Home / Nukhbatul Fikar / 1 Warka iyo Jidadkiisa / 1.1 Qaybaha Warka / 1.1.1 al-Mutawaatir (المتواتر)

1.1.1 al-Mutawaatir (المتواتر)

nukhbatul-fikar

War ay soo weriyeen dad tira badan oo aysan caadadu ogolaanayn in ay been isku raacaan, ama ku heshiiyeen in ay warkaas wada sheegaan si loo rumaysto, ayaa loo yaqaannaa al-mutawaatir (المتواتر).

Abuu Yuusuf, oo ahaa ardaygii imaam Abuu Xaniifah, ayaa mar uu tagey Madiinah waxa uu dadkii weydiiyey Saaca (Koombo raashinka lagu miso/beego) ay adeegsadaan inta mugtiisu le’eg tahay. Waxa ay u sheegeen in uu yahay shan rodol iyo thuluth (saddex-meelood-meel) oo u dhiganta ilaa 2.75 litir. Abuu Yuusuf wuxuu haystay oo uu sheekhiisa ka qaatay aragtida ah in saacu yahay siddeed rodol (4.13 litir), laakiin markii uu arkay in reer Madiinah khilaafsan yihiin waxa uu weydiiyey in ay caddayn u keenaan. Maalintii ku xigtay ayaa waxaa Abuu Yuusuf u yimid todobaatan oday oo reer Madiinah ah, watana saacii ay cuntada ku miisan jireen. Mid walbana waxa uu yidhi: waa kan saacaygii aan ka dhaxlay aabbahay oo isaguna ka dhaxlay aabbihii…ilaa ay gaadhsiiyeen Nebiga- sallal Laahu calayhi wasallam-.

Arrintani waxa ay Abuu Yuusuf ku khasabtay in uu ka laabto aragtidiisii uu ka qaatay sheekhiisa, waxa uuna qaatay in saaca reer Madiinah uu ka saxsan yahay kii ay Ciraaq ku haysteen.

Way adagtahay in war todobaatan oday oo Muslimiin ah oo aan been lagu aqoonini sheegeen lagu qanci waayo. Xattaa haddii qofku isku dayo in uu diido, dareenka naftiisu uma ogolaanayo, waxaana dareenkiisa gelaya in warkaas wax ka jiraan oo uu raad leeyahay, wuuna ku khasbanaanayaa in uu rumaysto. Warkan oo kale weeyaan mutawaatirku. Tilmaan kale oo culumadu ka bixiyaan mutawaatirka ayaa waxa ay dhahaysaa: waxa uu faa’iideeyaa cilmi daruuri/yaqiini ah, oo ay uga jeedaan qofku waxa uu ku khasbanaanayaa in uu rumaysto dareenkiisana kama celin karo, sida garashada aan ku gaadhno shanta dareen ee aragga, maqalka, urinta, dhadhanka iyo taabashada. Sidaas awgeed, cilmiga daruuriga ahi uma baahna dabagal iyo caddayn u raadin ee sidaasaa lagu qaadanayaa. Taas waxaa ka soo horjeeda cilmi nadari ah oo u baahan dabagal iyo fiirin dheeraad ah si xaqiiqadiisa loo helo.

Heerarka garashada iyo eraybixintoodu kama tirsana masalooyinka cilmiga xadiiska, ee waxaa dejiyey culumada Usuul al-fiqhiga, waana ay ka yara duwan tahay adeegsiga guud ee erayadan. Wixii aad garashadiisa si buuxda ugu kalsoon tahay oo innaba ha ahaato e, wax shaki ama madmadow ahi uusan kaaga jirin, garashadaas waxaa lagu tilmaamaa cilmi.

Cilmiga waxa ay u kala qaybiyaan labo: cilmi daruuri ama yaqiini ah oo naftu ku khasban tahay rumaysigiisa, sida wixii aan ku garanno shanta dareen. Wax kulul haddii aad taabatid, waxa aad gaadhaysaa garasho ah in uu kulul yahay, naftaadana shaki iyo mugdi toona kama gelayaan arrintaas. Sidaa oo kale, warka mutawaatirka ah waxaa lagu gaadhaa garasho daruuri ah, oo naftu si toos ah u aqbalayso baadhitaan la’aan.

Wixii intaas ka soo hadhay ee u baahan dabagal iyo caddayn in loo raadiyo, sida waajibnimada salaadda iyo tiradeeda, sakada iyo marka xooluhu sakogoys noqdaan, ma aha cilmi daruuri ah, ee waa cilmi nadari ah. Cilmiga waxaa ka soo horjeeda jahli, oo ah walaxdii oo si dhab ahaanteedii ka duwan loo sawirto/qaato, sida in aad dhagax u qaadato geed, taas oo ah garasho la’aan.

Arrin si loo badinayo laakiin aan garashadeedu gaadhsiisnayn 100% waxaa garashadeeda lagu tilmaamaa danni (male-awaal). Tusaale ahaan, qof aad ku kalsoon tahay haddii uu war kuu sheego, waxa ay u badan tahay in aad aaminto, laakiin waxaa suuroowda in shaki ama madmadow kaa galo. Si kale haddii loo dhigo, waxaa suuroowda in warkaasi sida laguugu sheegay uusan ahayn, kalsoonida aad ku qabtaana ma gaadhi karto 100%. Garashada iyo garasha-la’aantu haddii ay sinnaadaan (50-50), oo dhinacna loo badin kari waayo, waa shaki. Intaa wixii ka sii hooseeyaana waa wahmi ama gef.

Haddii aan mutawaatirkii dib ugu laabanno, xadiisyada heerka mutawaatirka gaadhay ma badna marka kuwa kale loo fiiriyo, ugu badnaanna waa dhawr boqol oo xadiis. Qaarkood waxay innagu soo gaadheen in ka badan boqol jid oo madaxbannaan, waxaana ka mid ah xadiiska caanka ah ee Nebigu- sallal Laahu calayhi wasallam– kaga digayo in lagu been abuurto. Xadiiskaas waxaa weriyey in ka badan boqol saxaabi, kuwaas oo ay ka sii wariyeen ugu yaraan tiradaas in le’eg ilaa dhammaadka. Xadiisku waa kan,

‭ ‬‭ ‬من‭ ‬كذب‭ ‬علي‭ ‬متعمدا‭ ‬فليتبوأ‭ ‬مقعده‭ ‬من‭ ‬النار

“Qofkii si ulakac ah been iiga sheegaa naarta booskiisa ha ka diyaarsado”

Saxaabada werisay waxaa ka mid ah tobankii jannada loogu bishaareeyey  (Abuu Bakr ibnu Abii Quxaafah, Cumar ibnul Khaddaab, Cusmaan ibnu Caffaan, Cali ibnu Abii Daalib, Dalxah ibnu Cubaydillaah, Zubair ibnul Cawwaam, Sacad ibnu Abii Waqqaas, Saciid ibnu Sayd/ز, Abu Cubaydah ibnul Jarraax). Sidaas oo kale waxaa saxaabada weriyey ka mid ah: Cabdullaahi ibnu Mascuud, Cabdullaahi ibnu Cumar, Cammaar ibnu Yaasir, Cabdillaahi ibnu Subayr/ز, Abuu Muusaa al-Ashcarii, Cabdillaahi ibnu Camr ibnu Caas, Mucaawiyah, Usaamah ibnu Sayd/ز, Abuu Hurayrah, Abuu Saciid alKhudrii, Xudayfah ibnu alYamaan, Jaabir ibni Cabdillaah, Abuu Qataadah, Baraa ibnu Caasib, Salmaan alFaarisii, Mucaad ibnu Jabal, Abuu Darr, Caa’ishah, Anas ibnu Maalik iyo kuwo kale- Alle ha ka raali ahaado dhammaantoode.

Xadiiskan saxaabadii weriyey waxay usoo tebiyeen sidatan iyaga oo adeegsadey erayadan ama kuwo aan wax badan ka sii duwanayn. Sidaa awgeed, erayadiisa ayaa mutawaatir ah (mutawaatir lafdi). Sidaa oo kale, saxaabo badan ayaa siyaabo kala duwan waxa ay ku sheegeen in Nebigu- sallal Laahu calayhi wasallam- uu gacmaha kor u taagi jirey marka uu ducaynayo, iyo in uu caga-gashigiisa (khuff) masixi jirey marka uu weyso qaadanayo. In kasta oo ay isku macne yihiin, haddana qaabka loo weriyey iyo erayaduba waa ay kala duwan yihiin, waana nooca lagu tilmaamo mutawaatir macnawi.

Mutawaatirku waxa uu leeyahay afar shardi oo kala ah:

  1. In ay weriyaan dad badan oo ay caadadu diidayso in ay isku raacaan been.
  2. In dad kuwaas la mid ahi ay ka sii weriyaan bilow ilaa dhammaad.
  3. In warka ay werinayaan uu la xidhoodho dareenka (maqal ama arag) ee uusan ahayn wax caqliga lagu ogaan karo (sida in 2 ay tahay 4 badhkeed).
  4. In warka ay werinayaan uu faa’iideeyo cilmi (garasho 100% ah).

Warka laga waayo afartan shardi, mutawaatir noqon maayo e, waa aaxaad. Warka mutawaatirka ah waxa uu si toos ah u faa’iidaynayaa aqoon dhab ah (cilmi daruuri/yaqiini), sidaasaana loogu dhaqmayaa, umana baahna dabagal iyo baadhitaan. Sidaas awgeed, ma soo galo masalooyinka lagu baadho cilmiga xadiiska. Maxaa yeelay, cilmiga xadiiska ujeeddadiisu waa in la baadho awoodda uu warku leeyahay iyo kalsoonida lagu qabi karaa inta ay le’egtahay. Si kale haddii loo dhigo, waxaa lagu baadhaa saxiixnimada iyo daciifnimada warka iyada oo la fiirinayo cidda werisay iyo qaabka ay ku werisayba, si loogu dhaqmo ama looga tago. Halkaa waxaa ka cad in cilmiga xadiisku uu badiba ku saabsan yahay aaxaadka. Mutawaatirku waxa uu ka mid yahay masalooyinka lagu baadho cilmiga Usuul al-Fiqh.

Qaybtii Hore                               Qaybta Xigta

Ku noqo TUSMADA

Print Friendly

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *