3.1.2.3 Al-Mukhaalafah

nukhbatul-fikar

‮ ‬ثم‭ ‬المخالفة‭ ‬إن‭ ‬كانت‭ ‬بتغيير‭ ‬السياق‭ :‬فمدرج‭ ‬الإسناد،‭ ‬أو‭ ‬بدمج‭ ‬موقوف‭ ‬بمرفوع‭ :‬فمدرج‭ ‬المتن،‭ ‬أو‭ ‬بتقديم‭ ‬أو‭ ‬تأخير‭ :‬فالمقلوب،‭ ‬أو‭ ‬بزيادة‭ ‬راوٍ‭:‬ فالمزيد‭ ‬في‭ ‬متصل‭ ‬الأسانيد،‭ ‬أو‭ ‬بإبداله‭ ‬ولا‭ ‬مرجح‭ : ‬المضطرب‭ .‬وقد‭ ‬يقع‭ ‬الإبدالُ‭ ‬عمداً‭ ‬امتحاناً،‭ ‬أو‭ ‬بتغيير‭ ‬مع‭ ‬بقاء‭ ‬السياق‭ :‬فاالمصحف‭ ‬والمحرف‭ .‬ولا‭ ‬يجوز‭ ‬تعمد‭ ‬تغيير‭ ‬المتن‭ ‬بالنقص‭ ‬والمرادف،‭ ‬إلا‭ ‬لعالم‭ ‬بما‭ ‬يُحيل‭ ‬المعاني‭ .‬فإن‭ ‬خفي‭ ‬المعنى‭ ‬احتيج‭ ‬إلى‭ ‬شرح‭ ‬الغريب‭ ‬وبيان‭ ‬المُشكل‭.‬

Dabadeed, mukhaalafadu haddii ay tahay habdhicii oo beddelmay, waxa uu noqonayaa Mudrajul Isnaad. Haddiise ay ka dhalato Mawquuf iyo Marfuuc la isku dhafay, waxa uu noqonayaa Mudrajul Matn. Haddii ay tahay kala horraysiin ama kala dambaysiinna waa Maqluub. Haddii weriye lagu darayna waa al Maziid fii Muttasilil Asaaniid. Haddii la beddelay, si lagu kala saaraana aysan jirin, waa Muddarib. Beddeliddu in ay ulakac u dhacdana waa suuragal iyada oo imtixaan looga dan leeyahay. Haddii isbeddelku dhaco laakiin habdhicii uusan doorsoomin, waa Musaxxaf iyo Muxarraf. Mana bannaana in ulakac loo beddelo matniga iyada oo wax laga dhimayo ama la raacinayo, aan ka ahayn caalim aqoon u leh waxa macnaha doorinaya. Haddii macnihii la garanwaayo waxaa loo baahanayaa faahfaahinta ereyada qalaad (cusub), iyo caddaynta wixii dahsoomay.

 

Sababaha warka lagu diido waxaa ka mid ah in cidda soo tebinaysaa ay mukhaalafo la timaaddo, oo ay warkii usoo weriso si ka duwan dadka kale. Noocyo kala duwan ayaa ka dhasha khilaafka weriyuhu la yimaaddo.

Al Mudraj

Mudrajka asalkiisu waa wax la isdhexgeliyey. Waxa ayna tusinaysaa hubsasho iyo ka-fiirsi la’aan. Haddii weriyuhu uu beddelo habdhicii isnaadka isaga oo ku khilaafaya dadkii kale ee warka lasoo tebiyey, waxaa lagu tilmaamaa Mudrajul Isnaad. Tusaale ahaan, war ay dad kala duwani kusoo tebiyeen isnaadyo (asaaniid) kala geddisan, ayaa isagii oo kasii werinayaa isku wada daray asaaniddii oo hal mid ka wada dhigay. Sidaas oo kale, war qaybihiisa kala duwan lagu soo tebiyey asaaniid kala geddisan ayaa uu weriye sii tebinayaa inta uu isdhexgeliyo hal isnaad isugu wada geeyey.

Isdhexgelinta matniga (Mudrajul Matn) ku timaaddaa waxa ay ka dhalan kartaa, tusaale ahaan,  saxaabigii oo xadiis Nebiga- sallal Laahu calayhi wasallam– ka werinaya in wax kasoo dhexgalaan, oo uu dabadeedna yidhaahdo hadal aan xadiiska ka mid ahayn, laakiin dadkii maqlayey qaarkood ay u qaataan in uu xadiiska ka mid yahay, oo ay sidaa kusii weriyaan.

Sidaa oo kale, weriyuhu isaga oo warkii dad u tebinaya ayaa waxaa dhacda in uu fasiraad ka bixiyo ereyada xadiiska qaarkooda cusub, dabadeedna dadka qaar u qaataan in fasiraaddaasi xadiiska ka mid tahay. Tusaale ahaan, Caa’isha- Alle ha ka raalli ahaado e– ayaa innoo soo werisay xadiiska ka sheekeeya sidii waxyigu ugu bilowday Nebiga- sallal Laahu calayhi wasallam– iyo joogitaankiisi Qaar Xiraa’. Caa’isha waxaa ka weriyey wiilkii walaasheed Asmaa ay dhashay; Curwah ibnu Zubayr, isagana dadka kasii weriyey waxaa ka mid ahaa Imaam Zuhrii.

وكان‭ ‬يخلو‭ ‬بغار‭ ‬حراء‭ ‬فيتحنث‭ ‬فيه ‭ -‬وهو‭ ‬التعبد‭ – ‬الليالي‭ ‬ذوات‭ ‬العدد

Ereyga fayataxannuthu isaga oo fasiraya ayaa uu Zuhrii yidhi wahuwa attacabbud (waa cibaadaysi). Dadkii Zuhrii kasii weriyey qaar ayaa u qaatay in wahuwa attacabbud ay xadiiska ka mid tahay, oo sidaa kusii weriyey. Markii dabagal culamadu ku sameeyeenna waxaa la ogaadey intani in ay dheeraad ku tahay Zuhrii oo weriyeyaashii kale xadiiskooda aysan ku jirin, sidaas ayaana lagu gartay in ay mudraj (wax lagu daray) ku tahay xadiiska.

Mudrajka waxaa lagu gartaa isbarbardhig, sida kor ka muuqata, ama in weriyuhuba caddeeyo, ama in qaybtaasi ay tahay hadal uusan odhan karin Nebigu- sallal Laahu calayhi wasallam-.

Kutub ayaa laga allifay mudrajka iyo meelaha wararku isdhexgaleen, waxaana ka mid ah al faslu lil waslil mudraji fin naqli (الفصل للوصل المدرج في النقل), oo uu qoray Khadiib al-Baqdaadii (dh. 463H). Waxaa sii ballaadhiyey qoraaga buuggan Nukhbaha; Ibnu Xajar al-Casqalaanii.

Mudrajka la celinayaa ma aha xadiiska oo dhan, ee waa qaybta dheeraadka ku ah.

Al Maqluub

Mararka qaar waxaa dhacda in magacyadii weriyeyaashu isdabamaraan, oo qof magiciisu ahaa Murrah ibnu Kacab loo qoro Kacab ibnu Murrah, taas oo gef iyo ulakac labadaba ku iman karta.

Xadiiska caanka ah ee tilmaama toddobada qof ee maalinta Qiyaamaha hadhka Alle hadhsandoona, waxaa ku jira qof sadaqo bixiyey oo isqarin awgeed gacantiisa bidix aysan ogayn waxa ay midigtiisu bixisay.

حتى‭ ‬لا‭ ‬تعلم‭ ‬شماله‭ ‬ما‭ ‬تنفق‭ ‬يمينه

Sidaas ayaa ay u weriyeen Imaam Maalik, Bukhaari, iyo imaamyadii kaleba. Laakiin ma aha sida uu ugu qoran yahay Saxiix Muslim. Xadiiska Muslim ku qoran midigtii iyo bidixdii waa ay isdabamareen oo waxa uu u qoran yahay sidatan:

ورجل‭ ‬تصدق‭ ‬بصدقة‭ ‬فأخفاها‭ ‬حتى‭ ‬لا‭ ‬تعلم‭ ‬يمينه‭ ‬ما‭ ‬تنفق‭ ‬شماله

ilaa aysan midigtiisu ka ogaannin waxa ay bidixdiisu bixinayso.

Waxa aynu ogsoonnahay in waxbixinta ay midigtu samayso ee aan bidix wax lagu bixinnin. Gefkani sidee ayaa uu ku dhacay? Culamadu kitaabkooda ardayda ayaa ay u yeedhin jireen oo iyaguna qoran jirey. Ardaydaas ayaa kitaabbada laga sii qoran jirey oo soo weriya, maadaama uusan jirin hannaankan casriga ah ee buugaagta loo daabaco. Waxa ayna u badan tahay, sida uu sheegay Qaadii Ciyaad oo sharxay Saxiix Muslim, in isdabamarintu ka dhacday qofka Muslim kasoo qortay. Maxaa yeelay, Muslim markii uu xadiiskiisa qoray waxa uu raaciyey in Maalikna isaga oo kale weriyey, laakiin ay ku kala duwan yihiin hal meel taas oo uu caddeeyey. Haddii uu isagu sidan u qoray waa uu caddayn lahaa iyadana.

Isdabamarinta gef ku timidi dhib weyn ma laha. Laakiin haddii ay weriyahaa kasoo noqnoqoto oo uu caadaysto, waa la tuurayaa warkiisana la qaadan maayo.

FG: waxaa dhacda in si ulakac ah xadiiskii maqluub looga dhigo ama weriye lagu beddelo mid kale, iyada oo qof lagu imtixaanayo, sidii lagu sameeyey Bukhaarii, Cuqaylii, Daaraqudnii iyo culamo kaleba. Laakiin markan oo kale waa in marka imtixaanku dhammaado sidii saxda ahayd lagu celiyaa, si aan loogu khaldamin.

Waxaa iyaduna dhacda in si ulakac ah xadiis iyo isnaad aan islahayn la isugu dhejiyo, iyada oo weriyuhu uga danleeyahay “wax cusub halagaa maqlo”!, markaas waxa uu gelayaa baabkii al Mawduuc. Haddiise ay gef ahaan uga dhacday waa al Maqluub ama al Mucallal.

Al Maziid fii Muttasilil Asaaniid

Marka khilaafku ka yimaaddo in weriyuhu qof dheeraad ah ku daro silsiladda isnaadka, waxaa lagu tilmaamaa in uu yahay al Maziid fii Muttasilil Asaaniid; wax ku kordhinta sanad xidhiidhsan.

‭ (‬972‭) ‬وحَدَّثَنِي‭ ‬عَلِيُّ‭ ‬بْنُ‭ ‬حُجْرٍ‭ ‬السَّعْدِيُّ،‭ ‬حَدَّثَنَا‭ ‬الْوَلِيدُ‭ ‬بْنُ‭ ‬مُسْلِمٍ،‭ ‬عَنِ‭ ‬ابْنِ‭ ‬جَابِرٍ،‭ ‬عَنْ‭ ‬بُسْرِ‭ ‬بْنِ‭ ‬عُبَيْدِ‭ ‬اللهِ،‭ ‬عَنْ‭ ‬وَاثِلَةَ،‭ ‬عَنْ‭ ‬أَبِي‭ ‬مَرْثَدٍ‭ ‬الْغَنَوِيِّ،‭ ‬قَالَ‭: ‬قَالَ‭ ‬رَسُولُ‭ ‬اللهِ‭ ‬صَلَّى‭ ‬اللهُ‭ ‬عَلَيْهِ‭ ‬وَسَلَّمَ‭: ‬‮«‬لَا‭ ‬تَجْلِسُوا‭ ‬عَلَى‭ ‬الْقُبُورِ،‭ ‬وَلَا‭ ‬تُصَلُّوا‭ ‬إِلَيْهَا‮»‬

Isnaadka xadiiskani waa:

Cali ibnu Xujr asSacdii—-Waliid ibnu Muslim—-Ibnu Jaabir—-Busr ibnu Cubaydillaah—-Waathilah—-Abuu Marthad al Qanawi—-Rasuulka (sallal Laahu calayhi wasallam).

‭(‬972‭) ‬وحَدَّثَنَا‭ ‬حَسَنُ‭ ‬بْنُ‭ ‬الرَّبِيعِ‭ ‬الْبَجَلِيُّ،‭ ‬حَدَّثَنَا‭ ‬ابْنُ‭ ‬الْمُبَارَكِ،‭ ‬عَنْ‭ ‬عَبْدِ‭ ‬الرَّحْمَنِ‭ ‬بْنِ‭ ‬يَزِيدَ،‭ ‬عَنْ‭ ‬بُسْرِ‭ ‬بْنِ‭ ‬عُبَيْدِ‭ ‬اللهِ،‭ ‬عَنْ‭ ‬أَبِي‭ ‬إِدْرِيسَ‭ ‬الْخَوْلَانِيِّ،‭ ‬عَنْ‭ ‬وَاثِلَةَ‭ ‬بْنِ‭ ‬الْأَسْقَعِ،‭ ‬عَنْ‭ ‬أَبِي‭ ‬مَرْثَدٍ‭ ‬الْغَنَوِيِّ،‭ ‬قَالَ‭: ‬سَمِعْتُ‭ ‬رَسُولَ‭ ‬اللهِ‭ ‬صَلَّى‭ ‬اللهُ‭ ‬عَلَيْهِ‭ ‬وَسَلَّمَ‭ ‬يَقُولُ‭: ‬‮«‬لَا‭ ‬تُصَلُّوا‭ ‬إِلَى‭ ‬الْقُبُورِ،‭ ‬وَلَا‭ ‬تَجْلِسُوا‭ ‬عَلَيْهَا‮»‬

Isnaadka xadiiskanina waa:

Xasan ibnu Rabiic—-Ibnu Mubaarak—-Cabdiraxmaan ibnu Yaziid—-Busr ibnu Cubaydillaah—-Abuu Idiriis al Khawlaanii—-Waathilah ibnul Asqac—-Abuu Marthad al Qanawii—-Rasuulka (sallal Laahu calayhi wasallam).

Labadaba Muslim waa uu diiwaangeliyey.

3229‭ – ‬حَدَّثَنَا‭ ‬إِبْرَاهِيمُ‭ ‬بْنُ‭ ‬مُوسَى‭ ‬الرَّازِيُّ،‭ ‬أَخْبَرَنَا‭ ‬عِيسَى،‭ ‬حَدَّثَنَا‭ ‬عَبْدُ‭ ‬الرَّحْمَنِ‭ ‬يَعْنِي‭ ‬ابْنَ‭ ‬يَزِيدَ‭ ‬بْنِ‭ ‬جَابِرٍ،‭ ‬عَنْ‭ ‬بُسْرِ‭ ‬بْنِ‭ ‬عُبَيْدِ‭ ‬اللَّهِ،‭ ‬قَالَ‭: ‬سَمِعْتُ‭ ‬وَاثِلَةَ‭ ‬بْنَ‭ ‬الْأَسْقَعِ،‭ ‬يَقُولُ‭: ‬سَمِعْتُ‭ ‬أَبَا‭ ‬مَرْثَدٍ‭ ‬الْغَنَوِيَّ،‭ ‬يَقُولُ‭: ‬قَالَ‭ ‬رَسُولُ‭ ‬اللَّهِ‭ ‬صَلَّى‭ ‬اللهُ‭ ‬عَلَيْهِ‭ ‬وَسَلَّمَ‭: ‬‮«‬لَا‭ ‬تَجْلِسُوا‭ ‬عَلَى‭ ‬الْقُبُورِ،‭ ‬وَلَا‭ ‬تُصَلُّوا‭ ‬إِلَيْهَا‮»‬

Abuu Daawuud ayaa isna werinaya xadiiskan oo ay ku caddahay Busr ibnu Cubaydillaah oo dhahaya samictu; “waxa aan maqlay Waathilah ibnul Asqac…” umana dhexeeyo Abuu Idriis al Khawlaanii. Sidaas awgeed, isnaadka uu Abuu Idriis ku jiro waxaa lagu tilmaamaa al Maziid fii Muttasilil Asaaniid. Qoraagu (Ibnu Xajar) waxa uu shardi ka dhigayaa in, sidan oo kale, ay meel ku caddahay in qofka dheeraadka ahi (Abuu Idiriis) labada qof ee uu u dhexeeyaa (Busr iyo Waathilah) ay kala maqleen.

Al Muddarib

War loo soo tebiyey siyaabo kala duwan oo iska hor imaanaya, ayna suurageli weydey in si uun la isu qabadsiiyo, ayaa ah Muddarib; waa war qasan ama rabshadaysan!

Arrintani inta badan waxa ay gashaa isnaadka ee matniga kuma badna. Waxaase xusid mudan in xadiis ay culumada qaar ku tilmaameen in uu Muddarib yahay, ay kuwo kale u arkaan in uusan ahayn oo ay isku dayaan in ay iswaafajiyaan werinaha (riwaayaat; روايات) kala geddisan.

Xadiis uu sanadkiisu Muddarib yahay waxaa tusaale u ah xadiis laga soo weriyey Abuu Bakar- Alle ha ka raalli ahaado e– oo sheegaya in Abuu Bakar ku yidhi Nebiga- sallal Laahu calayhi wasallam– waad cirraysatay e maxaa dhacay? Ka dibna uu Nebigu- sallal Laahu calayhi wasallam– ugu jawaabay in ay cirrada kasoo saareen suuradda Huud iyo walaalaheed (al Waaqicah, al Mursalaat, an Naba’, at Takwiir). Xadiisku gebi ahaantiisaba waxa uu soo maraa taabicigii weynaa ee Abuu Isxaaq as Sabiicii (dh.127H) (markaa waa mufrad). Ilaa 10 isnaad oo kala duwan ayaa cidiba mid ku werisaa, kuwaas oo qaar mursal yihiin, qaar xidhiidhsan yihiin, qaar Abuu Bakarba meesha ka saaraan oo saxaabi kale ku beddelaan, iyo kuwo kale (ikk). Culamadu markii ay dabagal ku sameeyeenna waa ay u suuragali weyday in ay isqabadsiiyaan, sida uu sheegay caalimkii weynaa ee Daaraqudnii. Sidaas awgeed, culamo badan ayaa xadiiska ku tilmaamay muddarib. Xadiiska muddaribka ahina waa daciif.

Al Musaxxaf iyo al Muxarraf

Qoraalka af Carabigu waxa uu leeyahay xarfo isu eg oo dhibcaha oo keli ah ku kala geddisan. Haddii isbeddel ku yimaaddo dhibcihii waxaa la adeegsadaa tilmaanta al Musaxxaf, sida xarafka XA (ح) oo inta dhibic loo yeelo isu beddela JIIM (ج) ama KHA (خ). Haddiise isbeddelku ku yimaaddo xarakada, sida kordhiggii oo godniin loo beddelo, waa al Muxarraf. Waxaa jirta sheeko nin maqlay in xabaasuuddu dawo tahay, laakiin al xabbatus sawdaa (الحبة‭ ‬السوداء), u akhriyey al xayyatus sawdaa (الحبة‭ ‬السوداء), dabadeedna abeeso madoow soo qabsaday sidiina ku halligmay! BA iyo YA hal dhibic baa ay isdheeryihiin. Magacyada weriyeyaashuna waa la mid. Qaarkood qaabka waa ay isaga egyihiin ee waxa ay ku kala duwan yihiin xarakada ama dhibcaha, sida ku iman doonta qaybta weriyeyaasha ku saabsan.

Labadan isbeddel waxa ay keeni karaan in macnihii xadiisku beddelmo, ama qofkii laga soo tebiyey magiciisi doorsoomo oo la garan waayo. Culamadu xilliyadii hore waa ay ka doodeen waxa la gudboon qofka arka gefka noocan oo kale ah. Qaar ayaa ku dooday in aan la beddelin, maxaa yeelay waxaa suuroobi karta in kan wax saxayaa khalad kale kusii dhaco. Qaar kalena waxa ay yidhaahdeen waa in la saxo. Sida imaam Nawawi sheegay, waxaa habboon in sidiisa loo daayo, laakiin sida saxda ahna lagu ag qoro oo la caddeeyo.

Xilligeennan dhibtaasi ma jirto oo kutubtii asalka ahayd waa ay ilaashan yihiin. Laakiin waxaa dhib badani ka jirtaa gefka madbacaduhu sameeyaan, gaar ahaan kuwa aan xilka iska saarin habaynta iyo dhawrista qoraalka. Sidaas awgeed, waxaa lamahuraan ah in ardaygu barto naxwaha si uu isaga ilaaliyo laxniga iyo tasxiifka, waana in uusan kitaabbada akhriskooda ku koobnaan e, uu culamada aqoonta u leh ka dhegaysto.

***

Xadiiska waa in aan waxba laga beddelin ee sidiisi lagu gudbiyaa. Laakiin waxaa dhici karta in mararka qaar loo baahdo in la soo gaabiyo oo qayb ka mid ah la adeegsado, cidda keli ah ee sidaas samayn kartaase waa caalim aqoon u leh oo garan kara saamaynta ay ku yeelanayso macnaha xadiiska, iyada oo xadiiska laga dhawrayo in macnihiisu doorsoomo.

Ereyada fahmiddoodu adkaato, ee laga yaabo in hore loo adeegsan jirey laakiin hadda yaraaday, waxaa laga qoray kutub faahfaahisa oo loo yaqaanno kutub Qariib al Xadiis (كتب غريب الحديث), waxaana ugu caansan oo aad loo adeegsadaa kitaabka (النهاية في غريب الحديث والأثر) an Nihaayah fii Qariibil Xadiithi wal Athar, oo uu qoray Ibnul Athiir.

Kutubta sharraxda ereyada macnahoodu dahsoon yahay, oo mararka qaar la moodo in ay iska hor imaanayaan waxaa ka mid ah kitaabka Mushkil al Aathaar (مشكل الآثار) ee uu qoray imaam Daxaawii. Waxaa kale oo wax ka qoray imaam Khaddaabii iyo Ibnu Cabdilbarr, lamahuraan ayaana ay u yihiin qofkii raba in uu fiqhiga barto, waxa ayna ka mid yihiin sababaha keena in culamadu isku khilaafaan masalooyinka fiqhiga ah.

Qaybtii Hore                               Qaybta Xigta

Ku noqo TUSMADA

Print Friendly

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *