3.1.1 Kalago’itaanka Jidka

nukhbatul-fikar

Kalago’itaanka jidku waxa uu dhici karaa bilowga, dhexda ama dhammaadka. Tusaale aan u soo qaadanno sanadkan:

: قال النسائي
أَخْبَرَنَا مُحَمَّدُ بْنُ عَبْدِ اللَّهِ بْنِ يَزِيدَ قَالَ حَدَّثَنَا سُفْيَانُ عَنْ عَمْرِو بْنِ دِينَارٍ عَنْ مُحَمَّدِ بْنِ حُنَيْنٍ عَن ابْنِ عَبَّاسٍ قَالَ عَجِبْتُ مِمَّنْ يَتَقَدَّمُ الشَّهْرَ وَقَدْ قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ :إِذَا رَأَيْتُمْ الْهِلَالَ فَصُومُوا وَإِذَا رَأَيْتُمُوهُ فَأَفْطِرُوا فَإِنْ غُمَّ عَلَيْكُمْ فَأَكْمِلُوا الْعِدَّةَ ثَلَاثِينَ

Sheekha diiwaan geliyey xadiiska (المصنَّف: al-musannif) waa an-Nasaa’i (Alle ha u naxariisto e). Waxa uu ka weriyey Muxammad oo isna ka weriyey Sufyaan oo isna ka weriyey Camr oo isna ka weriyey Muxammad oo isna ka weriyey Ibnu Cabbaas (Alle ha ka raali noqdo e).

Haddii Nasaa’i markii uu xadiiskan ku qorayey kitaabkiisa uu sanadka oo dhan goyn lahaa oo uu ka bilaabi lahaa hadalka Nebiga- sallal Laahu calayhi wasallam– waxaa lagu magacaabi lahaa al-Mucallaq. Sidaas oo kale weeyaan haddii uu goyn lahaa sheekhiisa Muxammad ibnu Cabdillaahi ibnu Yaziid. Xadiisku waxa uu Mucallaq noqdaa marka sanadkiisu ka go’an yahay bilowga ee xigta qoraaga (musannifka). Mucallaqu waa daciif oo lama xujaysto, maxaa yeelay lama oga cidda sanadka ka maqan, lamana qiimayn karo.

Muxammad ibnu Xunayn ayaa ka weriyey Ibnu Cabbaas. Haddaba, Haddii Muxammad ibnu Xunayn uu Ibnu Cabbaas ka boodi lahaa oo uu toos Nebiga- sallal Laahu calayhi wasallam– uga werin lahaa, waxaa la dhihi lahaa waa Mursal. Sidaas awgeed, Mursalku waa xadiiska sanadkiisa saxaabigii laga booday. Sababta mursalka loo diiday ee daciif looga dhigay waxa weeyaan inaan la kala garan karin cidda ka maqani in ay tahay saxaabi iyo in ay tahay taabici kale. Maxaa yeelay, tusaale ahaan haddii tusaalahan uu taabiciga Muxammad ibnu Xunayn uu toos uga weriyo Nebiga- sallal Laahu calayhi wasallam-, lama kala garteen in uu saxaabi ka weriyey iyo in uu taabici kale ka weriyey. Mararka qaar waxaa dhacda in dhawr taabici kala weriyaan. Taasi waxa ay keenaysaa in laga shakiyo cidda maqan oo sidaa lagu diido warkii (mursal). Haddiise lagu kalsoon yahay in qofka maqani uu yahay saxaabi waa la qaadanayaa, oo saxaabadu dabagal uma baahna.

Inta u dhaxaysa sheekha Nasaa’i (Muxammad ibnu Cabdillaahi) ilaa Ibnu Cabbaas marka cidi ka maqan tahay, waxa ay noqonaysaa laba midkood: in laba qof ama ka badan oo isku xigtaa ay ka maqan yihiin, iyo in hal qof ka maqan yahay amaba dhawr qof laakiin aysan isku xigin. Kuwa isku xiga xadiiskoodu waxa uu noqonayaa al-Mucdal (ض), ka kalena waa al-Munqadic (ط).

: قال النسائي
أَخْبَرَنَا مُحَمَّدُ بْنُ عَبْدِ اللَّهِ بْنِ يَزِيدَ قَالَ حَدَّثَنَا سُفْيَانُ عَنْ عَمْرِو بْنِ دِينَارٍ عَنْ مُحَمَّدِ بْنِ حُنَيْنٍ عَن ابْنِ عَبَّاسٍ قَالَ عَجِبْتُ مِمَّنْ يَتَقَدَّمُ الشَّهْرَ وَقَدْ قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ :إِذَا رَأَيْتُمْ الْهِلَالَ فَصُومُوا وَإِذَا رَأَيْتُمُوهُ فَأَفْطِرُوا فَإِنْ غُمَّ عَلَيْكُمْ فَأَكْمِلُوا الْعِدَّةَ ثَلَاثِينَ

Jaantus 3.2: Siyaabaha sanadku u kala go'o iyo ereybixintooda.
Jaantus 3.2: Siyaabaha sanadku u kala go’o iyo ereybixintooda.

Waxaa dhacda iyo kalago’itaanka sanadku uu si cad u muuqdo, sida kuwa kor ku xusan (mucallaq, mursal, munqadic, mucdal). Tusaale ahaan, haddii weriyuhu qofka uu warka kasoo tebinayo uusan arkinba oo aysan isku xilli ahayn, waa ay fududdahay in la garto in warkaas sanadkiisu oo kala go’an yahay. Culumada xadiisku kitaabbo badan ayaa ay ka qoreen taariikhda weriyeyaasha si ay u diiwaangeliyaan xilligii ay dhasheen, waxbarashadoodi, socdaalladoodii, culumadii ay wax ka barteen, ardaydii ay wax bareen, xilligii ay geeriyoodeen, iyo wax kasta oo ku saabsanaa weriyeyaasha xadiiska oo ay heli kareen, sida aynu qaybaha dambe ku arki doonno.

Imaam Xaakim oo ka mid ah culumada xadiiska ayaa waxaa u yimid nin la odhan jirey Abuu Jacfar oo xadiis ka werinaya Cabdi bin Xumayd. Xaakim oo ogaa xilligii uu geeriyooday Cabdi ibnu Xumayd, ayaa waxa uu Abuu Jacfar weydiiyey goortii uu dhashay. Taariikhdii markii la isu eegayna waxaa soo baxday in Abuu Jacfar uu been sheegayo oo xilliga uu sheegayo in uu wax ka weriyey uu Cabdi mootanaa 13 sano!

Mararka qaar kalago’naanta sanadku waa ay qarsoon tahay (al-Mudallas; المدلَّس), oo labada qof ee kala werinayaa waa ay kulmeen laakiin warkan ma aysan kala qaadanin. Sidaa awgeed, waxaa dhacda in weriyuhu isaga oo qarinaya cidda uu ka weriyey ama qaabka uu u maqlay uu adeegsado ereyo laga dhadhansan karo in uu ka maqlay qof uusan ka maqlin, sida: can (عن) oo lagu Soomaaliyeyn karo “waxaa laga weriyey…” iyo qaala, “waxa uu yidhi”, halkii uu ka odhan lahaa “waxaan ka maqlay,” iyo wax u dhigma. Waa xeeladaysi lagu qarinayo ciddii laga weriyey, iyada oo islamarkaana aan been qayaxan la sheegin. Weriyaha sidan sameeyaa waxaa loo yaqaannaa mudallis, warka uu soo tebinayana waa mudallas oo waa daciif. Waxaa jira culumo caadi ahaan lagu kalsoon yahay oo aan been lagu tuhmaynin, laakiin mudallisiin ah. Sidaas awgeed, ilaa ay si qayaxan u sheegaan in ay warka ka maqleen cidda ay kasoo tebinayaan waxba lagama qaato. Waxaa ka mid ah taariikhyahan caanka ah ee Ibnu Isxaaq.

Garashada mudallasku aad ayaa ay u adagtahay, culumada in yar oo gaar ah ayaa aqoon sare u lahayd.

Mursalka Qarsoon

Sanadka mursalka waxaa ka maqan saxaabigii oo taabiciga ayaa toos uga werinaya Nebiga- sallal Laahu calayhi wasallam-, taas oo fududaynaysa in la garto kalago’naanta sanadka. Laakiin waxaa jira nooc mursalka ka mid ah oo lagu tilmaamo mursal qarsoon (المرسل الخفي). Xadiis uu taabici ka werinayo saxaabi, sanadkiisu waxa uu u muuqdaa in uu xidhiidhsan yahay, laakiin waxaa jira taabiciin wax ka weriya saxaabo aysan la kulmin. Tusaale ahaan, taabiciga Xasan al-Basrii waxa uu xadiisyo ka weriyaa saxaabiga Jaabir ibnu Cabdillaah. Sida ay culumo badani sheegeenne weligii lama uusan kulmin e warqad Jaabir lahaa oo xadiis ugu qornaa buu ka akhristay. Taas waxaa la mid xadiisyada uu Xasan ka weriyo Abuu Hurayrah oo culumo badani sheegaan in uu xilligiisi noolaa laakiin uusan la kulmin.

Mudallaska iyo mursalka qarsoon garashadoodu waxa ay ka mid tahay qaybaha ugu dhibta badan cilmiga xadiiska ee loo yaqaanno al-Cilal, waana ay yar yihiin culumada aqoonta sare u leh, oo waxaa ka mid ahaa Cali ibn al-Madiinii, Bukhaarii iyo Daaraqudnii. Mucallalka halkan ka eeg.

Mudallaska iyo mursalka qarsooni aad ayaa ay isugu egyihiin, laakiin farqi baa u dhexeeya. Mudallaska waxaa kala werinaya laba qof oo KULMAY, laakiin aan warkan isaga ah kala werinin. Halka mursalka qarsoon AYSAN KULMIN.

Qaybtii Hore                               Qaybta Xigta

Ku noqo TUSMADA

Print Friendly

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *