ثم الجهالة وسببها: أن الراوي قد تكثر نعوته فيذكر بغير ما اشتهر به لغرضٍ، وصنفه فيه الموضح. وقد يكون مقلاً فلا يكثر الأخذ عنه وصنفوا فيه الوحدان، أو لا يسمى اختصاراً وفيه مبهمات، ولا يقبل المبهم ولو أبهم بلفظ التعديل على الأصح. فإن سمي وانفرد واحد عنه فمجهول العين، أو اثنان فصاعدا ولم يوثق: فمجهول الحال، وهو المستور.
Intaas ka dib, aqoonsi-la’aanta [ayaa ka mid ah waxyaalaha warka lagu diido] waxaana sababi kara in weriyuhu lahaado tilmaamo badan, dabadeedna lagu sheego mid uusan caan ku ahayn, iyada oo dan laga leeyahay. Waxaa kale oo dhacda in uusan wax badan werinin, dabadeedna dad badani aysan wax ka qaadanin, waxa ayna ka qoreen al Wuxdaan. Ama, soogaabsi awgii ayaa aanba la magacaabin, waxaana laga qoray al Mubhamaat. Sida saxda ahna, qofkii magiciisa la qariyo lama aqbalayo, haddii la doono ha lagu qariyo erey kalsooni muujinaya. Haddii la magacaabo laakiin hal qofi la keliyoobo ka werintiisa, waa Majhuulul Cayn, ama ay ka weriyaan labo iyo ka badan laakiin aan ammaan [iyo dhaleecayn] loo sheegin waa Majhuulul Xaal, waxaana loo yaqaannaa al Mastuur.
Sababaha weriyaha lagu duro warkiisana lagu diido waxaa ka mid ah in la garanwaayo qofkii. Laba arrimood ayaa keena aqoonsi-la’aanta. Weriyuhu waxa uu leeyahay magac, naanays, laqab, xirfad, degaan, iwm, oo uu caan ku yahay laguna garto. Mararka qaar waxaa dhacda in dadka qaar, sababo jira awgood, ay adeegsadaan tilmaan uusan weriyuhu caan ku ahayn, taas oo keenta in dad badani garanwaayaan, oo ay qof kale moodaan.
Dib u fiiri qaybtii tadliiska iyo mudalliska.
Qoraaga buuggan, Ibnu Xajar, ayaa mar waxaa u yimid nin ku wareeray raadinta weriye. Waxa uu sheegay in uu kutubtii oo dhan baadhay, laakiin uu ka waayey nin la yidhaahdo Tamtaam. Sheekhu waxa uu u sheegay in uu yahay naanays, magiciisuna yahay Muxammad ibnu Qaalib ibnu Xarb, waxa uuna u raaciyey kutubta laga helayo taariikhdiisa.
Kutub ayaa ay culamadu ka qoreen, waxaana ka mid ah al Muudix li Awhaamil Jamci wat Tafriiq (الموضح لأوهام الجمع والتفريق), oo uu qoray Khadiib al Baqdaadii.
Ahmiyadda ay leedahay in aqoon loo yeesho weriyeyaasha iyo xaaladahooda (علم الرجال) waxa ay ku iman doontaa qaybaha dambe.
Sababta labaad ee keenta aqoonsi-la’aantu waa in weriyaha sootebintiisu kooban tahay, dabadeedna uusan lahayn arday badan oo aqoon ka qaadatay, inta taqaannaana ay yar yihiin. Waxaa jira weriyeyaal hal qofi wax kasoo tebiyey, culamada wax ka qortay ee xaaladdooda caddaysayna waxaa ka mid ah imaam Muslim oo qoray kitaabka al Wuxdaan.
Waxaa iyaduna dhacda in aan weriyihiiba la magacaabin e, lagu gaabsado hebel, oday, sheekh, nin, dadka qaar, Ina Hebel, dad aan ku kalsoonahay, iwm. Qofkan magiciisa la qariyey waxaa lagu tilmaamaa mubham, ama kii la qariyey, xadiiskaasna la qaadan maayo ilaa laga ogaanayo qofkaas aan la magacaabin. Maxaa yeelay waa in weriyaha dabagal lagu sameeyaa oo la eegaa in uu shuruuddii buuxiyey. Taasina suuragal noqonmayso haddii aan cid uu yahayba la garanaynin.
Culamada qaar ayaa adeegsada akhbaranii ath thiqatu…, hebel oo thiqa ah (qof lagu kalsoon yahay warkiisana la qaato) ayaa ii sheegay…, laakiin isagaa ku kalsoone waxaa laga yaabaa in culamo kale aysan kalsooni ku qabin. Sidaas awgeed, waa in qofka la magacaabaa.
Siyaabo lagu ogaan karo qofka la qariyey ayaa jira. Tusaale ahaan, haddii warkaas jidad badan lagu soo tebiyey, waxa ay u badan tahay in uu midkood ku magacaaban yahay. Kutub la dhaho al Mubhamaat ayaa laga qoray.
Weriyaha hal qofi wax kasoo tebiyo ee aan la aqoonnin, waxaa Majhuulul Cayn, waana qof aan jiritaankiisaba la aqoonnin, warkiisana la qaadan maayo oo waxa uu la mid yahay kii mubhamka ahaa ee aan la magacaabin, maadaama aan la garanaynin. Laakiin haddii la helo qofka ka werinaya qof aan ahayn oo ammaanay ama dhaleeceeyey, xaaladdii aqoonsi-la’aanta waa uu ka baxayaa.
Haddii labo iyo ka badani wax ka weriyaan, laakiin aan ammaan iyo dhaleecayn toona loo haynin, waa qof aan xaaladdiisa la ogayn; Majhuulul Xaal, waxaana lagu magacaaba al Mastuur. Culamada intooda badani ma qaataan warkiisa, laakiin koox aqbashay ayaa jira. Sida Ibnu Xajar sheegayna waxaa habboon in aan si guud loo qaadannin, si guudna loo diidin, ee laga joogsado ilaa xaaladdiisa laga ogaanayo oo warkiisu caddaanayo.
Ku noqo TUSMADA