4.2 Aqraan iyo Mudabbaj

nukhbatul-fikar

فَإِنْ‭ ‬تَشَارَكَ‭ ‬الرَّاوِي‭ ‬وَمَنْ‭ ‬رَوَى‭ ‬عَنْهُ‭ ‬فِي‭ ‬السِّنِّ‭ ‬وَاللُّقِيِّ‭ ‬فَهُوَ‭ ‬الْأَقْرَانُ‭.‬

وَإِنْ‭ ‬رَوَى‭ ‬كُلٌّ‭ ‬مِنْهُمَا‭ ‬عَنِ‭ ‬الْآَخَرِ‭: ‬فَالْمُدَبَّجُ‭.‬

Haddii weriyaha iyo cidda uu kasoo werinayaa ay isku da’ yihiin, culamadana la wada kulmeen, waa Aqraan. Haddii midba ka kale ka weriyeyna waa Mudabbaj.

Caadadu waxa ay tahay in ardaygu sheekh ama macallin cilmiga ka qaato waxna ka weriyo, inta bandanna sheekhu ama macallinku uu ardaygiisa dheeraado da’ iyo qadarinba. Iyada oo taasi ay jirto ayaa haddii aad u fiirsato isnaadka axaadiista waxa aad arkaysaa in marar badan culumada xadiisku aysan raacin nidaamkaas, oo ay wax ka weriyaan dad ay isku fac yihiin iyo kuwo da’ ahaan uga yar qadar ahaanna uga hooseeya. Arrintaasina waxa ay tusinaysaa kibir la’aanta iyo tawaaduca muxaddiska sidaas yeelaya, iyada oo isla mar ahaantaana caddaynaysa heerka iyo sharafta uu leeyahay kan lagu tilmaamayo yaraan da’eed ama hoosayn dhanka qadarinta uu uga hooseeyo ka wax ka baranaya ama ka werinaya. Haddaba, yaan loo qaadannin in mar kasta qofka laga werinayaa uu ka weyn yahay ama ka fadli badan yahay “ardayga” ka werinaya e, waa in qof walba booskiisa la dhigaa, Caa’ishah- radiyal Laahu canhaa- waxaa laga weriyey in ay tidhi:

أُمرنا‭ ‬أن‭ ‬ننزل‭ ‬الناس‭ ‬منازلهم‭.‬

                      Waxaa nala faray in aan dadka dhigno boosaskooda.

Faa’iidada kale ee ku jirtaa waxa ay tahay, in aan loo qaadinin in isnaadka khalad ku jiro ama wax isdaba mareen ama dad dheeraad ah lagu daray. Oo tusaale ahaan, waxaa dhici karta haddii la arko Bukhaari oo ardaygiisa wax ka werinaya, in loo qaato in isnaadkii is dabamaray oo uu khaldamay (maqluub). Haddaba, siyaabaha kala duwan ay ku timaaddo ayaa aynu tilmaamaynaa.

Al Aqraan

Marka weriyaha iyo laga weriyuhu ay isku da’ yihiin ama ay wadaagaan sheekhyada ay xadiiska ka qaateen, ayaa waxaa loo yaqaanna riwaayatul aqraan (رِوَايَةُ‭ ‬الْأقْرَان), ama kala-werinta dadka isku lodka ah.

Isnaadka hooseeya (naasilka ah) waxa aynu tusaale ugu soo qaadannay xadiiskan:

‭ ‬و‬حدثنا‭ ‬إسماعيل‭ ‬حدثني‭ ‬أخي‭ ‬عن‭ ‬سليمان‭ ‬عن‭ ‬محمد‭ ‬بن‭ ‬أبي‭ ‬عتيق‭ ‬عن‭ ‬ابن‭ ‬شهاب‭ ‬عن‭ ‬عروة‭ ‬بن‭ ‬الزبير‭ ‬أن‭ ‬زينب‭ ‬بنت‭ ‬أبي‭ ‬سلمة‭ ‬حدثته‭ ‬عن‭ ‬أم‭ ‬حبيبة‭ ‬بنت‭ ‬أبي‭ ‬سفيان‭ ‬عن‭ ‬زينب‭ ‬بنت‭ ‬جحش‭ ‬أن‭ ‬رسول‭ ‬الله‭ ‬صلى‭ ‬الله‭ ‬عليه‭ ‬وسلم‭ ‬دخل‭ ‬عليها‭ ‬يوما‭ ‬فزعا‭ ‬يقول‭ ‬لا‭ ‬إله‭ ‬إلا‭ ‬الله‭ ‬ويل‭ ‬للعرب‭ ‬من‭ ‬شر‭ ‬قد‭ ‬اقترب‭ …‬

Xadiiskan waxaa ku jira saddex saxaabiyaat oo midiba midda kale ka sii werinayso: Saynab bint Abii Salamah ayaa ka werinaysa Ummu Xabiibah (Ummul Mu’miniin) oo iyaduna ka werinaysa Saynab bint Jaxsh (Ummul Mu’miniin)- Alle ha ka raalli ahaado dhammaantood e-.

Jaantus 4.2: Aqraantu waa dad isku ayni/ fac ah oo war kala werinaya.
Jaantus 4.2: Aqraantu waa dad isku lod ah oo war kala werinaya.

Caadi ahaan waxaa isnaadka lagu yaqaannaa in saxaabiga ama saxaabiyaddu si toos ah uga weriso Nebiga- sallal Laahu calayhi wasallam-. Taasina waxa ay keeni kartaa in isnaadka kor ku xusan loo fahmo in dad dheeraad ah lagu daray, laakiin sidaas ma aha e, waa ay dhacdaa in saxaabadu kala weriyaan, ama taabiciintu kala weriyaan, iyo intii la mid ahba. Tusaale kale oo muujinaya sida lodku u kala weriyaan waa xadiiskan oo ay kala werinayaan shan isku lod ah oo atbaacu atbaacit taabiciin ah:

أحمد‭ ‬بن‭ ‬حنبل‭ ‬عن‭ ‬أبي‭ ‬خيثمة‭ ‬زهير‭ ‬بن‭ ‬حرب،‭ ‬عن‭ ‬يحيى‭ ‬بن‭ ‬معين،‭ ‬عن‭ ‬علي‭ ‬بن‭ ‬المديني‭ ‬عن‭ ‬عبيد‭ ‬الله‭ ‬بن‭ ‬معاذ،‭ ‬عن‭ ‬أبيه ‭]‬معاذ‭ ‬بْن‭ ‬معاذ]‭ ‬عن‭ ‬أبي‭ ‬بكر‭ ‬بن‭ ‬حفص،‭ ‬عن‭ ‬أبي‭ ‬سلمة،‭ ‬عن‭ ‬عائشة‭ ‬قالت‭: ‬كن‭ ‬أزواج‭ ‬النبي‭ – ‬صلى‭ ‬الله‭ ‬عليه‭ ‬وسلم‭ – ‬يأخذن‭ ‬من‭ ‬شعورهن‭ ‬حتى‭ ‬يكون‭ ‬كالوفرة‭.‬

Jaantus 4.3: Aqraan.
Jaantus 4.3: Aqraan.

Haddaba waa in ardayga xadiiska baranayaa uu u feejignaado arrimahan, aqoon fiicanna u lahaado.

Al Mudabbaj

Waxaa jirta qayb ka mid ah riwaayatul aqraan oo loo yaqaanno al Mudabbaj (المُدَبَّج), waxa ayna dhacdaa marka labada isku lodka ah midba midka kale ka weriyo. Tusaale ahaan, waxaa jira axaadiis Abuu Hurayrah- Alle ha ka raali ahaado e– ka werinayo Caa’ishah- Alle ha ka raali ahaado e– (riwaayatul aqraan). Sidaas oo kale waxaa jira axaadiis Caa’ishah ka werinayso Abuu Hurayrah. Taas macnaheedu waxa weeyaan midba midka kale waa uu ka weriyaa. Noocan riwaayatul aqraan ka midka ah ayaa loo yaqaannaa mudabbaj.

Jaantus 4.4: Mudabbajku waa qayb ka mid ah riwaayatul aqraan, oo labada weriye midba ka kale ka werinayo
Jaantus 4.4: Mudabbajku waa qayb ka mid ah riwaayatul aqraan, oo labada weriye midba ka kale ka werinayo.

Intii isnaad sarreeya uu raadin lahaa ayaa weriyuhu ka qaadanayaa mid kale oo lodkiisa ah, warkiina u tiirinayaa ciddii uu ka maqlay isaga oo aan ka dulboodaynin, waxa ayna muujinaysaa tawaaduc iyo islaweyni la’aan. Dhanka kale, riwaayatul aqraan isnaadka hoos ayaa ay u dhigtaa waxa ayna ka dhigtaa naazil.

Qaybtii Hore                               Qaybta Xigta

Ku noqo TUSMADA

Print Friendly

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *