3.1.2 Duritaanka Weriyaha

nukhbatul-fikar

ثم الطعن إما أن يكون لكذب الراوي، أو تهمته بذلك، أو فحش غلطه أو غفلته، أو فسقه، أو وهمه، أو مخالفته، أو جهالته، أو بدعته، أو سوء حفظه، فالأول الموضوع. والثاني المتروك. والثالث المنكر- على رأي-، وكذا الرابع والخامس

Dabadeed, duritaanka waxaa sabab u noqon karta weriyaha oo been sheega, ama lagu tuhmo, ama gef badnaantiisa, ama dhoohanaantiisa, ama faasiqnimadiisa, ama in uu qaab ismoodsiin ah wax ku weriyo, ama in uu khilaaf sameeyo, ama in uu yahay lama-yaqaan, ama in uu bidcoole yahay, ama in xifdigiisu xun yahay. Kan ugu horreeyaa waa al-Mawduuc. Ka labaadna waa al-Matruuk. Ka saddexaadna waa al-Munkar, sida aragti lagu sheegay, ka afraad iyo ka shanaadna waa sidaas oo kale [al-Munkar].

 

Sababta labaad ee warka qaadashadiisa lagu diidi karaa waa weriyaha oo la duro, iyada oo la dhaleecaynayo cadaaladdiisa (in uusan cadli ahayn) iyo sugnaanta warkiisa.

Weriyaha waxaa lagu dhaleecayn karaa toban oo shani ay la xidhiidho cadaaladdiisa, shanina ay la xidhiidho habka uu warka u sugo (dabd: الضبط).

Jaantus 3.3: Tobanka arrimood ee keeni kara in weriyaha la duro warkiisana aan la qaadanin.
Jaantus 3.3: Tobanka arrimood ee keeni kara in weriyaha la duro warkiisana aan la qaadanin.

 

  1. Been sheegid: in uu ogaan usoo tebiyo war aan ka sugnaanin Nebiga- sallal Laahu calayhi wasallam. Waana waxa ugu xun ee weriyaha lagu eedayn karo.
  2. In lagu tuhmo been sheegid: oo uu soo tebiyo war been ah oo aan laga maqlin isaga cid aan ka ahayn. Sidaas oo kale, in uu caadi ahaantiisa beenta sheego, yuusanba xadiiska been ka sheegin e.
  3. In uu gef badan yahay.
  4. In uu dhoohan yahay oo uusan si sugan usoo tebin karin warkii.
  5. In uu yahay faasiq, oo uu ku hadlo ama sameeyo waxyaalo anshaxa wanaagsan iyo diinta ka hor imanaya.
  6. In uu moog yahayba waxa uu werinayo oo uu qaab ismoodsiin ah wax ku weriyo.
  7. In uu khilaafo dad warkooda iyo dadnimadoodaba lagu kalsoon yahay (الثقات).
  8. In uu yahay lama-yaqaan, oo aan ammaan (tacdiil) iyo dhaleecayn (tajriix) toona loo haynin.
  9. In uu bidco ku dhaqmo, taas oo ah aaminaadda wax lasoo cusboonaysiiyey oo ka hor imaanaya sidii laga yaqaannay Nebiga- sallal Laahu calayhi wasallam-.
  10. In xifdigiisu liito oo gefkiisu ka badan yahay inta uu haleelayo.

Weriyihii tilmaamahan laga helo isaga iyo warkiisuba waxa ay noqonayaan daciif oo lama qaadanayo. Maadaama qof si ulakac ah been uga sheegay Nebiga- sallal Laahu calayhi wasallam-, iyo mid xifdigiisu liito oo gef ka dhacay aysan isku mid ahayn, daciifku waxa uu leeyahay heerar kala duwan.

Qaybtii Hore                               Qaybta Xigta

Ku noqo TUSMADA

Print Friendly

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *