ثم سوء الحفظ إن كان لازماً فالشاذ على رأي أو طارئاً فالمختلط، ومتى توبع السيء الحفظ بمعتبر وكذا المستور والمرسل والمدلِّس صار حديثهم حسناً لا لذاته بل بالمجموع.
Dabadeed, xidfi xumidu haddii ay tahay joogto waxa uu noqonayaa Shaad, sida ra’yi qabo. Haddiise ay tahay wax soo darriyey waxa uu noqonayaa Mukhtalid. Haddii kii xifdiga liitay uu helo taageero, sidaa oo kale [weeye] Mastuurkii iyo Mursalkii iyo Mudalliskii, xadiiskoodu waxa uu noqonayaa Xasan aan sidiisa u ahayn e isku-soo-duubka ku noqday.
Casharkani waxa uu la xidhiidhaa casharkan hore.
Qodobka ugu dambeeya ee weriyaha lagu duro warkiisana lagu diidaa waa in xifdigiisu uu hooseeyo, oo wixii uu maqlay ama arkay uusan sidoodi usoo tebin karin. Haddii xifdigiisu weligeedba liitay, culamada qaar ayaa ku tilmaama in uu shaad yahay, waana adeegsi ka duwan kii aynu ku soo marnay.
Haddiise xifdigiisu wanaagsanaan jirey, laakiin da’ awgeed xusuustiisi xumaatay, ama kutubtii uu wax ka werin jirey ay ka gubteen ama ka lumeen, ama uu indho beelay oo uusan akhrisan karin, iwm, waxaa lagu tilmaamaa Mukhtalid, oo looga jeedo isku-darsan ama asaasaq dhanka xifdiga ah.
Weriyaha iskudarsanku ku dhacay waxaa la eegayaa taariikhdii isbeddelku ku yimid, ka hor wixii uu weriyeyna waa la qaadanayaa. Haddiise la kala saari kari waayo, waa laga joogsanayaa.
Culamadii waaweynayd ee iskudarsanku ku dhacay waxaa ka mid ah Cabdurrasaaq as Sancaanii (dh.211H), muxaddiskii Yaman, oo ay ardaydiisa ka mid ahaayeen Imaam Axmad ibnu Xanbal, Isxaaq ibnu Raahawayhi, Cali ibnul Madiinii, Yaxyaa ibnu Maciin, iyo kuwo kale oo badan. Imaamka kutubtiisa waxaa ka mid ah Musannaf Cabdurrazaaq (مصنف عبدالرزاق) oo ka mid ah diiwaannada xadiiska ee waaweyn (11 qaybood). Mar dambe ayaa uu indho belay xifdigiisina waxyeello soo gaadhey. Imaam Axmad oo ka faalloonaya ayaa sheegay in ciddii wax ka werisay indhobeelka ka dib aan ka qaadanaynin, laakiin wixii kutubtiisa ku qorani ay sax yihiin. Taariikh ahaan waxaa la qaadanayaa wixii ka horreeyey 200H.
Xadiiska uu soo weriyo qofka xifdigiisu liito waxaa kabi kara xadiis kale oo taageero geli kara- sida aynu ku arki doonno heerarka ammaanta iyo dhaleecayta (al Jarx wat Tacdiil). Waxaase la rabaa in uu la derajo yahay ama ka deraja sarreeyo. Al Mawduuc iyo al Munkar iyo kuwa la midka ahi ma soo gelayaan taageerada. Waxaa isaguna taageero ku kabmaya xadiiska weriyaha mastuurka ahi ku jirey, iyo isnaadkii mursalka ahaa iyo kii mudallaska ahaa. Xadiisyadan asalkooda taagta daran ee ku-raacintaanka (mutaabacah) iyo markhaatiga (shaahid) ku kabmaa waa ay isxoojiyaan, marka la isu soo uruuriyana daciifnimadii kor ayaa ay uga baxaan oo waxa ay noqdaan Xasan-li-qayrihii.
Ku noqo TUSMADA