Home / Nukhbatul Fikar / 4 Isnaadka: Marfuuc, Mawquuf, Maqduuc / 4.5 Al Muhmal iyo Qofkii Warkiisi Hilmaamay

4.5 Al Muhmal iyo Qofkii Warkiisi Hilmaamay

nukhbatul-fikar

وَإِنْ‭ ‬رَوَى‭ ‬عَنْ‭ ‬اثْنَيْنِ‭ ‬مُتَّفِقَي‭ ‬الْاسْمِ،‭ ‬وَلَمْ‭ ‬يَتَمَيْزَا،‭ ‬فَبِاخْتِصَاصِهِ‭ ‬بِأَحَدِهِمَا‭ ‬يَتَبَيْنُ‭ ‬الْمُهْمَلُ‭.‬

وَإِنْ‭ ‬جَحَدَ‭ ‬مَرْوِيَّهُ‭ ‬جَزْمًا‭: ‬رُدَّ،‭ ‬أَوْ‭ ‬احْتَمَالًا‭: ‬قُبِلَ‭ ‬فِي‭ ‬الْأَصَحِّ‭. ‬وَفِيهِ‭: ‬‮«‬مَنْ‭ ‬حَدَّثَ‭ ‬وَنَسِيَ‮»‬‭.‬

Haddii uu ka weriyo labo isku magac ah ayna kala soocmi waayaan, ka uu u badan yahay ayaa uu ku caddaanayaa muhmalku. Haddii uu [sheekhii] si cad u dafiro warkiisi, waa la celinayaa, haddiise uu ka shakiyo, waa la qaadanayaa, sida saxda ah. Waxaana ka mid ah qofka warramay ee hilmaamay.

Marka weriyuhu uu xadiis ka weriyo labo qof oo isku magac ah, ama wadaaga magaca aabbaha ama awoowga, ama nisbada, lana kala saari waayo, maxaa la yeelayaa? Haddii labaduba thiqah (dad lagu kalsoon yahay) yihiin dhib ma laha. Tusaale ahaan, Bukhaari waxa uu ka weriyaa “Axmadcan Ibni Wahab aan tilmaan kale wadanin, waxa uuna noqon karaa Axmad ibnu Saalix ama Axmad ibnu Ciisaa. Marna waxa uu ka weriyaa Muxammad isaga oo aan caddaynin ka uu yahay, waxa uuna noqon karaa Muxammad ibnu Salaam ama Muxammad ibnu Yaxyaa adDuhalii (ذ).

Haddii labada sheekh ka uu ku badnaa dabagal lagu sameeyo, waxaa laga yaabaa in magacan la garan waayey (المهمل) uu caddaado oo la garto cidda uu uga jeedo. Haddiise la kala sooci kari waayo labadabana uu isku xidhiidh la lahaa, waa ay adag tahay in la kala saaro, waxaana loo baahanayaa in la fiiriyo qaraa’in iyo waxyaalo kale oo lagu kala saari karo.

Dafiridda wixii laga weriyey

Waxa aan ilaa halkan soo arkaynay xadiis la kala werinayo ee qofba qof ka werinayo muran la’aan. Maxaa la samaynayaa haddii sheekhii laga werinayey uu dafiro in xadiiskaas laga weriyey?! Laba xal middood ayaa furan in la qaato. Haddii sheekhu si cad oo aan shaki ku jirin u diido in hebel xadiiskaas ka weriyey, lama qaadanayo xadiiskaas, maxaa yeelay asalkii laga soo xigtay ayaaba diiday. Laakiin tani ma keenayso in weriyuhu been sheegayo e, maadaama si lagu kala saaraa aysan jirin labada dacwadoodba waa la isu tuurayaa midna been lagu tilmaami maayo.

Haddiise uusan si cad u diidin ee uu yidhaahdo, tusaale ahaan, ma xasuusto ama ma garanayo, taas oo suuragelinaysa in uu ilaaway, waa la qaadanayaa xadiiskaas, sida saxda ah, maxaa yeelay illowshiiyihiisu ma keenayo in warkaasi uusan jirin. Arrintan dood ayaa ka jirta culamaduna waa ay isku khilaafsan yihiin, kumana koobna culumada xadiiska, ee culumada Usuulul Fiqhiguna waa ay ka hadlaan. Tusaale haddii aan ku caddayno, imaam Abuu Daawuud ayaa waxa uu Sunankiisa ku weriyey:

‭  ‬‬حدثنا‭ ‬أحمد‭ ‬بن‭ ‬أبي‭ ‬بكر‭ ‬أبو‭ ‬مصعب‭ ‬الزهري‭ ‬حدثنا‭ ‬الدراوردي‭ ‬عن‭ ‬ربيعة‭ ‬بن‭ ‬أبي‭ ‬عبد‭ ‬الرحمن‭ ‬عن‭ ‬سهيل‭ ‬بن‭ ‬أبي‭ ‬صالح‭ ‬عن‭ ‬أبيه‭ ‬عن‭ ‬أبي‭ ‬هريرة‭  ‬أن‭ ‬النبي‭ ‬صلى‭ ‬الله‭ ‬عليه‭ ‬وسلم‭ ‬قضى‭ ‬باليمين‭ ‬مع‭ ‬الشاهد‭. ‬

Abuu Daawuud waxa uu tilmaamay in Suhayl ibni Abii Saalix mar la weydiiyey xadiiskan isaga laga weriyey uu garan waayey! Markii lagu yidhi Rabiicah ayaa nooga kaa sheegay ayaa uu ku jawaabay: Rabiicah agtayda waxa uu ka yahay thiqah haddii aan u sheegay. Markii dambe Suhayl waxa uu xadiiskan u werin jirey:

حدثني‭ ‬ربيعة‭ ‬عني‭ ‬أني‭ ‬حدثته‭ ‬عن‭ ‬أبي‭….‬

Rabiicah waxa uu ii warramay, isaga oo aniga iga werinaya, aniga oo aabbahay ka werinaya…

Waxaa la sheegay in Suhayl uu ku dhacay xanuun waxyeello u geystay xifdigiisi, oo uu sidaas xadiiskiisi qaar ku illaaway. Laakiin kalsooni uu ku qabay Rabiicah ayaa uu ku qaatay. Rabiicana waa Rabiitar Ra’yi oo ka mid ahaa taabiciinta raggii ugu cilmiga badnaa, imaam Maalikna isaga ayaa uu fiqhiga ka bartay. Suhaylna isku lod ayaa ay ahaayeen oo waxa ay ku kala weriyaan riwaayatul aqraan.

Arrintan awgeed ayaa culumada qaar ay ka mid yihiin imaam Shaafici aysan jeclayn in ay qof nool wax ka weriyaan. Maxaa yeelay haddii inta uu illaawo uu dafiro dhib iyo tuhun ayaan ka imanaya.

Qaybtii Hore                               Qaybta Xigta

Ku noqo TUSMADA

Print Friendly

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *