1.1 Qaybaha Warka

nukhbatul-fikar

Culumada xadiisku waxa ay warka u qaybiyaan labo:

  1. War dadka aynu ka helnay ay kooban yihiin, oo hal qof ama laba qof ama saddex iyo tiro aan sidaas uga sii badnayni ay inna soo gaadhsiiyeen.
  2. War dadka inna soo gaadhsiiyey ay tiro badan yihiin.

Warka ay inna soo gaadhsiiyaan dad badan, oo jidadkiisu ay badan yihiin, waxaa lagu magacaabaa al-Mutawaatir (المتواتر), faahfaahintiisuna qaybtan ta ku xigta ayaa ay ku taallaa. Haddiise warku innagu soo gaadho jidad tiradoodu ay kooban tahay, waxaa lagu magacaabaa al-Aaxaad (الآحاد).

Jaantus 1.1: Warku sida uu u qaybsamo marka la fiiriyo jidadka uu innoo soo maro.
Jaantus 1.1: Warku sida uu u qaybsamo marka la fiiriyo jidadka uu innoo soo maro.

Labada eray ee khabar iyo xadiis waa isku macne. Laakiin se waxaa jira culumada qaar qaba in khabar iyo xadiith ay kala macne yihiin, oo xadiith lagu magacaabo wixii la xidhiidha Nebiga- sallal Laahu calayhi wasallam- ee hadal, fal, tilmaan ama taqriir ah, halka dadka kale wixii la xidhiidhaa uu yahay khabar. Culumo kale ayagu waxa ay qabaan in xadiisku soo hoos gelayo khabarka, uuna si gaar ah u tilmaamayo war la xidhiidha Nebiga- sallal Laahu calayhi wasallam-, ciddii isku hawsha sunnada Nebigana waxaa lagu magacaabaa muxaddith ama xadiis-yaqaan. Haddaba, khabar waa magaca guud, xadiisna waxa uu gaar ku yahay nooc ka mid ah khabarka. Xadiis: war la xidhiidha hadal, fal, tilmaan and taqriir laga soo tebiyey Nebiga- sallal Laahu calayhi wasallam-. Waxaa la macne ah as-sunnah iyo al-asar (الأثر). In kasta oo culumada qaar ay erayga al-athar u adeegsadaan hadalka saxaabiga ama taabiciga (fiiri: ). Xaafidku waxa uu adeegsaday erayga guud ee al-khabar (war), maxaa yeelay wuu ka guda weyn yahay erayga xadiith, waxaana soo gelaya war kasta oo la soo tebiyo. Sidaa awgeedna, cilmigan waxaa la adeegsan karaa mar kasta oo la qiimaynayo war ama xog la soo tebiyey, si loo kala hubiyo in ay sugan tahay iyo in kale.

Qaybtii Hore                               Qaybta Xigta

Ku noqo TUSMADA

Print Friendly

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *