فَإِنْ قَلَّ عَدَدُهُ : فَإِمَّا أَنْ يَنْتَهِيَ إِلَى النَّبِيِّ -صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَعَلَى آَلِهِ وَسَلَّمَ، أَوْ إِلَى إِمَامٍ ذِي صِفَةٍ عَلِيَّةٍ كَشُعْبَةَ،
فَالْأَوَّلُ: الْعُلُوُّ الْمُطْلَقُ.
وَالثَّانِي: النِّسْبِيُّ.
وَفِيهِ الْمُوَافَقَةُ: وَهِيَ الْوُصُولُ إِلَى شَيْخِ أَحَدِ الْمُصَنِّفِينَ مِنْ غَيْرِ طَرِيقِهِ.
وَفِيهِ الْبَدَلُ: وَهُوَ الْوُصُولُ إِلَى شَيْخِ شَيْخِهِ كَذَلِكَ.
وَفِيهِ الْمُسَاوَاةُ : وَهِيَ اسْتِوَاءُ عَدَدِ الْإِسْنَادِ مِنَ الرَّاوِي إِلَى آَخِرِهِ، مَعَ إِسْنَادِ أَحَدِ الْمُصنِّفِينَ .
وَفِيهِ الْمُصَافَحَةُ، وَهِي الاسْتِوَاءُ مَعَ تِلْمِيذِ ذَلِكَ الْمُصَنِّفِ.
وَيُقَابِلُ الْعُلُوَّ بِأقْسَامِهِ: النُّزُولُ .
Haddii tiradiisu [isnaadka] yaraato, waa [labo midkood]: in uu ku dhammaado Nebiga- sallal Laahu calayhi wasallam-, ama imaam heer sare jooga, sida Shucbah. Ka hore waa sarrayn guud, ka labaadna waa mid [sarrayn] gaar ah. Waxaana [sarraynta gaarka ahi] ay leedahay muwaafaqah, oo ah in la gaadho sheekha mid ka mid ah qoreyaasha [kutubta] iyada oo aan jidkiisi [qoraaga] la maraynin. Waxaa kale oo ay leedahay badal, oo ah in sidii oo kale lagu gaadho sheekha sheekhiisa. Waxaa kale oo ay leedahay musaawaah, oo ah in tirada isnaadka laga bilaabo weriyaha ilaa dhammaadkiisu ay la sinnaato isnaadka mid qoreyaasha ka mid ah. Waxaa kale oo ay leedahay musaafaxah, oo ah la sinnaanta ardayga qoraagaas.
Sarraynta iyo qaybaheeda waxaa kasoo horjeeda hoosaynta.
Isnaadku waa nimco iyo gallad Alle- subxaanahuu wa tacaalaa– ku mannaystay kuna sharfay ummaddan, kaas oo u suurageliyey in ay ilaaliyaan sunnadii Nebigooda- sallal Laahu calayhi wasallam-. Cabdullaahi ibnu Mubaarak- Alle ha u naxariisto e– ayaa laga weriyey in uu yidhi:
الإسناد من الدين، لو لا الإسناد لقال من شاء ما شاء
“Isnaadku diinta ayaa uu ka mid yahay, haddii uusan isnaad jirinna qof walba waxa uu rabo ayaa uu iska dhihi lahaa.”
Isnaadku waa jidka inna gaadhsiinaya wararka Nebiga- sallal Laahu calayhi wasallam-, asxaabtiisii- Alle ha ka raalli ahaado e– iyo qarniyadii khayrka lagu tilmaamay. Waxa uuna innoo suuragelinayaa in aan kala saarno warka sugan iyo ka aan sugnayn.
Haddaba, maadaama isnaadku yahay silsiladda dadka warka kala weriyey, qof walba oo isnaadka ku jirana gef uu ka suuroobo, mar kasta oo ay silsiladdu dheeraato waxaa sii kordhaysa fursadda suuragelinaysa in gef dhaco. Sidaas awgeed, ayaa culamada xadiisku (muxaddisiintu) aad ugu dedaali jireen in ay xadiiska ku weriyaan isnaad gaaban iyaga oo safarro aad u dhaadheer u geli jirey si ay sharaftaa u gaadhaan. Yaxyaa ibnu Maciin (dh.233H)- Alle ha u naxariisto e– ayaa isaga oo uu hayo xanuunkii uu u dhintay waxaa la weydiiyey: “maxaad jeclaan lahayd”? Waxa uu ku jawaabay: “guri madhan iyo isnaad sarreeya”.
Isnaad Sarreeya
Marka tirada weriyeyaasha isnaadku ka kooban yahay ay yartahay waxaa lagu tilmaamaa in uu yahay Isnaad Caalii )إسناد عالي(, ama isnaad sarreeya. Sarrayta isnaadku waxa ay leedahay laba qaybood oo kala ah: sarrayn guud (العلوَ مطلق) iyo sarrayn gaar ah (العلوَ النسبي).
Sarrayn guud
Waa marka tirada lagu gaadhayo Nebiga- sallal Laahu calayhi wasallam– ay yar tahay. Tusaale ahaan: isnaadka ugu gaaban ee imaam Bukhaari wax ku weriyo waxa uu Nebiga- sallal Laahu calayhi wasallam– ku gaadhayaa saddex qof (isnaad saddexle ah; ثُلَاْثِي):
البخاري: الْمَكِّيُّ بْنُ إِبْرَاهِيمَ — يَزِيدُ بْنُ أَبِي عُبَيْدٍ — سَلَمَةَ بْنِ الْأَكْوَعِ — النَّبِيِّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّم
(Bukhaari: Makki ibnu Ibraahiim — Yaziid ibnu Abii Cubayd — Salamah ibnul Akwac — Nebiga (sallal Laahu calayhi wasallam
Halka Imaam Maalik uu kitaabkiisa al Muwadda’ ku weriyey axaadiis badan oo isnaadkoodu yahay labaale (ثُنَائِي) sida:
مالك: نَاْفِع — ابْنِ عُمَرَ — النَّبِيِّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّم
Maalik: Naafic — Ibnu Cumar — Nebiga (sallal Laahu calyhi wasallam)
Isnaad Saddexle ah إسناد ثُلاثي
Bukhaari waxa uu weriyey saddex iyo labaatan xadiis oo thulaathi (ثُلَاْثِي) ah.
Muslim, iyo Nasaa’ii ma werinin xadiis thulaathi ah.
Tirmidi iyo Abuu Daawuud hal-hal xadiis oo thulaathi ah ayaa ay weriyeen.
Ibnu Maajjah isagu shan xadiis oo thulaathi ah ayuu weriyey.
Musnadka Imaam Axmad waxaa ku jira in ka badan saddex boqol oo xadiis oo thulaathii ah.
Musnad Imaam Shaafici waxoogaa thulaathi ah ayaa ku jira. Halka Muwadda’ Imaam Maalik ay ku badan badan yihiin xadiisyada thunaa’iga (labaale) iyo thulaathiga ah ba.
Xigasho: Fatxul Muqiith, Sakhaawi, 3/357.
Sarrayn gaar ah
Noocan looma fiiriyo inta qof ee lagu gaadhayo Nebiga- sallal Laahu calayhi wasallam-, ee waxaa looga jeedaa ku dhowaanshaha qofka xadiiska werinayaa uu ku dhow yahay mid ka mid ah imaamyadii waaweynaa ee xadiiska, sida Shucbah, Maalik, Sufyaan athThawrii, Sufyaan ibnu Cuyaynah, Shaafici, Axmad, Bukhaarii, Muslim iyo intii la mid ah. Tusaale ahaan: isnaadka toban kugu gaadhsiinaya Bukhaarii waa uu ka sarreeyaa midka kugu gaadhsiinaya shan iyo toban.
Siyaabo kala duwan ayaa weriyuhu imaamka ugu dhowaan karaa oo isnaadkiisu tilmaanta sarraynta ku qaadan karaa.
Al Muwaafaqah (الموافقة)
Muwaafaqadu waa marka la gaadho imaamkaas sheekhiisa iyada oo aan imaamkaas la sii maraynin. Tusaale ahaan: Bukhaari ayaa xadiis ka werinaya sheekhiisii Qutaybah oo isna ka sii werinaya sheekhiisii Maalik. Haddii Ibnu Xajar damco in uu xadiiskan weriyo isaga oo Bukhaari sii maraya, waxaa isaga iyo sheekha Bukhaari ee Qutaybah u dhaxaynaya siddeed qof. Haddiise uu jidka Bukhaari ka leexdo oo uu isla xadiiskaas ka weriyo Abul Cabbaas asSarraaj oo ka werinaya Qutaybah, waxaa Ibnu Xajar iyo Qutaybah u dhaxaynaya todoba qof oo isnaadkii wuu gaabnaanayaa, isaga oo isla-mar-ahaantaana Bukhaari kula kulmaya sheekhiisii; labadooda isnaad waxa ay ku kulmayaan Qutaybah.
Al Badal (البدل)
Badal waxaa lagu tilmaamaa marka muwaafaqadu ku dhacdo imaamka sheekhiisa sheekhiisa. Tusaalaha aan kor ku soo qaadannay haddii aan adeegsanno, meeshii Ibnu Xajar uu Bukhaari kula kulmi lahaa sheekhiisa Qutaybah, inta uu beddelo Qutaybah oo uu sii maro sheekh kale oo la dhaho Qacnabii ayaa uu halkaa Maalik kaga dhacayaa. Bukhaarina waxa uu kula kulmayaa sheekhiisa (Qutaybah) sheekhiisa (Maalik).
Arrimahan waxaa looga dan leeyahay in isnaadku sii gaabto oo uu caali noqdo. Muwaafaqo iyo Badal toona macne weyn samaynmaayaan haddii isnaadku uusan kor ugu kacaynin oo tiradiisu aysan yaraanayn.
Al Musaawaah (المساواة)
Musaawaah waa la sinnaansho. Waxaana looga jeedaa in isnaadka imaamka iyo isnaadka qof kale sinnaadaan oo tiro ahaan isle’ekaadaan. Tusaale ahaan: haddii imaam Nasaa’i uu weriyo xadiis isnaadkiisa ay isaga iyo Nebiga- sallal Laahu calayhi wasallam– u dhexeeyaan 11 qof. Isla-mar-ahaantaana uu Ibnu Xajar isla xadiiskaas ku weriyo isnaad isaga iyo Nebiga- sallal Laahu calayhi wasallam– ay u dhexeeyaan 11 qof. Waxa aan dhahaynaa Ibnu Xajar waxa uu la sinnaaday imaam Nasaa’i isnaad ahaan iyada oo Ibnu Xajar dhashay 470 sano ka dib geeridii imaam Nasaa’ii!
Tusaale kale haddii aan fiirinno,
أحمد -حَدَّثَنَا مَكِّيٌّ قَالَ حَدَّثَنَا يَزِيدُ بْنُ أَبِي عُبَيْدٍ قَالَ كُنْتُ آتِي مَعَ سَلَمَةَ…
البخاري – حَدَّثَنَا الْمَكِّيُّ بْنُ إِبْرَاهِيمَ قَالَ حَدَّثَنَا يَزِيدُ بْنُ أَبِي عُبَيْدٍ قَالَ كُنْتُ آتِي مَعَ سَلَمَةَ بْنِ الْأَكْوَعِ…
Bukhaari waxa uu musaawaah la sameeyeey oo la sinnaaday sheekhiisii imaam Axmad oo labadooduba waxa ay xadiiska ku werinayaan isnaad saddexle ah (ثُلَاْثِي).
Almusaafaxah (المصافحة)
Almusaafaxah waa gacanqaad ama gacan ku salaamid. Waana marka isnaadka weriyuhu uu hal qof dheer yahay isnaadka imaamka. Kor waxa aan ku aragnay Ibnu Xajar oo isnaad 11-le ah kula sinnaaday imaam Nasaa’i. Haddiise Ibnu Xajar isnaadkiisu 12-le ahaan lahaa, sinnaan ma jirto, Ibnu Xajarna waxa uu la siman yahay ardayga imaam Nasaa’ii oo waxa uu ka dhigan yahay in uu la kulay imaamka oo uu gacanqaaday, maadaama uu la sinnaaday aradaygiisii.
Isnaad Hooseeya
Isnaadka sarreeya ama caaliga ah waxaa kasoo horjeeda isnaadka hooseeya ama naazilka ah (الإسناد النازل), oo ah mid tiradiisu dheer tahay. Waxa uuna leeyahay qaybaha kala duwan ee uu leeyahay isnaadka sarreeyaa: hoosayn guud iyo hoosayn gaar ah.
Waxa aan soo aragnay in isnaadka ugu gaaban (isnaad sarreeya) ee imaam Bukhaari saxiixiisa ku jiraa uu ka kooban yahay saddex qof (saddexle; ثُلَاْثِي) oo u dhaxeeya isaga iyo Nebiga- sallal Laahu calayhi wasallam-. Isnaadka ugu dheer ee isla saxiixiisa ku jiraa (isnaad hooseeya) waxa uu ka kooban yahay sagaal qof (sagaalle; تُسَاعِي) oo u dhaxeeya isaga iyo Nebiga- sallal Laahu calayhi wasallam-. Waxaana lagu tilmaamaa in uu yahay isnaad hooseeya ama naazil ah, waana xadiiskan:
وحدثنا إسماعيل حدثني أخي عن سليمان عن محمد بن أبي عتيق عن ابن شهاب عن عروة بن الزبير أن زينب بنت أبي سلمة حدثته عن أم حبيبة بنت أبي سفيان عن زينب بنت جحش أن رسول الله صلى الله عليه وسلم دخل عليها يوما فزعا يقول لا إله إلا الله ويل للعرب من شر قد اقترب فتح اليوم من ردم يأجوج ومأجوج مثل هذه وحلق بإصبعيه الإبهام والتي تليها قالت زينب بنت جحش فقلت يا رسول الله أفنهلك وفينا الصالحون قال نعم إذا كثر الخبث.
Bukhaari: Ismaaciil — Walaalkay — Sulaymaan — Muxammad ibnu Abii Catiiq — Ibnu Shihaab — Curwah ibnu Zubair — Saynab bint Abii Salamah — Umm Xabiibah bint Abii Sufyaan — Saynab bint Jaxsh — Nebiga (sallal Laahu calayhi wasallam)…
Tusaale kale, haddii aad dib u fiiriso qaybta al Musaawaah waxa aad arkaysaa tusaalaha xadiiska Bukhaari musaawaah ku la sameeyey Axmad in uu yahay saddexle. Isla xadiiskaas ayaa uu Muslim weriyey laakiin isnaadkiisu waa afarle/afarre, waana kan:
حَدَّثَنَاه مُحَمَّدُ بْنُ الْمُثَنَّى حَدَّثَنَا مَكِّيٌّ قَالَ يَزِيدُ أَخْبَرَنَا قَالَ كَانَ سَلَمَةُ يَتَحَرَّى الصَّلَاةَ عِنْدَ الْأُسْطُوَانَةِ الَّتِي عِنْدَ الْمُصْحَفِ فَقُلْتُ لَهُ يَا أَبَا مُسْلِمٍ أَرَاكَ تَتَحَرَّى الصَّلَاةَ عِنْدَ هَذِهِ الْأُسْطُوَانَةِ قَالَ رَأَيْتُ النَّبِيَّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ يَتَحَرَّى الصَّلَاةَ عِنْدَهَا .
Muslim: Muxammad ibnul Muthannaa — Makki — Yaziid — Salamah —
Imaam Axmad iyo Bukhaari waxa ay toos uga weriyeen Makki, laakiin Muslim toos ugama werin e, isaga iyo Makki waxaa u dhaxeeya Muthannaa. Sidaas awgeed ayaa isnaadka Axmad iyo Bukhaari yahay caalii kan Muslimna u yahay naasil/ز.
Ku noqo TUSMADA