“Adaa karis iyo kulayl ku cunee
Kalmoon Yicib kayd ma leeyahay?”
Magacyada
Af soomaali: Yicib. dad Jicib u qorayana waan arkay.
Af ingiriisi: Yeheb.
Saynis: Cordeauxia edulis.
Yicibku geed ma aha ee waa miro. Geedka ay mirahaasi ka baxaan waxa la yidhaahdaa “Gud”. Waa geed xor ah (wild) oo cid beerataa ma jirto. Geedka guddu waa mid ka mid ah dhirta qiimaha leh ee ka baxa geeska Afrika. Waxa uu ka baxaa dhulka il-bannaanka ah ee badhtamaha iyo xuduudka Soomaaliya-Itoobiya (sida ay reer Yurub u dhigeen). Waa geed dhexe ama dhirta sare ku tirsan. Waxa uu kor u baxaa qiyaas ahaan 1.6m, mar marna aad ayuu u dheeraadaa illaa 4m ayuu gaaraa. Dhirta xididdada dheer dheer ayuu ka mid yahay, 3m ku dhawaad ayuu dhulka galaa. Waa dhirta aan gu’ iyo jiilaal midab guurin, xoolaha gudda cuna diraac iyo doogba baruurtoodu isma dhinto. Waxa kale oo lagu gartaa neefka gudda cuna lafihiisa iyo kaadidiisuba guduud dhiin ah ayaa ay noqdaan, qofka soo gurana calaacalaha wax aad mooddaa in uu dhiig darsaday. Waa geed ulo ulo ah oo aan lahayn sal midaysan, laamihiisa inta la jaro ayaa guryaha lagu dhistaa waxaa na la dhahaa “Sarab”. Soomaalidu muddo qarniyo ah ayaa ay geedkan manaafacaadsan jireen. Shisheeyihii u horreeyay ee ka hadla 1871 waxa wax ka qoray nin talyaani ah oo la odhan jiray Robecchi.
Anigu carruurnimadiiba gudda iyo yicibku wax ay ka mid ahaayeen dhirta iyo miraha aan ku garaadsaday. Maadaama oo aan deegaan u ahayn mid ka mid ah meelaha uu ugu badan yahay yicibku Soomaaliya; waa dhulka ciidka la yidhaahdo ee gumaystihii reer Yurub ay xuduudka inoo mariyeen. Wax uu baxaa xilliyada roobka, roob kastena ma aha ee waa marka laba sano oo barwaaqo ahi isu raacaan. Xilligaas oo kale dadka wixii dhex degganina waa ay gurtaan, ciddii ka durugsanna waa ay u soo safraan, awr ayaa ay u soo rartaan, dadna waa loo soo qaybiyaa. “Arah” baa la yidhaahdaa dadkaa, oo way arheen baa la odhanayaa. Mirta yicibka ahi marxalado badan ayaa ay martaa, dadka yaqaanna magacyo ayuu u kala leeyahay. Waxa ka mid ah magacyadaas: 1. Cir u jeed 2. Dib u day 3. Gees 4. Kalmoon iyo qaar kale. Haddii aan hadda faah faahi is idhaahdo qoraalka ayaa igu dheeraanaya.
Ka sokow guddaas ciideed ee anigu aan ku dhashay, waxa jirta sida aan maqlay gud kale oo ka baxda gobolka Galgaduud. Gudda aan anigu aqaannay yicibkeedu waxa uu u baxaa hal hal iniin ah, wax aanse maqlay gudda Galgaduud ka baxda in ay mataano dhasho–Aabbahay ayaa sidaa igu yidhi oo ah nin waayeel ah deegaanka na aad u yaqaan. Labadaa meelood ka sokow, adduunka meel kale oo aan gud ku maqlay waxa jirta waddanka Eratareya. Teenna oo kale ahaa iyo ka duwanaa se ma ogi.
Weli hannaan dawli ah loo ga ma faa’iidaysan geedkaan. 1975 dawladdii Maxamed Siyaad Barre waxa ay meegaartay 50ha oo ka mid gudda ciideed. Laakiin, nasiib darro mashruucaasi ma guulaysan. Sababaha curyaamiyay dadka deegaanku waa ay sababeeyaan. Hadda weli astaantii meegaarka (tarrajeegii) waa ay muuqataa dhulka u dhexeeya Bursaalax iyo Gambarey. Sida aan maqal ku hayo, waxa kale oo jirtay marar badan oo la isku dayay in la beero geedka gudda, se lagu fashilmay gude iyo mar dibad loo dhoofiyay ba.
Suugaanta geedkaas ku soo aroortay waa ay badan tahay waxaana ka mid ah miraha dhaantada ah ee aan halka cinwaanka dhigay, oo ah miro deegaanka aan ku soo barbaaray caan ka ah. Waxa kale oo ka mid ah gabay hal xidhaale ah oo aan isna in badan maqli jiray:
Gud iyo yicib gaydhiyo maraa geeda tira dhaafay
Haddaad gabay nin shaacira ku tahay goynka ka hikaadi?
Ninkii lagu hal xidhaaleeyayna waxa uu ku hal furay:
Gud iyo yicib gaydhiyo maraa waysla laba geede
Garaad laawayahow maannagaa garan aqoon waynay.
Fadhi iyo Fuud Yicib la isku Waa
Qaybtan aan ku bilaabo hadallo aan ka soo minguuriyay dood cilmiyeed dhirta ku saabsan oo dhex martay abwaanno waawayn, oo ay ka mid yihiin Aw Daahir Afqarshe, Cabdi Dhegawayne, Fiqi Buraale iyo Axmednuur Yuusuf oo daadihiye ka ahaa doodda, Alle ha u wada naxariisto dhammaan. Waa raggii Akaadeemiyadda Dhaqanka iyo Hiddaha Soomaaliya ka hawlgali jiray. Aw Daahir Afqarshe wax uu yidhi hadal sidan u dhignaa ama u dhawaa:
“Geedka gudda wax ay saaxiib yihiin oo meel ka wada baxaan Qabada iyo Jeerinka. Muuqaal ahaan wax uu u egyahay higlada, oo marka aad ka fogtahay Higlay yar baad moodaysaa ama Qalaanqal. Xagga waxtarka dhirtii aannu ka soo sheekaynay wax ay ila tahay kanu lambar wankii buu noqonayaa, waayo mirihiisu sanado ayaa ay oollaadaan oo markaa waa wax raandhiis leh. Macaanka geed ka macaan inoo ma baxo. Sidii loo beeri lahaa baanan garanayn oo waddanka loo gaarsiin lahaa, wax aan ku malagalayaa haddii la soo rogo oo dhulkaan bacaadka ah la keeno Shalaambood iyo in uu k bixi lahaa, haddii aanu mira dhalinna bacaad celinta ayaa looga faa’iidaysan lahaa.”
Fiqi Buraalena wax uu yidhi: “geedka yicibtu wax uu ka baxaa dhulka hawdka raacsan ee camuudda jilicsan leh, nugaasha iyo dhulka didibka ah ka ma baxo. Mirihiisa aad ayaa loo jecelyahay oo soomaalidu wax ay ku maah maahdaa “fadhi iyo fuud yicibeed la isku waa”. Anigu yicib ma beerin mana guran, se wa aan cunay, markii iigu horraysay ee aan yicib arkay wax ay ahayd baan u malaynayaa 1933dii”
Dhegaweyne wax uu isna ka yidhi: “geedka guddu meesha uu ka baxo waxa la yidhaahdaa gudda oo isma haysato guddu waa toon toon iyo wareeg wareeg. Anigu waan dhex istaagay waxana aan gartay in geedkaan quruumo ina ga horreeyay ay beereen, oo ay u kala seeraysnaan jirtay guddu”
FG: Hadallada sidoodii uma aan soo xigan.
Intaa haddaan ka soo gudbo, weydiinta ugu badan ee qoraalkii hore la iga soo waydiiyay wax ay ahayd: geedka yicibta ma la beeri karaa? Dabcan haa, waa la beeri karaa. Geedka gudku wax uu ka mid yahay dhirta lafta adag ee aan dhuuxa lahayn. Ulihiisu waa misir aan jabin. Waana sababta guryaha carshaanta ah loogu dhisto, 50 sano ku dhawaad ayuu gurigaasi taagnaan karaa haddii aboorka iyo dhiqlaha laga ilaaliyo. Sidaa awgeed ma aha geed laantiisa la tallaali karo, sida dhirta lafta debecsan ee ay xodayga, xagarka, iyo salaamacadu ka midka yihiin. Gudda waxa laga beeri karaa mirta ay dhasho ee yicibka ah –inta aan la dubin. Markeeda horeba gudda waxa beera bahalka yar ee dabaggaalaha! Yicibka ayuu aad u jecelyahay. Wakhtiga ay yicibtu baxdo dabaggaaluhu (tukulushku) waxa uu isku dayaa in uu kayd diraacda u dhigto, miraha uu soo gurto ayaa uu qaar xabaashaa, inta badan waa uu ka habaabaa oo dib uma helo. Mirta halkaa ku aasan ayaa kolka roob qabto geed ahaan u soo baxda. Dadkuna mirta waa uu beeray waana ay u soo baxday, mar iyo laba ka badan. Se wax aanan weli maqlin gud la beeray oo mira dhashay. Sababtana wax ay ila tahay geedkaani waa geed dhega adag oo raaga, inta timirtu ku dhasho iyo ku dhawaad wax aan u malaynayaa in ay ku dhali lahayd haddii la beero.
Marxaladaha mirta yicibka ahi marto ayaa ii haray, haddii ilaah idanka ka dhigo waan ku soo darayaa.
Gebagabada wax aan idin ka codsanayaa: 1. In aad ila wadaagtaan haddii ay jirto meel kale oo geedka gudda ahi ka baxo iyo wixii aqoon ah oo aad ka haysaan 2. Gobolada dhexe ma Jicib ayaa laga dhahaa miraha gudda mise Yicib? Miraha se sidee ayaa ay u bixisaa guddaasi, ma lammaanyihiin mise waa hal hal?
Halkan ka dhageyso wareysi ay BBCdu la yeelatay Dr Muna Ismaaciil oo ku saabsan faa’iidada ay yicibtu leedahay.http://www.bbc.com/somali/maqal_iyo_muuqaal/2016/07/160708_geedka_yicibka