Home / Nukhbatul Fikar / 1 Warka iyo Jidadkiisa

1 Warka iyo Jidadkiisa

nukhbatul-fikar

‭ ‬فَأَقُولُ:

‬الْخَبَرُ‭ ‬إِمَّا‭ ‬أَنْ‭ ‬يَكُونَ‭ ‬لَهُ‭ ‬طُرُقٌ‭ ‬بِلَا‭ ‬عَدَدٍ‭ ‬مُعَيَّنِ‭ ‬أَوْ‭ ‬مَعَ‭ ‬حَصْرٍ‭ ‬بِمَا‭ ‬فَوْقَ‭ ‬الاثْنَينِ،‭ ‬أَوْ‭ ‬بِهِمَا،‭ ‬أَوْ‭ ‬بِوَاحِدٍ‭:‬

فَالْأَوَّلُ‭: ‬المُتَوَاِترُ‭ ‬المُفِيدُ‭ ‬لِلْعِلْمِ‭ ‬الْيَقِينيِّ‭ ‬بِشُرُوطِهِ. ‬

وَالْثَّانِي‭: ‬الْمَشْهُورُ،‭ ‬وَهَوَ‭ ‬الْمُسْتَفِيضُ‭ ‬عَلَى‭ ‬رَأَيٍ. 

وَالثَّالِثُ‭: ‬الْعَزِيزُ،‭ ‬وَلَيْسَ‭ ‬شَرْطًا‭ ‬لِلصَّحِيحِ‭ ‬خِلَافًا‭ ‬لِمَنْ‭ ‬زَعَمَهُ.

‬وَالْرَّابِعُ‭: ‬الْغَرِيْبُ‭.‬

Haddaba waxaan leeyahay:

Warku waxa uu innagu soo gaadhi karaa jidad aan lahayn tiro cayyiman, ama waxa uu ku koobnaan karaa laba jid wixii ka badan, ama laba jid, ama hal jid. Haddaba, ka ugu horreeyaa waa al-Mutawaatir faa’iidaynaya aqoon dhab ah marka shardiyadiisa la helo. Ka labaadna waa al-Mashhuur, ama al-Mustafiid (ض) sida ra’yi kale qabo. Ka saddexaadna waa al-Casiis (ز); casiis-nimaduna shardi uma aha xadiiska saxiixa ah, iyada oo la khilaafayo ciddii ku andacootay sidaas. Ka afraadna waa al-qariib (غ).

***

Jaantus 1.1: Warku sida uu u qaybsamo marka la fiiriyo jidadka uu innoo soo maro.
Jaantus 1.1: Warku sida uu u qaybsamo marka la fiiriyo jidadka uu innoo soo maro.

Meel aadan joogin wax ka dhacay warkeedu siyaabo badan ayaa uu kugu soo gaadhi karaa. Waxaa dhici karta in hal qof uu warkii ku soo gaadhsiiyo isaga oo afka kaaga sheegaya, ama aad meel ka akhrido. Sidaas oo kale waxaa dhici karta in ilaha warkaasi bataan oo aad ka maqasho dhawr qof ama aad ka akhrisato meelo kala duwan. Tusaale ahaan, xadiiska caanka ah ee “innamal acmaalu bin niyyaat” waxaa weriyey Cumar ibnul Khaddaab- Alle ha ka raalli ahaado e- waxa uuna sheegay in uu ka maqlay Nebiga- sallal Laahu calayhi wasallam-. Warkani jidka ama dariiqa uu innoo soo maray waa Cumar ibnul Khaddaab. Haddii saxaabi labaad werin lahaa waxa uu isaguna noqon lahaa jid ama dariiq kale oo isla warkaasi soo maray si uu innoo soo gaadho. Jidkan uu warku soo marayaa waa dadka kala maqlay ee midba midka kale ka sii weriyey, waana silsilad isku taxan oo lagu magacaabo al-isnaad (الإسناد) ama sanad (سند). Warka la kala werinayo, ama erayada warkana waxaa lagu magacaabaa al-matn (المتن). Xadiiska Cumar ee kor ku xusanna isnaadkiisu waakan hoos ku qoran, sida uu ku weriyey Imaamka Muxaddisiintu- Bukhaarii- Alle ha u naxariisto e.

Bukhaari–Xumaydi–Sufyaan–Yaxyaa–Muxammad–Calqamah–Cumar–Rasuulka

(sallal Laahu calayhi wasallam)

Jaantus 1.2: Isnaadka (jidka) uu Imaam Bukhaari ku weriyey xadiiska "Innamal Acmaalu bin Niyaati...". Sawirka qayb ka mid ah ©Freepik.com
Jaantus 1.2: Isnaadka (jidka) uu Imaam Bukhaari ku weriyey xadiiska “Innamal Acmaalu bin Niyaati…”. Sawirka qayb ka mid ah ©Freepik.com

Qaybtii Hore                               Qaybta Xigta

Ku noqo TUSMADA

Print Friendly

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *