Home / Nukhbatul Fikar / Hordhac

Hordhac

بسم الله الرحمن الرحيم الحمد لله الذي لم يزل عليماً قديرا وصلى الله على سيدنا محمد الذي أرسله للناس بشيراً ونذيرا، وعلى آل محمد وصحبه وسلم تسليماً كثيرا. أما بعد: فإن التصانيف في اصطلاح أهل الحديث قد كثرت وبسطت واختصرت، فسألني بعض الإخوان أن ألخص لهم المهم من ذلك، فأجبته إلى سؤاله، رجاء الاندراج في تلك المسالك

Mahad waxaa iska leh Allaha weligii ah ogaal badane awood badan. Allena ha ku salliyo sayyidkeenii Muxammad, kaas oo uu u soo diray dadka isaga oo ah bishaareeye iyo dige, hana ku salliyo ehelkii Muxammad iyo saxaabadiisii, hana salaamo salaan badan. Intaas kaddib,

Kitaabbada laga allifay is-afgaradka culumada xadiisku (Ahlul Xadiith) way bateen, waa la faahfaahiyey, waana la soo gaabiyey, markaas ayey i weydiiyeen qaar walaalaha ka mid ahi in aan u soo koobo inta muhiimka ah, waanna uga jawaabay su’aashiisii (dalabkiisii) aniga oo rajaynaya in aan qaado jidadkaas (ku daydo qorayaashii hore). 

***

Aqoonta Xadiiska: Sooyaal Kooban iyo kutubta ugu muhiimsan

Xadiisku waa asalka labaad ee shareecada Islaamka, suuragalna ma aha in uu qofku diinta sideeda ugu dhaqmo isaga oo aan xadiisyada adeegsanin. Xadiisku waxa uu fasiraad iyo faahfaahin lamahuraan ah u yahay Qur’aanka.

Xilligii Nebiga- sallal Laahu calayhi wasallam- qaybtii hore waa uu diiday in la qoro xadiiska si aysan Qur’aanka isugu darmin. Laakiin gadaal ayaa uu ka ogolaaday, saxaabada qaar ka mid ahina waa ay qoran jireen, qaar loo qorayna waa ay jiraan. Diiwaangelintii rasmiga ahayd ee ugu horraysay waxaa la sheegaa in uu sameeyey taabicigii weynaa ee Muxammad ibnu Shihaab az-Zuhrii (50[?]-124H) isaga oo fulinayey amar ka yimid khaliifkii Muslimiinta, Cumar ibnu Cabdilcasiis (63-101H).

Baahi looma qabin maadaama wakhtigii Nebiga- sallal Laahu calayhi wasallam- aysan muddo badani ka soo wareegin dadka ammaanadooda iyo xusuustooduna ay sugnaayeen. Islaamka ka hor Carabtu beenta aad baa ay isaga ilaalin jirey oo sharaf-dhac weyn ayaa ay ahayd in uu qofku been sheego. Islaamkuna waa uu sii adkeeyey beentana waxa uu ka dhigay xaaraan. In qof saxaabi ahi Nebiga- sallal Laahu calayhi wasallam- ku been abuurto waxa ay ahayd wax aan dhici karin. Nebiguna- sallal Laahu calayhi wasallam- aad ayaa uu uga digay in been laga sheego, waxaana jira xadiis ay weriyeen in ka badan boqol saxaabi, kaas oo sheegaya in Nebigu- sallal Laahu calayhi wasallam- yidhi qofkii si kas ah been iga sheegaa booskiisa naarta ha ka diyaarsado.

Markii Islaamkii faafay dalal iyo dadyow badanna gaadhey, bulshooyinkii isku dhex milmeen, Alle-ka-cabsigiina yaraaday, waxaa soo baxay dad aan ka xishoonin beenta. Markaas ayaa waxaa bilaabatay in qofkii xadiis sheega la weydiiyo meesha uu ka keenay iyo cidda uu ka maqlay oo dabagal lagu sameeyo. Halkaas ayaa uu ka dhashay waxa isnaadka loo yaqaanno oo ah silsiladda dadka warka kala weriyey, waana unkamitaankii iyo bilaabashadii aqoonta xadiiska iyo dejintii hannaan lagu qiimeeyo wararka laga soo werinayo Nebiga- sallal Laahu calayhi wasallam-.

In muddo ah ayaa lagu dhaqmayey qaaciidooyin aan si gaar ah u diiwangashanayn. Imaam Shaafici ayaa lagu tilmaamaa in uu ahaa qofkii ugu horreeyey ee qaab cilmiyeysan oo faahfaahsan u gundhigay, isaga oo si faahfaasan ugu qoray kitaabkiisa caanka ah ee ar-Risaalah masalooyin badan oo aqoonta xadiiska ka mid ah. Laakiin weli si madaxbannaan looma qorin, waxaana la raacin jirey (sida imaam Shaafici sameeyey) kutubta kale, oo qaaciidooyinkii culumadii hore adeegsan jireen waxa ay mararka qaar ku ladhnaan jireen diiwaannada ay xadiiska ku uruuriyaan. Tusaale ahaan, Bukhaari (194-256H) kitaabkiisa Saxiixul Bukhaari waxa uu ku tilmaamay masalooyin cilmiga xadiiska ka mid ah. Sidaas oo kale, qaaciidooyinka cilmiga xadiisku waxa ay gundhig u yihiin kitaabka dhan iyo hannaanka uu u adeegsaday qoritaankiisa. Muslim (206-261H) kitaabkiisa Saxiix Muslim waxa uu raaciyey hordhac caan ah oo uu kaga hadlayo manhajkiisa iyo hannaanka uu adeegsaday. Sidaas oo kale ayaa uu sameeyey Tirmidi (209-279H) isaguna diiwaankiisa xadiiska (al-Jaamicul Kabiir/ Sunan Tirmidi) waxa uu raaciyey qayb la xidhiidha cilmiga xadiiska (al-Cilal as-Suqraa) oo ilaa hadda ka mid ah kutubta ugu muhiimsan aqoonta xadiiska.

Diiwaangelin Madaxbannaan

Muuqaalka 1: al-Muxaddithul Faasil baynar Raawii wal Waacii
Muuqaalka 1: al-Muxaddithul Faasil baynar Raawii wal Waacii

Al-Qaadii Abuu Muxammad ar-Raamahurmuzii (dh. 360H) (أبو محمَّدٍ الرَّامَهُرْمُزِيّ) oo qoray kitaab la yidhaahdo al-Muxaddithul Faasil baynar Raawii wal Waacii (المحدِّث الفاصل بين الراوي والواعي), haddana isaga oo daabacan ayaa uu yaallaa (Muuqaalka 1). Imaam al-Xaakim, Abuu Cabdallah an-Naysaabuurii (321-405H) (أبو عبد الله محمد بن عبد الله النيسابوري) ayaa isaguna qoray Macrifatu Culuumil Xadiith (معرفة علوم الحديث) oo isna daabacan (Muuqaalka 2. Caalim kale oo la odhan jirey Abuu Nucaym al-Asbahaanii (336-430H) (أبو نعيم الأصبهاني) ayaa isna kitaabka Xaakim sii faahfaahiyey.

Muuqaalka 2: Macrifatu Culuumil Xadiith
Muuqaalka 2: Macrifatu Culuumil Xadiith

Intaa waxaa ku xigey al-Khadiib al-Baqdaadii (392-463) (أبو بكر أحمد بن علي بن ثابت بن أحمد بن مهدي، الخطيب البغدادي), waana ay yar tahay qayb cilmiga xadiiska ka mid ah oo uusan kitaab ka qorini. Laga bilaabo xilligiisi ilaa maanta, kutubtiisa ayaa tixraac u ah culumada xadiiska iyo aqoontiisa, isaga gadaashii intii wax ka qortayna kutubtiisa ayaa ay ku tiirsan yihiin. Kutubta al-Khadiib qoray ilaa iyo haddana la adeegsado waxaa ka mid ah al-Kifaayah fii Cilmir Riwaayah (الكفاية في علم الرواية) ) (Muuqaalka 3).

Muuqaalka 3: al-Kifaayah fii Macrifati.
Muuqaalka 3: al-Kifaayah fii Cilmir Riwaayah.

Culumo badan ayaa al-Khadiib dabadii wax ka qoray cilmigan. Wixii ka dambeeyey qarnigii lixaad ee hijriga, booskii Khadiibka waxaa galay Ibnu Salaax (577-643H) (عثمان بن عبد الرحمن، أبو عمرو، تقي الدين المعروف بابن الصلاح). Waxa uu ka mid ahaa culumadii Shaaficiyada ee aqoonta dheer u lahaa xadiiska iyo fiqhiga. Sannadkii 630H ayaa mid ka mid boqorradii dawladdii Ayuubiyiinta oo uu Salaaxuddiin adeer u ahaa magaalada Dimishiq ka furay madraso/ jaamacad lagu barto xadiiska, Daarul Xadiith al-Ashrafiyyah, taas oo uu maamulkeeda u dhiibay Ibnu Salaax. Casharradii sheekhu ardayda u dhigayey iyo sharrixii uu kutubta al-Khadiib al-Baqdaadii ka bixin jirey ayaa u suurageliyey in uu aqoontii meelaha badan ku kala daadsanayd habeeyo oo uu isu uruuriyo, taas oo uu ka dhashay kitaabkiisa aadka u caan baxay ee Macrifatu Anwaaci Culuumil Xadiith (معرفة أنواع علوم الحديث). Waa kitaabka ugu caansan cilmiga xadiiska waxaana loo yaqaannaa Muqaddimatu Ibnu Salaax (مقدمة ابن الصلاح) (Muuqaalka 4), wixii gadaashii la qoray isaga ayaa ay raadkiisa qaadeen, oo qaar sharxa, kuwo soo gaabiya, kuwo gabay u beddela, mid wax ka sheega iyo mid difaaca ayaa ay noqdeen.

Muuqaalka 4: Macrifatu Anwaaci Culuumil Xadiith
Muuqaalka 4: Macrifatu Anwaaci Culuumil Xadiith
Culumadii Ibnu Salaax jagada uga dambaysay waxaa ka mid ah: Imaam Nawawii, al-Mizzii, Taqiyyuddiin as-Subkii, Taajuddiin as-Subkii, Ibnu Kathiir, al-Bulqiinii, ibnu Xajar al-Casqalaanii (qoraha buuggan).

Qoristii Buuggan

Arday ay ku bateen kutubtii cilmiga xadiisku oo u baahday qoraal kooban ayaa sheekha ka codsaday in uu u soo koobo waxyaalaha asaasiga ah, taas oo uu sheekhu uga diyaariyey ilaa toban warqadood oo uu u bixiyey Nukhbatul Fikar fii Musdalaxi Ahlil Athar (نخبة الفكر في مصطلح أهل الأثر) [Xulka Aragtiyaha la Xidhiidha Ereybixinta Ahlul Atharka/ Xadiiska]. In kasta oo uu aad u kooban yahay, haddana waa kitaab aad iyo aad u qiimo badan oo ardayga bilowga ah ka caawinaya fahanka cilmigan, islamarkaana waa kitaab uusan ka maarmaynin qofka aqoonta wanaagsan u leh cilmigani. In kasta oo Ibnu Xajar uu qoray kutub badan oo gaadhaya 150 aadna u heer sarreeya, haddana Nukhbaha aad ayaa uu u jeclaa. isla markiiba aad baa looga helay, culumo kale ayaana bilowday in ay sharxaan, laakiin uma uusan bogin, ka dib codsi labaad oo ardaygii uga yimid ayaa uu bilaabay in uu qoro sharax uu u bixiyey Nuzhatun Nadar fii Tawdiixi Nukhbatil Fikar fii Musdalaxi Ahlil Athar (نزهة النظر في توضيح نخبة الفكر في مصطلح أهل الأثر) [Il-ku-qabowsiga Caddaynta Xulka Aragtiyaha la Xidhiidha Ereybixinta Ahlul Atharka/ Xadiiska].

Qaybtii Hore                               Qaybta Xigta

Ku noqo TUSMADA

Print Friendly

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *