2.1 Saxiix

nukhbatul-fikar

Si loo aqbalo oo loo qaato, warku waa in uu buuxiyo shan shardi: waa in uu soo tebiyo

  1. qof cadli ah
  2. oo xifidigiisu aad u sarreeyo
  3. jidka uu innagu soo gaadhayna waa in uu xidhiidhsan yahay oo uusan kala go’nayn
  4. wax cillad ahna waa in uusan lahayn
  5. waana in uusan shaad ahayn.

Warka laga helo shantaas shardi oo buuxa waa la qaadanayaa, waxaana loo yaqaannaa as-Saxiix.

Jaantus 2.1: Shuruudda xadiiska saxiixa ah.
Jaantus 2.1: Shanta shardi ee ay tahay in warku buuxiyo si uu saxiix u noqdo.

Aan sii faahfaahinno shantan shardi ee lagu aqbalo warka.

Qof cadli ah: waxaa looga jeedaa qof joogteeya Alle ka cabsiga (taqwo leh).

taqwa (التقوى): samaynta wanaagga iyo ka fogaanta xumaanta.

cadl (عدل): waa eray macne way u taagan. Marka fiqiga la joogo wuxu noqdaa qof markhaati-gal ah oo lagu kalsoonaan karo.

muruu’ah (المروؤة): qofka oo ay ka muuqdaan anshax wanaagsan iyo hufnaan.

Xifdi dhammaystiran: xifdigu wuxuu u qaybsamaa mid qofku uu wixii uu maqlay ku xifdiyo/qaybo qalbigiisa oo markii uu u baahdo uu sidiisii ugu soo celin karo isaga oo aan meelna ka akhrinayn. Xifdiga noociisa kale waa in qofku uu warkii meel ku qoro oo uu qoraalkaas dhawro/ilaaliyo ilaa uu warkaa ka gudbinayo. Waxaana loo baahan yahay in xifdigu uu ahaado mid dhammaystiran oo aan gef iyo hilmaan toona aysan ku jirin.

Jid xidhiidhsan: waxaan soo sheegnay in jidka uu warku innagu soo gaadho loo yaqaan as-Sanad. Haddaba, waxaa loo baahan yahay in jidkaasi uu xidhiidhsan yahay oo uusan kala go’nayn. Waa in weriye kastaa uu weriyaha ka horreeya warka uga qaatay oo uga soo tebiyey hab ka mid ah hababka xadiiska loo kala qaato/ tebiyo.

Cilladu waa sabab qarsoon oo waxyeellaynaysa sugnaanta/suubanaanta warka. Si kale haddii loo dhigo, waa bukaan aan dadka intooda badan u muuqannin oo uu warku yeesho. Haddaba warka la aqbalayaa waa in uusan lahayn cillad ama bukaan dhaawac iyo in la duro u keeni kara.

Warku wuxuu Shaad (ذ) noqdaa  marka qof caadi ahaan warkiisa lagu kalsoon yahay, uu tebinta warkaas ku khilaafo cid kale oo lagaga sii kalsooni badan yahay. Tusaale ahaan, haddii mid muxadiisiintii qiimaha badnaa ka mid ahi uu war u soo tebiyo si khilaafsan werinta dhawr isaga la darajo ah ama ka daraja sarreeya, waxaa la dhahaa warkiisu waa shaad ama waa keli-socod.

Shaad: keli-socod.

Warka saxiixa ahi waxa uu yeelan karaa derajooyin kala sarreeya, iyada oo la fiirinayo shardiyadan aan sheegnay. Maxaa yeelay, marka aan leennahay qofku waa in uu cadli ahaadaa, taas oo aan ku fasirnay in uu qofku ku sugnaado cabsida Alle iyo anshaxa guud, waxa aan shaki ku jirin in ay tahay tilmaan dadku ku kala duwanaanayaan oo qaarba heer ka gaadhayaan. Sidaa oo kale, dadku xifdiga way ku kala duwan yihiin, sida loo kala xifdi badan yahay ayaana warka darajadiisu ku kala sarraysaa.

Culumadu in badan ayey isku dayeen in ay kala soocaan darajooyinka warka saxiixa ah, laakiin weli la ma hayo darajooyin la isku raacsan yahay. Si kastaba ha ahaatee, culumada qaar ayaa qaba in ay warka saxiixa ah ugu darajo sarreeyaan kuwa lagu tilmaamo in ay leeyihiin: asaxxul asaaniid (أصحّ‭ ‬الأسانيد), ama isnaadyada ugu saxiixsan. Hoos ka eeg tusaaleyaal ka mid ah sanadyada lagu tilmaamo in ay yihiin kuwa ugu saxiixsan.

Sanadyada ugu Saxiixsan

Darajada Koowaad

1. Imaam Maalik-Naafic-Ibnu Cumar (radiyal Laahu canhu)

2. Suhrii/ز-Saalim-Ibnu Cumar (radiyal Laahu canhu)

3. Ibnu Siiriin-Cabiidah as-Salmaanii-Cali ibni Abii Daalib (radiyal Laahu canhu)

Darajada ku xigta

1. Burayd ibni Cabdillaah-Abii Burdah-Abii Muusaa al Ashcarii (radiyal Laahu canhu)

2. Xammaad ibni Salamah-Saabit/ث ibni Aslam-Anas ibni Maalik (radiyal Laahu canhu)

Darajada ku xigta

1. Suhayl ibni Abii Saalix-Aabihiis (Dakwaan/ذ)-Abii Hurayrah (radiyal Laahu canhu)

2. Calaa’ ibni Cabdiraxmaan-Aabihiis (Cabdiraxmaan)-Abii Hurayrah (radiyal Laahu canhu)

In kasta oo kulligood ay cadlinimada iyo xifdiga ka gaadheen heer xadiiskoodu ku noqdo saxiix, haddana darajada hore ayaa ka heer sarraysa labada kale, waxaanna dhihi karnaa way ka sii saxiixsan tahay.

Kitaabada xadiiska lagu diiwaan geliyey, sidee bay u kala saxiixsan yihiin? Culumada Islaamka intooda badani waxay isku raaceen in xadiiska ay werintiisa Imaam Bukhaari iyo Imaam Muslim uu yahay darajada ugu sarraysa. Xadiiskan waxaa lagu tilmaamaa Muttafaqun Calayhi (متفق‭ ‬عليه).

Kaas waxaa ku xiga xadiiska uu weriyey Bukhaari keligiis. Waxaana ku sii xiga xadiiska uu weriyey Muslim keligiis. Intaa waxaa ku sii xiga xadiiska saxiixa ah ee ay diiwaan geliyeen culumo kale, laakiin lagu weriyey shardiga Bukhaari iyo Muslim. Shardiga waxaa looga jeedaa in sheekha kale ee xadiiska werinayaa uu ku weriyo jidkii Bukhaarii iyo Muslim, oo uu ka weriyo dadkii ay ka weriyeen. Heerka ku xigaa waa xadiiska lagu weriyo shardiga Bukhaari keligii, haddana shardiga Muslim keligii. Waxaa intaas todobeeya oo ugu hooseeyaa xadiiska ay diiwaan geliyeen culumada kale ee aan lagu werinin shardiga Bukhaari iyo Muslim toona.

Todobadaas heer ee xadiiska saxiixa ahi uu yeelan karo waa marka si guud loo hadlayo. Laakiin xadiis gaar ah marka laga hadlayo waxaa dhici karta in xadiis uu Muslim diiwaan geliyey uu ka xoog badan yahay mid Bukhaari diiwaan geliyey. Sidaa oo kale, xadiis sheekh kale diiwaan geliyey ayaa laga yaabaa in uu ka xoog badan yahay mid Bukhaarii weriyey,  sida haddii uu ku werinayo sanadyada lagu tilmaamay in ay yihiin asaxxul asaaniid, tusaale ahaan: Maalik-Naafic-Ibnu Cumar.

Qaybtii Hore                               Qaybta Xigta

Ku noqo TUSMADA

Print Friendly

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *