2.2 Xasan

nukhbatul-fikar

فَإِنْ خَفَّ الضَّبْطُ: فَالْحَسَنُ لِذَاتِهِ ، وَبِكَثْرَةِ طُرُقِهِ يُصَحَّحُ

Haddii xifdigu hoos u dhaco, waxa uu noqonayaa Xasan-Li-Daatihii, marka jidadkiisu bataanna saxiix ayaa laga dhigaa.

***

Sidii aan hore u soo tilmaannay, xadiisku waxa uu saxiix noqdaa marka laga helo shan shardi. Waa in uu werinayo qof cadli ah oo xifidigiisu aad u sarreeyo, jidka uu innagu soo gaadhayna uu xidhiidhsan yahay, wax cillad ahna waa in uusan lahayn, waana in uusan shaad ahayn. U fiirso, waa in weriyaha xifdigiisu uu ahaado mid dhammaystiran oo aad u heer sarreeya. Haddaba, haddii iyada oo shardiyada kale ay buuxaan, heerkii xifdigu uu hoos u yara dhaco, xadiiskaas waxaa la dhahaa Xasan. Xaafidku waxa uu ku daray li daatihii, gadaal ayaan uga hadli doonnaa intaas.

Sida xadiiska saxiixa ahiba u leeyahay heerar kala sarreeya, ayaa kan xasanka ahina u leeyahay.

Waxaa jirta in mararka qaarkood xadiis xasan ah lagu weriyo jidad badan oo is taageeraya isna xoojinaya. Arrintani awood dheeraad ah oo uu kaga soo kabto hoos u dhacii ku yimid xifdiga weriyeyaashiisa ayey siinaysaa xadiiskii xasanka aha, waxayna u suuragelinaysaa inuu darajo kor u kaco oo uu ku dhowaado xadiiska saxiixa ah. Xadiiska noocan ah waxaa lagu magacaabaa Saxiix-Li -Qayrihii (‭‬صحيح‭ ‬لغيره). Taas ayaa kalliftay in markii aan saxiixa ka hadlaynay aan ku tilmaano in uu sidiisa saxiix ku yahay, iyada oo meesha laga saarayo xasankii jidadkiisa badan saxiixa ku noqday. Halkan waxaa ka soo baxaya in xadiiska saxiixa ahi uu u qaybsamayo labo: Saxiix-Li-Daatihii (‭‬صحيح‭ ‬لذاته) iyo Saxiix-Li-Qayrihii (‭‬صحيح‭ ‬لغيره), oo ka dambe yahay xasan xoogeystay oo kor u kacay. Sidaa oo kale, ayaa xadiiska xasanka ahi ugu qaybsamaa labo: Xasan-Li-Daatihii (حسن‭ ‬لذاته) iyo Xasan-Li-Qayrihii (حسن‭ ‬لغيره).

Jaantus 2.2: Heerarka kala duwan ee warku qaadan karo.
Jaantus 2.2: Heerarka kala duwan ee warku qaadan karo.

Qaybtii Hore                               Qaybta Xigta

Ku noqo TUSMADA

Print Friendly