Home / Tartan / Halgamaa Soomaaliyeed – Sayid Maxamed

Halgamaa Soomaaliyeed – Sayid Maxamed

Curiskii ku guuleystay kaalinta labaad ee Tartan-curiseedka Aw Jaamac ee Taariikhda

“10,86,400 daqiiqo ayaa filimku socday. Qaybta akshanka, dagaalka legdinta, sabbaaxadda, tuuryada iyo gannida hootada, leeb iyo seefaha ka kooban ayuu ku bilowday. qaybta fardooleyda iyo rukuubleyda awrta ku guurta ayaa ku lifaaqnayd. Qaybta ifanteriga iyo qoryaha xabbad kelyaalaha u dhaca, boobayaasha iyo gadhli-gaanka ayaa ku xigtay. Taargoyn, ismaqiiq, qar is ka xoor iyo geesinimo ayaa qaybaha cabsida lagu soo dhex googooyey.

Waxaa dhextaal u ahaa bandhigga, astaamo badan oo ka mid tahay Dublamaasiyadda, aftahamo, gabayo, heshiis wadareedyada iyo maslaxad wadaag. Dhanka kale qudh-gooyo, gaadmo, oofwareeen, wanjalaadda, fiid-gud, Ballan furka, heshiis ka baxa iyo shirqooladdu waa lama kala fulaan. Waxaa lagu metelay, masaaxo ballaadhan oo kumanaan kiilomitir ah, waxaa lagu dhigay in ka badan 80 qalcadood, waxaa ka qayb galay boqolaal kun oo askar ah. Dhalashooyinka jilayaasha oo isugu jiray, Biritish, Hindi, Afrikaan iyo Soomaali dhinac ka safan iyo Soomaali dhinaca kale ka safan awgeed, dheelli-wayn ayaa ka muuqday dhinaca kayd-tamareedka is waajahaadda balse, karti caqiido iyo awood iimaaneed ayaa lagu dheellitirayey shidaal na u ahaa sii socoshada halganka.

Ugu danbayntii samada iyo daruuraha dushooda ayaa la isula baxay, awoodo aan isu dheellitirnayn awgeed wuxuu kusoo afmeermay natiijo aan farxad lahayn. Waa markii u horraysay ee deegaanka qorraxda badan ee bariga qaaradda maarriinka ah ay aragto haad maahee, aadane samada wax ka weeraraya. Sababtoo ah filinka ayaa waxaa metelaaddiisa qayb ka ahaa, boqortooyadii aan calankeeda qorraxdu ka dhici jirin – England”

Waa maalin kamid ah maalmihii sanadkii 1898kii bilowga iyo diyaarinta bandhigani. Magaalada Caynaba galbeedkeeda ceel ku yaal oo lagu magacaabo Qorya-wayn ayaa laga abaabulay. Magaca Daraawiish ayaana loogu wanqalay. Weji qurux badan oo cibaado iyo dikri ku dhisan ayaa bud-dhig u ahaa. Duubcad iyo tusbax awliyaad ayaa baadi sooc la isugu afgartay. Halkaasaa shalaadku kasoo bilowday, waase dabadheeraa.

Arbaha Gadh-wadeenka ka ahaa

Arbaha (Atooraha) mashaahida yaabka iyo amakaagga badan qoray, ee ay maskaxdiisa ka soo burqatay, islamarkaa na metelay wuxuu dhashay muddo ay ka soo wareegtay markaasi, afartameeyo sano. 1856 ama 1864 ayaa loogu muransan yahay dhalashadiisa. Maxamed Shiikh Cabdille Xasan waxaa isu dhalay Timiro Seed Magan (Carro) iyo Shiikh Cabdille Xasan Nuur. Gu’ billaa oo barwaaqo badnaa oo ku caan baxay Gobaysane ayuu dhashay, balliga Sac-ma-deeq oo degmeda Buuhoodle la deris ah ayaa xuduntiisii ku aasan tahay, jidhkiisa intii kale waxaa lagu aasay – markii koowaad Buurta Iimay, balse mar danbe, ayaa loo wareejiyey Jaljali oo ka tirsan degmada Gindir – Deegaan Soomaali Galbeed.

Tacliintiisii

Wuxuu culuumta diiniga ah iyo shareecada islaamka ku bartay isla deegaanka uu ku dhashay oo uu xerow ka ahaa. Maadaama uu ka dhashay qoys ku taxaluqa diinta barashadeeda iyo baristeeda, wuxuu safarro aqoon raadis ah ku kala bixiyey, gobolka Hawd ama deegaanka Soomaali Galbeed iyo Muqdisho. Sidoo kale wuxuu jaanta sii dhigay illaa magaalada barakaysan ee Makka ee dalka Sucuudiga isagoo la sheego inuu soo noqodkii cagta soo mariyey Wadanka Masar iyo Suudaan ah – walow uu muran ka taagan yahay tegitaankiisa Suudaan iyo Masar, halkaas oo uu ku noolaa tusaalihiisii, Mahdigii Suudaan.

Yoolka Daraawiish

Daraawiish markaan rabno inaan wax ka sheegno, laba siyaabood baan u imtaaxani karnaa sheegisteena, inaan cuskano kaydka suugaanta, iyo inaan ku qiimayno haykalka taariikhiga ah. Markaan ka hadlayno yoolkii daraawiishta – waxaan adeegsaday kelmedda yool ma adeegsan ujeedo waayo ujeedadu waa talaabooyinka la qaadayo balse yoolku waa meesha loo socdo iyo natiijada ugu danbaysa, waxaan kasoo dhanbali karnaa hannaanka taariikhiga ah ee ay noolaayeen iyo duruufaha taariikh-deegaameed jaangoynayey fekerkooda.

Haddaan qaadano, hogaamiyihii iyo hagihii dhaqdhaqaaqan, Sayid Maxamed Cabdille Xasan, wuxuu noolaa nuskii danbe qarnigii 19aad iyo bilowgii qarnigii 20aad, wuxuu ku noolaa geeska afrika. Xogta, xeeladda iyo xaaladda xilligaas iyo xaddigaas jirtay marka baalasha taariikhda laga fiiriyo, waxaan heli karnaa xajmiga yoolka uu ku riyoonayey. Marka intaas lagu daro, gidaar-gadaalkiisa ogaaleed, ama waayo-aragnimadiisa iyo waxbarashiisa wax badan ayaan bidhaamin karnaa oo ka halacsan karnaa.

Ma jirin fikradda Soomaali wayn, ma biya dhigan hannaanka qowmiyadaha iyo wadaniyadda xuduudaha casriga ah ee uu jeexay gumaystuhu, mana caddayn fikradda dawladnimadu iminka la yaqaan. Balse waxaa jirtay, khilaafo islaami ah, waxaa jiray imaarado dawlado khilaafada hoos taga oo amiirada ama lasoo magacaabo ama la aqoonsado kadib markay meesha qabsadaan. Fikradda imaaradda islaamiga ah, inay ku jirtay waa laga yaabaa, waayo waxaa taariikhda ku xusan in Sayidku isku dayay ama xidhiidh la lahaa Turkida. Sidoo kale waxaa la sheegaa inuu ballan la soo galay, ku siman in illaa xoolo loo diro Shiikh Maxamed Saalix uu jiray, aasaasihii dariiqada Saalixiya, oo ku tirsanaa Sayid Maxamed. Shiikhaas oo fadhigiisu ahaa Makka.

Wuxuu ahaa wadaad suufi ah, taas macneheedu waxaa weeyaan gidaar-gadaalkiisa aqooneed wuxuu ku xayndaabnaa kutubta shareecada iyo culuumta diiniga ah. Waaya aragnimo deegaameed oo ka kasbaday deegaamo badan oo isaga tallaabay, sida taariikhdu werinayso, ayuu lahaa. Marka intaas lagu daro saamiga garaadkiisa (IQ) oo sarreeyey, waa ta u sahashay inuu isku dubbarido dhaqdhaqaaqa baaxadda wayn lahaa. Xajmiga iyo baaxadda dhaqdhaqaaqan daraawiisheed, tallaabooyinka ay qaadayeen iyo dhamaan falalkooda istiraatiijiga ah waa laga dheehan karaa waxay damacsanaayeen.

Sayidku inuu ku riyoonayey imaarad islaami ah oo uu amiir ka yahay, kana kooban isku dhaf reero Soomaaliyeed ah, Balse xuduudeedu aanay caddayn ayaa aad loogu doodi karaa. Waayo, waxaa jira Suugaan badan oo uu ku cabbirayo, rabitaankiisa dowladda ama imaaraddaas islaamiga ah.

“Haddaan waayey Caynoo naqliyo inaan Nugaal daaqo
Miyaan waayey neef aan xarbada naallo ugu fuulo
Haddaan waayey calan lay nashiro taniyo Nayroobi
Miyaan waayey nuurkii janniyo daalac iy naasil
………………………..”

Isku soo duuboo, yoolka daraawiishtu wuxuu ahaa inay dad Soomaaliyeed u sameeyaan dawlad Soomaaliyeed, intay doonto ha leekaato, siday doontana haw ekaatee. Balse waxaa joongooyaha waayuhu ku qasbay inuu dariiqadiisii saalixiya ku hawl galo, ugana faaiidaysto ujeedooyin badan oo guud iyo kuwo gaar ba.

Markay galeen heshiiska saddex geesoodka ahaa – Ingiriiska, Talyaaniga iyo Daraawiishta ee uu hor boodayey Peztalozze oo ahaa ergey Talyaani ah, waxay awood u heleen, inay maamulaan deegaan baaxad ahaan aan yarayn oo iyaga saldanadooda ku hoos jira, inta u dhaxaysa Garacad illaa baaxadda deegaanka loo yaqaan Nugaal oo ku siman gobolka Sanaag iyo dhamaan gobolka Sool iyo gobolka Togdheer, deegaanka Hawd illaa iyo Dannood. walow aanay kansho u helin inay deganaansho iyo xasilooni ku sii wadaan, iyadoo taasi caqabad ku ahayd danaha istaariitijiga ah ee dhinacyada kale ee heshiiska. Hadda na, Midhaha heshiis kaas daraawiishtu ka guratay, walaw ay ka faaiideen, aad bay xaddidnaayeen.

Haddii ay adeegsan lahaayeen, dumlaamisiyad ku dhisan aragti fog, waxay awoodi lahaayeen, in aqoonsigaas ay kasbadeen ay ka midha dhaliyaan oo ugu yaraan dhidibada u taagaan jiritaan siyaasi ah oo awood leh. Balse aragtida hagaysay halganka waxay ahayd, mid ku salaysan dareen qofeed iyo iyo duruufo deegaankooda ku jaan go’an.

Bilowgii Halganka

Wuxuu ka bilowday deegaanka hawdka Burco, bandhiggii koowaad damaashaad. Waxaa fardo iyo rag banaanbax ugu ambabaxeen deegaamadii ku xeernaa, degmada Qorya-weyn. Si kastaba ha noqotee wejiga ay ku bilaabatay waxay ahayd, wejigii culimada siyaaro doonka ah lagu yaqaanay, wayna kasbadeen dareenkii diiniga ahaa ee bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwii aaggaas ku dhaqnaa oo ay siiyey rag iyo xoola ba.

Markii xigtay sidii lagu yiqiin ama laga filayey, cid walba oo xiligaas noolayd, wuxuu dhex tegay Sayid Maxamed iyo ciddii taabacday -Daraawiish, oo ay garab iyo gaashaan bideen tolkii uu reer ahaan ka dhashay iyo tolkii abtiyaashii. Wuxuu ku horreeyey deegaanka abtiyaashii, laakiin kuma raagin, is fahmi waa siyaasadeed awgeed wuxuu u hayaamay deegaankii reer tolkii – Haradigeed. Balse muddo yar ka dib fadqalalo siyaasadeed iyo xamaasad qabyaaladeed oo wildhatay awgeed, kadib markii shirqool loo maleegay – Gurdubi, wuxuu mar labaad u soo hayaamay dhanka abtiyaashii.

Wuxuu isku dayey inuu heshiis saaxiibtinimo la galo qaar kamid ah awoodihii siyaasadeed ee markaasi Soomaalida dhexdeeda ka jiray, laakiin qaar badan oo kamid ah kuma guulaysan.

Dagaallada sida qasabka ah ku bilowday, ee aan kala go’a lahayn, waxaa ugu horraysay maalinkii ceelka Jigjiga ciidamada Xabashida iyo culimadii Sayid Maxamed la socotay foodda isku dareen 5tii Maarso 1900. Saanadii iyo qoryihii ugu horraysay ee gacanta Daraawiish soo gasha na waxay ahayd, intii ay dagaalkaas ku furteen, oo ay ka heleen ciidamadii ay la dagaalamayeen.

Wixii maalintaas ka danbeeyey, waxay ahayd, “Dagaal Hool Maan”. Maalin na lama fadhiisan habeenna lama ledin. Waxaa isa soo bahaystay boqorkii Itoobiya, Gumaystihii Talyaaniga, Ingiriiskii. Saddexda geesood baa lagu talo galay in laga soo weeraro, laakiin nasiib wanaag, marna maysan dhicin in qorshahaasi sidii loo dhigay u fulo.

Mar walbo oo la soo allifo, saddexda qolo midkood ayay ka bariiqanaysay. Saddexda qolo hal mar dagaal kumay kulmin. Balse mar ba qolo ayay Daraawiishta meel iska helayeen. Sida ka muuqata jaantuska sare oo caddaynaya magacyada iyo taariikhaha goobaha ugu caansan ee dagaaladu ka dheceen xilligii Daraawiish, dagaalada ugu badani waxay dheceen intii u dhaxaysay, 1900-1710 iyo 1917-1921. Waayo wakhtiga u dhexeeya labadas taariikhood waa xilligii hoosaasinta. Waxaa heshiis beenaad aan wax midho ah u sidin Daraawiishtu la gashay Ingiriis ka iyo Talyaaniga.

Xarumaha daraawiisheed

Illaa iyo markii la aasaasay dhaqdhaqaaqa daraawiish, waxay degeen meelo fara badan. Xarumaha Daraawiisheed ama siday iyagu isu yaqaaneen xarunta Dariiqada, waxay ku teedsan yihiin inta u dhaxaysa Togdheer, Taleex, Ayl, Jiidali, Iimay iyo illaa Haradigeed. Kuwani waa xarumihii uu saldhigga ka dhigtay Sayid Maxamed, balse waxaa jira Iyana meelo badan oo kale oo laamo daraawiishta ka tirsan xarumo u ahayd, sida Beledwayn iyo Webi Shabeelle.

Meel walba oo daraawiish xarun ka dhigato waxay ka dhisi jireen Qalcad. Tirada qalcadaha Daraawiish dhisatay, waxay kor u dhaafayaan 80 qalcadood, kuwaas oo ku firidhsan daafaha deegaamada Soomaalidu degto.

Xarunta ugu waynayd ee Daraawiish degtay, qalcadaha ugu cajiibka badan na ka dhisatay, waxaa weeye Taleex. Silsilad, Daawad, Daar-ilaalo iyo Fiyaad dhamaantood waa raadad taariikheed oo weli nool.

Halganka iyo Hogaaminta Sayid Maxamed

Sida uu ciwaanka uga dhigay, qoraaga Masriga ahi (Abdisabuur) buugga uu kaga hadlayo halgankii daraawiishta, wuxuu ahaa halgamaa Soomaaliyeed, oo si wayn loo aqoonsan yahay. Taageerayaashiisu waxay ugu yeedhi jireen “AABBE” ama “SAYIDII”, waxay amarkiisa u fulin jireen si indha la’aan ah, waxay na u haysteen mahdi loo soo diray. Halka qaar ka mid ah falanqeeyayaasha taariikhdu na ay aad u dhaliilsan yihiin. Waxay ku eedeeyaan qaabkii hogaanka Sayid Maxamed ula dhaqmay, (1) ciddii ka hor timaadda, (2) Soomaalidii aan raacin iyo (3) Dadkii Ingiriiska la heshiiska ahaa. Kuwa hore wuu ka takhalusi jiray, si kasta oo ay ugu dhow yihiin, ama nafsiyan ayuu u dili jiray, ama jismiyan ayuu adduunka uga qarin jiray ba! Qolada labaad, iyo qolada saddexaad iyagu agtiisa way ka sinnaayeen, labadooda ba xoolohooda na waa dhici jiray, raggooda na waa layn jiray. Taas oo uu ku kasbaday canaan iyo lacanad aan weligii ka hadhayn.

Si kastaba ha noqotee, marka il-dhexdhexaad ah lagu eego, iyadoo laysu miisaamayo xukun taariikheedka xilliga uu ku soo beegsamay, iyo duruufaha uu wajahayey, wuxuu ahaa nin ku haftay, una dhaqmaya nin qoyani biyo iskama dhowro, raba na inuu biyaha carqaday ka dhex kalluumaysto, balse shebegii libaax badeed ka jiidhay.

Shakhsiyadda Maxamed Cabdille Xasan:

Wuxuu ahaa wadaad. Sharciga diinta iyo fahanka islaamka aad buu u yaqaanay. Wuxuu ugu dhaqmi jiray, siduu u fahamsanaa, wuxuu na ahaa suufiyo badhaxla – xadrada, siyaarada, raatubka iyo qasaaidka madiixu agtiisa lama taabtaan ka yihiin. Haddii asalka wadaadada xilligaas noolaa ahaa, suhdiga, xalaal miiradka iyo ka dhowrsashada howlaha adduunyada iyo ku dedaalista camalada aakhiro, halkaas wuu kaga duwanaa. Wuxuu ahaa mid kamid ahaa raggii noolaa casrigiisa, kuwaas oo uu la wadaagay in badan kamid ah sifaadkooda. Wuxuu ahaa aftahan gabyaa ah, nooca 40 jirka ku doobbi dillaacsada ayuu ahaa. Nin naftiisa aad ula dhacsan, ku qanacsan oo aan hadal looga danbayn, talo iyo toosinna lagula dhicin ayuu ahaa.

Salfudaydka, aargoosiga iyo geesinimadu gaadhsiisan qar-iska-tuurnimada waxay ahaayeen sifaadka ku qaalibka ah ragga xilligaas, sayidkuna wuxuu ahaa mid kamid ah. Sifaadkan, oo ahaa kuwa raga qiimaha u yeeli jiray, waxay sababeen in badan oo kamid ah dhabarjabayada ku dhacay Daraawiish. Go’aamada ku dhisan laab-la-kaca, kelitalisnimo iyo ku tagri fallida taladu waxay ahaayeen astaamo aad uga dhex muuqda taariikhda halgankii Fashilmay ee Daraawiishta.

Dhanka kale haddaynu eegno sifada ciidamada daraawiishta, waxay ahaayeen geesiyiin, daacad ah. Gaalo nacaybka iyo diin jacaylka waxay uga dhigmeen qarniyadii hore ee muslimiinta, balse waxaa ka maqnayd xikmaddii hogaaminta. Markaad u fiirsato, shirqoolada, jabka, fashilka iyo ballanka baxyada ugu waawayn ee ka dhex dhacay, ama ku dhacay Daraawiish, waxay ahaayeen kuwo wuu sababay khaladaad ka dhacay hogaamiyaha daraawiishta. Tusaale ahaan, shirqoolka Gurdubi iyo shirqoolka Canjeel-tala-waa, labada ba waxay taariikhdu xusaysaa inay ahayd sababta kelliftay gefaf – kas ama kama kay doonaan ha noqdeene, ka dhacay Sayid Maxamed.

Doorka Gabayga

Gabaygu wuxuu ahaa mid kamid ah hubka ugu wayn ee ay adeegsan jireen Daraawiishtu. Hogaamiyaha daraawsiishta, Sayid Maxamed wuxuu ahaa halkaraan waynaan ku doobbi dilaacsaday (Naabigho ah), oo gabayga ku dagaalama. Sidoo kale ragga suugaan yahanka ah ee daraawiishta ah aad bay u tira badnaayeen, waxay na lahaayeen meeqaam iyo xidigo dheeraad ah.

Ujeedooyinka gabayga loo adeegsan jiray waxaan kusoo koobi karnaa; (1) Ciidamada ayaa lagu guubaabin jiray, lagu kicin jiray, lagu dhiirigelin jiray colka na waa lagu abaabuli jiray.  (2) Waxaa baa layskaga celin jiray, oo gabayga waxaa loo adeegsan jiray dano difaac ama weerar. Sababtoo ah, marar badan ayaa af lagu soo weerari jiray Daraawiishta, sidaas awgeed wax bay iskaga dhicin jireen. (3) Taariikhda ayaa lagu kaydin jiray, dhacdooyinka na waa lagu waarin jiray.

Sidaas awgeed, gabaygu wuxuu u ahaa udub dhexaad halganka daraawiishta. Wuxuu ugu jiray halka maanta warbaahinta casriga ahi ugu jirto caalamka. Wuxuu ahaa mid aan sina ba looga maarmi karayn, sidaas awgeed ayaa gabyaaga loogu abaal marin jiray, looguna maamusi jiray qusum gaar ah, marka madal laga hadlayo iyo marka geel la helo. Hasha gabaygu, waxay ahayd, saami u gooni ah gabyaaga colka la socda, qaybta guudna sideeda ayuu uga saami qaadan jiray.

Daraawiish iyo Kacaankii

Dawladdii kacaanka ee dhalatay waddanka Soomaaliya 1969kii, ee uu hogaaminayey Maxamed Siyaad Barre, waxay daraawiish u aqoonsatay, dhaqdhaqaaq wadani ah, oo mudan in la xuso oo la xasuusto. Waxay dedaal gelisay sidii taariikhdii Daraawiisheed loo soo uruurin lahaa, loo qori lahaa loo na buunbuunin lahaa. Waxay uga dhistay caasimadda Muqdisho, taallo wayn oo lagu xasuusto.

Waxyaabaha dabada ka riixay, in taariikhda daraawiisheed ay buunbuuniso dowladda kacaanka ah; waxaan dhihi karnaa, iyadoo aysan jirin dhaqdhaqaaq kale oo u dhigma oo sumaddaas qaadan karta. Xiliga ay kusoo beegmeen oo ahaa, xilli kala bax, muddo kooban ka dibna dunidu sawir kale yeelatay. Sidaas awgeed waxaa loo qaatay astaan halgan xorriyadeed.

Dhab ahaantii Daraawiish ma ahayd dhaqdhaqaaq Wadani ah? Ma ahaayeen kuwo halgamayey Samaynta Qaran Soomaaliyeed? Waa suaal dood badan la geli karo, mar lagaga jawaabo karo ‘MAYA’, sababto ah ma jirin hadaf cad oo u qornaa ama ay shaaciyeen oo la xidhiidha fahanka dowladda casriga ah ee aynu iminka naqaan, si loo dhaho qaranimada Soomaaliyeed ayay u halgamayeen. Mar kale na lagaga jawaabi karo ‘HAA’, waayo waxaaa lagu doodi karaa hadday guulaysan lahaayeen in hankoodu gaadhi lahaa aasaasidda qaran Soomaaliwayn, balse aysan gaadhin oo ay jabeen. Si kasta ba ha noqotee, Daraawiish waxay ahaayeen, dad Soomaaliyeed oo la dagaalamay Gumayste shisheeye, una dhiidhiyey anafo Soomaaliyeed, sidaas awgeed ma jirto cid u diidi karta inay xaq u leeyihiin inay noqdaan halgamayaasha qarannimada Soomaaliyeed.

Jabkii Daraawiish

Ugu danbayn, 1921kii waxaa halaag kusoo gebageboobay halgan Soomaali gumayste la gasho midkii ugu muddo dheeraa. Waxaa la soo af meeray, kadib markii dhowrkii goobeed ee ugu danbeeyey Ingiriisku adeegsaday diyaarado. Ku dagaalanka diyaaradaha oo ahayd mucjiso ka yaabisay, waxay ku riday argagax. Ugu danbaynna wuxuu hogaamiyihii geesiga ahaa iyo halgamayaashii sooma jeestayaasha ahaa ku af gobaadsadeen:

Coomaadayaal duulayayeey Cadan ka keeneene
Cirkii iyo dhulkii baa is qabsaday cadhadhaqdoodiiye
Adigu ba caqlaad leedehee carar maxaa dhaama!!

Jabkii gaadhay iyo wixii ka dhacay goobihii Daraawiish ku jabtay, ee Duqayntii Taleex ugu danbaysay, waxaa gabay ku sawiray Sayid Maxamed:

“…………

Dingaraaradii nagu dhacdiyo, diiftii nala taartay

Dayuurado gawaankii iyo wixii, nala dul gawriirshay

Waagii dillaaca ba wixii, naga dul meeraayey

Inkastoonu qaar daadinoo, deli ka tuuryeynay

War deexdii baddii Daalo iyo, dalalyadii xeebta

Dulkii aanu joogna ba wixii, nagu duqaynaayey

Dumbuq summuca degalkaan ka kacay, dahab wixii jiifay

Dallaadii bannaanayd wixii, dad iyo maal joogay

Dagal jabay wixii daar burburay, ama bakaar duugmay

 

Duurka iyo hawdkii wixii, duunyo lagu dhaafay

Lo’ durdura wixii na laga dhacay, dalawadii geela

Adhi daad masaalkii ah wixii, na laga sii daayey

 

Nin dooriyo wixii shiikh la dilay, culumadii diinka

Wixii duubcaddii ay wadhnayd, Bixin duleedkeeda

Dooxada Garoowe ah wuxuu, haadku dul u faagay

 

Dirirtii Nugaaleed wixii, na lagu dooxaayey

Wixii diricyadaydii kufrigu, daabaca u qaaday

Duqow iyo dhallaan iyo waxaan, dumar na loo reebin

Maxajabad daboollayd wuxuu, gaal dukhuulaayey

War caadhkii dahaadhnaa wuxuu, dubuq ku siinaayey

Gabdhahay dillaacsheen wuxuu, dhiigu diliq leeyey

Dan la’aan waxay nagu faleen, darab nijaaskeedku

Dubbihii ikhwaankii ku dhacay, dacatigii gaadhay

Dariiqii Rasuulkiyo wixii, diinta laga jiitay

…………………………”

Waxaan qabaa in jabka daraawishtu aanu ahayn mid qasab ah, balse laga fursan karayey, haddii xirfad siyaasadeed oo heer sarraysa la adeegsan lahaa, marxaladda na si sax ah loo qiimayn lahaa. Haddii halganka hubaysani si ka fursan waa ah ku bilowday, kama dhigna inuu si qasab ha kusoo afmeermo, waa sida taariikhdu ina barayso.

Milicsi

  1. Taariikhda Daraawiishta, Aw Jaamac Cumar Ciise, Daabacaddii 1aad, Wasaaradda Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Muqdisho, 1976.
  2. The Mad Mullah of Somaliland, Douglas Jardine, O.B.E (Secretary to the Administration, Somaliland, 1916-21) First edition, London, 1923.
  3. Halgamaa Soomaaliyeed: Abdisabuur Marzuuq, Qaahira, 2009.

W/Q: Maxamed Cabdicasiis Maxamed (Bootaan)
Email: aljas4me@gmail.com
Khartuum, Suudaan
Jannaayo, 2017

Print Friendly

Comments

comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *