Home / Tartan / Tartan Curiseedka Muuse Galaal ee Hiddaha iyo Dhaqanka

Tartan Curiseedka Muuse Galaal ee Hiddaha iyo Dhaqanka

Waa Maxay?

Tartankan waxaa loogu magacdaray Abwaankii weynaa ee Muuse Galaal- Alle ha u naxariisto e- (1920-1980). Waa tartan sannadle ah, waxaana lagu tartamayaa curis ku saabsan hiddaha iyo dhaqanka Soomaalida. Ka qaybqaadashadu waxa ay u furan tahay dhammaan inta af Soomaaliga wax ku qorta, meel kasta oo ay joogaan.

Taariikh nololeedka Muuse Galaal oo kooban dhowaan filo.

Ujeeddooyinka

  1. Maamuusidda haldoorkeenna.
  2. Dhiirrigalinta barashada hiddaheenna iyo dhaqankeenna.
  3. Dhiirrigalinta adeegsiga afkeenna.
  4. Dhiirrigalinta in la qoro qoraallo tayo fiican leh.

Hagid iyo Hannaanka Soogudbinta

  1. Kasoo-qaybgale kastaa hal curis oo uu qoray ayaa uu soo gudbinayaa.
  2. Laba qof waa ay iska kaashan karaan qoritaanka hal curis.
  3. Curisku waa in uu u dhexeeyo 2000 ilaa 4000 oo erey oo ku saabsan hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed.
  4. Curisku waa in uu gudbinayaa farriin waayo-aragnimo iyo aqoon laga qaadan karo oo ku saabsan hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed, qaabkii iyo qaddarkii ay doonto farriintaasi ha lahaato e.
  5. Qoraalku waa in uu dheellitiran yahay oo uusan hal dhinac oo keli ah wax ka eegin, qaab anshax wanaagsanna u qoran yahay.
  6. Curiska waa in la soo gudbiyo ugu dambayn Isniin, 25’ka Disambar 2017.
  7. Curiska waa in lagu soo diro: tartan@garanuug.com.
  8. Fadlan soo raaci: magacaaga oo saddexan, goobta aad ku sugan tahay, iyo telefoonkaaga.
  9. Kala-shaandhaynta hore ka dib, waxa aanu soo dhejinaynaa liiska gaaban (shortlist) 15’ka Janawari 2018.
  10. Curisyada ku guuleysta kaalinta 1aad-3aad waxaa lagu dhawaaqayaa 30’ka Janawari 2018.

FG: wax la beddelay 3’dii Disambar 2017 (muddo kordhin).

Qoritaanka Curiska- Guudmar

Shaxda Sixitaanka halkan kala deg.

Abaalmarin

  1. Curiska kaalinta koowaad gala waxaa lagu abaalmarinayaa $200.
  2. Kaalinta labaad waa $100.
  3. Kaalinta saddexaad waa $50.
  4. Curisyada ku guuleysta kaalmaha koowaad ilaa shanaad waxaa midmid (ama mid mid) loogu faafinayaa bogga www.garanuug.com — sidaas oo kale, iyaga oo wada socdana qaab pdf ah ayaa loo faafinayaa.

Xidhiidh

Wixii faahfaahin ah kala xidhiidh tartan@garanuug.com.

FG:

Waxaan diyaar u nahay in aan hal mar akhrinno curiska, oo aan wixii talo iyo tusaale ah la wadaagno qoraaga.

Curisyada na loo soo gudbiyo dhammaantood waa aanu kaydinayaa, waxaana suuragal ah in aanu u adeegsanno dano waxbarasho. Ka qaybqaadashada tartanku waxa ay ka dhigan tahay oggolaansho aad noo siisay adeegsiga curiska.

Print Friendly

Comments

comments

Check Also

Kaalinta 2: Garta dhaqanka iyo garsoorka Soomaalida

Curiskii ku guuleystay kaalinta labaad ee Tartan Curiseedka Muuse Galaal ee Hiddaha iyo Dhaqanka 2018. Umadda Soomaaliyeed ...

Kaalinta 3: Hal ka mida hawlkarnimadii haweenkeenna

Curiskii ku guuleystay kaalinta saddexaad ee Tartan Curiseedka Muuse Galaal ee Hiddaha iyo Dhaqanka 2018. Hordhac Sinji aw ...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *