ثُمَّ الْإِسْنَادُ: إِمَّا أَنْ يَنْتَهِيَ إِلَى النَّبيِّ -صَلَّى اللَّهُ تَعَالَى عَلَيْهِ وَسِلَّمَ-، تَصْرِيحًا، أَوْ حُكْمًا: مِنْ قَوْلِهِ، أَوْ فِعْلِهِ، أَوْ تَقْرِيرِهِ. أَوْ إِلَى الصَّحَابِيِّ كَذَلِكَ وَهُوَ: مَنْ لَقِيَ النَّبيَّ -صَلَّى اللَّهُ تَعَالَى عَلَيْهِ وَعَلَى آَلِهِ وَسَلَّمَ- مُؤْمِنًا بِهِ، وَمَاتَ عَلَى الْإِسْلَامِ ، وَلَوْ تَخَلَّلَتْ رِدَّةٌ فِي الْأَصَحِّ. أَوْ إِلَى التَّاَّبِعِيِّ: وَهُوَ مَنْ لَقِيَ الصَّحَابِيَّ كَذَلِكَ.
فَالْأَوَّلُ: الْمَرْفُوعُ، وَالثَّانِي: الْمَوْقُوفُ، وَالثَّالِثُ: الْمَقْطُوعُ، وَمَنْ دُونَ التَّابِعِيِّ فِيهِ مِثْلُهُ، وَيُقَالُ لِلأَخِيرَيْنِ: الْأَثَرُ.
وَالْمُسْنَدُ: مَرْفُوعُ صَحَابِيٍّ بِسَنَدٍ ظَاهِرُهُ الْاتِّصَالُ.
Dabadeed, isnaadku waa in uu si cad ugu dhammaado Nebiga- sallal Laahu calayhi wasallam-, ama ugu dhammaado xukun ahaan, iyada oo laga faalloonayo hadal uu yidhi, ama fal uu sameeyey, ama wax isaga oo og la sameeyey oo uusan diidin (taqriir). Ama uu sidaas oo kale ugu dhammaado saxaabiga, waana qof la kulmay Nebiga- sallal Laahu calayhi wasallam– isaga oo rumaysan, kuna dhintay islaamnimo, labadaa haba u dhaxayso riddo uu ka toobad keenay e, sida saxda ah. Ama waa in isnaadku ku dhammaadaa taabiciga, waana qof sidaas oo kale la kulmay saxaabiga.
Kan hore waxaa la dhahaa al Marfuuc. Kan labaadna: al Mawquuf. Kan saddexaadna: al Maqduuc. Cid taabiciga ka dambaysa haddii uu ku dhammaadana waa isla al Maqduuc. Waxaana dhacda in labada dambe (al Mawquuf iyo al Maqduuc) lagu tilmaamo al Athar.
Al Musnad-na waxaa la yidhaahdaa marfuuc saxaabi weriyey oo sida muuqata isnaadkiisu xidhiidhsan yahay.
Isnaadka (Sanad/ Jid)
Isnaadku waa jidka lagu gaadho warka, waxa uuna ka kooban yahay silsiladda weriyeyaasha kala qaatay warkaas ilaa laga gaadho ishii warkaasi ka soo fulay, oo ah meesha uu ku dhammaado isnaadku. Silsiladda isnaadku waxa ay taxnaan kartaa ilaa Nebiga- sallal Laahu calayhi wasallam– ama waxa ay ku dhammaan kartaa saxaabiga, ama taabiciga, ama cid kale oo ka dambaysay. Haddaba, iyaga oo fiirinaya isha warku ka soo fulay ayaa culamadu magacyo kala duwan ku tilmaameen hadba silsiladda isnaadku meesha ay ku dhammaato.
Al Marfuuc
Haddii hadalka laga soo weriyo Nebiga- sallal Laahu calayhi wasallam-, oo tusaale ahaan la yidhaahdo: Nebigu- sallal Laahu calayhi wasallam– waxa uu yidhi ama sameeyey… warka noocaas ah ee Nebiga- sallal Laahu calayhi wasallam– loo tiiriyey waxaa lagu magacaabaa al Marfuuc (المرفوع).
Marfuucnimada xadiisku waxba kama sheegayso heerka xadiiska ee saxiixnimo, xasannimo ama daciifnimo, ee waxa ay tilmaamaysaa oo keli ah in Nebiga- sallal Laahu calayhi wasallam– laga weriyey. Xadiis kasta oo lagu bilaabo Nebigu- sallal Laahu calayhi wasallam– waxa uu yidhi ama sameeyey ama…. waa marfuuc. Khasabna ma aha in sanadku xidhiidhsanaado, ee haddiiba ay jiraan wax tusinaya in Nebiga- sallal Laahu calayhi wasallam– laga soo xigtay ama loo tiiriyey waxa uu noqonayaa marfuuc.
Xadiiska marfuuca ah haddii sanadkiisa ay ka muuqato in uu xidhiidhsan yahay waxaa lagu magacaabaa al Musnad. Sidaas darteed, musnadku waa qayb ka mid ah marfuuca.
Erayga marfuuc (مرفوع) waa magac ka soo jeeda رَفْع, oo ah kor yeelid ama kor u qaadid. Markaa, waa wax kor loo qaaday ama la kor yeelay. Waxaana looga jeedaa in xadiiskaas kor loo qaaday oo Nebiga- sallal Laahu calayhi wasallam– la gaadhsiiyey. Xadiiska marfuuca ahi waxa uu ku iman karaa siyaabo badan oo ay ka mid yihiin:
-
Nebigu- sallal Laahu calayhi wasallam– waxa uu yidhi…
-
Nebigu- sallal Laahu calayhi wasallam– waxa uu sameeyey…
-
Nebigu- sallal Laahu calayhi wasallam– waxa uu arkay…
-
Nebigu- sallal Laahu calayhi wasallam– waxa uu faray/amray…
-
Nebiga- sallal Laahu calayhi wasallam– oo jooga ayaa sidaa la sameeyey (mana diidin) …
-
Waxa aan maqlay Nebiga- sallal Laahu calayhi wasallam– oo dhahaya…
-
Waxa aan arkay Nebiga- sallal Laahu calayhi wasallam– oo…
-
Iyo wixii la mid ah.
حدثنا الحميدي عبد الله بن الزبير قال حدثنا سفيان قال حدثنا يحيى بن سعيد الأنصاري قال أخبرني محمد بن إبراهيم التيمي أنه سمع علقمة بن وقاص الليثي يقول سمعت عمر بن الخطاب رضي الله عنه على المنبر قال سمعت رسول الله صلى الله عليه وسلم يقول: إنما الأعمال بالنيات وإنما لكل امرئ ما نوى فمن كانت هجرته إلى دنيا يصيبها أو إلى امرأة ينكحها فهجرته إلى ما هاجر إليه. متفق عليه.
وعن علي بن ابي طالب رضي الله عنه قال: جعل رسولُ اللهِ صلَّى اللهُ عليهِ وسلَّم ثلاثةَ أيامٍ وليالِيَهُنَّ للمسافرِ، ويومًا وليلةً للمُقيمِ . أخرجه مسلم.
Xadiiska hore waa marfuuc, maxaa yeelay saxaabigu waxa sheegay in uu maqlay Nebiga- sallal Laahu calayhi wasallam– oo dhahaya…. Xadiiska labaad isaguna waa marfuuc oo waxa uu ka hadlayaa fal uu sameeyey Nebigu- sallal Laahu calayhi wasallam-. Haddaba, marfuucu waa xadiis ku saabsan Nebiga- sallal Laahu calayhi wasallam– hadalkiisii, falkiisii ama ogolaanshihiisii (taqriir), kaas oo silsiladda isnaadkiisu ku dhammaato Nebiga- sallal Laahu calayhi wasallam-, ha ugu dhammaado si cad (sida: waxaan maqlay Nebiga- sallal Laahu calayhi wasallam– oo dhahaya…) ama xukun ahaan ha ugu dhammaatee (fiiri hoos: Mawquuf qaatay xukunka Marfuuca).
Al Mawquuf
Marka isnaadku ku dhammaado saxaabi oo uusan gaadhsiisnayn Nebiga- sallal Laahu calayhi wasallam– ayaa lagu magacaabaa mawquuf. Erayga mawquuf waxa uu ka yimid وَقْف ama joojin. Sidaas awgeed, mawquuf waa mid la joojiyey oo aan dhaafin saxaabiga. Sida uu Ibnu Xajar sheegayna, saxaabigu waa qof la kulmay Nebiga- sallal Laahu calayhi wasallam– isaga oo rumaysan, kuna dhintay islaamnimo, haba dhacdo in uu mar riddoobay, sida saxda ah. Odhaahda dambe waxa ay tusaysaa in khilaaf ka jiro qeexidda saxaabiga, taas oo faahfaahinteeda aan halkan lagu tilmaami karin.
حدثنا محمد بن العلاء حدثنا حفص – يعني ابن غياث- عن الأعمش عن أبي إسحق عن عبد خير عن علي رضي الله عنه قال : لو كان الدين بالرأي لكان أسفل الخف أولى بالمسح من أعلاه وقد رأيت رسول الله صلى الله عليه وسلم يمسح على ظاهر خفيه. أخرجه أبو داود بإسناد حسن.
عن زبيد بن الصلت قال سمعت عمر-رضي الله عنه - يقول: إذا توضأ أحدكم ولبس خفيه فليمسح عليهما وليصل فيهما ولا يخلعهما إن شاء إلا من جنابة. أخرجه الدارقطني.
Labadan xadiis waxa ay tusaale u yihiin mawquufka, waxa aadna arkaysaa in aan Nebiga- sallal Laahu calayhi wasallam– lagu darin ee warku saxaabiga ka soo fulay; Cali iyo Cumar- Alle ha ka raali ahaado e-.
Mawquuf qaatay xukunka Marfuuca
Waxaa jirta qayb mawquufka ka mid ah laakiin lagu tiriyo marfuuca, qaadatana xukunka marfuuca. Taas oo macnaheedu yahay in warkaasi ka soo fulay Nebiga- sallal Laahu calayhi wasallam– yuusanba saxaabigu caddaynine, waa meesha uu Ibnu Xajar leeyahay “أَوْ حُكْمًا”. Tusaale ahaan: haddii saxaabigu ka hadlo waxyaalo waxyi keli ah lagu ogaan karo, sida maalinta Qiyaame waxa dhici doona, ama arrin ku saabsan xalaal iyo xaaraan, ama in uu yidhaahdo “sunnada waxaa ka mid ah…”, ama “waxaa nala faray/ nala ka reebay”, ama “waxa aan samayn jirnay..” iyo wixii la mid ah, intuba xukunka marfuuca ayaa ay qaadanayaan. Maxaa yeelay saxaabigu isha keli ah ee uu warkan ka qaadan karaa waa Nebiga- sallal Laahu calayhi wasallam-, sidaas awgeed ayaa loo siiyey xukunka marfuuca.
Saxaabada qaar ka mid ah ayaa jirey oo wax ka bartay reer Banuu Israa’iil, taas oo ku saabsanaan karta waxyaalo qayb ah ama loo qaadan karo in ay Nebiga- sallal Laahu calayhi wasallam– ka werinayaan. Nasiibwanaagse waa la yaqaanna saxaabadaas, culamaduna dabagal ayaa ay ku sameeyeen hadallada ay dhici karto in ay Israa’iiliyaat yihiin, waana ay caddeeyeen.
Xadiiskan waxa uu tusaale u yahay mawquufka qaadanaya xukunka marfuuca.
حَدَّثَنَا أَبُو سَعِيدٍ الْأَشَجُّ حَدَّثَنَا يُونُسُ بْنُ بُكَيْرٍ عَنْ مُحَمَّدِ بْنِ إِسْحَقَ عَنْ عَبْدِ الرَّحْمَنِ بْنِ الْأَسْوَدِ عَنْ أَبِيهِ عَنْ عَبْدِ اللَّهِ بْنِ مَسْعُودٍ قَالَ: مِنْ السُّنَّةِ أَنْ يُخْفِيَ التَّشَهُّدَ.
أخرجه الترمذي. صححه الالباني.
Al Maqduuc
Isnaadka xadiisku marka uu ku dhammaado taabici ama cid ka sii dambaysa, sida taabicu taabici, waxaa loo yaqaannaa maqduuc. Erayga maqduuc waxa uu ka soo jeedaa قَطْع ama goyn. Sidaas awgeedna waxa uu ka dhigan yahay mid la gooyey oo aan gaadhsiisnayn Nebiga- sallal Laahu calayhi wasallam-.
Waxaa dhacda in mawquufka (xadiis sanadkiisu ku egyahay saxaabiga) iyo maqduuca (xadiis sanadkiisu ku egyahay taabiciga ama cid ka sii dambaysa) la wadaajiyo magac oo lagu tilmaamo al Athar )الأَثَرْ( oo macnaheedu yahay raad. Waxaa laga yaabaa in aad maqasho athar laga soo weriyey saxaabi ama athar laga soo weriyey taabici, iyo wixii la mid ah, oo macnahoodu yahay xadiis mawquuf (kan hore) ama maqduuc (kan dambe) ah.
Marfuuca, mawquufka iyo maqduuca in la kala saaraa waa lagama-maarmaan, si hadalka Nebiga- sallal Laahu calayhi wasallam– iyo hadalka dadka kale aan la isugu khaldin. Maxaa yeelay, hadalka Nebiga- sallal Laahu calayhi wasallam– waxaa ka dhalanaya xukun sharci ah. Nebiga- sallal Laahu calayhi wasallam– wax uusan odhaninna in loo tiiriyo waa been-abuur ciqaabtiisu aad u weyn tahay. Alle ha innaga badbaadiyo. Aamiin.
Ku noqo TUSMADA