Nukhbatul Fikar waa kitaab yar oo aad u faa’iido badan, kuna habboon qofka rabo in uu bilaabo barashada aqoonta xadiiska (cilmul xadiis). Culumo badan oo af Soomaali ku sharraxday ayaa jira, arday badanna waa ay raacataa kitaabkan. Laakiin waxa aan weli jirin sharrax qoraal ah oo ardaygu akhrisan karo.
Ujeeddada buuggan loo qoray ma aha in qoraalka Carabiga ah erey-erey loo faahfaahiyo e, waa in uu ardayga danaynaya barashada cilmiga xadiiska u fududeeyo fahmidda waxyaalaha gundhigga u ah cilmigan. Waa qoraal fidsan oo xambaarsan xogtii qoraalka Carabiga ah.
Nukhtabul Fikar waxaa qoray Ibnu Xajar al-Caqlaanii (773-852H) oo ka mid ah culumada xadiiska aad ugu xeel dheer. Waa caalimka sharxay Saxiixul Bukhaari (Fatxul Baarii). Qoraagu isaga ayaa sharxay kitaabkiisa. Qoraalkan intiisa badanina waxa uu ku salaysan yahay sharraxaas oo la yidhaahdo Nuzhatun Nadar fii Tawdiixi Nukhbatil Fikar fii Musdalaxi Ahlil Athar (نزهة النظر في توضيح نخبة الفكر في مصطلح أهل الأثر) [Il-ku-qabowsiga Caddaynta Xulka Aragtiyaha la Xidhiidha Ereybixinta Ahlul Atharka/ Xadiiska]. Meelaha qaarkood si aan tusaaleyaal iyo faahfaahin dheeraad ah usoo gudbiyo, waxa aan adeegsaday kitaabbo kale oo ay ka mid yihiin Fatxul Muqiith oo uu qoray Sakhaawii oo ahaa ardaygii Ibnu Xajar. Sidaas oo kale, waxa aan adeegsaday kitaabka al-Kifaayah fii Cilmir Riwaayah (الكفاية في علم الرواية) oo uu qoray Khadiib al-Baqdaadii. Qoraallada aan ka soo xigtey kutubtan iyo intaan ku daray waan isku dhafay mid-midna uma raacinin tixraac, maxaa yeelay waa buug bilow ah yoolkiisa koowaadna yahay fududaynta fahmidda maaddada cilmiga ah. Sidaas awgeedna qodob-qodob in loo tixraaco uma baahna.
Higgaadda af Soomaaligu ma laha xarfo u dhigma xarfaha af Carabida qaar ka mid ah, sida ث, sidaas awgeed, meelaha qaarkood waxaa laga yaabaa inaan adeegsado xarfaha Laatiinka ee ‘th‘ iyo ‘z‘ oo u kala dhigma ث iyo ز.
Qoraaga
Muxammad Yuusuf
Ku noqo TUSMADA