4.4 Saabiq iyo Laaxiq

nukhbatul-fikar

وَإِنِ‭ ‬اشْتَرَكَ‭ ‬اثْنَانِ‭ ‬عَنْ‭ ‬شَيْخٍ،‭ ‬وَتَقدَّمَ‭ ‬مَوْتُ‭ ‬أَحَدِهِمَا،‭ ‬فَهُوَ‭: ‬السَّابِقُ‭ ‬وَاللَّاحِقُ‭.‬

Haddii labo qofi ay hal sheekh ka wada weriyeen, oo midkood hor dhintay, waa [nooca] asSaabiq wal Laaxiq.

Laba qof oo hal sheekh wax ka wada weriya oo midkood ka hor geeriyooday ka kale, ayaa ka horena lagu tilmaamaa saabiq ka dambena laaxiq. Tusaale haddii aan ku caddayno, al Xaafid asSilafii oo cimri dheer Alle- subxaanahuu wa tacaalaa– siiyeey (boqol ayaa uu kor u dhaafay) geeriyoodayna 576H, ayaa waxaa ka weriyey sheekhiisii Abuu Cali al Baradaanii oo geeriyooday 498H. Qofkii ugu dambeeyey ee Silafii ka weriyaana waxa uu ahaa wiil uu awoow u ahaa, oo la dhihi jirey Abul Qaasim Cabdurraxmaan ibnu Makkii, oo geeriyooday 650H.

Sidaas awgeed, labada qof ee Silafii ka werisay geeridooda waxaa u dhaxaysa in ka badan 150 sano. Waxaana suuroowda in midka dambe (al Laaxiq) isnaadkiisa loo qaato in wax ka maqan yihiin oo uusan xidhiidhsanayn maadaama muddadu aad u dheer tahay. Taasina waxa ay saamayn ku yeelay kartaa xukunka isnaadku qaadanayo dhanka xidhiidhsanaanta ama kalago’naanta. Aqoontiisuna waxa ay keenaysaa in gefkaa laga badbaado. Faa’iidada kale ee ku jirtaa waxa ay tahay in la barto ardayda sheekha iyo sida ay u kala horreeyeen, isnaadka caaliga ah iyo ka naasilka ah iyo ciddii ugu dambaysay ee sheekhaas xadiiska ka maqashay.

Tusaale kale oo aan hore u soo aragnay ayaa isna jira, kan kor ku xusanna ka horreeyey. Abil Cabbaas asSarraaj oo Bukhaari ardaygiisa ahaa ayaa waxaa xadiis ka weriyey Bukhaari. Bukhaarina sida la ogyahay waxa uu geeriyooday sannadkii 256H. Qofkii ugu dambeeyey ee asSarraaj xadiiska ka maqlayna waxa uu ahaa nin la odhan jirey Abul Xusayn al Khaffaaf (waxa ay ka timid khufka oo uu samayn jirey ama iibin jirey) oo geeriyooday 393H. Waxaana geerida Bukhaari iyo al Khaffaaf u dhaxaysa 137 sano. Wakhtigan dheer ee u dhaxeeya saabiq-qa iyo laaxiq-qa waxa uu isnaadka laaxiq-qa ka dhigayaa mid sarreeya, halka isnaadka saabiqu uu noqonayo mid hooseeya. Waana tii aan ku aragnay in isnaadka Ibnu Xajar caali noqonayo marka uu maro jidka asSarraaj ee uu muwaafaqo Bukhaari kula samaynayo sheekhiisi Qutaybah ama uu kula kulmayo Maalik isaga oo Qutaybah ku beddelaya Qacnabii.

Qaybtii Hore                               Qaybta Xigta

Ku noqo TUSMADA

Print Friendly

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *