فَإِنْ جُمِعَا فَلِلتَّرَدُّدِ فِي النَّاقِلِ حَيْثُ التَّفَرُّدُ ، وَإِلَّا فَبِاعْتِبَارِ إِسْنَادَيْنِ
Haddii la kulmiyo labadoodaba [saxiix iyo xasan] waxaa sababay shaki laga qabo tebiyaha, marka uu keliyoobo, haddii kale waxaa loo jeedaa laba sanad.
***
Mararka qaar waxaad arkaysaa iyada oo la leeyahay: xadiiskani waa Xasan Saxiix. Laba sababood ayaa keeni karta in labada darajo sidan la isu raaciyo. Midda koowaad, waa inuu xadiiska la keliyoobay weriye, kaas oo sheekha xukumaya derajada xadiisku uusan kala hubin in uu joogo heerka xasanka iyo inuu gaadhay heerkii saxiixa. Markaa, si uu u muujiyo walaacaas ayaa uu labadaba isu raacinayaa. Waxaa kale oo suuroowda in xadiika lagu weriyey jid saxiix ah iyo jid kale oo xasan ah, oo markaas labadii darajaba la is raaciyo si loo muujiyo labada jid ee kala darajada ah. Imaam Tirmidi/ذ ayaa caan ku ah in uu is raaciyo labadan darajo marka uu qiimaynayo xadiisyada.
***
وَزِيَادَةُ رَاوِيهِمَا مَقْبُولَةٌ مَا لَمْ تَقَعْ مُنَافِيَةً لِمَنْ هُوَ أَوْثَقُ. فَإِنْ خُولِفَ بِأَرْجَحَ فَالرَّاجِحُ الْمَحْفُوظُ، وَمُقَابِلُهُ الشَّاذُّ. وَمَعَ الضَّعْفِ فَالرَّاجِحُ الْمَعْرُوفُ، وَمُقَابِلُهُ الْمُنْكَرُ
Labadaas [saxiixa iyo xasanka] weriyahoodu waxa uu ku daro/kordhiyo waa la qaadanayaa haddii aysan ka hor imaanin [warka] cid [kale] oo lagaga kalsoon yahay. Haddii kordhintaas lagu khilaafo werin kale oo ka xoog badan, ta xoogga badan waa: al-Maxfuud (ظ), ka soo horjeedkiisuna waa: ash-Shaad (ذ), daciifnimo marka ay jirtana, ka xoogga badani waa: al-Macruuf ka-soo-horjeedkiisuna waa: al-Munkar.
***
Weriye xadiiskiisa la aqbalo oo lagu kalsoon yahay (الثقة) haddii uu wax dheeraad ah ku daro xadiiskii uu werinayey, waa la qaadanayaa warkaas dheeraadka ah, bishardi haddii uusan ka hor imaanin cid ka awood badan oo lagaga kalsooni badan yahay, ciddaas oo aan sheegin warkaas dheeraadka ah. Haddiise, tebintiisu ay khilaafto warka/tebin cid ka daraja sarraysa (dhanka xifdiga, ama ka tiro badan, iwm), warkiisu waxa uu noqonayaa ash-Shaad(ذّ)- keli-socod- warka ka soo horjeedana waxaa la dhahaa al-Maxfuud(ظ)-mid dhawrsan. Waxa aan hore u soo sheegnay in shanta shardi ee xadiisku uu saxiix ku noqonayo ay ka mid tahay in uusan shaad/ذ ahayn. Sidaa awgeed, xadiiska shaadka ahi waxa uu ka mid yahay noocyada xadiiska aan la aqbalaynin, kuwaas oo aan ugu tegi doonno qaybaha soo socda, haddii Alle idmo.
Tusaale waxa aan u soo qaadan karnaa xadiiskan hoos ku xusan:
من قال حين يسمع النداء : اللهم رب هذه الدعوة التامة والصلاة القائمة آت محمد الوسيلة والفضيلة ، وابعثه مقاماً محموداً الذي وعدته ، حلّت له شفاعتي يوم القيامة.
Xadiiskan waxaa lagu weriyey sanadkan hoos ku qoran:
علي بن عياش حدثنا شُعَيْب بن أبي حمزة عن محمد بن المنكدر عن جابر بن عبد الله أن رسول الله صلى الله عليه وسلم قال…:
Cali ibnu Cayyaash — Shucayb ibnu Abii Xamsah/ز — Muxammad ibnu Munkadir — Jaabir ibnu Cabdillaah…
Cali ibnu Cayyaash waxaa ka weriyey:
- Cali ibnul Madiinii
- Axmad ibnu Xanbal
- Abuu Surcah/ز ad-Dimashqii
- Muxammad ibnu Yaxyaa ad-Duhalii/ذ
- Bukhaarii
- Camr ibnu Mansuur
- Muxammad ibnu Sahal
- Ibraahiim ibnu Yacquub al-Juusajaanii/ز
- Muusaa ibnu Sahal
- Cabbaas ibnul Waliid
- Muxammad ibnu Abil Xasan
Koow iyo tobankaasiba xadiiska waxay ku weriyeen sidaas kor ku xusan.
Imaam Bayhaqii isagu waxa uu ka weriyey sheekh kale oo magaciisa la yidhaaho Muxammad ibni Cawf oo isaguna ka weriyey Cali ibni Cayyaash, laakiin sheekhani xadiiska dhammaadkiisa wuxuu ku kordhiyey: إنك لا تخلف الميعاد
Arrintani waxay keentay in muxaddisiin badani ay intan dheeraadka ah ku tilmaameen in ay tahay shaad oo aan la qaadanaynin. Maxaa yeelay, 11 weriye oo ay ku jiraan imaamyo aad ugu xeeldheer cilmiga xadiiska -sida Cali ibni al-Madiinii, Axmad ibni Xanbal, Bukhaarii iyo kuwo kaleba oo aad uga heer sarreeya- ayaa uu Muxammad ibni Cawf ku khilaafay intan dheeraadka ah.
Haddaba, xadiiska culumada hore weriyeen waxaa la dhahayaa waa Maxfuud/ظ, kan Muxammad ibni Cawf na waa Shaad/ذّ. Halkaa waxaa innooga caddaatay in shaadku uu yahay warkii uu soo tebiyo weriye caadi ahaan la aqbalo warkiisa, laakiin uu ku khilaafay cid ka mudnaan badan.
Laakiin waxaa xusid mudan in ay jiraan culumo kale oo qaba in werinta Muxammad ibni Cawf aysan ka hor-imaanaynin inta kale, ee ay hadal dheeraad ah ku dartay, ayna tahay in la aqbalo. Culumadan waxaa ka mid ah Ibnu Baas/ز iyo Ibnu Cusaymiin/ث. Shaykh Albaanii isagu waxa uu taageeray in intaa dheeraadka ahi ay shaad tahay.
Haddii weriyihii lagu kalsoonaa (الثقة) markii uu khilaafay cid ka daraja sarraysa warkiisii loo bixiyey Shaad, weriyihii aan awalba warkiisa la qaadanaynin haddii uu cid ka daraja sarraysa khilaafo warkiisu muxuu noqonayaa? Warka noocan ah waxaa lagu magacaabaa al-Munkar la mana aqbalo. Warka uu ka horyimidna waxaa loo yaqaannaa al-Macruuf.
Tusaale:
Ibnu Abii Xaatim wuxuu ka weriyey Xubayyib ibni Xabiib can Abii Isxaaq can al-Caysaar/ز ibni Xurays/ث can Ibni Cabbaas- radiyal Laahu canhumaa- waxa uu weriyey in Nebigu- sallal Laahu calayhi wasallam- yidhi:
مَنْ أَقَامَ الصَّلاةَ ، وَآتَى الزَّكَاةَ ، وَحَجَّ الْبَيْتَ ، وَصَامَ رَمَضَانَ ، وَقَرَى الضَّيْفَ دَخَلَ الْجَنَّةَ
Imaam Abuu Xaatim wuxuu sheegay in xadiiskani Munkar yahay, isaga oo sabab uga dhigaya in weriyeyaal kale oo lagu kalsoon yahay oo ka weriyey Abii Isxaaq, ay u weriyeen in uu yahay hadalkii Ibnu Cabbaas (mawquuf) ee uusan ahayn hadalkii Nebiga- sallal Laahu calayhi wasallam- (marfuuc), sidaas (in uu Ibnu Cabbaas hadalkiisi yahay) ayaana Macruuf ah- wanaagsan.
***
وَالْفَرْدُ النِّسْبِيُّ: إِنْ وَافَقَهُ غَيْرُهُ فَهُوَ الْمُتَابِعُ، وَإِنْ وُجِدَ مَتْنٌ يُشْبِهُهُ فَهُوَ الشَّاهِدُ، وَتَتَبُّعُ الطُّرُقِ لِذَلِكَ هُوَ الِاعْتِبَارُ
Al-Fard an-Nisbii-ga haddii mid kale waafaqo/ ku raaco waxa uu noqonayaa: al-Mutaabic. Haddii la helo matni u egna waa: ash-Shaahid. Dabagalka lagu sameeyo jidadka si mutaabic iyo shaahid loo raadiyana waa: al-Ictibaar.
***
Waxa aan soo marnay in warku siyaabaha uu xoog ku yeesho ay ka mid tahay tirada werinaysa. Sidaas oo kale waxa aan ka soo hadalnay warka nooca lagu tilmaamo al-Fard an-Nisbii. Haddaba, war loo qaatay in uu yahay al-Fard an-Nisbii haddii la helo war kale oo isaga la mid ah, taageero ayuu ka helayaa wuuna ku xoogaysanayaa, fardinimadiina waa uu kaga kabmayaa.
Tusaale ahaan:
Imaam Shaafici wuxuu ku weriyey kitaabkiisa al-Umm xadiis uu ka werinayo…
الشهرُ تسعٌ وعشرونَ فلا تَصُومُوا حتى تَرَوا الهلالَ, ولا تُفْطِروا حتى تَرَوْهُ, فإنْ غُمَّ عليكُم فأكْمِلوا العدَّةَ ثلاثينَ
Shaafici: can Maalik can Cabdillaahi ibni Diinaar can Ibni Cumar in Rasuulka Alle- sallal Laahu calayhi wasallam- yidhi:
“Bishu waa sagaal iyo labaatan, ee ha soomina ilaa aad bisha ka aragtaan, ha na afurina ilaa aad ka aragtaan, haddii la idinka daboolo tirada soddon ku dhammaystira.”
Ardayda kale ee imam Maalik xadiiska isla jidkan kaga weriyey ma aysan sheegin “فأكْمِلوا العدَّةَ ثلاثينَ” ee waxa ay ku weriyeen “فاقْدُرُوا لهُ. Sidaa awgeed, ayaa dadka qaar u qaateen in Shaafici la keliyoobay “فأكْمِلوا العدَّةَ ثلاثينَ”. Laakiin dabagal iyo baadhitaan la sameeyey (al-Ictibaar) waxaa la helay xadiis Saxiixul Bukhaarii ku jira oo Maalik isla jidkan lagaga werinayo “فأكْمِلوا العدَّةَ ثلاثينَ” na ay ku jirto.
حدثَنَا عَبْدُ اللَّهِ بْنُ مَسْلَمَةَ، حدثَنَا مَالِكٌ، عَنْ عَبْدِ اللَّهِ بْنِ دِينَارٍ، عَنْ عَبْدِ اللَّهِ بْنِ عُمَرَ رضي الله عنهما أَنَّ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ، قَالَ: ز الشَّهْرُ تِسْعٌ وَعِشْرُونَ لَيْلَةً، فَلا تَصُومُوا حَتَّى تَرَوْهُ، فَإِنْ غُمَّ عَلَيْكُمْ فَأَكْمِلُوا الْعِدَّةَ ثَلاثِينَز.
Bukhaarii 3/27 tirada.1908
Haddaba, xadiiska uu Bukhaarii ka weriyey Cabdullaahi ibnu Maslamah (al-Qacnabii) wuxuu xadiiska Shaafici u noqonayaa al-Mutaabic (ku-raace), wuuna xoojinayaa, wuxuuna ka saarayaa xaaladdii al-Fard an-Nisbiga ahayd. Arrinkan ayaa lagu magacaabaa al-Mutaabacah (raacitaan).
Haddii la helo matni (erayada xadiiska) kale oo macnaha ama erayada uga eg lagana weriyey saxaabi kale, wuxuu u noqonayaa markhaati ama waa ash-Shaahid. Tusaale ahaan, xadiiska Shaafici waxaa shaahid u ah xadiis uu werinayo Nasaa’ii…
:قال النسائي:أَخْبَرَنَا مُحَمَّدُ بْنُ عَبْدِ اللَّهِ بْنِ يَزِيدَ قَالَ حَدَّثَنَا سُفْيَانُ عَنْ عَمْرِو بْنِ دِينَارٍ عَنْ مُحَمَّدِ بْنِ حُنَيْنٍ عَنْ ابْنِ عَبَّاسٍ قَالَ عَجِبْتُ مِمَّنْ يَتَقَدَّمُ الشَّهْرَ وَقَدْ قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ :إِذَا رَأَيْتُمْ الْهِلَالَ فَصُومُوا وَإِذَا رَأَيْتُمُوهُ فَأَفْطِرُوا فَإِنْ غُمَّ عَلَيْكُمْ فَأَكْمِلُوا الْعِدَّةَ ثَلَاثِينَ.
Xadiiska Shaafici waxaa werinaya Cabdillaahi ibni Cumar. Xadiiska Nasaa’ina waxaa werinaya Cabdillaahi ibni Cabbaas. Haddaba, xadiis waxa uu mutaabic u noqdaa xadiis kale marka hal saxaabi laga wada werinayo labadaba. Haddii saxaabo kala duwan laga weriyeyna waxaa lagu magacaabaa shaahid. Waxaa jira culumo qaba in mutaabacadu ay tahay marka ay erayada wadaagaan haba weriyeen laba saxaabi oo kala duwaniye, shaahidkuna uu yahay wixii macnaha wadaaga. Xaafidku isagu ta hore ayuu raacay. Si ay ahaataba, shaahid iyo mutaabic midba ka kale booskiisa waa lagu isticmaalaa, ujeeddaduna waa in la caddeeyo taageerada xadiisku leeyahay ee wax kale oo sidaa u sii weyn ma aha.
Hawshan la qabanayo ee lagu dabagelayo xadiisyada, loona raadinayo mutaabic iyo/ama shaahid iyada oo laga baadhayo diiwaannada xadiisyadu ku qoran yihiin, ayaa lagu magacaabaa al-Ictibaar (fiir-fiirin). Ictibaarku waa hannaanka iyo hawsha taageero loogu raadinayo xadiiska.
المتابِع/ Raace
الشافعي-مالك-عبدالله بن دينار-ابن عمر
عبدالله بن مسلمة- مالك-عبدالله بن دينار-ابن عمر
الشاهد/ Markhaati
الشافعي-مالك-عبدالله بن دينار-ابن عمر
النسائي -مُحَمَّدُ بْنُ عَبْدِ اللَّهِ بْنِ يَزِيدَ – سُفْيَانُ- عَنْ عَمْرِو بْنِ دِينَارٍ – مُحَمَّدِ بْنِ حُنَيْنٍ – ابْنِ عَبَّاسٍ
Waxaa la is weydiin karaa, maxaa kallifay in la qayb-qaybiyo xadiiskii haddiiba la aqbalay? Maxaa faa’iido ku jirta? Maxaa sidiisa loogu dayn waayey? Marka mucaarid hawada soo galo ayaa faa’iidadiisu caddaanaysaa, haddii Alle idmo.
***
ثُمَّ الْمَقْبُولُ: إِنْ سَلِمَ مِنَ الْمُعَارَضَةِ فَهُوَ الْمُحْكَمُ. وَإِنْ عُورِضَ بِمِثْلِهِ: فَإِنْ أَمْكَنَ الْجَمْعُ فَمُخْتَلِفُ الْحَدِيثِ. أَوْ لَا، وَثَبَتَ الْمُتَأَخِّرُ فَهُوَ النَّاسِخُ، وَالْآخَرُ الْمَنْسُوخُ، وَإِلَّا فَالتَّرْجِيحُ، ثُمَّ التَّوَقُّفُ
Dabadeed, haddii xadiiskii la qaatay (maqbuul-kii) uu ka nabad galo wax ka hor yimaadda, waa al-Muxkam. Haddiise lagala hor yimaaddo mid la mid ah, marka ay suuroowdo in la kulmiyo (la isu keeno) waa: Mukhtaliful Xadiith. Haddii la isu keeni kari waayo, oo kooda dambeeyaa uu sugnaado, waa: an-Naasikh, ka kalena waa: al-Mansuukh. Intaasi haddii ay wax tari weydo, waa la kala rajaxayaa, wixii ka dambeeyaana waa in laga joogsado [ku dhaqankooda].
***
Warkii haddii aan ogolaannay in uu sugan yahay oo aan qaadannay, ma ku dhaqmaynaa? Aqbalidda kaddib, warku labo ayaa uu u qaybsamayaa: mid lagu dhaqmayo iyo mid aan lagu dhaqmaynin.
وَعَنِ ابْنِ عَبَّاسٍ رَضِيَ اَللَّهُ عَنْهُمَا: { أَنَّ اَلنَّبِيَّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ اِحْتَجَمَ وَهُوَ مُحْرِمٌ، وَاحْتَجَمَ وَهُوَ صَائِمٌ } رَوَاهُ اَلْبُخَارِيُّ
وَعَنْ شَدَّادِ بْنِ أَوْسٍ رَضِيَ اَللَّهُ عَنْهُ { أَنَّ رَسُولَ اَللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ أَتَى عَلَى رَجُلٍ بِالْبَقِيعِ وَهُوَ يَحْتَجِمُ فِي رَمَضَانَ. فَقَالَ: “ أَفْطَرَ اَلْحَاجِمُ [ وَالْمَحْجُومُ ]“ } رَوَاهُ اَلْخَمْسَةُ إِلَّا اَلتِّرْمِذِيَّ، وَصَحَّحَهُ أَحْمَدُ، وَابْنُ خُزَيْمَةَ، وَابْنُ حِبَّانَ.
Labadan xadiis ee midna sheegayo in Nebigu- sallal Laahu calayhi wasallam- uu istoobay isaga oo soomman, midka kalena uu sheegayo in Nebigu- sallal Laahu calayhi wasallam- uu arkay nin la toobayo Ramadaan gudaheed, dabadeedna uu yidhi: “ka wax toobaya iyo ka la toobayaaba way afureen”, labaduba waa maqbuul saxiix ah, wayna iska hor imaanayaan’e, kee baa lagu dhaqmayaa? Haddiise mid lagu dhaqmo sidee looga tegayaa ka kale? Warka aqbalitaankiisa iyo ku dhaqankiisa tallaabo kale ayaa u dhaxaysa, oo waxa ay tahay: waa in uusan jirin war kale oo ka hor imaanayaa.
Xadiiska la aqbalay ee aysan jirin wax kale oo ka hor imanaya waxaa la dhahaa al-Muxkam (mid la sugay). Xadiisyada intooda badanina waa muxkam oo wax ka hor imanayaa ma jiraan. Haddiise, xadiiskii la aqbalay uu ka horyimaaddo xadiis kale, wa laba middood: in xadiiska ka hor imanayaa uu isaga la mid yahay oo uu sidiisa oo kale maqbuul yahay waa mid, iyo in uusan maqbuul ahayn oo aan la aqbalaynba. Kan labaad wax saamayn ah kuma yeelanayo oo asal ahaantiisaanba la aqbalaynin. Laakiin, haddii labada xadiis ee iska hor timid ay maqbuul wada yihiin, marka hore waxaa la isku deyayaa in la kulmiyo (jamciyo). Haddii taasi ay suurta gasho, oo macnahoodii la isu keeni karo, xadiisyada noocan ah waxaa loo yaqaannaa Mukhtalif al-Xadiis(ث). Tusaale:
Nebigu- sallal Laahu calayhi wasallam– waxa uu xadiis ku yidhi:
فِرَّ من المجذوم فرارك من الأسد
Waxaa weriyey Bukhaarii.
Xadiis kalena waxa uu ku yidhi:
لا عدوى ولا طِيَرة
Muttafaqun Calayhi.
Labadan xadiisba waa saxiix, waxaana muuqata in ay iska horimaanayaan oo midna (ka hore) leeyahay qofka baraska qaba uga carar sida aad libaaxa uga cararto, midka kalena (ka labaad) uu sheegayo in uusan jirin xanuun la kala qaadaa. Culumadu siyaabo kala duwan ayey u kulmiyeen labada xadiis. Ibnu Salaax waxa uu sheegay in “لا عدوى” ay tilmaamayso in xanuunadu aysan iska gudbin (faafin) ee Alle- subxaanahuu watacaalaa– uu gudubkooda sabab uga dhigay qofka xanuusan oo dhex gala dad caafimaad qaba, taas awgeedna uu yidhi “ka carar”.
Xadiisyada noocan ah waxaa kitaabbo ka qoray imaam Shaafici, Ibnu Qutaybah, Daxaawii, iyo culumo kale oo badan.
Haddii la kulmin kari waayo maxaa la samaynayaa? Waxaa la fiirinayaa taariikhda labada xadiis… keebaa horreeyey? keebaase dambeeyey? Tusaale waxaa la dhihi karaa labadan xadiis oo aan korna ku xusnay,
وَعَنِ ابْنِ عَبَّاسٍ رَضِيَ اَللَّهُ عَنْهُمَا أَنَّ اَلنَّبِيَّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ اِحْتَجَمَ وَهُوَ مُحْرِمٌ، وَاحْتَجَمَ وَهُوَ صَائِمٌ . رَوَاهُ اَلْبُخَارِيُّ.
وَعَنْ شَدَّادِ بْنِ أَوْسٍ رَضِيَ اَللَّهُ عَنْهُ أَنَّ رَسُولَ اَللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ أَتَى عَلَى رَجُلٍ بِالْبَقِيعِ وَهُوَ يَحْتَجِمُ فِي رَمَضَانَ. فَقَالَ: “أَفْطَرَ اَلْحَاجِمُ وَالْمَحْجُومُ “ رَوَاهُ اَلْخَمْسَةُ إِلَّا اَلتِّرْمِذِيَّ، وَصَحَّحَهُ أَحْمَدُ، وَابْنُ خُزَيْمَةَ، وَابْنُ حِبَّانَ.
Taariikhdooda markii la fiiriyey waxaa caddaatay, sida imaam Shaafici sheegay, in xadiiska Shaddaad Ibnu Aws uu ka hadlayo dhacdo ahayd sannadkii Makkah la furtay (عام الفتح); sannadkii siddeedaad, xadiiska Ibnu Cabbaasna uu ka hadlayo Xajjatul Wadaac (حجة الوداع) oo ka dambaysay Furashadii Makkah (sannadkii tobnaad). Sidaa waxaa ku caddaanaysa in xadiiska Ibnu Cabbaas ee sheegaya in Nebigu- sallal Laahu calayhi wasallam- isaga oo soomman uu istoobay, uu ka dambeeyey xadiiska sheegaya in toobinku jebinayo soonka. Sidaa awgeedna, xukunkii laga qaadanayey xadiiska Shaaddaad waxaa tirtiray (nasakhay) xadiiska Ibnu Cabbaas, oo noqonaya an-Naasikh (ka wax tirtiray), ka Shaddaadna waa al-Mansuukh (ka la tirtiray).
Haddii kulmintii ay suuroobi weydo, taariikh ahaanna aan la garanaynin koodii dambeeyey, waxaa la fiirinayaa kooda xoogga badan (waa la kala rajaxayaa). Siyaabo badan oo culumada qaar ilaa boqol gaadhsiiyaan ayaa lagu kala rajaxaa xadiisyada. Laakiin Suyuudii ayaa habeeyey oo ku soo koobay todoba qaybood, faahfaahintooduna way ka sarraysaa heerka kitaabkan, waxaase laga fiirin karaa Tadriib ar-Raawii uu qoray Suyuudii.
Haddii labadii xadiis inta miisaanka la saaro ay sinaba u kala xoog badan waayaan, maxaa la samaynayaa? Farahaa laga qaadayaa lagumana dhaqmayo. Waxaana suuroowda in Alle- subxaanahuu watacaalaa- u furo oo fahamsiiyo qof kale oo kala saara labadaa xadiis.
Faahfaahinta qaybahan kala duwan waxaa lagaga hadlaa cilmiga Usuul al-Fiqh, ee halkaa halaga raadiyo wixii dheeraad ah.
Ku noqo TUSMADA