Home / Nukhbatul Fikar / 3 Warka Aan La Qaadanaynin / 3.1 Daciifka iyo Sababihiisa

3.1 Daciifka iyo Sababihiisa

nukhbatul-fikar

Waxa aynu hore u soo aragnay in warka la qaato haddii laga helo shan shardi: weriye cadli ah, xifdigiisuna dhammaystiran yahay, oo aan warkaas cid ka derajo sarraysa ku khilaafin, in uu warkaasi cillad la’aan yahay, iyo in sanadka warku innagu soo gaadhay uu xidhiidhsan yahay.

Haddii weriyihii uusan cadli ahayn, xifdigiisu uu liito, uu khilaafayo cid ka derajo sarraysa, cillad laga helo warkii, dariiqii uu innagu soo gaadhayna uu kala go’an yahay, warkaas waxa uu noqonayaa mid aan la ogolaanayn oo aan la aqbalayn, waana celis (marduud).

Shanta shardi ee haddii warku buuxiyo la qaadanayo, haddii uusan buuxinna laga tegayo waxa aan u qaybin karnaa labo: qayb la xidhiidha weriyaha iyo qayb la xidhiidha jidka uu warku innagu soo gaadhay.

Jaantus 3.1: shuruudaha warka lagu aqbalo.
Jaantus 3.1: shuruudaha warka lagu aqbalo.

Sidaas awgeed, waxa aan dhihi karnaa warka laba sababood ayaa lagu diidaa oo uu daciif (mid taag daran) ku noqdaa: jidka uu innagu soo gaadhay oo kala go’an ama/iyo durid iyo ceebayn ku timaadda weriyeyaasha qaarkood.

Sababta loo daciifiyey ee loo qaadan waayey warka jidkiisu uusan xidhiidhsanayn waa garasho la’aanta cidda ka maqan oo aan dabagal lagu samayn karin si loo hubiyo in ay afartii shardi ee weriyaha la xidhiidhey fuliyeen.

 

Qaybtii Hore                               Qaybta Xigta

Ku noqo TUSMADA

Print Friendly

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *