Waa laanta sayniska dabiiciga ah ee la xidhiidha barashada noolaha iyo hababkooda nololeed. Eraygu waxa uu kasoo jeedaa laba eray oo af-Giriig ah oo la israaciyey; bios “nolol”, iyo, ,-logos “barashada”.
Maanta laamaha saynisku aad baa ay isugu darsameen, soohdimihii u dhaxayn jireyna waa ay sii baaba’ayaan. Sidaas awgeed, laan saynis oo keligeed goonni u taagani ma jirto. Bayoolojigu waxa uu aad xidhiidh ula leeyahay laamaha kale ee sayniska, sida kimistariga iyo fiisigiska.
Bayoolojigu waxa uu u kala baxaa laamo hoosaad. Barashada dhirta (botany), barashada xayawaanka (zoology), barashada unugyada (cytology/ cellular biology), hiddaha iyo hiddesideyaasha (genetics), molikuyuullada nolosha (biochemistry), barashada falalka nololeed (physiology) xidhiidhka ka dhexeeya noolaha iyo degaankiisa (ecology).
Barashada bayoolojigu waa lama huraan. Tusaale ahaan, aqoonta bayoolojigu waxa ay lama huraan u tahay helidda cuntada, iska dhawrista iyo iska dawaynta cudurrada, iyo wixii la mid ah.
Cid gaar ah oo cilmigan dejisay ma jirto. Waa aqoon soojireen ah oo socotay intii Aadane joogay. Aadam- calayhis salaam- waa tii la kala baray magacyada waxyaalihii jirey oo idil, waa na tii looga digey geedkii, ilaa uu Ibliis ku boorriyey in ay isaga iyo Xaawo- calayhas salaam- cunaan.
Xadaaradihii Mesobataymiya, Masar, Hindiya, Shiinaha, Giriiggii Hore, iyo Roomaankii, intuba aqoontan waa ay ku dedaali jireen waxna waa ay ku kordhiyeen. Culumadii Muslimiinta ahaa ee cilmigan wax ka qoray waxaa kamid ahaa al-Jaaxid oo qoray buugga caanka ah ee Kitaab al-Xayawaan. Waxaa iyaguna wax ka qoray labadii caalim ee al-Raazii, iyo Ibnu Siinaa. Gaar ahaan Ibnu Siinaa waxa uu ka tagey qoraallo badan oo ku saabsan caafimaadka iyo samaynta dawooyinka. Ilaa iyo qarnigii 11d aqoonta bayoolojigu waxa ay ahayd mid inta badan ku kooban Muslimiinta loogana dambeeyo, waxa ayna ku qornayd af-Carabi. Wixii intan ka dambeeyey ayaa ay ku faaftay Yurub, iyada oo ka soo gashay dhankii Muslimiinta iyo kitaabbadoodii oo af-Laatiin loo turjumey.
Aqoonta bayoolojigu waxa ay aad u kobocday oo ay horumar aad u sarreeya gaadhay kaddib markii la sameeyey weyneeyaha (microscope) qarnigii 17d ee miilaadiga. Horumarkii ugu weynaa, oo lagu tilmaami karo “Kacdoon Bayooloji” waxa uu dhacay kaddib markii kontomeeyadii la daahfuray DNA-da iyo hiddesideyaasha, taas oo innoo furtay adduun yaab badan oo innaga qarsoonaa, ilaa iyo haddana aan laga sal gaadhin.
Astaamaha Nolosha
Waxaa jira astaamo guud oo ka dhexeeya wax kasta oo noole lagu tilmaami karo, kana maqan manoolaha. Astaamahan ayaa fikrad cad innaga siin doona waxa aynu uga jeedno “nolol” iyo baabka bayoolojigu ka hadlo.
1 Dheefsasho ama Nafaqaysi (Nutrition): nafaqaysigu, sida cuniddu, waa astaan ay wadaagaan dhammaan nooluhu. Waxaana ay cuntadooda ka helaan degaanka ay ku nool yihiin ee ku hareeraysan. Waxa nooli waxa ay cuntada ka helaan tamar ay ku qabsadaan hawlahooda kala geddisan ee ka dhacaya habdhisyada jirkooda.
Waxa ay tamartu suuragelisaa nooluhu in ay qabsadaan hawlahooda nololeed ee kale. Waxaa kale oo ay cuntadu dhistaa oo ku kora jirka noolaha. Curisyada cuntada ku jira ayaa waxa ay ka mid noqdaan dhismaha jirka ee noolaha, gaar ahaan qaybta borotiinka ah ee cuntada ku jirta ayaa waxa ay ku shaqo leedahay dhismaha iyo kabista jirka. Jirkeenna iyo cuntada aynu cunnaa waxa ay ka siman yihiin iskudhisyada kiimikaad ee ay ka samaysan yihiin.
2 Neefsasho (respiration): nooluhu cunnada uu quuto inteeda badan waxa uu u adeegsadaaa dhalinta tamar u suuragelisa qabashada hawlaha nololeed ee kala geddisan, sida makiinaduhuba u qaataan shidaal ay tamar ka dhaliyaan. Habka nooluhu tamarta uga dhaliyo cunnada ayaa lagu magacaabaa neefsasho, waana adeegsi ka duwan macnaha caadiga ah ee eraygaas loo yaqaanno. Noolaha oo idil, marka laga reebo in yar oo baakteeriya ah, waxa ay hawada ka qaataan oksijiin ay cunnadii ku gubaan, iyaga oo isla markaana hawada ku daraya kaarboon laba-oksaaydh (CO2), iyo uumi-biyood. Gubidda cunnadu uma baahna heerkul badan, ee waxaa ku filan heerkulka jidhka noolaha.
3 Qashinsaar (excretion): firfircoonaanta iyo hawlaha jirka nooli qabanayo waxaa ka dhasha waxyaallo qashin ah oo loo baahan yahay in jirka dibadda looga saaro haddii la doonayo in jirku si caafimaad qabta u shaqeeyo oo uu hawlihiisa u qabsado. Noolaha oo idil waa ay ka siman yihiin tilmaantan qashinsaarka. Waana astaan u gaar ah waxa nool oo lagu garto in ay nololi jirto. Waxyaalaha qashinka ah ee jirka laga saaro waxaa ka mid ah dhididka, kaadida iyo saxarada.
4 Dhaqaaq (movement): tani waa awoodda uu nooluhu ku tegi karo meesha uu ku sugan yahay meel aan ahayn iyada oo aysan awood dibadda ka timidi riixaynin. Xayawaanka intooda badani waa ay dhaqaaqaan si ay u qabatimaan degaanka ay ku nool yihiin. Dhaqaaqu noolaha waxa uu u suurageliyaa in ay cunto raadsadaan, ka cararaan in ay cunto u noqdaan mid ka itaal roon, in ay helaan hoy, iyo si ay u raadsadaan lammaane ay wada tarmaan. In kasta oo uu dhaqaaqu yahay astaan lagu garto noolaha, waxa ay u gaar tahay xayawaanka iyo qayb yar oo dhirta ka mid ah.
5 Koris iyo Kabis (growth and repair): koristu waa miisaanka ama culayska iyo jimidhka jirka waxa nool oo intoodii hore ka bata. Nafaqaysiga intii tamar ahaan loo adeegsaday mooyaan e intii kale waxa ay ka mid noqotaa jirka noolahaas. Sidaas awgeedna waxaa kor u kaca culayska, jimidhka iyo dhererka noolahaas, taas oo aynu ku tilmaanno koritaan. Noole kastaa waxa uu leeyahay da’ uu ku dhammaysto korista.
Jirka nooluhu aad ayaa uu u firfircoon yahay oo ilbiriqsigiiba tiro falal kiimikeed oo aan la qiyaasi karin ayaa ka dhex dhacaya. Walxo ayaa burburaya kuwo kalena waa ay dhismayaan. Noolaha waxaa astaan u ah in ay kabi karaan jirkooda, oo ay beddeli karaan ama kabi karaan wixii beddelaad ama kabitaan u baahan. Tusaale ahaan, 27kii maalmoodba mar ayaa uu maqaarkeennu iscusboonaysiiyaa, oo kii hore inta uu dhaco ayaa mid kale booskiisi galaa. Korista iyo kabistuba waa astaan ka mid ah astaamaha nolosha ee aan laga helin manoolaha.
6 Taran (reproduction): taranku waa awoodda nooluhu ku dhalaan wax la mid ah oo u eg ayna isku sinji yihiin. Taranku waa waxa qur ah ee lagu ilaaliyo laguna dhawro mustaqbalka noolaha. Nooluhu waxa uu dhalaa da’o cusub oo ay isku sinji yihiin kuwaas oo sii wada siijiritaanka sinjigooda.
7 Dareen (sensitivity): nooluhu waxa ay degaankooda kala kulmayaan waxyaabo badan. Mana noolaan karaan haddii aanay helin hawo, biyo, cunto iyo heerkul ku habboon noloshooda. Haddaba si ay nololi ugu suuragasho, nooluhu waa in ay qaabilaan oo qabatimaan wax allaale wixii ay kala kulmaan degaankooda, taas oo u baahan in ay ogaadaan waxa degaankooda ka dhacaya. Ogaanshahaas ay kula socdaan xaaladaha degaanka ku hareeraysan iyo jawaabaha (response) ay ka bixiyaan carisyada (stimuli) kaga imanaya degaankooda, ayaa la yiraahdaa dareen. Sidaas awgeed, dareenku waa astaan ka mid ah astaamaha u gaarka ah nolosha ee lagu garto waxa nool.
Haddaba bayoolojiga waxaa lagu bartaa sida ay nooluhu u fuliyaan hawlahan astaamaha u ah nolosha.
Waxaa jira noole aan soo hoos gelin aqoonta bayoolojiga, sida malaa’igta iyo jinka. Noolaha bayoolojiga lagu bartaa waxa ay ka samaysan yihiin maatar; atammo iyo wixii ka dhisan. Sida aynu ogsoon nahayna malaa’igta waxaa laga abuuray nuur (ilays), jinkana waxaa laga abuuray olol. Maadaama labadaasiba yihiin tamar (energy), aqoonta bayoolojiga ee maanta jirtaa waxba kama sheegi karto noolahaas kale. Astaanta ugu muhiimsan nolosha oo ah joogitaanka nafta ayaan iyadana bayoolojigu ka hadlin, ka na hadli karin. Sideedaba baabkaas waxaa aqoontiisa isku koobay Alle- kor ahaa e- markii uu yidhi
(قل الروح من أمر ربي)
Sidiisaba, saynisku waa abuurta Alle- noole iyo manooleba-, oo loo fiirsado, loo kuurgalo, tijaabooyinna lagu sameeyo si wax looga barto, iyada oo la adeegsanayo hannaan sugan. Waa dedaal aadane oo socda, maalinba maalinta ka dambaysana sii kobcaya. Wax badan oo mar hore aqoon fiican loo haystay ayaa maanta laga tagey, kaddib markii la daahfuray aqoon kale oo burinaysa. Magafe waa Alle- kor ahaa e; aqoonta keli ah ee aan gef iyo iskahor-imaadtoona lahaynina waa waxyigiisa. Sidaas awgeed, aqoon aadane faraha ku hayo marka la baranayo, maan iyo maskax furan in lagu qaabilaa waa lama huraan. Waxyiga Alle mooyaan e, wax kale oo dhan aad isaga hubi, oo sii qodqod, haddii aad wax dhaama heshana iskaga tag.
Xigasho
Bayoolojiga Dugsiga Sare 1
Bayoolojiga Dugsiga Sare (Manhajkii dawladdii Kacaanka)
Encyclopaedia Britannica
Wikipedia
Adoo wayn walaala yaal in badan wax waan LA faaidnay Allah hanaga Dhigo kuwii wax badman kabarta