Home / Nukhbatul Fikar / 4 Isnaadka: Marfuuc, Mawquuf, Maqduuc / 4.3 Al Akaabiru canil Asaaqir

4.3 Al Akaabiru canil Asaaqir

nukhbatul-fikar

وَإِنْ‭ ‬رَوَى‭ ‬عَمَّنْ‭ ‬دُونَهُ‭: ‬فَالْأَكَابِرُ‭ ‬عَنِ‭ ‬الْأَصَاغِرِ،‭ ‬وَمِنْهُ‭ ‬الْآَبَاءُ‭ ‬عَنِ‭ ‬الْأَبْنَاءِ،‭ ‬وَفِي‭ ‬عَكْسِهِ‭ ‬كَثْرَةٌ،‭ ‬وَمِنْهُ‭ ‬مَنْ‭ ‬رَوَى‭ ‬عَنْ‭ ‬أَبِيهِ‭ ‬عَنْ‭ ‬جَدِّهِ‭.‬

Haddii uu [weriyuhu] kasoo tebiyo cid ka hoosaysa, waa [nooca] Akaabir canil Asaaqir, waxaana ka mid ah waalidka oo ilmihiisa ka weriya, lidkiisuna waa u badan yahay, waxaana ka mid ah qofka ka weriyey aabbihii oo isna kasii werinaya awowgii.

Sida aan soo aragnay, caadadu waxa ay u badan tahay in ardaygu ka da’ yaraado ama ka qadar hooseeyo sheekha uu ka qaadanayo cilmiga. Riwaayatul Akaabiri canil Asaaqir (werinta kuwa waaweyni ka weriyaan kuwa yaryar) waxaa lagu tilmaamaa marka sheekhii ka weriyo ardaygii ama kii da’da weynaa ka weriyo kii ka da’da yaraa, sida waalidka oo ilmihiisa ka weriya, ama kii qadarkiisu sarreeyey uu ka weriyo mid ka qadar hooseeya, sida saxaabada oo ka werisa taabiciinta, iwm.

Saxaabo dhawr ah oo ay ka mid yihiin Cumar, Cali, Anas, Mucaawiyah, Abuu Hurayrah iyo afarta Cabdi (Cabaadilah) ayaa waxa ay ka weriyaan Kacbul Axbaar oo taabici ahaa. Sidaas oo kale, Zuhrii oo taabiciinta ka mid ahaa ayaa mararka qaar ka weriya ardaygiisii Maalik oo ka mid ahaa atbaacut taabiciinta.

Al Cabaadilah

  1. Cabdullaahi ibnu Cabbaas ibnu Cabdilmuddalib
  2. Cabdullaahi ibnu Zubayr ibul Cawwaam
  3. Cabdullaahi ibnu Cumar ibnul Khaddaab
  4. Cabdullaahi ibnu Camr ibnul Caas

FG: Cabdullaahi ibnu Mascuud wuu ka da’ weynaa lagumana tiriyo.

Qaybtan waxaa soo gelaya in waalidkii uu ka weriyo ilmihiisii (رواية‭ ‬الاْباء‭ ‬عن‭ ‬الأبناء‭‬), sida Cumar ibnul Khaddaab oo ka weriyey wiilkiisii Cabdullaahi ibnu Cumar, ama Cabbaas ibnu Cabdilmuddalib oo ka weriyey wiilashiisii Fadl ibnu Cabbaas iyo Cabdillaahi ibnu Cabbaas – Alle ha ka raalli ahaado e-. Caa’isha- Alle ha ka raalli ahaado e– waxaa laba xadiis ka weriyey aabbaheed Abuu Bakar- Alle ha ka raalli ahaado e– iyo hooyadeed Ummu Ruumaan- Alle ha ka raalli ahaado e– oo iyaduna laba xadiis ka werisay gabadheeda.

Waxaase isna jira oo kan ka badan in ilmuhu waalidka ka weriyo. Waana sida caadada ah ee la yaqaanno, iyada oo mararka qaar afar iyo toban isdhashay kala werinayaan xadiis oo midba aabbihii ka werinayo! Waxaana dhacda in aan la magacaabin weriyaha aabihiis iyo awowgiistoona e, la yidhaahdo can abiihi can jaddihii (‭‬عن‭ ‬ابيه‭ ‬عن‭ ‬جده), tan oo ay ka dhalan karto in wareer ka yimaaddo cidda looga jeedo awoowgiis (جده). Tusaale ahaan,

عَنْ‭ ‬عَمْرِو‭ ‬بْنِ‭ ‬شُعَيْبٍ‭ ‬عَنْ‭ ‬أَبِيهِ،‭ ‬عَنْ‭ ‬جَدِّهِ،‭ ‬قَالَ‭: ‬خَرَجَ‭ ‬رَسُولُ‭ ‬اللهِ‭ ‬صَلَّى‭ ‬الله‭ ‬عَليْهِ‭ ‬وسَلَّمَ‭ ‬عَلَى‭ ‬أَصْحَابِهِ‭…‬

Weriyaha abtirkiisu waa Camr ibnu Shucayb ibnu Muxammad ibnu Cabdillaahi ibnu Camr ibnul Caas. Camr awoowgiis waa Muxammad isagaana dhalay aabbihiis Shucayb. Laakiin, isnaadkan marka laga hadlayo awoowga laga sheegayaa waa saxaabigii weynaa ee Cabdillaahi ibnu Camr ibnul Caas. Oo waxa ay noqonaysaa: Camr wuxuu ka weriyey aabihii Shucayb oo isaguna ka weriyey awoowgii Cabdillaahi.

Qaybtani waxa ay ammaan iyo faanba u tahay weriyaha iyo kasii-weriyahaba, oo tusaale ahaan, ka “yar” waxa ay ammaan ugu noqonaysaa in qadarinta ka “weyni” u hayyaa ay gaadhsiisan tahay in uu wax ka weriyo. Ka weynna waxa ay ammaan ugu tahay in uusan islaweynayn oo uu tawaaduc leeyahay, da’diisa iyo darajadiisuna aysan ka hor istaagaynin in uu cid ka yar ama ka hoosaysa wax ka faa’iidaysto.

 

Qaybtii Hore                               Qaybta Xigta

Ku noqo TUSMADA

Print Friendly

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *