3.1.2.2 Al-Matruuk, al-Munkar, al-Mucallal

nukhbatul-fikar

Weriyaha ay ku caddaatay in uu been sheegay warkiisu waxa uu noqday al-Mawduuc. Kii been lagu tuhmayna waxaa lagu tilmaamaa al-Matruuk, oo macnaheedu yahay mid laga tegay oo aan wax-kasoo-qaad lahayn.

Hore waxa aynu usoo marnay in weriyaha daciifka ah ee cid lagu kalsoon yahay khilaafa, warkiisu noqonayo al-Munkar. Halkan qoraagu waxa uu tilmaamayaa in ay jiraan culumo ereyga al-Munkar u adeegsada warka laga soo tebiyo qof gef badan, ama dhoohan oo aan si sugan warkii usoo tebin karin, ama faasiq ah oo anshax daran. Sidaas awgeed, aragtidan dambe shardi kama dhigayso in uu cid ku khilaafay e, wixii uu weriyaaba waa munkar.

Qof suugaanta muddo ku dhex jirey ee maansooyin badan maqlay, waxa uu yeeshaa dareen iyo fiiro gaar ah oo aysan dadka kale suugaanta u lahayn. Waa uu kala gartaa midda toosan iyo ta laxanka leh. Isaga oo aan horeba u maqlin maansadaas ayaa laga yaabaa in uu yidhaahdo “ereygaasi in uusan sidaa ahayn baa laga yaabaa e, hala hubiyo“. Haddii uu maansoyahannadii caanka ahaa mid ka mid ah suugaantiisa aad u yaqaanno, dabadeedna loo keeno maanso uusan hore u maqlin, waa uu dareemi karaa in ay ka mid tahay suugaantii maansoyahankaas iyo in kale. Haddii uu ka shakiyo waxaa laga yaa in uu yidhaahdo “carrabkii hebel ma aha”, taas oo uu uga jeedo in maansoyahankaasi uusan qaabkan u hadlin. Wax baa ka si’ ah. Waa ay cilladaysan tahay. Inta badan ma sahlana in uu qofku sababta uu sidaa u dareemayo carrabbaabo.

Xadiiskuna waa la mid, oo xadiiska wax ka si yihiin waxaa lagu tilmaamaa al-Mucallal. Cabdurraxmaan ibnul Mahdii (135-198H) oo ka mid ahaa maqaawiirtii cilmiga xadiiska, imaam Shaaficina yidhi cid u dhiganta maan arkin, waxa uu yidhi “garashada cilladaha xadiiska qayb ka mid ahi waa ilhaam, oo haddii aad caalimka cilladaha xadiiska weydiiso, ‘maxaad sidaa u tidhi?’ wax caddayn ah oo uu kuugu jawaabo ma hayo.” Mar kale oo la weydiiyey sidee ayaa aad ku garanaysaa in uu weriyuhu been sheegayo, waxa uu ku jawaabey “sida dhakhtarku u garto qofka waalan.”!

Waxaa dhacda in weriyaha gef ka dhaco ama uu qaab ismoodsiis ah wax u weriyo, sida in uu war mursal ama munqadic ah sanad xidhiidhsan ku weriyo, ama labo xadiis iyo laba sanad isdhexgeliyo, iwm. Cilladaha noocan oo kale ah waxa ay ka mid yahay qabyaha ugu adag uguna dhibaatada badan cilmiga xadiiska. Waxa ay u baahan tahay fiiro dheer, garasho aad u heer sarraysa, xidfi ballaadhan, aqoon sare oo loo lahaado weriyeyaasha iyo sida ay isugu xidhiidhsan yihiin, sanadka iyo matniga xadiiska. Waa aqoon inta Alle garashadeeda ku mannaystay ay aad u yar yihiin. Culamada tirada yar ee aqoontan caanka ku ah waxaa ka mid ah Cali ibnul Madiinii (161-234H), Axmad ibnu Xanbal (164-241H), Bukhaarii (194-256H), Yacquub ibnu Shaybah (180-262H), Abuu Xaatim (195-277H), Abuu Zurcah (~200-264H), iyo Daaraqudnii (306-385H).

Qaybtii Hore                               Qaybta Xigta

Ku noqo TUSMADA

Print Friendly

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *