Home / Abwaan / Imaam Maalik
© بلال الدويك [CC BY-SA 3.0)], via Wikimedia Commons.

Imaam Maalik

Imaam Maalik (93H-179H, Madiinah, 86 jir): Abuu Cabdallaah, Maalik ibnu Anas ibnu Maalik. Waa imaamkii aasaasay mad-habka fiqiga ee Maalikiyada oo ku badan Galbeedka, laga bilaabo Suudaan ilaa Marooko. Waxa uu ku dhashay Madiinah taariikhdu markii ay ahayd 93H, waana sannadkii uu geeriyooday saxaabigii weynaa ee Anas ibnu Maalik. Imaamku Madiinah meelna ugama socdaalin, aan ka ahayn mar uu Xajj ama Cumro u baxo.

Awoowgii, Maalik ibnu Abii Caamir, waxa uu ka mid ahaa culumadii Taabiciinta, saxaabadana wax ka bartay. Sidaa oo kale, imaamka aabbihii Anas iyo adeerradiiba waxa ay ahaayeen culumo. Yaraan ayaa uu ku bilaabay waxbarashada, 21 sano markii uu jireyna waxa uu u fadhiistay in uu dadka wax baro, ilaa uu ka gaadhay heer adduunka dacalladiisa looga soo safro.

Waxaa lagu tilmaamaa in uu ahaa nin dheer oo lafweyn, gadhweyn, timo cad iyo indho buluug ah leh, midabkiisuna ahaa caddaan xoogaa casuus ahi ku jirto.

Waxa uu ahaa Muxaddis/ ث aad ugu xeeldheer aqoonta xadiiska. Imaam Maalik waxa uu matalayey Madrasada Ahlul-Xadiiska, waxa uuna aad uga soo horjeeday Reer Ciraaq oo Madrasada Ahlur-Ra’yi u badnaa, uuna u arkayey in ay aragtidooda ka hor mariyeen xadiiskii Nebiga- sallal Laahu calayhi wasallam-. Ardaygiisi imaam Shaafici ayaa u tilmaamay sidan: “Haddii culumada laga hadlo, xiddigoodu waa Maalik. إذا ذكر العلماء فمالك النجم ”. Aad ayaa looga haybaysan jirey, oo marka uu casharka dhigayo qof qof kale la hadla ama fiiriyaa ma jiri jirin. Ma uusan ahayn dadka isyeelyeela oo wax aysan aqoon u lahayn iska dhex gala. Waxa uu ku jawaabi jirey “haa” iyo “maya” ama “garan maayo”, lagumana dhiirran jirin in la yidhaahdo “maxaa aad sidaa u tidhi?”!

Mar ayaa waxaa u yimid nin socdaal dheer oo lix bilood qaatay soo galay oo dadkiisi u soo direen in uu masalo weydiiyo imaamka. Markii uu su’aashii weydiiyey ayaa uu Maalik ku jawaabey: “garan maayo!” Ninkii oo yaabban ayaa ku yidhi: “Maxaa aan dadkaygii ku idhaahdaa?” Waxa uu ugu jawaabay: “Waxa aad ku tidhaahdaa: Maalik waxa uu yidhi ‘garan maayo’”.

Khaliifkii Abuu Jacfar al-Mansuur ayaa ka codsaday in uu qoro kitaab dadka lagu kulmiyo, ka dib markii khilaafkii batay. Kitaabkii waa uu qoray laakiin ma ogolaanin in dadka oo dhan hal kitaab lagu koobo. Waa kitaabka uu imaamkani caanka ku yahay ee Al-Muwadda’ ( الموطأ ) oo ka mid ah diiwannada xadiiska ee waaweyn. Qoristiisa, iyo tifaftirkiisu waxa ay ku qaateen ilaa 40 sano. Imaam Shaafici oo yaraan ku xifdiyey waxa uu ku tilmaamay in Qur’aanka ka dib uusan jirin kitaab ka saxsan.

Dhanka xadiis werinta, Imaam Bukhaari waxa uu sheegay in silsiladaha weriyeyaasha xadiiska (isnaadka) midda ugu heerka sarraysa ee ugu saxiixsani ay tahay: Maalik–Naafic–Ibnu Cumar (Alle ha ka raalli noqdo e).

Waxaa la sheegaa in dad badani xasdeen, taas oo ku kalliftay in ay been ka sheegaan kuna diraan dawladdii Cabbaasiyiinta. Waxa ay geyeen war odhanaya: Maalik baycadiina waxba-kama-jiraan ayaa uu u arkaa, waxa uuna daliishayanaa xadiis odhanaya ninka la khasbay dalaaqiisu ma bannaana/ ma fulayo. Arrintaas ayaa lagu ciqaabay imaamka oo lagu shaabuugeeyey, gacmihiisana la kala jiidey ilaa garbihii siibmeen! Markii la garaacay inta timahana laga xiiray ayaa awr la saaray, dabadeedna dadka la dhex mariyey oo lagu yidhi isa sheeg. “…ciddii i garanaysaa waa ay i garanaysaa. Ciddii aan i aqoonna Maalik ibnu Anas baa aan ahay, waxaanna leeyahay: dalaaqa ninka la khasbay waa waxba-kama-jiraan!” Waxa ay rabeen in ay bahdilaan oo uu cudurdaar sameeyo, laakiin aragtidiisi baa uu ku adkaystay. Culumo badan ayaa sidan si la mid ah loogu xadgudbay, laakiin Alle waxa uu uga kordhiyey sharaf iyo sarrayn.

Waxaa jirta dhacdo dhex martay imaam Maalik iyo nin ay saaxiibbo ahaayeen oo saahid (زاهد) ahaa, khalwadana jeclaa. Saaxiibkiisan caabidka ah ayaa warqad u soo diray isaga oo ku boorrinaya in uu ku dedaalo kelinima (عُزلة) iyo cibaado badan oo uu cilmigan uu ku mashquulay yareeyo. Maalik waxa uu ku jawaabay:

“Alle sida uu arsaaqda u qaybiyey ayaa uu camalladana u qaybiyey, waxaana badan nin salaadda loo fududeeyey laakiin soonku ku adag yahay, iyo mid kale oo sadaqada loo fududeeyey laakiin soonku dhib ku yahay, iyo mid kale oo jihaadka loo fududeeyey. Faafinta cilmigu waxa ay ka mid tahay camallada kuwa ugu fadliga badan, waxaanna ku raalli noqday inta la iiga fududeeyey, umana malaynayo waxa aan samaynayaa in uu ka hooseeyo waxa aad samaynaysid, waxaanna rajaynayaa in labadeennuba aynu ku sugan nahay khayr iyo suubbanaan (البر).”

Imaam Maalik waxa uu geeriyooday sannadkii 179H isaga oo 86 jir ah, waxaana lagu aasay Baqiic. Alle waxa uu ku galladaystay cimri dheer, caqli badan, cilmi ballaadhan iyo umadda oo aqbasha imaamnimadiisa, sida uu sheegay imaam Dahabii. Alle ha u naxariisto imaamka, wanaaggii uu umadda u sameeyeyna ha ka abaalmariyo. Aamiin.

Xigasho

4/719-730 تاريخ الاسلام للذهبي

207-213 تذكرة الحفاظ

سير أعلام النبلاء

Print Friendly

Comments

comments

Check Also

Hijri (Xilli-tirsi)

Xilli-tirsiga Hijriga loo yaqaanno ee Muslimiintu ay adeegsadaan waxa uu ka bilowdaa sannadkii uu Nebigu- ...

Hubinta Sugnaanta Xadiiska

Waxyiga Ilaahay noo soo dhiibay waa quraanka iyo xadiiska oo ah hadalkii iyo dhaqankii Rasuulka ...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *