3.1.2.5 Bidco

nukhbatul-fikar

ثم‭ ‬البدعة‭ ‬إما‭ ‬بمكفر‭ ‬أو‭ ‬بمفسق،‭ ‬فالأول‭ ‬لا‭ ‬يقبل‭ ‬صاحبها‭ ‬الجمهور‭. ‬والثاني‭ ‬يقبل‭ ‬ما‭ ‬لم‭ ‬يكن‭ ‬داعية‭ ‬في‭ ‬الأصح،‭ ‬إلا‭ ‬إن‭ ‬روى‭ ‬ما‭ ‬يقوي‭ ‬بدعته‭ ‬فيرد‭ ‬على‭ ‬المختار،‭ ‬وبه‭ ‬صرح‭ ‬الجوزجاني‭ ‬شيخ‭ ‬النسائي‭.‬

Dabadeed, bidcada oo ah mid lagu gaaloobo ama lagu faasiqoobo [ayaa warka lagu diidi karaa]. Tan hore ciddii ku dhaqanta culamada badankoodu ma aqbalaan [warkooda]. Tan labaadna sida saxda ah waa la aqbalayaa haddii uusan dadka ugu yeedhaynin [bidcadiisa], aan ka ahayn in uu werinayo wax xoojinaya bidcadiisa, sida la doortay, waana sida uu caddeeyey al Juuzajaanii, sheekhii Nasaa’ii.

Bidcadu waa laba jaad: mid ah in qofku aamino wax gaalnimo keenaya, sida in Qur’aanka wax laga dhimay ama wax lagu daray, iyo mid keenaysa faasiqnimo. Bidcada gaalnimada keenaysa qofkii aaminsan culamadu sida ay u badan yihiin waxba kama qaataan, waxaase jira culamo ku dooda in la aqbalo, iyo kuwo u dhexeeya oo leh haddii uusan beenta xalaashanaynin si uu bidcadiisa u taageero, waa la aqbalayaa.

Ibnu Xajar isagu waxa uu ku doodayaa in aan la diidaynin qof kasta oo ku dhaca bidcada gaalnimada keenaysa, maxaa yeelay buu leeyahay, koox waliba waxa ay sheeganaysaa in kuwa kasoo horjeedaa ay yihiin bidcooley, waxaana laga yaabaa in ay ku fogaato oo ay gaaleysiiso cidda khilaafsan. Jidkaa haddii la marana waxa ay noqonaysaa in kooxaha dhammaantood la gaaleysiiyo. Waxaase sax ah, baa uu leeyahay, in la diido warka uu soo tebiyo qof dafirsan wax shareecada ka mid ah oo mutawaatir ah, garashadiisa in uu diinta ka mid yahayna ay daruuri tahay, oo aan shaki iyo mugdi geli karin. Sidaa oo kalena waxaa la mid ah qofkii tan lidkiida aamina oo ictiqaada wax aan jirin. Qofkii bidcadiisu aysan heerkan gaadhsiisnayn, tilmaamihii weriyaha lagu aqbalayeyna buuxiya, in warkiisa la qaato wax diidayaa ma jiraan, baa uu leeyahay.

Kan labaad ee aysan bidcadiisu heer gaalnimo gaadhsiisnayn, isna waa la isku hayaa aqbalitaankiisa. Culamada qaarkood waxa ay taagan yihiin in gebi-ahaantiisaba la tuuro, maxaa yeelay in la sheegsheego oo wax laga weriyaa sumcad iyo magac baa ay u yeelaysaa. Sidaas awgeed, ma aha in qof bidcoole ah wax laga weriyo iyada oo warkaas laga heli karo qof kale oo aan bidcada la wadaagin. Dhanka kale, waxaa la yidhi gebi-ahaanba warkiisa waa la qaadanayaa haddii uusan beenta xalaashanin. Kuwo kalena waxa ay yidhaahdeen haddii uusan bidcadiisa xayeysiinaynin oo uusan dadka ugu yeedhaynin warkiisa waa la qaadanayaa. Laakiin warkaasi waa in uusan taageero u ahayn, xoojinaynna bidcadiisa.

Qaybtii Hore                               Qaybta Xigta

Ku noqo TUSMADA

Print Friendly

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *