammad ibnu Idriis, ash-Shaaficii. Waa imaamkii aasaasay mad-habka fiqiga ee Shaaficiyada, oo ku badan Yaman, Shaam, Indunuusiya, Malaysiya, Bariga Afrika, iyo waddamo kale oo tira badan, ahna mad-habka ummada Soomaaliyeed inteeda badani haystaan.
Imaam Shaafici waxa uu ku dhashay Qassah (Falasdiin) sannadkii 150H, waana sannadkii uu geeriyooday imaamkii weynaa ee Abuu Xaniifah oo aasaasay mad-habka Xanafiyada. Aabbihii yaraan ayaa uu ku dhintay waxaana agoonnimo ku korisay hooyadii. Markii uu laba jirsaday ayaa ay ula guurtay Makkah si uu ehelkiisi ugu dhex noolaado. Afarta imaam ee mad-habyada, waa midka keli ah ee ka dhashay reerkii Nebiga- sallal Laahu calayhi wasallam– ee Quraysh.
Yaraantiisi waxa uu aad u jeclaa shiishka fallaadhaha ilaa uu aad ugu xeel dheeraaday, oo tobankii fallaadhoodba uu sagaal la heli jirey, taas oo keentay dhakhtarkii uga digo qorraxda badan ee uu taagan yahay in ay u keeni karto cudur. Sidaas oo kale, waxa uu aad ugu hore maray af Carabiga iyo suugaantiisa, waxa uuna ahaa gabyaa heerkiisu aad u sarreeyo. Gabayadiisa iyo hadalkiisaba waa la daliishadaa oo waxa ay tusaale u yihiin af Carabiga qumman. Ka dib waxa uu ku mashquulay fiqhiga ilaa uu sayid ugu noqday faciis oo dhan.
Isaga oo yar ayaa uu waxbarashada bilaabay, sidii caadada ahaydna isaga oo aad u da’ yar oo toddobo jir ah ayaa uu qaybay Qur’aanka. Waxa uu Makkah aqoonta kaga qaatay muftigii Makkah (Muslim ibnu Khaalid az-Zinjii), Sufyaan ibnu Cuyaynah, Fudayl ibnu Ciyaad, iyo culumo kale.
Dhanka aqoonta xadiiska, waxa uu dhawr iyo toban jir ku xifdiyey diiwaankii xadiisyada kii xilligaas ugu weynaa: al-Muwadda’, ee uu qoray Imaam Maalik, ka hor intii uusan ku soo biirin ardaydii wax ka baranaysay imaamka, oo fadhigiisu ahaa Madiina. Alle waxa uu ku galladaystay xifdi aad u heer sarreeya, oo waxa uu fiiriyaba uu qaybayo. Isaga oo 15 jir ah ayaa sheekhiisii u ogolaaday in uu fatwoodo, ka dib markii uu arkay heerka aqoontiisa iyo caqligiisu gaadhsiisan yihiin.
Reerkiisu aad ayaa ay danyar u ahaayeen, hooyadiina ma awoodin in ay kharashka dugsiga ka bixiso. Sidaas awgeed, waxa uu caawin jirey macallinka oo uu kabiir u ahaa, sidaas ayaana uu ku dhigan jirey dugsiga. Saboolnimo awgeed ma uusan awoodin in uu gato warqado uu casharka ku qorto, waxaana uu wax ku qoran jirey lafaha xoolaha!
Meelo badan (Makkah, Madiinah, Yaman, Baqdaad) ayaa uu aqoon korodhsi ugu socdaalay. Baqdaad waxa uu arday ugu noqday imaam Muxammad Ibnu Xasan ash-Shaybaanii, oo ahaa ardaygii imaam Abuu Xaniifah. Sidaa awgeed, labadii Madraso ee xilligaa ugu waaweynaaba (middii Imaam Maalik oo xadiiska awoodda saartay iyo middii Imaam Abuu Xaniifah oo fiqhiga awoodda saartay) wax baa uu ka bartay, waxa uuna aad ugu dedaalay, guul weynna ka gaadhay sidii uu isugu soo dhowayn lahaa.
Imaamkani waxa uu dejiyey laba cilmi oo aad muhiim u ah: Cilmiga Xadiiska iyo Cilmiga Usuul Al-Fiqhiga. Waxa uu ahaa aftahan caqli badan oo aan doodda laga helin, sunnadana aad u difaaca, ilaa lagu naanaysay Ugargaarihii Sunnada (ناصر السنة). Waxa uu ahaa nin dheer oo quruxsan aadna dadka u wanaajiya.
Dhaxalkii uu ka tegay waxaa ka mid ah kitaabka mad-habku ku dhisan yahay ee Al-Umm (الأم) iyo Ar-Risaalah (الرسالة) oo uu ku unkay labadaa cilmi ee aan tilmaannay, iyo kutub kale. Inkasa oo uu muxaddis/ث ahaa, waxa uu kaga sii caansanaa faqiihnimada oo uu xoogga saaray, dadkii wax ka qaadatayna waxaa ka mid ahaa imaam Axmad Ibnu Xanbal, oo isaguna macallin ugu ahaa dhanka xadiiska, aqoontana ay isweydaarsan jireen.
Imaam Shaafici noloshiisa inteedii dambe waxa uu ku dhammaystay Masar, halkaa oo ay ku raaceen arday badan oo raacsanaa madaahibtii kale. Sannadkii 204H ayaa uu geeriyooday isaga oo konton jir ah, waxaana uu ku aasan yahay magaalada Qaahira ee dalka Masar.
Alle ha u naxariisto imaamka, wanaaggii uu umadda u sameeyeyna ha ka abaalmariyo. Aamiin.
Xigasho
سير أعلام النبلاء