3.1.2.1 Al-Mawduuc

 

nukhbatul-fikar

Al-Mawduuc (الموضوع) xadiiska lagu magacaabaa waa mid weriyihiisu yahay beenaale (كذاب) laguna kalsoon yahay ama loo badinayo in la allifay, ee uusan lahayn mid laga soo tebinayo Suubbanahii- sallal Laahu calayhi wasallam-.

Calaamado badan oo lagu garan karo warka la allifay ayaa jira, waxaana ka mid ah qofkii oo isagu qirta. Waxaa kale oo lagu garan karaa in uu ka hor imaanayo Qur’aanka ama Sunnada mutawaatirka ah, ama ijmaac (xukun la isku raacay) aan shaki lahayn, ama wax caqliga ku cad oo aan marnaba macne kale qaadan karin.

Mararka qaar, xaaladda warku ku yimid baa laga garan karaa. Nin la odhan jirey Ma’muun ibnu Axmad ayaa goob uu joogey lagaga hadlay khilaaf ka jira in taabiciga Xasan al-Basrii uu Abuu Hurayrah la kulmay waxna ka weriyey iyo in kale. Islamarkiiba waxa uu soo dareeriyey sanad ilaa Nebiga- sallal Laahu calayhi wasallam- gaadhaya oo sheegaya in Nebigu- sallal Laahu calayhi wasallam- yidhi: “Xasan wax waa uu ka maqlay Abuu Hurayrah.”!!!

Sababo badan ayaa qofka ku kallifa in uu falkan fooshaxun ku kaco: diinlaawe (zindiiq) in uu yahay, uuna uga dan leeyahay kharribidda diinta, jaahilnimo in ay u geyso, in uu rabo in uu dadka jeclaysiiyo khayrka (mid la odhan jirey Maysarah ibnu Cabdi Rabbih oo allifay axaadiis ka hadlaysa fadliga suuradaha Qur’aanka markii la weydiiyey sababta ku kalliftay waxa uu ku jawaabay: “waxa aan arkay dadkii oo Qur’aankii kasii jeestay, oo in aan ku jecleysiiyaan u allifay.”), ama casabiyad iyo mad-hab ama aragti u hiilin in ay ka keento, ama taageero siyaasadeed, ama raalligelinta qof aqood leh, ama in uu sheego wax aan hore loo maqlin si uu ugu soo shaac baxo oo uu caan ku noqdo. Sidaas awgeed, waxaa jirta axaadiis badan oo mawduuc ah oo magaalooyin, waddan, qabiil, cunto, iyo wax la mid ah lagu ammaanayo.

Waxaa dhacda in weriyuhu allifo war aan jirin, ama inta uu soo qaado hadal hore u jirey oo aan xadiis ahayn, ama xadiis daciif ah, uu ku dhejiyo sanad saxiix ah. Sidaas oo kale, waxaa dhacda in uu xadiis sugan qayb dheeraad ah ku daro.

Khaliifkii Cabbaasiga ah ee al-Mahdii (Haaruun ar-Rashiid aabbihii) ayaa waxa uu aad u jeclaa in uu ku ciyaaro shimbirta qoolleyda (xammaamta). Maalin isaga oo shimbirtii ku ciyaaraya ayaa waxaa u yimid nin la odhan jirey Qiyaas (غياث) ibnu Ibraahiim. Fursad uu khaliifka iskaga dhiso ayaa u muuqatay markaas ayaa uu goobtii ku allifay xadiis ku saabsan fadliga ay leedahay in qoolleyda lagu ciyaaro! Xadiis jirey baa uu ku daray qayb qoolleyda ku saabsan! Khaliifku nin aqoon leh ayaa uu ahaa sheekadiina waa uu fahmay, waxa uuna amar ku bixiyey in qoolleydii la qalo!

Dhanka casabiyadda, qolyo necbaa Imaam Shaafici ayaa iyaguna allifay xadiis macnihiisu yahay “ummaddayda waxaa kasoo dhex bixi doona nin la yidhaahdo Muxammad ibnu Idriis, oo dadka uga shar badan Ibliis”!

Xayeysiiska ganacsiga iyo cuntaduna meesha kama maqnayn, oo xadiisyo badan oo mawduuc ah oo cunto gaar ah ammaanaya ayaa jira. Laakiin, Alle mahaddii, culumadu waa ay caddeeyeen, kutubbo bandanna waa ay ka qoreen.

Qisooyinka ugu cajiibsan ee baabka al-mawduuca waxaa ka mid ah tan. Imaam Axmad ibnu Xanbal iyo Yaxyaa ibnu Maciin oo masjid Baqdaad ku yaalla ku tukanaya ayaa nin kuwa dadka u sheekeeya (Qassaas; القصاص) ahi istaagay oo bilaabay in uu “xadiis” akhriyo:

حدثنا أحمد بن حنبل ويحيى بن معين قالا حدثنا عبد الرزاق عن معمر عن قتادة عن أنس قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: من قال لا إله إلا الله خلق الله كل كلمة منها طيرا منقاره من ذهب وريشه من مرجان

Waxay noo warrameen Axmad ibnu Xanbal iyo Yaxyaa ibnu Maciin, waxay yidhaahdeen waxaa noo warramay Cabdurrasaaq oo ka weriyey Macmar oo ka weriyey Qataadah oo ka weriyey Anas, inuu yidhi: Rasuulkii Alle- sallal Laahu calayhi wasallam- waxa uu yidhi: “…”

Labadii caalim inta ay is-eegeen baa ay yidhaahdeen haddaa noogu horraysa! Waa ay aamuseen intii uu ka dhammaynayey. Isna inta uu dhawr dirham dadkii ka qaatay baa uu fadhiistay. Yaxye ayaa u gacan haadiyey, oo markii uu u yimid weydiiyey “xadiiskan yaa kuu sheegay?” Waxa uu ku jawaabay “Axmad ibnu Xanbal iyo Yaxyaa ibnu Maciin.” Yaxyaa u jawaabey oo yidhi “Anigu waxa aan ahay Yaxye ibnu Maciin, kanina waa Axmad ibnu Xanbal, waxan aad sheegaysana weligayo ma aannan maqlin e, haddii aad been sheegaysid cid kale ka sheeg.”

“Ma adigaa Yaxye ibnu Maciin ah?”

“Haa.”

“Weligayba waxa aan maqli jirey Yaxye ibnu Maciin waa nacas! Haddaanse ogaaday.”

“Sidee ayaa aad ku ogaatay in aan nacas ahay?”

“Ma waxa aad mooddeen in aysan adduunka joogin Yaxye ibnu Maciin iyo Axmad ibnu Xanbal aan idinka ahayn? Waxa aan wax ka qoray 17 Axmad ibnu Xanbal iyo Yaxye ibnu Maciin.”!

Imaam Axmad gacanta inta uu wejiga saaray ayaa uu yidhi “iska dhaaf ha kaco e.” Halkii baa uu ka kacay isaga oo ku jeesjeesaya labadii caalim.

Sheekadani waxa ay ahayd mid loogu talogalay in lagu tusaaleeyo sida dadka qaar u allifaan xadiiska iyaga oo dheef ku raadinaya. Laakiin, sida muuqata iyada ayaan jirinba oo la allifay! Imaam Dahabii kitaabkiisa Siyar Aclaam an-Nubalaa’ (11/86) waxa uu ku sheegayaa in aysan raad lahayn ee ay u badan tahay in uu allifay nin la yidhaahdo al-Bakrii.

Nebiga- sallal Laahu calayhi wasallam- oo been laga sheegaa waa xaaraan, waxa ayna ka mid tahay kabaa’irta (dembiyada waaweyn). Xadiiskii aynu qaybta mutawaatirka kusoo marnay waa kii ahaa “qofkii igu been abuurtaa booskiisa naarta ha ka diyaarsado.” Culumada Islaamku waxa ay isku raaceen xaaraantinimada in la weriyo mawduuca, haddii aan la caddaynin in uu sidaas yahay.

Qaybtii Hore                               Qaybta Xigta

Ku noqo TUSMADA

Print Friendly

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *