Home / Muxammad Yuusuf

Muxammad Yuusuf

“Qalinkaa wax suureeyaa/ Kugu sima halkaad doonto.”

Sirta Qoraalka: Maxaa Wax loo Qoraa? *** ن ۚ وَالْقَلَمِ وَمَا يَسْطُرُونَ “Nuun. Qalinka [ayaa aan ku dhaartay], iyo waxa ay dhigayaan.” al-Qalam: 1 *** عُبَادَةَ بْنِ الصَّامِتِ قال : سَمِعْتُ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ يَقُولُ : إِنَّ أَوَّلَ مَا خَلَقَ اللَّهُ الْقَلَمَ فَقَالَ لَهُ : اكْتُبْ ، قَالَ ...

Read More »

“Bulshooy adigay bokhraday”

Sirta Qoraalka: Masuuliyadda Qoraaga Soomaaliyeed Qoraagu waxa uu isu xilsaaray in uu hal-abuur iyo gadhwadeen u noqdo nimcada qoraalka ee Alle innagu galladaystay. Waxaa saaran masuuliyad iyo ammaano ay waajib tahay in uu hagar la’aan u guto; taas oo ah kaydinta, kobcinta, dhawrista, iyo faafinta aqoonta iyo garashada ummadi leedahay. ...

Read More »

Ninba intuu akhriyuu qoraa

“Maxaad kula talin lahayd qofka raba in uu qoraalka bilaabo?” “Akhris, akhris, akhris,” Waa weydiin iyo warcelinteed ay badanaa isweydaarsadaan qof qoraa ah iyo mid raba in uu qoraa noqdo. Ceel nin galay baa laga waraystaaye, inta wax qaayo leh qortaa waxa ay ka siman yihiin wax akhris badan. Qofku ...

Read More »

Guudmar iyo Gorfayn Buug: Kitaabul Akhlaaqi Wassiyar fii Mudaawaatin Nufuus

Magaca: Kitaabul Akhlaaqi Wassiyar fii Mudaawaatin Nufuus (الأخلاق والسير في مداواة النفوس) Qoraaga: Ibnu Xasm ad Daahirii. Tifaftir: Muxammad al Kacbii, Daarul Qalam. Akhlaaqada wanaagsani meel sare ayaa ay kaga jirtaa diinta Islaamka, Ilaahayna markii uu ammaanayey Nebiga- sallal Laahu calayhi wasallam– waxa uu ku tilmaamay in uu ku sugan ...

Read More »

Diinta iyo Sayniska

Alle- kor ahaaye– markii uu uunkan sameeyey waxa ku dhex abuuray noole aynu ka mid nahay. Markii Aadan- calayhis salaam– la abuurayna waxaa la baray dhammaan magacyadii waxyaalihii jirey. Isaga iyo Xaawo ba- calayhas salaam– waxaa loo kala sheegay dhirtii ku hareeraysneed kuwa dheefta u leh iyo kuwa dhibta u keeni ...

Read More »

“Soomaalidii baan u dudi, daadufka ahayde”

“Soomaalidii baan u dudi, daadufka ahayde” Sayyid Maxamed. Hordhac Sayyid Maxamed (AUN) waxa uu ahaa halyey u halgameyey diintiisa, dadkiisa iyo dalkiisaba. Wuxuuna hadh iyo habeen u taagnaa sidii uu gumaystaha waddanka uga saari lahaa, isaga oo taas uga gol lahaa inuu dadkiisa ka badbaadiyo in diintooda laga bedelo ama ...

Read More »

Guulihii Kacaankii 21 kii Oktoobar 1969

Saraakiishii afgembiga ka dambeeyey waxay ahaayeen 25 nin oo 20 ka tirsanaayeen Ciidamada Qalabka Sida (CQS), 5 ta kalena ahaayeen Ciidamada Bilayska. Waxaa la sameeyey gole ka kooban 25 kan oo loogu magac daray Golaha Sare ee Kacaanka. In kasta oo Maxamed Siyaad Barre watay qorshaha afgembiga, haddana waxay qabteen ...

Read More »

Sababihii Kacaankii 1969

  Dawladihii Rayidka ahaa Ilaa Xornimadii lixdankii waxaa talada u kala dambeeyey afar xukuumadood oo aan wax weyn oo la taaban karo qabanin, mid musuqmaasuq lagu doorto, mid kalsooni laga la noqdo, mid la bedelo, wasaarado saami beeleed lagu qaybsado, iyo wax aan dhaamin bay wakhtigii ku dhammeeyeen. Dawladihii rayidka ...

Read More »