Home / Abwaan / Raage (Saturn)

Raage (Saturn)

Waa meeraha labaad ee ugu weyn bah-qorraxeedka. Waxaa gudihiisa geli kara ilaa 763 dhul! In kasta oo uu aad u weyn yahay, cuf badan ma laha oo dhulkaa 8 jeer ka cuf weyn. Biyahaa ka cuf weyn, sidaas awgeedna waxaa la yidhaahdaa haddii la sameeyo baaf biyo oo meerahan qaadi kara (!) sidii kubbad ayuu dul heehaabi lahaa fudayd awgii.

Saturn_vs_Earth
Isbarbardhigga Dhulka iyo Raage.

Raage waa meeraha ugu dambeeya ee dadkii hore yaqaanneen, ishana lagu arki karo. Labada ka dambeeya isha laguma arki karo.

Sidii Cirjiidh (Jupiter) ayaa uu ka samaysan yahay hawo (gas), waxaana lagu tilmaamaa GAS GIANT, ama waaweyne hawo ka samaysan. Waxa ugu badan oo uu ka samaysan yahay haaydrojiin iyo hiiliyam.

Sawirkan waxaa qaaday fagaagbuldiyaha Kasiini (Cassini). NASA
Sawirkani waxa uu muujinayaa maraaraha Raage, waxaana qaaday fagaagbuldiyaha Kasiini (Cassini).

Raage (Saturn) waxa uu caan ku yahay maraaro (rings) ku hareeraysan. Dhexroorka maraarahani waa 270, 000 kiiloomitir. Maraarahan waxa ay ka samaysan yihiin beref iyo dhagxaan baaxadahoodu kala duwan yihiin. Dhulka marka laga eego waxa ay u muuqdaan hal maraar oo weyn.

Raage waxa uu dhidibkiisa ku wareegaa 10.2 kii saacadoodba hal mar, halka dhulku qaato 24 saacadood. Sidaas awgeed, maalinteennu waxa ay ka badan tahay laba maalmood oo Raage la joogo. Maadaama uu qorraxda aad uga fogyahay, 29.5 keenna sanaba hal mar ayaa uu qorraxda ku wareegaa. Taas oo macnaheedu yahay in halkiisa sano u dhigmo 29.5 sannad dhuleed. Waana sababta ay Soomaalidu ugu magacawday Raage.

Heerkulkiisu waa qabow aad ah, -178oC. Cufisjiidadkiisu wax yar ayaa uu kan dhulka ka weyn yahay, oo walaxda 100 kg Dhulka ku ah, Raage waxay noqonaysaa ilaa 107 kg.

Inta aynu hadda ognahay, Raage waxaa ku meera ilaa 62 dayax oo uu ugu weyn yahay Taaytan (Titan).

Dayaxa Taaytan (bidix, hoos) waa uu ka weynyahay dayaxeenna.
Dayaxa Taaytan (bidix, hoos) waa uu ka weynyahay dayaxeenna.

Ilaa afar Fagaagbuldiye ayaa xog innooga soo diray Raage. Waxa uu innoo jiraa ilaa 1.2 bilyan kiiloomitir.


Maxaad ku dari lahayd?


Xigasho

NASA

Wikipedia

Print Friendly

Comments

comments

Check Also

Bayooloji: Nolol-Aqoon (Biology)

Waa laanta sayniska dabiiciga ah ee la xidhiidha barashada noolaha iyo hababkooda nololeed. Eraygu waxa ...

Farraarre (Mars)

Farraarre waa meeraha afraad ee bah-qorraxeedka, waana meeraha dhulka ugu dhow, baaxad ahaanna waxa uu ...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *