Home / Abwaan / Cirjiidh (Jupiter)

Cirjiidh (Jupiter)

Waa meeraha shanaad, uguna weyn bah qorraxeedka. Toddobada meere ee kale oo la isku daray ayaa uu 2.5 jeer ka cuf weyn yahay. Toddobada kaleba gudihiisa ayaa ay geli karaan. Dhulka haddii la barbardhigo, waxa uu qaadi karaa 1300 oo dhul!
NASA
Isbarbardhigga Dhulka iyo Cirjiidh. NASA
Dayaxa iyo Waxaraxir (Venus) marka laga reebo, waa jirka cirka ugu kaaha badan.
Planetary_Conjunction_over_Paranal_wiki
Afarta jir ee cirka ugu kaaha badan. © ESO/Y. Beletsky. [CC BY 4.0]
Meerahan iyo saddexda ka dambeeyaaba waxa ay afarta ka horreeya kaga duwan yihiin, ma laha oogo adag oo dhagax ah oo waxa ay ka samaysan yihiin hawo (gas). Waxaa lagu tilmaamaa GAS GIANTS, ama waaweyneyaasha hawada ka samaysan.
Cirjiidh waxa uu ka samaysan yahay neefaha xiddiguhu ka samaysan yihiin, oo sida qorraxdeena ayaa uu haaydrojiin iyo hiiliyam u badan yahay. Waxaa la qiyaasaa haddii uu baaxaddiisa 80 jeer ka weynaan lahaa in uu xiddig (sida qorraxda) ahaan lahaa.
Cirjiidh waxa uu caan ku yahay Barta Weyn ee Cas (Great Red Spot) oo ah duufaan ay baaxaddiisu 3.5 jeer dhulka ka weyn tahay.

In kasta oo uu aad u weyn yahay, haddana waa meeraha wareeggiisu ugu dhakhsaha badan yahay oo waxa uu dhidibkiisa ku wareegaa 10 kii saacadoodba hal mar, halka dhulku qaato 24 saacadood. Sidaas awgeed, maalinteennu waxa ay u dhigantaa ilaa laba maalmood iyo badh marka Cirjiidh la joogo. Laakiin, maadaama uu qorraxda aad uga fogyahay, 12 keenna sanaba hal mar ayaa uu qorraxda ku wareegaa. Taas oo macnaheedu yahay in halkiisa sano u dhigmo 12 sanad dhuleed.
Heerkulkiisu waa qabow aad ah, oo daruuraha oogadiisu waa -145oC. Cufisjiidadkiisu ilaa 2.5 jeer ayaa uu ka dhulka ka awood badan yahay, oo haddii culayskaagu yahay 45 kg marka aad dhulka joogtid, Cirjiidh haddii aad tagtid waxa aad noqonaysaa ilaa 108 kg.
Inta aynu hadda ognahay, Cirjiidh waxa uu leeyahay ilaa 67 dayax, oo kii ugu dambeeyey waxaa la helay 2011 kii. Afarta ugu waaweyn waxaa daahfuray saynisyahankii Gaalaleyo (1610 Miilaadi) kaddib markii uu adeegsadey  diirad (telescope). Waxaa la kala dhahaa Gaanimiidh (Ganymede), Kalistow (Callisto), Aayow (Io), iyo Yurowba (Europa). Gaanimiidh waa uu ka weyn yahay meeraha Dusaa (Mercury), waana dayaxa ugu weyn bah qorraxeedka. Yurowba waxaa ku daboolan baraf biyood.

Fagaagbuldiyeyaal toban ku dhow ayaa loo diray ilaa 1979 kii. Kii ugu dambeeyey oo lagu magacaabo Juuno (Juno) waxa uu gaadhay 5 tii Luulyo 2016, isaga oo sii socdey muddo shan sano ah. Marka aynu isugu dhownahay, Cirjiidh waxa uu innoo jiraa 588 milyan oo kiiloomitir. Marka uu ugu fogyahayna waxaa innoo dhexeeya 968 milyan oo kiiloomitir.

Maxaad ku dari lahayd?

Xigasho

NASA
Print Friendly

Comments

comments

Check Also

Bayooloji: Nolol-Aqoon (Biology)

Waa laanta sayniska dabiiciga ah ee la xidhiidha barashada noolaha iyo hababkooda nololeed. Eraygu waxa ...

Farraarre (Mars)

Farraarre waa meeraha afraad ee bah-qorraxeedka, waana meeraha dhulka ugu dhow, baaxad ahaanna waxa uu ...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *