1.1.2.1 Qariibka iyo Fardiga

nukhbatul-fikar

ثم الغرابة إما: أن تكون في أصل السند، أو لا. فالأول: الفرد المطلق. والثاني: الفرد النسبي، ويقل إطلاق الفرديّة عليه.

Dabadeed, qariib-nimadu waa in ay dhacdo bilowga sanadka ama aysan dhicin [oo ay dhexdiisa dhacdo]. Ka hore waa al-Fard al-Mudlaq. Ka labaadna waa al-Fard an-Nisbii, wayna yar tahay in si guud loogu tilmaamo fardi-nimo.

***

Intaas kaddib Xaafidku waxa uu ka hadlay xadiiska loo yaqaanno al-Qariib. Waxa aan hore u soo sheegnay in khabarka lagu weriyo hal jid loo yaqaan al-Qariib. Ku koobnaantaas uu ku kooban yahay hal jid ayaa keentay in qariibnimo lagu tilmaamo. Haddii qariibnimadu (la keli ahaashuhu) ay dhacdo bilowga sanadka oo hal saxaabi uu la keliyoobo werintiisa, waxaa loo yaqaannaa al-Fard al-Mudlaq. Erayga al-Fard (الفرد) waxa uu la macne yahay erayga al-Qariib (الغريب), labaduba waxa ay tilmaamayaan wax lala keliyoobay. Haddaba marka si guud loo yidhaaho xadiiskaasi waa qariib waxaa looga jeedaa hal saxaabi ayaa la keliyoobay werintiisa. Tusaalaha ugu caansan ee al-Fard al-Mudlaq waa xadiiska ay weriyeen Bukhaari iyo Muslim. Bukhaari markii uu werinayey waxa uu yidhi:

حَدَّثَنَا الْحُمَيْدِيُّ عَبْدُ اللَّهِ بْنُ الزُّبَيْرِ قَالَ حَدَّثَنَا سُفْيَانُ قَالَ حَدَّثَنَا يَحْيَى بْنُ سَعِيدٍ الْأَنْصَارِيُّ قَالَ أَخْبَرَنِي مُحَمَّدُ بْنُ إِبْرَاهِيمَ التَّيْمِيُّ أَنَّهُ سَمِعَ عَلْقَمَةَ بْنَ وَقَّاصٍ اللَّيْثِيَّ يَقُولُ سَمِعْتُ عُمَرَ بْنَ الْخَطَّابِ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ عَلَى الْمِنْبَرِ قَالَ سَمِعْتُ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ يَقُولُ (إِنَّمَا الْأَعْمَالُ بِالنِّيَّاتِ وَإِنَّمَا لِكُلِّ امْرِئٍ مَا نَوَى).

Wuxuu noo warramay Xumaydi (Cabdullaahi ibnu Zubayr), wuxuu yidhi wuxuu noo warramay Sufyaan, wuxuu yidhi wuxuu noo warramay Yaxyaa ibnu Saciid al-Ansaarii, wuxuu yidhi wuxuu ii warramay Muxammad ibnu Ibraahiim at-Taymii in uu maqlay Calqamah ibnu Waqqaas al-Laythii oo dhahaya waxa aan maqlay Cumar ibnu al-Khaddaab- radiyal Laahu canhu- isaga oo minbarka saaran oo dhahaya waxa aan maqlay Rasuulkii Alle- sallal Laahu calayhi wasallam- oo dhahaya: “…..”.

Xadiiska Bukhaarii wuxuu ku weriyey sannadkan: Bukhaarii–Xumaydii–Sufyaan–Yaxyaa–Muxammad–Calqamah–Cumar–Rasuulka Alle (sallal Laahu calayhi wasallam).

Jaantus 1.2: Isnaadka (jidka) uu Imaam Bukhaari ku weriyey xadiiska "Innamal Acmaalu bin Niyaati...". Sawirka qayb ka mid ah ©Freepik.com
Jaantus 1.2: Isnaadka (jidka) uu Imaam Bukhaari ku weriyey xadiiska “Innamal Acmaalu bin Niyaati…”. Sawirka qayb ka mid ah ©Freepik.com

Cumar waa saxaabiga keli ah ee soo weriyey xadiiskan. Cumarna waxaa ka weriyey Calqamah oo keli ah, isagana waxaa ka weriyey Muxammad oo keli ah, isagana waxaa ka weriyey Yaxyaa oo keli ah. Afartaas midba midka kale ayaa uu kala keliyoobay. Sidaa awgeed xadiiskani waa qariib ama fardi. Yaxye ayaa waxaa ka sii weriyey dad aad u badan.

Waxaa jira siyaabo kale oo xadiiska loola keliyoobi karo ama uu ugu koobnaan karo cid gaar ah. Tusaale ahaan, waxaa jira xadiisyo dadka weriyey oo dhan ay yihiin reer Makkah, ama reer Madiinah, ama reer Basrah, iwm, kuwaas marka laga hadlayo waxaa la dhahaa waxaa la keliyoobay reer Makkah/Madiinah/Basrah iwm. Noocan dambe waxaa loo yaqaannaa al-Fard an-Nisbii. Sidaas oo kale, waxaa dhacda xadiis dad badan ay weriyeen, laakiin imaam weyn oo isaguna xadiiska werinaya ayaa waxaa ka sii weriyey hal qof. Sidaa awgeed ayaa lagu magacaabaa al-Fard an-Nisbii (fiiri: Jaantus 1.3).

Jaantus 1.3: Al-Fard an-Nisbii. Waxaa werinaya laba saxaabi. In kasta oo saxaabiga 2 ay ka weriyeen saddex qof (1,2,3), Weriye 1 iyo Weriye 3 waxaa ka weriyey midkiiba 2 qof, laakiin Weriye 2 waxaa ka weriyey hal qof oo ah Weriye J. Haddaba, xadiiska noocan ah marka aan jidadka lagu weriyey ka hadlayno waxa aan leenahay jidka Weriye 2 waxaa la keliyoobay Weriye J. si guud ugu ma tilmaami karno qariibnimo/fardimo laakiin marka aan si gaar ahaaneed uga hadlayno dariiqa Weriye 2 ayaan ku tilmaamaynaa qariibnimo ama fardinimo.
Jaantus 1.3: Al-Fard an-Nisbii. Waxaa werinaya laba saxaabi (s-1 iyo s-2). In kasta oo saxaabiga s-2 ay saddex weriye ka soo tebiyeen (w-1, w-2, w-3), Weriye 1 iyo Weriye 3 midkiiba waxaa ka weriyey labo weriye oo kale (w-B/w-T iyo w-X/w-KH). Laakiin Weriye 2 waxaa ka weriyey hal qof oo ah Weriye J. Haddaba, xadiiska noocan ah marka aan jidadka lagu weriyey ka hadlayno waxa aan leenahay jidka Weriye 2 soo maray waxaa la keliyoobay Weriye J (tafarrada bihii w-J). Haddaba, innaga oo aan si guud xadiiskan ugu tilmaami karin qariibnimo/fardimo, marka aynu si gaar ahaaneed uga hadlayno dariiqa Weriye 2 ayaa aynu ku tilmaamaynaa in uu yahay qariib ama fardi (غريب من هذا الوجه).

Tusaale waxaa la odhan karaa xadiis ay weriyeen Bukhaari iyo Muslim iyo muxaddithiin kaleba, lagana werinayo dhawr saxaabada ka mid ah. Waa xadiiska Nebigu- sallal Laahu calayhi wasallam- uu leeyahay:

22‭ ‬حَدَّثَنَا‭ ‬أَبُو‭ ‬غَسَّانَ‭ ‬الْمِسْمَعِىُّ‭ ‬مَالِكُ‭ ‬بْنُ‭ ‬عَبْدِ‭ ‬الْوَاحِدِ‭ ‬حَدَّثَنَا‭ ‬عَبْدُ‭ ‬الْمَلِكِ‭ ‬بْنُ‭ ‬الصَّبَّاحِ‭ ‬عَنْ‭ ‬شُعْبَةَ‭ ‬عَنْ‭ ‬وَاقِدِ‭ ‬بْنِ‭ ‬مُحَمَّدِ‭ ‬بْنِ‭ ‬زَيْدِ‭ ‬بْنِ‭ ‬عَبْدِ‭ ‬اللَّهِ‭ ‬بْنِ‭ ‬عُمَرَ‭ ‬عَنْ‭ ‬أَبِيهِ‭ ‬عَنْ‭ ‬عَبْدِ‭ ‬اللَّهِ‭ ‬بْنِ‭ ‬عُمَرَ‭ ‬قَالَ‭   ‬قَالَ‭ ‬رَسُولُ‭ ‬اللَّهِ‭ ‬صَلَّى‭ ‬اللَّهُ‭ ‬عَلَيْهِ‭ ‬وَسَلَّمَ‭ ‬أُمِرْتُ‭ ‬أَنْ‭ ‬أُقَاتِلَ‭ ‬النَّاسَ‭ ‬حَتَّى‭ ‬يَشْهَدُوا‭ ‬أَنْ‭ ‬لَا‭ ‬إِلَهَ‭ ‬إِلَّا‭ ‬اللَّهُ‭ ‬وَأَنَّ‭ ‬مُحَمَّدًا‭ ‬رَسُولُ‭ ‬اللَّهِ‭ … ‬

Wuxuu noo warramay Abuu Qassaan al-Micsamii Maalik ibnu Cabdilwaaxid, wuxuu noo warramay Cabdulmalik ibnu Sabbaax, can Waaqid ibni Muxammad ibni Sayd/ز ibni Cabdillaahi ibni Cumar can Aabbihii can Cabdillaahi ibni Cumar, in uu yidhi, Rasuulkii Alle- sallal Laahu calayhi wasallam- wuxuu yidhi: “…”

Imaam Muslim siyaabo kala duwan ayuu ku weriyey (riwaayado/riwaayaat), mid ka mid ahna weriyaha (raawiga) Cabdulmalik ibnu as-Sabbaax waxaa ka werintiisa la keliyoobay Abuu Qassaan al-Mismacii, kaas oo ah sheekhii Muslim uu ka soo weriyey.

Tafarrada Bihii… تفرد به:

Hebel cid aan hebel ahayni kama werinin…

Hebel cid lagu kalsoon yahay (siqah/ث) kama aysan werinin oo aan ka ahayn hebel…

Cid aan reer Basrah ahayni ma aysan werinin…

Cid aan reer Madiina ahayni ma aysan werinin…

حَدَّثَنَا عَمْرُو بْنُ عَبَّاسٍ ، حَدَّثَنَا عَبْدُ الرَّحْمَنِ ، حَدَّثَنَا سُفْيَانُ ، عَنْ رَبِيعَةَ ، حَدَّثَنِي يَزِيدُ مَوْلَى الْمُنْبَعِثِ ، عَنْ زَيْدِ بْنِ خَالِدٍ الْجُهَنِيِّ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ ، قَالَ : جَاءَ أَعْرَابِيٌّ النَّبِيَّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ ، فَسَأَلَهُ عَمَّا يَلْتَقِطُهُ ؟ فَقَالَ : عَرِّفْهَا سَنَةً ، ثُمَّ احْفَظْ عِفَاصَهَا ، وَوِكَاءَهَا ، فَإِنْ جَاءَ أَحَدٌ يُخْبِرُكَ بِهَا ، وَإِلَّا فَاسْتَنْفِقْهَا ، قَالَ : يَا رَسُولَ اللَّهِ ، فَضَالَّةُ الْغَنَمِ ؟ قَالَ : لَكَ أَوْ لِأَخِيكَ أَوْ لِلذِّئْبِ ، قَالَ : ضَالَّةُ الْإِبِلِ ؟ فَتَمَعَّرَ وَجْهُ النَّبِيِّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ ، فَقَالَ : مَا لَكَ وَلَهَا ، مَعَهَا حِذَاؤُهَا ، وَسِقَاؤُهَا تَرِدُ الْمَاءَ ، وَتَأْكُلُ الشَّجَرَ.

Xadiiskan waxaa saxaabiga ka weriyey oo kala keliyoobay siina kala weriyey muxaddisiin reer Madiina wada ah. Sidaa awgeed, marka loo fiiriyo cidda werisay, waxa aan dhahaynaa waxaa la keliyoobay reer Madiina (تفرد به أهل المدينة). Fardinimadiisuna ma aha in hal jid lagu weriyey ee si kale ayaa loola keliyoobay.

Qaybtii Hore                               Qaybta Xigta

Ku noqo TUSMADA

Print Friendly

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *