Home / Nukhbatul Fikar / 1 Warka iyo Jidadkiisa / 1.1 Qaybaha Warka / 1.1.2 al-Aaxaad (الآحاد)

1.1.2 al-Aaxaad (الآحاد)

nukhbatul-fikar

وَكُلُّهَا‭ – ‬سِوَى‭ ‬الْأَوَّلِ‭ – ‬آحَادٌ،‭ ‬وَفِيهَا‭ ‬الْمَقْبُولُ‭ ‬وَالْمَرْدُودُ؛‭ ‬لِتَوَقُّفِ‭ ‬الاسْتِدْلَالِ‭ ‬بِهَا‭ ‬عَلَى‭ ‬الْبَحْثِ‭ ‬عَنْ‭ ‬أَحْوَالِ‭ ‬رُوَاتِهَا‭ ‬دُونَ‭ ‬الْأَوَّلِ،‭ ‬وَقَدْ‭ ‬يَقَعُ‭ ‬فِيهَا‭ ‬مَا‭ ‬يُفِيدُ‭ ‬الْعِلْمَ‭ ‬الْنَّظَرِيَّ‭ ‬بِالْقَرَائِنِ‭ ‬عَلَى‭ ‬الْمُخْتَارِ‭.‬

Dhammaan noocyadaas [mutawaatirka, mash-huurka, casiiska iyo qariibka], marka laga reebo ka ugu horreeya [mutawaatirka], waa Aaxaad, qaar la aqbalo iyo qaar la celiyaba way leeyihiin. Maxaa yeelay, in la daliishado aaxaad-ka waxa ay ku xidhan tahay baadhitaan lagu sameeyo xaaladaha cidda werisay, kan hore se sidaas ma aha [oo uma baahna baadhitaan]. Waxaana dhacda in la helo qaar faa’iidaynaya cilmi nadari ah (aqoon daliil iyo fiirin u baahan), marka qariinooyin la socdaan- sida la doortay.

***

Maadaama aynu ogaannay in khabarku innagu soo gaadho jidad badan oo aan tiro cayyiman lahayn, ama saddex jid iyo wax ka badan, ama laba jid, ama hal jid oo keliya, aynuna sheegnay in khabarka jidad badan ku yimaaddaa uu yahay mutawaatir, haddaba khabarkii innagu soo gaadhay saddex jid iyo ka badan (mash-huur) ama laba jid (casiis/ز) ama hal jid (qariib/غ) waxaa lagu magacaabaa Al-Aaxaad. Sida halkan ka cad, aaxaadku waxa uu u qaybsamaa saddex iyada oo la fiirinayo inta jid ee uu ku yimid: Mash-huur, casiis iyo qariib.

Cilmiga xadiiskana waxaa lagu baadhaa oo uu ku saabsan yahay waa xadiiska aaxaadka ah, ee mutawaatirka shaqo kuma laha. Sidii aan horeba u sheegnay cilmiga xadiiska waxaa loo dejiyey si loo baadho dadka Nebiga- sallal Laahu calayhi wasallam- wax ka werinaya iyo waxa ay weriyeen, iyada oo looga dan leeyahay in la kala hubiyo in warkaasi uu ka sugnaaday Nebiga- sallal Laahu calayhi wasallam- iyo in uu yahay been la dhoodhoobay. Laakiin, waxa aan soo aragnay in mutawaatirku aanu u baahnay baadhitaan iyo dabagal, maxaa yeelay suurtagal ma aha intaas oo qof in ay been isku raacaan, sidaas awgeedna waynu aqbalaynaa warkooda.

Haddaba, halkan laga bilaabo mutawaatirka ka hadalkiisii wuu dhammaaday, hadalka soo socdaana waxa uu la xidhiidhaa oo uu khuseeyaa waa aaxaadka oo keliya.

Xaafidku marka uu leeyahay “qaar la aqbalo iyo qaar la celiyaba way leeyihiin”, waxa uu ka hadlayaa noocyada aaxaadka oo ah: Mash-huur (≥3), Casiis (2), iyo Qariib (1). Taas oo uu uga gol leeyahay in aan aaxaadka sidiisa lagu aqbalayn ee baadhitaan iyo dabagal lagu samaynayo xaaladaha warka cidda werisay iyo waxa uu xanbaarsan yahayba. Markaa kaddibna qaarka shardiyadii laga rabey buuxiya la aqbalayo, kuwa laga waayana  la celinayo.

Intaa kaddib, xaafidku waxa uu taabtay masalada ah: xadiiska aaxaadka ahi muxuu faa’iidaynayaa? Waxaa laga yaabaa in aad la yaabto su’aashan, laakiin waa su’aal jirta oo culumadu ka hadlaan qolabana ay fikrad gaar ah ka qabto. Maxaa keenay su’aashan la is weydiiyo? Dib haddii aad ugu laabato mutawaatirka waxa aan sheegnay in uu faa’iideeyo cilmi iyo aqoon dhab ah oo aan shaki geli karin.

Cilmiga xadiiska waxaa loo adeegsadaa in la hubiyo sugnaanta khabarka (warka). Laakiin, warkii marka uu sugnaado waxaa imanaysa su’aasha ah muxuu faa’iidaynayaa? Su’aashan waxaa lagaga jawaabaa cilmi kale oo la yidhaahdo Usuul al-Fiqh, oo lagu barto sidii loo fahmi lahaa nuxurka aayadaha Qur’aanka iyo xadiiska Nebiga- sallal Laahu calayhi wasallam- iyo waxa axkaam ay xambaarsan yihiin.

Xusuusnoow:

(1) Wixii sugnaantiisu ay go’an tahay lana hubo boqolkiiba-boqol (100%) waxaa la yidhaahdaa waxa uu faa’iidaynayaa العلم (cilmi/aqoon).

(2) Wixii sugnaantiisu aysan go’nayn laakiin kalsoonida lagu qabaa ay aad u sarrayso, ka soo qaad boqolkiiba 99, waxaa la yidhaahdaa waxa uu faa’iidaynayaa الظن (danni/male).

(3) Wixii sugnaantiisa iyo la’aanteedu ay siman yihiin (50/50), waxaa la yidhaahdaa waxa uu faa’iidaynayaa الشك (shaki).

(4) Wixii in uusan sugnayn ay u badan tahay, ka soo qaad kalsoonida lagu qabaa ay ka yar tahay boqolkiiba 50, waxaa la yidhaahdaa waxa uu faa’iidaynayaa الوهم (wahmi/gef).

Maadaama qofku uusan macsuum ahayn waxaa suuroowda in uu khaldamo. Taasi waxa ay keenaysaa in aan warkiisa boqolkiiba 100 lagu kalsoonaan karin, ee aynu ku qiyaasi karno boqolkiiba 99. Arrinkani waxa uu culumada qaar ku kallifay in ay yidhaahdaan xadiiska aaxaadka ahi waxa uu faa’iideeya danni ee ma faa’iideeyo cilmi; mutawaatirka ayaa cilmi faa’iideeya. Qolo kale ayagu waxa ay sheegeen in uu aaxaadku cilmi faa’iideeyo, laakiin cilimigii ayey laba u kala qaadeen: midka ka dhalanaya warka ilo badan kaaga yimaadda oo naftaadu ku qancayso adiga oo aan baadhitaan iyo dabagal samaynin (mutawaatirka, القطعي), iyo midka ka dhalanaya dabagal iyo baadhitaan lagu sameeyey warka (aaxaadka, النظري).

Xaafidku waxa uu taageerayaa (marka uu leeyahay على‭ ‬المختار) in aaxaadku uu faa’iidaynayo cilmi nadari ah haddii ay warkaas raacaan qariinooyin. Tusaale ahaan, khabarka aaxaadka ah haddii ay Bukhaari iyo Muslim ku weriyeen saxiixyadooda, kalsoonida lagu qabaa way kordhaysaa, werintooduna waxa ay noqonaysaa qariino xoojinaysa kalsoonida lagu qabo warkaas, waxaana la dhahayaa waxa uu faa’iidaynayaa cilmi (nadari). Taas oo ay sabab u tahay heerka aqoonta labada sheekh gaadhsiisan tahay, sida ay ugu dadaaleen hubinta saxiixnimada xadiiska, iyo sida culumadu u aqbaleen kitaabbadooda.

Intaas oo dhani kalsooni dheeraad ayey u yeelayaan warkooda. Waxaa kale oo qariino noqon karta in ay xadiiska kala weriyaan culumo iyo imaamyo waaweyn, tusaale ahaan, Axmed ibnu Xanbal haddii uu ka werinayo Shaafici, oo Shaaficina uu ka werinayo Maalik. Warka imaamyadaas qaddarka iyo tixgelinta weyn umadda ku dhex lihi ay weriyaan qofkii maqlaa wuu ku qancayaa cilmi iyo aqoonna wuu ka korodhsanayaa. Maxaa yeelay darajadooda ayaa ka weyn kana muhiimsan in jidad badan lagu weriyo xadiiska.

Qof in yar oo aqoon ah leh dadkana kala yaqaanna haddii Maalik war u sheego waxa aan shaki lahayn in uu rumaysanayo, haddii cid kale oo la darajo ahi ay Maalik ku raacdo, warkii wuu sii xoogaysanayaa, cabsidii laga qabey in uusan sugnaynna way sii yaraanaysaa. Sidaas oo kale, waxaa qariino noqon karta in uu xadiisku yahay mash-huur oo lagu weriyey jidad saxiix ah.

Haddaba, xadiiskii Bukhaari iyo Muslim ku weriyeen labadooda saxiix, laguna weriyey jidad kala duwan, ayna kala weriyeen imaamyo darajadoodu sarrayso, waxa ay u dhowdahay in la gooyn karo runnimadiisa laguna kalsoonaan karo boqolkiiba 100. Sidaa darteed, waxaa la dhihi karaa cilmi ayuu faa’iidaynayaa.

In kasta oo aan ku dheeraannay masaladan, gebagebadu waxa ay tahay in xaqiiq ahaan khilaafkani uu ku kooban yahay erayga la adeegsanayo ee midho badan oo kale aysan ka dhalanayn. Maxaa yeelay, waa la isku raacsan in xadiiskii saxiixaba lagu camal falo, ama mutawaatir ha ahaado ama aaxaad ha ahaado e. Khilaafka noocan oo kale ah waxaa la yidhaahdaa خلاف‭ ‬لفظي.

Qaybtii Hore                               Qaybta Xigta

Ku noqo TUSMADA

Print Friendly

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *